Sunday 18 January 2026
Ka dib markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska, 26-kii Juun, 1960-kii, waxa ay aqoonsi ka heshay 35 dal, oo ay ku jiraan dhammaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Kawdii Julaay, ee 1960-kii, ayaa ay Somaliland ku biirtay Koonfurta Soomaaliya. Ka dib toban sanno oo halgan ah, Somaliland waxa ay ka baxday midawgii, waxaanay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii.
Ka dib kolkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya duntay bilawgii 1991-kii, dhammaan beelaha Somaliland waxa ay si iskood ah u galeen dib-u-heshiisiin iyo wadahadallo, waxa la joojiyey dagaalladii, ugu dambayna waxa la unkay dawlad dimuqraaddi ah oo beelaha oo dhan matasha. Muddadii u dhaxaysay sannadihii 1991-kii iyo 1997-kii, waxa la qabtay toddoba shir nabadeed, oo ka dhacay dhammaan dhinacyada Somaliland, dhammaan go’aannada udub-dhexaadka ahna kolka laga reebo doorashada madaxweynaha waa la isku waafaqay. Jidka nabadda iyo dawlad-dhiska ee Somaliland waxa gebi ahaanba hagayey muwaaddiniinta dalka, iyada oo aanay jirin faragelin dibadeed oo lagu sameeyey siyaasadda.
Sidan cagsigeeda, Soomaaliya waxa ay noqotay meel lagu tijaabiyo hoggaanka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabad ilaalinta iyo dawlad-dhiska wixii ka dambeeyey Dagaalkii Qaboobaa. Ka sokow in faragelin dibadeed oo xooggan lagu sameeyey geeddiga Soomaaliya, haddana dedaallada badan ee lagu bixiyey dhisidda dawlad sharci ah oo lagu noolaan karo waxa ay ku soo dhammaadeen guuldarro. Laga soo bilaabo lixdanaadkii qarnigii tagay, sannadkan ayaa noqday kolkii ugu horraysay ee doorashooyinka dawladaha hoose laga qabto Soomaaliya, weliba ah doorashooyin ku kooban caasimadda, mucaaradkuna waa ay qaaddaceen. Tubtan si ka duwan, laga soo bilaabo 2001-dii, Somaliland waxa ay qabanaysay doorashooyin daahfuran, oo xisbiyo badan, si nabad ahna lagu la kala wareegay maamulka.
Bilawgii 2024-kii, waxa la shaaciyey Is’afgarad dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo Itoobiya la siinayo jid ay ku gaadho badda, halka Somaliland-na taas loogu beddelayo aqoonsi rasmi ah. Is’afgaradkani waxa uu dib u soo nooleeyey rejadii aqoonsiga, iyadoo xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuurigu shaaciyeen taageeradooda Somaliland. Waxa xusid mudan, in 14-kii Ogos, uu senetarka Maraykanka ah, Ted Cruz, uu soo saaray warsaxaafadeed uu madaxweyne Trump ku dhiirrigelinayo aqoonsiga Somaliland. Cruz waxa uu aaminsanyahay in aqoonsiga Somaliland, oo isbahaysi dhawna la ah Taywaan, uu yahay arrin dardar gelinaya waajihidda awoodda Shiinaha ee ku fidaysa gobol muhiimaddiisa jiquraafi-siyaasadeed sii kordhayso. 26-kii Diisambar, 2025, Israa’iil waxa ay noqotay dawladdii ugu horraysay ee aqoonsatay Somaliland, iyadoo Raysalwasaaraheedu Binyaamin Netanyaahu shaaciyey in ay Somaliland ku biirtay Heshiiska Ibraahiimiyada.
Aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland waxa ay ka dhigantahay jiho cusub oo tilmaamaysa suurogalnimo la’aanta in Somaliland dib uga laabato dedaalkeeda aqoonsi raadiska.
Inkaste aanu weli si faahfaahsan u caddayn heshiiska Israa’iil iyo Somaliland, haddana waxa iska cad in tallaabada Israa’iil aanay ahayn in Somaliland lagu abaalmariyo dedaalkeeda dimuqraaddiyadeed. Waxa ay u badan tahay, in tallaabada Israa’iil ay khasbeen qodobbo jiquraafi-siyaasadeed oo la taaban karo, sida in ay saldhig ka hesho Somaliland, oo u suurogaliya waajihidda weerarka ay ku wadaan Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto. Sidoo kale, waa tallaabo la jaanqaadaysa tartan heerkiisu Xuutiyiinta dhaafsiisan yahay, xilli awoodaha caalamiga ah iyo kuwa gobolkuba mudnaanta siinayaan loollanka amni iyo ku fidinta awooddooda meel ka baxsan xuduuddooda.
Suurogal ma aha in la dafiro qiimaha istaraatiijiyadeed ee Somaliland. Waxa ay ku taallaa Geeska Afrika, waxa ay haysataa xeeb 800 kiiloomitir ah, waxaanay leedahay kaydad shidaal oo la hubo iyo macdano dhif ku ah dunida. Walow ay Soomaaliya dhaleecaysay tallaabada Israa’iil, kuna tilmaantay wax xadgudub ku ah madaxbannaanideeda iyo xeerka caalamiga ah, haddana waxa ay heshiis shidaal baadhis ah la gashay Turkiga, waxaanay marti gelisaa saldhig muhiim ah oo Turkigu leeyahay. Sida ilo Somaliland ahi xuseen, waxa la filayaa in dalal kale jidka Israa’iil qaadaan, oo ay aqoonsi rasmi ah siiyaan Somaliland. Marka laga yimaaddo in aanu Maraykanku soo saarin wax baaq ah oo rasmi ah, haddana wafdi milatari iyo diblumaasi isugu jira ayaa hadda ku sugan Somaliland, horena waxa uu Maraykanku u muujiyey in uu danaynayo in uu magaalada Berbera ka hirgeliyo saldhig milatari.
Qaar ka mid ah dadka faallaynayaa waxa ay ku doodeen in aqoonsiga Somaliland uu gilgilayo xasilloonida Geeska Afrika, sidoo kalena, uu wiiqayo dedaalladii argagixiso la dirirka, oo uu dhiirrigelinayo dhaqdhaqaaqyada goonni u isu taagga ee gebi ahaan qaaradda, oo aanu si togan uga qayb qaadanayn horumarka Somaliland. Hase ahaatee, doodaha sidan ahi kuma salaysna abla’ablayn qotodheer. Waxa jira dalal dhawr ah oo Carab iyo Islaam ba leh oo ka mid yihiin Sacuudiga, Masar iyo Urdun, oo xidhiidho dhaqaale iyo diblumaasiyadeed oo adag la leh Israa’iil, iyada oo aan taas xagjirnimo ka dhalan.
In aanay kooxaha al-Shabaab iyo Daacish ka jirin Somaliland waa caddayn weyn oo tilmaamaysa jiritaanka dawlad tayo leh, xitaa haddii aanay aqoonsi haysan. Intan waxa dheer in Ururka al-Shabaab uu haysto qaybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, arrinkan oo khasbaya in aanay Soomaaliya tallaabo adag kaga jawaabi karin aqoonsi uu Maraykanku Somaliland siiyo ama taageero uu u muujiyo tallaabada Israa’iil ay qaadday.
Walow ay Soomaaliya dhaleecaysay tallaabada Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, kuna tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo xeerka caalamiga ah, haddana waxa ay heshiisyo janjeedha la gashay Turkiga, waxaanay marti gelisaa saldhig muhiim ah oo Turkigu leeyahay.
Runtii, Muqdisho ma hayso awood ka baxsan in ay soo saarto dhaleecaymo. Ugu dambayn, doodda ah in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigelin doono dhaqdhaqaaqyada goonni isu taagga ah ee dhammaan dhinacyada Afrika ka jira, waxa ay iska indho tiraysaa in Somaliland ay haysatay aqoonsi sharci ah ka hor intaanay ku biirin Soomaaliya. Dhinaca kale, aqoonsiga Somaliland la siiyaa waa iyada oo la soo celinayo uun xuduuddii maamulka gumeysigu ka tagay, qodobkan oo Somaliland ka dhigaya xaalad sharci oo jaadgoonni ah.
Ma aha wax qarsoon in Somaliland ay istaraatiiji ahaan la safatay Taywaan, Maraykanka iyo Israa’iil, oo ah arrin cadho galiyey Shiinaha. Falanqeeyayaasha qaar waxa ay xaqiijiyeen in Shiinuhu hore ugu dedaalay khalkhal gelinta xasilloonida Somaliland isagoo weerarkiisa ku sababaynaya in Somaliland la safantahay Galbeedka. Dhawaan, Turkiga, Masar iyo Jabbuuti waxa ay shaaciyeen in ay taageero xooggan u hayaan Soomaaliya, iyaga oo dhaleeceeyey tallaabada Israa’iil. Waxa suurogal ah, in Muqdisho isku daygeeda ugu dambeeya ee dani ku baddayga ahi noqdo in ay kala qaybin ka abaabusho gudaha Somaliland. Jabbuuti, oo wax kooto u eg ku haysata ganacsiga soo dejinta iyo dhoofinta ee Itoobiyada boqolka milyan kor u dhaaftay, waxa ay caqabad weyn oo istaraatiijiyadeed kala kulmaysaa Somaliland oo la aqoonsado. Waxa intan dheer in Jabbuuti ay awood ku leedahay cidhifka galbeed ee Somaliland, oo ay beesha Ciise deggantahay, siyaasadda Jabbuutina kaalin hoggaamin ku leh.
Waxyaabaha Somaliland ka dhigaya goob soo jiidasho leh waxa ka mid ah goobta ay juquraafi ahaan ku taallo, iyo in ayna dhulkeeda ka jirin kooxaha xagjirka ah ee al-Shabaab iyo Daacish oo ay iyadu ka wada taliso.
Aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland waxa ay ka dhigantahay jiho cusub oo tilmaamaysa suurogalnimo la’aanta in Somaliland dib uga laabato dedaalkeeda aqoonsi raadiska. Sidaas oo ay tahay, Somaliland waxa ay wajahaysaa caqabado wakhtiga dhow ah iyo kuwo wakhtiga fog ahba, oo jaangoyn doona qaabka uu noqonayo sahanka ay ku baadigoobayso aqoonsigeedu. Wakhtiga dhow kolka la eego, Somaliland waxa ku waajib ah in ay si qotodheer isugu dheellitirto aqoonsiga diblumaasiyadeed iyo iska joojinta faragelin dibedeed oo colaad wadata. Qorshaha fog marka la eegana, waa in ay u diyaar garawdo waajihidda colaadda Shiinaha. Shiinaha iyo Ruushka oo Golaha Ammaanka xubno joogto ah ka ah, waxa laga filayaa in ay adeegsadaan codka diidmada qayaxan (veto power), oo ay kaga soo horjeedaan in Somaliland aqoonsi rasmi ah ka hesho Qaramada Midoobay, xitaa haddii dalalka saamaynta leh, sida Maraykanka iyo Ingiriisku maraan jidkaas Israa’iil, oo ah wax qaar ka mid ilaha xogta Somaliland ay saadaalinayaan dhawaan.