Saturday 15 March 2025
Falsafadyahankii Socrates waxa laga weriyaa hadal caanbaxay oo ah: “Waxa kaliya ee aan ogahay waa in aanan waxba aqoon”. Waa hadal uu ugu quusgoynayo sheegashada aqoonta, oo ku caddaynayo in sheegashadaas lafteedu tahay salka aqoondarrada. Waxa kale oo laga hayaa “Naftaada isbar”. Waxa uu aaminsanaa in aqoontu wax lagu hirto tahay, aqoondarraduna hoosayn iyo liidasho. Falsafadyahankii kale ee Plato, waxa uu aqoondarrada u arkay in ay sees u tahay xumaan oo dhan. Labadan nin gadaashood, falsafadyahanno badan baa isku dayay in ay qeexaan aqoonla’aanta, qaybaheeda abla’ableeyaan oo ay kala soocaan noocyadeeda. Waxa ay isku dayeen in ay xadidaan saamaynta aqoondarrada ee bulsho iyo siyaasadeed, waxaanay bedka keeneen qaababka bulshadu uga takhallusi karto aqoonla’aanta, oo ay uga fogaan karto raadadka xun ee ay nolosha ku leedahay.
Diraasado badan oo ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in aqoondarrada sababteeda u weyni tahay wax akhris la’aanta iyo wax qorid la’aanta, dadka oo aan xiiso u qabin aqoon korodhsi, maskax xidhnaan iyo qaadashada aaminaado khaldan oo aan laga baaraandegin. Sababahan ka sokow, waxa jiri karta aqoondarro si ku talagal ah bulshada loogu abuuray, laguna baahiyey, iyada oo laga dan leeyahay gaadhidda ujeeddooyin gaar ah, sida kuwo ganacsi. Qaabkan dambe waxa uu ku suuroobi karaa iyada oo dhinacyada qaar u badheedhaan luminta ra’yiga guud, sidaasna loo dejisto habab iyo jidad lagu gaadho yoolkan. Taariikhyahanka reer Ingiriis ee Peter Burke, buuggiisa “Aqoondarrada: Sooyaalkeeda iyo Xagal Caalami ah”, waxa uu aaminsanyahay in aqoonla’aanta ka dhalata wacyi la’aani aanay ahayn mid mudan baadhid iyo u kuurgal, se aqoondarrada la faafiyaa tahay ta u baahan diraasaynta. Waxa uu buuggiisa ku qaadaadhigayaa qaybaha aqoondarradan iyo dhibaatooyinka ay keento. Waxa uu dib u raacayaa sooyaalka dheer ee aqoondarrada, waxaanu diraasaynayaa saamayno ay xilliyo kala duwan yeelatay aqoonla’aantaas badheedhka ah ee dadka lagu dhex faafiyey.
Carabtu muddadii Islaamka ka horraysay waxa ay u yaqaanneen “Xilligii Jaahiliga”, dad kalena waxa ay Qarniyadii Dhexe u yaqaanneen “Qarniyadii Mugdiga”. Xilligii Baraarugga, aqoonla’aanta waxa loo arki jiray seeska kelitalisnimada, aaminaadda indhobeelnimada ku dhisan iyo khuraafaadka, waana waxyaabaha la rabay in laga takhalluso casrigii fekerka iyo maangalnimada. William Beveridge waxa uu aqoonla’aanta ku tirin jiray shanta waxyaalood ee halista ku ah aadamaha; aqoondarrada, saboolnimada, cudurrada, musuqmaasuqa iyo shaqola’aanta. Xilligeenan, waxa dunida ka jira aqoon u gaar ah oo lagu diraaseeyo jahliga iyo dhaqamada keena aqoondarrada (Agnotology). Waxa la diraaseeyaa hababka kala duwan ee loo abuuro marinhabaabinta iyo aqoondarrada, loona faafiyo. Tani waxa ay ka dhigantahay in aqoondarradu aanay meel cidlo ah ku samaysmin, se saamayno bulsho iyo siyaasadeed leeyahay. Aqoontani waa hab lagu baadho sida loo abuuro aqoondarrada, habab kala duwanna loogu faafiyo, iyada oo laga dan leeyahay gacan ku dhigidda masiir bulsho iyo awoodaheeda. Aqoondarrada waxa lagu faafin karaa in la baahiyo xogo u eg aqoon, se marinhabaabis ah, lana dhexmariyo warbaahinta iyo dhuumaha kale ee nidaamyada siyaasadda iyo shirkadaha waaweyni wax dhexmarsadaan.
Faafinta aqoondarradu waxa ay kaalin ka qaadatay guusha waxyaalo marar kala duwan lasoo saaray, sababtoo ah aqoondarradu waa agab awood leh oo aan la jabin ilaa la lafaguro nidaamyada iyo dhuumaha aqoondarrada baahiya, ra’yiga guudna luminaysa, oo la dabagalo istiraatiijiyadaha marinhabaabinta. Waxa kale oo lagu loodin karaa shaki gelinta kalsoonida arrimaha ay sheegayaan jihooyin cayiman, u kuurgalka wararkooda iyo ilaalinta warbaahinta u badheedhaysa luminta wacyiga dadka.
Sida cad, diraasaynta lagu bixiyey fahanka aqoondarrada, aqoonta lafteeda laguma bixin. Qarniyo badan, si gaar ahna waxii ka dambeeyey qarnigii 18aad, jahliga waxa lagu sameeyey diraasado xeeldheer. Waxa ay soo bandhigeen in si qotodheer looga fekero waxa aqoondarro lagu tilmaami karo, iyo in si gaar ah loo tixgeliyo kala duwanaanshaha goobaha iyo xilliyada, sidaas darteed, waa in aynnu marka hore si wanaagsan uga baaraandegno ka hor intaynnaan dhaqan ama xilli bulsho noolayd jahli ku tilmaamin.
Casrigan aynnu noolnahay, dadku waxa ay waxbarashada ka dhigteen jidka ay ku hagaajiyaan noloshooda iyo in ay maqam sare oo bulshada dhexdeeda ah ku helaan. Sidaas oo ay tahay, waxa ay iska indhotiraan asalka aqoonta iyo shaqadeeda, oo dadkaasi waxa ay ku raadaysanyihiin dhinacyada kala duwan ee nolosha. Dadkaasi weli waxa ay u dabranyihiin dhaqamo iyo fekrado khaldan oo soo jireen ah. Aqoontu, waa seeska horumarka bulshada, qofkana waxa ay ku kaalmaysaa in uu yeesho qiyam uu wax badan oo wanaagsan ku qaban karo, horumar dhaqaale iyo bulshana ku samayn karo. Aqoontu waxa ay qofka u xorraysaa maankiisa, waxaanay siisaa awood uu si madaxbannaan ugu fekeri karo una dhaqmi karo. Qofku waxa uu kala sooci karaa xaqiiqada iyo mala’awaalka aan salka lahayn. Intaasba lidkeed, aqoonla’aantu waxa ay qofka ka tirtaa awoodda go’aan qaadasho iyo in uu si madaxbannaan u dhaqmo. Horumarkiisa iyo hore u socodkiisa ayaa ay caqabad ku tahay.
Waxa jira waxyaabo badan oo tusayaal u ah aqoondarrada imika bulshooyinka ku dhex faafta. Waxa ka mid ah isla dhexmaridda wararka beenta ah. Ma cusba in warar been ha la baahiyo oo waa wax qarniyo soo jiray. Faafinta wararkaasi waxa ay kor u qaaddaa isfahanwaaga iyo in tallaabooyin aan habboonayn la qaado. War been ah oo qofi rumaystay ayaa sababi kara in uu ku dhaqaaqi karaa waxyaalo natiijooyin khaldan yeesha. Wararka hadda taagan ee lasoo qaadan karo waxa ka mid ah wararka la xidhiidha isbeddelka cimilada.
Waxyaalaha aqoonta wax ka beddelay waxa ka mid ah dhaqdhaqaaqa dumarnimada. Muddooyinkii hore, raggu waxa ay iska dhegomarin jireen aqoonta dumarka, kalsoonina kumay qabin aqoon dumar, oo waxii aan raggu aqoon may aqoonsanayn. Yurub, bilawgii casriga cusub, waxa jiray dhaqdhaqaaqyo dhiirrigeliya in dumarka aan la barin waxyaabaha qaarkood. Aqoonyahanka antaraboolajiga laftoodu muhiimad may siinin kaalintii dumarku ku lahaayeen dhaqamo iyo xaddaarado badan. Ka dib dumar ku biiray majaalka antaraboolajiga ayaa wax badan beddelay, oo galdaloolladiina buuxiyey. Maria Reiter, oo ahayd aqoonyahanad antaraboolajiga ah ayaa ku doodday in raggu iska dhegotiray kaalintii dumarku ku lahaayeen samaysanka sooyaalka, iyaga oo ahaa boqorado, wadaaddo, aqoonyahanno iyo qaybaha kale oo bulshada ah.
Buugga Peter Burke waxa uu kusoo beegmay xilli loo yaqaan xilliga xogta, oo bulshada aqoontu aanay u dabranayn dabaqadaha sare, ee cid kastaaba aqoon heli karto. Arrinkan laftiisu waa wax u baahan u fiirsasho. Waxa aqoon ama xikmad la odhan karaa waa nisbi ku xidhan wakhtiga iyo goobta la joogo. Waa xilli ay aad u faaftay aqoonta khaldan, aaminaadaha aan salka lahayn, wararka beenta ah iyo xaqiiqo iska indhotirka qofku doorto. Aqoondarradu mararka qaar waa ikhtiyaar qofku doorto oo ah teed uu iskaga xijaabo in uu waxa saxda ah ogaado, isaga oo iska dhaadhicinaya in waxaasi aanu waafaqsaneyn aaminaaddiisa iyo aydhiyoolajiyadda uu ka qanacsanyahay. Sidaas darteed, jahligu markan waa teed uu qofku iskaga qabto in uu wax cusub ogaado.
Waxaa laga soo turjumay halkan.