Sunday 18 January 2026
26-kii Diisamber 2025, Somaliland waxa ay aqoonsi ka heshay Israa’iil oo noqotay dawaladdii koowaad ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland. Go’aankaas oo ay xukuumadda Somaliland si weyn u soo dhawaysay waxa uu dhaliyey dareenno kala duwan. Gudaha Somaliland, waxa ka bilawday dabbaaldegyo, waxaanay ahayd soo dhaweyn ay ka midaysnaayeen xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, ururrada iyo qaybaha kale ee bulshada, sida culimada, waxaana la arkay Somaliland oo isku duuban oo, dareen ahaan, mid ah.
Dhanka kale, tallaabadani waxa ay filanwaa ku noqotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xasan Sheekh oo, hal maalin uun ka hor aqoonsiga Somaliland, Muqdisho ku qabtay doorasho hal dhinac ah oo uu ku rabay dhibco siyaasadeed, isla markaasna ay mucaaradku qaadaceen, ayaa la arkay in uu ku hanbabaray dhacdadan waxaanu bilaabay wadatashiyo uu la yeeshay mucaaradka oo ay si weyn ugu kala aragti duwanyihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo hannaanka loo gelayo doorashada. Waxa kale oo uu kulamo la yeeshay xubno, deegaan ahaan, ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee labada aqalka iyo xukuumaddiisa.
Intaas ka dib, Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisu waxa ay bilaabeen in ay dibedda u diraan taleefoonno xuuraan iyo qaylo-dhaan isugu jira waxaana warbaahinta, gaar ahaan midda dawladda federaalka, lagu arkay dhawr dal oo ay khadka taleefanka ka wada xidhiidheen. Wixii intaas ka danbeeyey, waxa uu bilaabay in uu safarkii koowaad ugu baxo Jabbuuti oo uu, iyana, u sii dhaafay Istanbuul oo ay hore ugu ballansanaayeen shaacinta ceelal shidaal oo Turkigu ka helay gudaha Soomaaliya, isla markaasna la filayo in uu bisha Feebarwari ee 2026-ka bilaabo qodistooda.
Innaga oo dhacdooyinkaa ka dhinbiil qaadanayna, waxa aynu qormadan dhexdeeda si kooban ugu eegi doonnaa aqoonsigani waxa uu uga dhigan yahay Somaliland. Sidoo kale, qaybaha danbe ee qoraalkan waxa aynu wax ka xusi doonnaa saamaynta uu go’aankan diblumaasiyadeed uu ku leeyahay dalalka sida adag uga horyimid, gaar ahaan Jabbuuti, Masar, Turkiga, iyo guud ahaan waaqica siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Halkan, sooyaalka Somaliland waxba ka odhan mayno. Malahayga uma baahna in laga warramo, maxaa yeelay 34-kii sanno ee u danbeeyey Somaliland waxa ay si walba u muujisay doonisteeda ku aaddan sidii ay u noqon lahayd dal leh sharciyad buuxda oo ka tirsan dalalka dhawran. Waxa kale oo ay muujisay sida ay uga duwan tahay dalkii ay midoobeen shalay. Somaliland, tan iyo kolkii ay ku dhawaaqday in ay la soo noqotay madaxbannaanideedii, waxa uu codkeedu ahaa mid aan meel dheer gaadhin. Haddaba, su’aasha iswayddiinta mudan waxa ay tahay aqoonsigan oo ah kii koowaad ee ay hesho, tan iyo waagaas, muxuu uga dhiganyahay?
Kolka loo kuur galo xidhiidhada dibedda ee ay Somaliland samaysay, gaar ahaan intii danbe, waxa muuqanaysa kol kasta oo ay iskaashi iyo xidhiidh macne leh ay samayso in ay si tartiiba u fananaysay sallaanka saaxadda siyaasadda ee caalamiga ah, kolkaas baa codkeeda iyo dooddeedu noqonayeen mid la maqli karo loona wada jeedo. Tusaale, xidhiidhkii iyo iskaashigii ay la yeelatay Imaaraadka waxa ka dhashay in Shirkadda DP World oo dalkaas laga leeyahay ay Berbera ku maalgeliso 442 milyan oo dollar taas oo sababtay ku soo hirasho. Waxa la mid ah xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ay Taywaan la samaysay oo isna raadayntiisa yeeshay.
Sidaas kolka ay tahay, go’aankan siyaasadeed waxa la filayaa in uu sii ballaadhiyo fursaddeeda go’doon ka baxa oo uu kor u qaado kanshada ay ku heli karto aqoonsi buuxa, waxaanu u furi karaa albaabo ka xidhnaa oo ay ku samayso galaangal iyo iskaashi. Si kooban, Somaliland waxa uu ka dhigi karaa awood muuqata oo qayb ka ah loollanada jiyo-siyaasadeed. Dhanka kale waxa uu xanbaarsanyahay khataro gudeed iyo kuwo dibedeed oo ay kala kulanto waddamada sida adag uga horyimid aqoonsigan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Hakaan Fidaan, waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in ay ka hawlgaleen sidii aanay dalal kale u aqoonsan lahayn Somaliland, sidoo kalena ay mustaqbalka uga hortagayaan in ay taasi dhacdo.
Waxa la filayaa in Soomaaliya iyo Jabbuuti, oo kaashanaya saxiibbadooda, ay arrintan kaga jawaabaan cadaadis amni iyo mid dhaqaale oo ay Somaliland saaraan, waxaana taas sii caddaynaysa qudbad uu jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 8-dii Jeenaweri 2026 oo ku gooddiyey in ay ka samaynayaan wax kaste oo suuragal ah oo lagu baajinayo aqoonsiga Israa’iil. Arrimahan oo dhami waxa ay muujinayaan caqabadaha ku gedaaman ictiraafka Somaliland.
Goobta ay Somaliland ku taal, juquraafi ahaan, waa mid muhiim ah. Sidaas awgeed, go’aankan siyaasadeed keliya saameyn kuma laha Soomaaliya oo sheegata in ay Somaliland ka tirsan tahay dhulkeeda e, sidoo kale waxa uu taabanayaa dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Jabbuuti, Masar, iyo Turkiga oo joogitaan xoogan ku leh Muqdisho. Jabbuuti oo Caasimaddeedu ay xadka Somaliland ee Lawyo-caddo u jirto wax ka yar 15 Km, Somaliland waxa ay ula muuqataa mid cidhiidhi gelin karta dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, labadaba, dhanka dhaqaalaha kolka laga soo akhriyo xagasha loollanka dekadaha, Jabbuuti waxa ku tiirsan Itoobiya, sidaas awgeed Dekadda Berbera waxa ay noqon kartaa beddelka iyo tartamaha ugu weyn. Xagga siyaasadda haddii aynu ka fiirino, Jabbuuti nidaam ahaan waa kelitalis, tan iyo intii ay xorriyadda qaadatayna, sannadkii 1977-kii, waxa soo maray labo madaxweyne oo keliya, halka ay Somaliland tahay dimuqraadi si furan loogu tartamo awoodda oo ay taladeeda u kala dambeeyeen lix madaxweyne ilaa 1991-kii.
Dhanka kale, Masar oo la arkayey in ay safka hore kaga jirto diidmada aqoonsiga Somaliland una janjeedha midnimada waxii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa riixaya dano aan ka dhicin kuwa Jabbuuti oo ay ka leedahay Geeska Afrika iyo Baab al-Mandab oo ah marin ganacsiyeed oo xasaasi ah. Masar waxa ay haysaa furaha kanaalka Suways oo uu maro 10% ganacsiga adduunku. Ishan dhaqaale oo ay ku tiirsantahay ka sakow, kanaalku waxa uu u yahay awood saamayneed oo ay ku geli karto gorgortan, sidaas awgeed awoodo kale oo aaggaas soo dega, tusaale ahaan Israa’iil, kana samaysta saldhigyo ciidan oo sameeya dhaqdhaqaaqyo korjoogtayneed, sida ay ka werwersan tahay, waxa ay ku tahay halis Istiraatiiji ah. Tusaale, bishii Abriil ee sannadkii 2025 madaxda Masar iyo Jabbuuti waxa ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in amaanka Badda Cas ay sugi karaan oo qudha dalalka kulaalayaa.
Dhanka kale, Masar oo ay Itoobiya isku hayaan biyo-xidheenka GERD oo uu Abiy Axmed xadhigga ka jiray 9-kii Sebtember 2025, waxa ay ka cabsi qabtaa awood kale oo saaxadda loollanka ku soo biirta, oo dheellitir ku samaysa loollanka gobolka.
Sida ay tibaaxayaan dadka u dhuun daloola Geeska Afrika, Turkigu waxa uu qaddiyadda Somaliland ee goonni noqoshada ka leeyahay aragti cad. Xisaabta uu hore isugu dhufsaday ayaa ahayd in uu Soomaaliya iyo Somaliland isu keeno oo mideeyo, isu keenistoodana uu ku helo dhibco siyaasadeed, dabadeed uu noqdo dalka keliya ee wax laga wayddiiyo. Tallaabadan oo uu kala kulmay faro madhan, ka dib kolkii ay guuldarraysteen wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa, waxa uu u jihaystay in uu xoogga saaro heshiisyo maalgashi oo dheeftoodu u janjeedho dhankiisa. Sidaas awgeed, Somaliland oo aqoonsi hesha, martigelisana awoodo kale waxa ay khalkhalin kartaa xisaabaha Istiraatiiji ee Turkiga u degsan oo dhan.
Ugu danbayn, Somaliland waxa ay qaadatay go’aan diblumaasiyadeed oo lagu tilmaami karo mid dhiirran oo leh saamayn ka baxsan muranka qaddiyadeed ee ka dhexeeya iyada iyo Soomaaliya. Arrintaasi waxa ay lamahuraan ka dhigaysaa in ay si xeel dheer u qiimayso tallaabooyinkeeda, oo aqoonsigeedu aanu noqon mid ku kooban hal dal e, taas beddelkeeda ay baadi goobto dalal kale oo garawshiiyo ka bixiya qaddiyadeeda. Waxa ay, sidoo kale, u baahan tahay xirfado diblumaasiyadeed oo dheeri ah oo ay ku yareyn karto welwelka ay dalal badani ka qabaan soo-bixitaankeeda daleed, dhan sharci iyo dhan siyaasadeedba. Dalalka qaar waxa ay cabsi ka qabaan in ay gobollo ka mid ahi ay qaadaan jidka gooni-u-goosadka, taas oo Somaliland uga baahan in ay u suuqgeyso sharciyadda qaddiyaddeeda si ka duwan sida loo galinayo dunida oo ay caddeyso sida ay uga duwan tahay dhammaan gobollada raba in ay ka go’aan dalalkooda, iyada oo cuskanaysa sooyaalka siyaasadeed iyo madmadowga sharci ee midowgii ay la gashay Soomaaliya, 1960-kii, isla markaana xiganaysa dhacdooyinkii dalalkii isku biiray gumeysiga ka dib ee dib u kala noqday. Somaliland arrinteedu waa ka noqosho midnimo shaqeyn wayday ee ma aha ‘goosasho’.
Dhanka kale, waxa ay Somaliland u baahan tahay in ay si waxtar leh oo looga qaateen ah ugu muujiso dalalka, keliya, qaba cabsida dhaqaale iyo amni in aanay halis ku ahayn danahooda oo ay la yeelan karto wada-shaqeyn la mid ah dalalka ay saaxiibka yihiin, iyada oo ku dhaqmaysa mabda’ deris wanaagga iyo dano wanaagga, arrintaas oo ah mid ah soo tijaabisay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay oo maraggeeda leh.