Skip to main content

Monday 12 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Saameynta Diidmada iyo Fursadaha Horyaal

30 December, 2025
Image
Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Saameynta Diidmada iyo Fursadaha Horyaal
Share

Geeska Afrika maanta ma aha gobol ku kooban dhibaatooyin maxalli ah ama colaado qabiil oo soo-jireen ah. Waa mid ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan dunida, kana mid ah goobaha ay ku kulmaan danaha quwadaha waaweyn, marinnada ganacsiga caalamiga ah, iyo furinta dagaal siyaasadeed oo aan mar walba rasaas ku dhisnayn. Badhtamaha aaggan xasaasiga ah waxa ku taalla Somaliland; dal aan weli laga aqoonsan golaha Qaramada Midoobay, balse leh juquraafiyad-siyaasadeed oo ay dunidu si weyn u rabto.

Somaliland waxa ay ku taallaa meel ka mid ah xudunta istiraatiijiyadda caalamka: xeeb ku dhow marinka Bab al-Mandab, oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Halkaas waxa mara 10-12% ka mid ah ganacsiga caalamiga ah, shidaalka, cuntada iyo noocyada kala duwan ee ganacsiga iskaga gudba dunida. Sidaa darteed, cid kasta oo saameyn ku yeelata goobtan waxay helaysaa awood dhaqaale, mid amni, iyo mid siyaasadeed. Goobtani waxa ay soo jiidatay quwadaha waaweyn sida Maraykanka iyo Shiinaha, iyo quwadaha goboleed sida Turkiga, Itoobiya,Imaaraatka iyo Masar. Mid walba waxa uu leeyahay dano u gaar ah, kuwaas oo inta badan isdiiddan oo Somaliland ka dhigaya goob ay ishoodu hayso.

Maalintii Jimcaha, taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Diisamber 2025, Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benyaamiin Netanyaahu, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dawladda Israa’iil ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Dhankeeda, Somaliland, waxay si la mid ah u shaacisay in ay aqoonsatay Dawladda Israa’iil. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, ka dib saxeexa heshiiska aqoonsiga labada dhinac, waxaa lagu caddeeyey in labada dal ay iska kaashan doonaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyada, iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo Israa’iil ay qorshaynayso in ay si degdeg ah u ballaadhiso xidiidhka ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Aqoonsiga ay Israa`iil siisay Somaliland waa dhacdo istiraatiiji ah oo beddelaysa miisaankii siyaasadeed ee Geeska Afrika. Israa`iil ma aha dal yar oo aan saameyn lahayn; waa xulafo dhow oo Maraykanka ah, quwad militari iyo tiknoolajiyadeed, isla markaana leh saameyn ballaadhan oo ku fidsan Badda Cas iyo Bariga Dhexe. Tallaabadan ay Israa’iil qaadday waxay Somaliland ka saartay heerkii “dal aan la aqoonsanayn” waxana ay ku soo dartay khariidadda ‘dalalka qayb ahaan la aqoonsan yahay’ oo quwadaha caalamka u leh muhiimad gaar ah.

Sida lagu xusay warbixin uu daabacay Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Israa’iil (INSS), aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland waxa uu dirayaa farriin cad oo gaadhaysa dhowr dhinac. waxa uu marka hore u muujinayaa Maraykanka iyo xulafadiisa Galbeedka in Somaliland tahay dal lamahuraan u ah amniga iyo istiraatiijiyadda mandaqadda. Sidoo kale, waxa uu dalalka ku teedsan Badda Cas u caddeynayaa in juqraafiyadda Somaliland aan mar dambe la iska indhotiri karin ama lagu koobi karin siyaasad ku dhisan dayacaad iyo iska indha-tir, isla mar ahaantaana, waxa uu Soomaaliya tusayaa in siyaasaddii ku dhisnayd xannibaadda diblumaasiyadeed iyo ka hortagga aqoonsiga Somaliland ay gashay marxalad daciif ah oo aan sii socon karin.

Israa`iil danaha ay ka leedahay Somaliland kuma koobna is-aqoonsi siyaasadeed oo keliya. Waxay si toos ah ula xidhiidhaan amniga Bab al-Mandab, la dagaallanka argagixisada, iyo xakameynta saameynta Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ee ku sugan dhanka waqooyi ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Sidaas darteed, Somaliland waxa ay Israa`iil u noqonaysaa saaxiib istiraatiiji ah oo ka miisaan culus dalal badan oo hore loo aqoonsanaa.

Aqoonsigani waxa uu furayaa albaabbo cusub oo istiraatiiji ah: mid diblumaasiyadeed, mid amni, iyo mid dhaqaale. Ha se ahaato e, waxa uu, dhanka kale, kordhinayaa cadaadiska iyo halista ku iman karta Somaliland, maadaama oo ay si buuxda u gashay loollan ay quwado waaweyni ku jiraan oo aan mar dambe qarsoodi ahaan doonin.

Si kastaba ha ahaato e, aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland waxa uu si degdeg ah u kiciyey diidmo siyaasadeed iyo cambaareyn ka timid dalal iyo ururro ay ugu horreeyaan Masar, Turkiga, Jaamacadda Carabta, iyo Midowga Afrika. Diidmadani, in kasta oo ay warbaahinta si weyn uga muuqatay, haddana marka si qotodheer loo eego, waxay inta badan ku koobnayd hadallo iyo qoraallo rasmi ah oo aan ka tallaabsan cambaareyn waraaqeed.

Masar waxay aqoonsiga Somaliland u aragtay mid si dadban u xoojinaya Itoobiya, gaar ahaan marka la eego loollanka ka dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa ee ku saabsan biyaha Webiga Niilka. Masar waxay muddo dheer ka baqaysay in Itoobiya hesho marin badeed iyo xulafo cusub oo ka baxsan xakamaynteeda siyaasadeed, taas oo sare u qaadi karta awoodda istiraatiijiga ah ee Itoobiya ee Geeska Afrika iyo Badda Cas. Sidaas darteed, diidmada Masar kama iman jacayl ay u qabto midnimada ‘Soomaaliya’, balse waxay ka dhalatay cabsi istiraatiiji ah oo ku saabsan isbeddelka miisaanka awoodda ee mandaqadda bariga Afrikan.

Turkigu, dhankiisa, waxa uu u arkaa aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid si toos ah u wiiqaya saamayntii ay Ankara ka dhisatay Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011-kii. Turkigu waxa uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan, waxanu sannadihii u dambeeyey la galay heshiisyo amni iyo kuwo dhaqaale, isaga oo hiigsanaya in uu noqdo quwadda ugu weyn ee ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya iyo, guud ahaan, mandaqadda Geeska Afrika. In kasta oo aanu hadda si toos ah uga hawlgelin badaha Somaliland, haddana marka la eego heshiiska difaaca badda ee uu la galay Muqdisho, waxa laga dhex akhrisan karaa qorshe uu ku doonayo in uu ku yimaaddo xeebahaas. Sidaas darteed, haddii Somaliland noqoto dal la aqoonsan yahay oo si dhow ula shaqeeya Israa’iil, waxay ka dhigan tahay in Turkiga laga saaray mid ka mid ah meelihii ugu istiraatiijisanaa ee uu ku ballaadhin lahaa saamayntiisa Badda Cas iyo marinka Baabal Mandeb.

Jaamacadda Carabtu, sidii caadiga ahayd, waxay raacday mowqifka dalalka xubnaha ugu saameynta badan – gaar ahaan Masar iyo Sacuudi Carabiya – waxana ay soo saartay bayaan cambaareyn ah oo ay ku xigatay “xushmeynta midnimada Soomaaliya”. Si kastaba ha ahaato e, Jaamacadda Carabtu ma laha awood sharci ama mid fulineed oo ay ku joojin karto aqoonsiga Israa`iil ama ku beddeli karto go’aankeeda istiraatiijiga ah. Sida dhacdooyin badan oo hore ay muujiyeen, bayaannada Jaamacadda Carabtu, inta badan, waxay ku ekaadaan warqado siyaasadeed oo aan lahayn saameyn dhab ah iyo isku-raacsanaan run ah.

Midowga Afrika waxa uu, isaguna, muujiyey walaac iyo diidmo, isaga oo ku andacooday mabda’a ilaalinta xuduudihii gumeysigu ka tagay iyo midnimada dalalka xubnaha ka ah. Ha se yeesho e, Midowga Afrika laftiisu waa urur aanay jirin aragtiyo mideeya dalalka xubnaha ka ah oo dhan waxana inta badan ka soo baxa bayaanno rasmi ah oo mabaadi’da guud daaran kaas oo ay hay’addiisa fulintu kaga falceliso arrimaha aan mawqifka laga lahayn. Sidaa awgeed, ma laha awood uu Midowga Afrika ku hor istaagi karo ama wax kaga qaban karo aqoonsi ay bixisay dawlad galaangal lehi, sida Israa`iil. Taariikh ahaan, Midowga Afrika waxa uu, inta badan, noqday goob hadal iyo cambaareyn ku sar go’an, halkii uu ka noqon lahaa hay’ad si wax-ku-ool ah u beddeli karta jihada siyaasadda ee qaaradda.

Marka la eego dhinaca dhabta ah ee awoodda, dalalkan iyo ururradani ma awoodaan in ay qaadaan dagaal diblumaasiyeed oo culus oo ka dhan ah Israa`iil. Sababta ugu weyni waa in Israa’iil ay xidhiidh dhaqaale, amni, iyo mid istiraatiiji la leedahay isla dalalkaas. Masar, tusaale ahaan, in kasta oo ay si rasmi ah uga soo horjeedsatay aqoonsiga Somaliland, haddana ma qaadi karto tallaabooyin diblumasiyadeed oo macne leh iyo kuwo militari oo ka dhan ah Israa’iil. Labada dal waxa ka dhexeeya heshiisyo amni iyo kuwo dhaqaale oo waaweyn oo uu ugu dambeeyay heshiiska gaaska dabiiciga ah, kaas oo ah laf-dhabarta mashruuca tamarta Masar, mana jirto awood ay Qaahira u leedahay in ay halis geliso mashruucaas ay baahida weyn u qabto.

Sidoo kale, Turkiga oo mararka qaar hadallo adag kula hadla Israa’iil, waxa uu xidhiidhkooda dhaqaale iyo ganacsi weli ku taagan yahay dhidibbo adag. Sida ay muujinayaan xogo ay daabacday Qaramada Midoobay, waxa uu Turkigu, sannadkii 2024-kii, noqday dalka shanaad ee Israa’iil u dhoofiya badeecadda ugu badan. Arrintani waxay muujinaysaa in Turkigu uu hadalka siyaasadeed ka sooco danaha ganacsiga iyo kuwa istiraatiijiga ah. Arrintani waxay, sidoo kale, caddeynaysaa in diidmada Turkiga ee aqoonsiga Somaliland aanay ka gudbi doonin heerka cambaareynta hadalka ah iyo bayaanada siyaasadeed ama dhaqdhaqaaqyo aan isbeddel weyn dhalin karin. Si kastaba ha ahaato e, waxaa suurtagal ah in Turkigu isku dayo in uu saameyntiisa mandaqadda u adeegsado habab dadban, oo ay ka mid noqon karaan faragelin gudaha ah ama dhiirrigelinta loollan siyaasadeed iyo amni oo ka dhex dhaca Somaliland, halkii uu ka qaadi lahaa tallaabooyin faragalineed oo toos ah.

Dhanka Maraykanka, in kasta oo uu si gaar ah u danaynayo dekedda Berbera oo uu u arko goob muhiim u ah amniga gobolka iyo xakamaynta fiditaanka Shiinaha, haddana weli si rasmi ah uma caddayn mawqifkiisa ku aaddan Somaliland. Wareysi uu Madaxweyne Donald Trump siiyey New York Post, mar wax laga weydiiyey aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo suurtagalnimada in uu Maraykankuna ku raaco, waxa uu sheegay in aanu xilligan qaadan go’aankaas, balse uu arrinta “si qotodheer u daraasaynayo.” In kasta oo uu hadalkiisu u muuqday mid ka turjumaya taxaddar siyaasadeed, haddana waxa uu muujinayaa in Somaliland ay weli saaran tahay miiska xisaabta ee Washington, gaar ahaan marka la eego doorkeeda istiraatiijiga ah iyo soo jeedinta martigelinta deked ama saldhig militari oo Maraykanku ku yeesho.

Baraarugga ay quwadaha gobolka iyo kuwa caalamkuba u muujiyeen Somaliland ma aha mid cusub, balse waxa uu salka ku hayaa qiimaha juquraafi-siyaasadeed ee dhulkeeda. Imaanshihii DP World ee dekedda Berbera, ballaadhinteedii iyo maalgelintii ballaadhnayd ee lagu sameeyey Dekada Berbera ayaa Somaliland si cad uga soo dhex saaray khariidadda ganacsiga iyo amniga ee caalamiga ah. Sidoo kale, heshiiskii is-afgarad (MoU) ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, sannadkii 2024, waxa uu muujiyey doorka ay Somaliland ku yeelan karto marin-badeedka, ganacsiga, iyo isu dheellitirnaanta awoodda Geeska Afrika.

Aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland waxa uu siinayaa fursad muhiim ah oo ay si xeel dheer uga faa’iidaysan karto dhinacyo badan. Dhanka amniga, Somaliland waxay ka faa’iidi kartaa iskaashi ku salaysan tababar, qalabayn, iyo horumarinta awoodaha ilaalada xeebaha iyo ka hortagga khataraha argagixisada. Dhanka sirdoonka, wada-shaqayn ku dhisan is-weydaarsi xogeed iyo horumarinta nidaamyada dhijitaalka ah ayaa sare u qaadi kara awoodda Somaliland ee la socodka halisaha gudaha iyo kuwa gobolkaba.

Dhinaca dhaqaalaha iyo tiknoolajiyada, aqoonsigan waxa uu Somaliland u furayaa albaab ay ku heli karto maalgelin iyo tiknoolajiyad casri ah, gaar ahaan dhinacyada beeraha, biyaha, caafimaadka, iyo adeegyada dijitaalka ah. Fursadahani waxay xoojin karaan kobaca dhaqaale, isla markaana kor u qaadi kara abuurista shaqooyin. Si ay fursadahani u noqdaan kuwo waara oo midho dhal ah, Somaliland waa in ay si fiiro dheer leh u xoojisaa saddex hay’adood oo laf-dhabar u ah dawladnimada casriga ah: Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo hago diblumaasiyad firfircoon oo miisaan leh; hay’adda sirdoonka, si loo xaqiijiyo amni ku dhisan xog iyo falanqayn la jaanqaada isbeddellada mandaqadda, iyo tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Qaranka, si loo ilaaliyo xasilloonida, amniga, iyo madaxbannaanida qaranka.

Maanta, Madaxweynaha Somaliland waxa horyaalla mas’uuliyad taariikhi ah oo ka dhalatay isbeddellada degdegga ah ee ka socda Geeska Afrika iyo nidaamka caalamiga ah. Waxa hor yaalla fursado aan mar kale si sahlan u soo laaban doonin – dhul juquraafi istaraatiiji ah oo ay quwaduhu ku tartamayaan, dan caalami ah oo sii xoogaysanaysa, iyo albaabbo diblumaasiyadeed oo si tartiib ah u furmaya, isla mar ahaantaana waxa uu wajahayaa khataro dhab ah, sida faragelin shisheeye, cadaadis diblumaasiyadeed, iyo baahi degdeg ah oo loo qabo hay’ado dawladnimo oo adkaysi leh.

Somaliland waa in ay, sidoo kale, u diyaar garowdaa caqabado amni iyo kuwo diblumaasiyadeed oo ka iman kara dalalka diiddan, iyo khataraha suurtagalka ah ee kooxaha xagjirka ahi ku beegsan karaan aqoonsigan oo ay dartii marmarsiiyo uga dhigtaan Somaliland bartilmaameed. Taasi waxay u baahan tahay adkaynta amniga gudaha, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha, iyo dhisidda nidaam sirdoon oo xirfad leh, si loo ilaaliyo xasilloonida dalka.

Haddii si xeelad leh loo maareeyo, aqoonsiga Israa`iil waxa uu noqon karaa dariiq ay Somaliland ugu tallaabsato aqoonsiyo kale, iyada oo ka faa’iidaysanaysa xidhiidhadan cusub, diblumaasiyad firfircoon, iyo tusaale dawladnimo oo shaqaynaya. Arrintani waxay Somaliland ka caawin kartaa in ay ka gudubto marxaladda go’doonka, una gudubto mid ay si buuxda uga mid noqoto nidaamka caalamiga ah, isla markaana u beddesho fursad taariikhi ah oo lagu dhiso mustaqbal qaran oo sugan.