Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Sheeko

Aniga Dhib Lee Miyaa La ii Abuuray

15 August, 2025
Image
Aniga Dhib Lee Miyaa La ii Abuuray
Share

Waa Sacdiyo oo da’deedu ay tahay 16 jir. Sannadku waa 1991-kii. Magaaladuna waa Xamar. Xaalka waqtiyadaas Xamar ku sugnaydna waa aynu qiyaasi karanyaa. Waxaa inagaga filan in aynu ku soo koobno waa goob uu dagaal-sokeeye oo ba’ani ka socdey. Afka uun baa ereyga “dagaal-sokeeye” iska bartaye sokeeyuhu madaafiic iyo hoobiyeyaal isuma quudho. Haddii si dhab ah loo tilmaamo wixii Xamar iyo meelo kale oo gobollada Koonfureed ee dalka  ka socdey waxa ay ahaayeen dagaallo aan wax la isu reebanayaa iyo wax la xeerinayaa midkoodna aanu jirin. Dagaal cadaawe xitaa waa ay ka sii xumaayeen. Waayo mararka qaarkood dadka isu cadowga ahi xeerarka caalamiga ah oo qabanaya aawadeed, baa laga yaabaa in ay waxyaalaha qaarkood ka sarriigtaan.

Jug weyn baa dhacday. Waxa ay qiyaastay in aanay meel durugsan ahayn halka wax ka dhaceen. Waa ay hubtaa in jihada ay sanqadhu ka baxday ay tahay dhankii uu gurigoodu ku aaddanaa. Waa uun jugtii ay beryahaabadhegaheedu maqli jireen. Belo u gaar ah ma aanay filan, haddana dareenka-lixaad wax buu u sawiray. Wax welwel ku abuuray baa uurkeeda ku hirdamayey, haddana waa ay iska adkaysatay. Waxa ay isku qabatay in ay safkii ay cajiinka ugu jirtey ka baxdo oo gurigii degdeg ugu noqoto iyo in kale. Gabdhihii kale ee safka kula jirey bay wejiyadooda dhugatay. Waaba ay iska buuqayaan oo wax aragagax ah ama dareen welwel loo filan karo, midna jaahooda kama ay dheehan. Shaydaanka bay iska naartay. Safkeedii bay iska iimaansatay. Haddana, waa u ahaan-weydey. Iyada oo aan weli go'aan dhanka maskaxda ah gaadhin baa dareenkii qalbigu uu hagay. Waxa ay is aragtay tiiyoo bannaanka taagan. Hareeraheeda bay daymootay, mise waa keligeed. Dad yaacaya oo is weydaaranaya oo argagaxsan bay haddana meel ka yara durugsan ka aragtay. Illin baa kasoo qubatay. Orod bay cagaha wax ka dayday. Agagaarkii gurigooda qiiq iyo uuro ayaa ku gedaaman. Buuqa iyo sawaxanka dadkuna marba marka ka sii danbaysa waa uu isa soo tarayaa. Iyada oo aan dheg la qabto lahayn bay dhawr luuq soo weydaaratay. Marka ay dhanka gurigooda u soo dhowaataba garaaca wadnaheedu waa uu sii xoogaysanayaa. Eeddo Mako ayaa aragtay. Waa ay ku soo haadday oo garbaha iskaga duubtay!

"Samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga siiyo. Saas lee ina wada sugeeyso. Qofna saacaddiisa ma dhaafaayo. Qof la arko Ilaahaa uu qaddaray geerida. Aar Xamaraa! Intee ka aadnaa. Saan camal aan beri la arko, madfac la soo gamay aas cid masaakiin ah u baabi'inaa!"

Markaas bay haddana iyada oo hadalkii sii wadda tiri

"adilee guriga ka maqnaa maahinoo!"

Dad badan baa halkii ay Sacdiyo taagnayd ku soo ururay.

"Alxamdu, Al-shukru, Ilaahaa noo kasay." Mid kalaa yiri, "Dab munaafiq shiday, muuminaa ku gubta, tan camal lee maahinoo." Qaar kale baa lahaa iyaga oo isu markhaati furaya "gurigii reer Yariisoow, isna hoobiyaa ku soo dhacay."

Dadkani iyaga uun baa iska daldalmayee, Sacdiyo, waxa uu shiishku u saaran yahay oo ay ku dhaygagsan tahay — waa burburkii hadhaadiga gurigooda. Inta ay dadkii ka farobaxsatay, bay abbaartay meeshii ay qiyaasaysay in ay hooyadeed ku sugnayd ka hor intaan madfucu ku habsan. Ma ay qiyaas xumayn. Hooyadeed oo meyd ah oo intaa feedhaha ka sarraysa ilaa madaxana ku siman ay cardaadiiqaha yihiin bay soo dul istaagtay! Jilbaha ayay dhulka goosatay. Dhinac walba qiiq iyo burbur baa ka xiga. Meydkii dadka oo googo'an baa dhankii ay jalleecdaba uga bidhaamaya.

Qaarkii danbe ee hooyadeed oo weli is haysta bay damacday in ay dhinac isugu du'do. Waa meel Ilaahay uu wax ka wadaaye, markii ay soo qabatay, mise waa cunuggii reerka u yaraa oo hoosta kaga jira maro dhulka u ekaatay oo uu boodh kor iyo kal qariyey! Waa ay ku soo boodday. Indhaha bay u kala qaadday— si ay u hubiso in uu nool yahay. Mise indhihiisu waa ay nuuxnuuxsanayaan. Si taxaddar leh bay inta ay meeshii uga soo qaadday bay laabta gelisay. Kolkaasuu oohin dirqi kaga soo baxaysa uu bilaabay. Markii ay maqashay in uu ooyayo baa dareen farxad lihi uu soo galay. Wixii kale oo dhan waa ay illowday. Lugahiisa iyo gacmahiisii bay marba mid kor u qaadday. In aanay burbursanayn bay hubsatay. Yididdiilo hor leh baa gashay. Madaxa ayay gacanta ka marisay. 

Wax dillaac iyo dakhar muuqda toonna ah kama ay arag. Xuska Ilaahay bay mar walba cuskanaysaa. Ugu danbayn, bal in uu luqunta wax ka qabo hubi bay is tiri. Gacanta inta ay madaxa xagga kore kaga qabatay, bay marba dhan u leexisay. Wax ay ka shakido kuma ay arag. Markaas dabadeed, bay damacday in ay ka masaxdo boodhkii oogada ka saarnaa. Dhabanka midig markii ay gacanta marisay buu qaylo af-labii yeedhay. Waxa ay aragtay in uu dab ka leefay inta badan luqunta dhanka midig oo ku soo siman ilaa dhabanka. Waa sababta uu kula bixi doono magaca Qooreey. Dhinacii uu dabku ka leefay baa diirkii ka duulay oo muddo dhan u caddayd sida qof uu ku dhacay cudurka barasku. Waxan oo dhammi waxa ay ku dhacayaan qaddar daqiiqad gudaheed ku siman. Waxa ay ku war heshay dhawr qof oo dusheeda taagan. Araggii ay aragtay dadka oogadeeda taagan, iyo waxaa kulmay dadkii oo iyada iyo cunuggii yaraaba hareeraha qabtay oo dibedda ula booday. Illeyn warba ma aanay hayne, dab guuraya baa hareerta ka soo gelayey.

Subixii xigey xubnihii dadka uu madfucu ku habsaday baa la soo ururiyey. Waxana lagu aasay meel bacaad ah oo markaasi xabaalo cusub u noqday dadka agagaarkaas lagu dilo amaba iskood ugu dhintaba. Waa meel aan ka fogayn guriga ay reerku degganaayeen. Waa afaafka hore ee Dugsigii Tababbarka Booliska "scuola di polizia."

Dharaartaasi wixii ka danbeeyey, Sacdiyo waxa ay dhexda u xidhatay sidii wiilkaa yar ee walaalkeed ah ay u korin lahayd. Wax kasta ookale meel bay iskaga tiirisay. Duruufo adag oo badan bay kala soo dabaalatay. Bal adigu qiyaas gabadh yar oo 16 jir ah, oo reerkoodii oo dhammi — marka laga reebo Qooreey— ay hal goob ku naf waayeen. Shaqo kasta oo dhib badan waa ay u dhabar-adaygtay. Gef kasta iyo gaboodfal kasta waa lagu la kacay. Waxa ay ku khasbanayd in ay la noolaato, maxaa yeelay duruufaha ku gedaaman — oo Qooreey uu ka mid yahay — baa dabrayey. Markii uu Qooreey korey, noqdayna nin qaangaadh ah, oo noloshiisa deberi kara, baa ugu horreysey in ay xusuusatay in ay gabadh ahayd! In ay xarragooto oo oogadeeda qurxiso iyo hawo adduunyoba markaas bay u bilaabantay. Salaadda subax horteeda bay kacdaa oo ay suuqa khudaar la fadhiisataa. Gelinka danbena kaamka barakacayaasha ee ay deggan tahay, buulkeeda hortiisa bay dhuxusha ku iibisaa. Qooreeyna waxa uu ka mid noqday dhallinyarada suuqa Bakaaraha noloshooda kala soo baxa. Sannadkii 2007-kii ayaa waxa Sacdiyo ay is guursadeen Mursal. Waxa ayna halkii ay degganayd uga guurtay guri sandaqad ah oo uu Mursal ku lahaa xaafad cusub oo dad barakacayaal ahi ay degganaayeen oo laga aasaasay eeriboortka Xamar agtiisa.

......

Waa Siinaay iyo subax Arbacaad. Bishu waa 6-dii Agoosto 2025. Waa Sacdiyo oo siddeed agoon ah korisa. Waa shan iyadu ay dhashay iyo saddex uu walaalkeed dhalay. Waxa ay hor fadhidaa guri sandaqad ah oo ay halkaas ku lahayd oo cagaf-cagaf (bulldozer) la dul mariyey— xilli ay carruurta quudkooda ku maqnayd. Marna isma ay lahayn ciqaab kale oo adduun baa kuu laaban! Cudurro ay filaysay in ay ka bogsootay baa iyaga oo intii hore ka jilicsan mar kale ka daba yimid. “Ma maanta iyo barokac iyo beyd la’aan cusub. Ma adiga oo siddeed agoon ah masuul ka ah. Tolow maxaad galabsatay oo lagaa goyanayaa. Bal xaggee u irkadaa!” Hadaladan kore waa waxa maskaxdeeda saaka ka guuxaya.

Aniga oo indho-indhaynaya sida ay dawladda Soomaaliyeed u burburisay suuqii danyarta ee Siinaay, rabona in aan indhahayga ku soo arko dadkii halkaasi laga barokiciyey, baan ku soo baxay haweeney fadhida meel ay cagaf burburisay. Labadeeda gacmood bay dhafoorrada ku haysataa. Waxa dul tuban dhawr carruur ah oo duruufaysan wejiyadoodana welwel laga dheehan karo. Labo carruurta ka mid ahi waa ay is xambaarsan yihiin, mid kalena gacanta ayuu sii haystaa. Haweeneydii baan salaamay. Wax jawaab ah iima ay celin. Mar kale baan haddana salaamay. Hadal ma leh. Kolkaas baan inta aan dhinaceeda fariistay wayddiiyey “hooyo ma dadka guryahoodii la dumiyey baad ka mid tahay?” Inta ay wejiga iga dadabtay, bay iyada oo dhulka xarriiqaysa tiri, “waad u jeeddaa meesha aan kuudodo’e, maxaad su’aasha iga wayddiinaysaa!” Saddexdii carruurta ahaa ee is xambaarsanaa baa dhinacayga u soo dhowaaday. Kolkaas baan caagad biyo ah oo qabow oo aan wax yar ka cabbey u taagay gabadhii yarayd ee wax xambaarsanayd. Inta ay iga qabay- bay iyadii ma ay cabbine— ilmihii ay xambaarsanayd inta ay xagga hore wejigiisa u soo wareejisay ay caagaddii biyaha ahayd afka ugu qabatay. Markii uu in yar qudhqudhiyey, bay haddana gabadh yar oo gacanta haysatay ay biyihii u dhiibtay. Hooyadii, baan haddana bal aniga oo raba in aan xaaladdeeda u kuurgalo aan waraysi ugu dhaqaaqay, waxa ayna sheekadeedii ku bilowday sidatan: 

“Aniga oo gabadh yar ah oo markaas uun qaangaadhay baa reerkayagii uu madfac ku habsaday. Aniga iyo wiil yar oo naaska jaqayey oo keli ah baa ka badbaadnay. Dhammaan qoyskayagii waxaa lagu duugay xabaalaha ka soo horjeeda Iskoola Boliisiyo ("scuola di polizia”), meeshii dadka lagu toogan jirey, sow garan maysid. Wiilkii yaraa baan hooyo iyo aabbe u noqday. Markii uu qaangaar noqdayna, aniga ayaa qoys yeeshay. Alxamdulillah markaas baa nasasho iigu horreysey. Mursal, odaygaygii nin naxariis badan buu ahaa. Isaga ayaa masuuliyaddaydii qaaday. Waan ku degey, oo ku nastay. Ani shaqadii xamaaligii aan ku jirey wuu iga nasiyey. Sidii naag la qabo lagu yaqaanney aan u noolaaday. Waxa uu ahaa nin jeeble ah. Labo kaaryoone oo alaabada lagu iibiyo buu suuq Bakaare ku lahaa. Dilaalna wuu ahaa. Shan carruur ah oo isku-nuug ah baan u dhalay. Ani dhib aa la ii abuuraye, Mursal waxa lagu dilay suuq Bakaare.” Markaas baa illin ay xakamayn kari weydey ay soo dhaaftay. Garbasaartii bay wejigeeda igaga qarisay.

In cabbaar ah baan sugay. Kolkaas baan iri “Ilaahay ha u naxariisto Mursal. Yaa dilay?”

“Nin askari dawlo ah baa kibir ku dilay. Lacag baad ah uu warsaday. Mursal nin Ilaahay aamminsan uu ahaa, cid kale kama uu cabsan jirin. Lacag baad ah ani ma bixinaayo, uu dhahay. Waa la isku xanaaqay. Barararrac…. shan xabbo uu laabta uga jiiday. Halkaas uu ku dhintay. Maxaa filee markaas? Aniga lee carruurtii oo agoon ah masuuliyaddooddi igu soo baxsatay. Adi waa iskala raftay. Wiilkii aan soo koriyey ee walaalkayna si fiicanuu ii caawiyey. Aniga oo carruurta noloshooda iskala xarbiyaya, haddana waa tanaa!” Hadalkii baa ka soo bixi waayey. Carruurtii mid ka mid ah baan ku iri “adeer cabitaan tabakaayadaas inooga soo qabo, inta aan Shan doollar jeebka ka soo saaray. Markii cabitaankii noo yimid, baan haddana sheekadii dib ugu celiyey. “Waa tanaa, maxaad ka waddey, ma dhib kale baa dhacay?” “Dhib maan ka baxaa ani, dhib lee la ii abuuraye. Sidan maanta camalaa dawladdii xaafaddii aan degganayn oo ahayd meel la deris ah eeribootka ay subax ugu soo kallahaday. Ilmihii iigu horreeyey oo aan dhalay baan subaxii iskuul in aan soo qoro u kaxeeyey. Waxa aan dib u soo noqday, gurigayagii iyo guryihii deriska oo dhan oo cagafcagaf la dul mariyey. Inaa maqashayaa laga yaabaa, xaafad Galmudug la yiraahdo ma maqlinoo?” Kolkaas baan madax ruxay. “Meeshii guryaha masaakiinta laga dumiyey, aa xaafaddaas niman siyaasiyiin ah iyo ganacsato qaraabadooda ah ay ka dhisteen. Oday sannadkii hadda naga tegey geeriyooday oo Bulshaale la oran jirey, Alla ha u raxmadee, oo ay Mursal qaraabo dhow ahaayeen saaxiibbo isku fiicanna ahaayeen aa naga naxay. Adeer Bulshaale isaga aa inta noo soo raray. Boos yariis ah uu inta naga siiyey. Guri jiingad ah oo Saddex qol ka kooban aan ka dhisannay. Laba qolna aniga iyo carruurtayda aa degnay, qolkii kalena wiilkii walaalkay ee Qooreey aa degey. Markii danbe wuu guursaday, xaaskiisiina qolkii bay la soo degtay. Saddexdan carruurta ah ee agoonta ahna isagii aa ka tegey.”

Geeridan kale markii aan maqlay, baan run ahaantii aad u sii naxay. Illin baa indhahaygii isku soo taagtay, haddana waan is xakameeyey. “Walaalle ma bes buu u dhintay?” ayaan si naxdin ku jirto u wayddiiyey.

“Maya, maya. Askari dawladda u shaqeeya buu ahaa. Isaga oo shabaabka dagaal kula jira uu ku dhintay meesha la yiraahaado masaajid Cali-guduud. Haddii ay hooyadood noolaan lahayd, ma ciil baan qabi lahaa!” Kolkaas baa ilmadii aan ceshanayey ay isoo dhaaftay. Naftaydii baan hiifay. Anigii oo hoos isula hadlaya baan isku ku canaantay, “bal maxaa waxaas oo qodqodis ah igu watey.” Qaddar daqiiqado ah markii aan kala aamusnayn baan haddana wayddiiyey, “maxaa ku dhacay carruurta hooyadood, sidee u dhimatay, ma xanuun bay u dhimatay mise…”

“Ani uma malaynaayi cidahayagu in ay xanuun u dhintaanba in loo qoray. Iyada oo dhar u soo dhaqday reer ay u shaqayn jirtey, oo guriga ku soo socota aa nin bajaaj wata oo ka cararaya nin boolis ahi uu dusha ka maray. Iyada oo dhaawac culus ah oo dhiig baxaysa aa isbitaal Madiino loola cararay. Jidka ayay naftu kaga baxday. Hadda lix bilood camal ay sii mootan tahay!” 

Aniga oo hadalku uu dirqi igaga soo baxayo, baan idhi, "Walaal maanta duco uun baan kuu awoodaa, Ilaahay baan ka baryayaa in uu culayskan idin ka feydo. Insha Allah, meel aydaan filanayn baa Ilaahay ferej idiinka furi doonaa.” Kolkaas bay iigu halcelisay "Waxa aan kaa illaaway oo aanan kuu sheegin, in meydkii waalidkay iyo walaalahay looga dabategey xabaalihii lagu duugay. Cidda sidaas yeeshayna ee soo quftayna waa dawladdii Soomaaliyeed. Maanta haddii aan maago in aan qabrigoodii soo booqdo oo Faataxo u soo akhriyo, ma aqaanni meel lagu duugay. Xitaa in aan la duugin waa dhici kartaa oo lafahoodii qashinqubka lagu daadiyey. Haa, waa ay dhici kartaa, maxaa yeelay, dadkii ay ka suurtogashay in ay meyd barakiciyaan— wax kasta waa suubin karaan. Dadkaan dad naxaaya maahan. Ilaahaa saas noo kasay!"

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Adiga ayaa i dulleeyey: Dareenka 35 jir Soomaaliyeed

Aragti

Jacaylka Cuqdadda Ha Laga Daayo!

Buug

Faallada Buugga: Ciil iyo Cafis

Sheeko

Barakacayaasha Dhulka Hoostiisa