Skip to main content

Tuesday 6 October 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Kulannada Geeska

Amniga Badaha: Khataraha Cusub iyo Jawaabaha Caalamiga ah

15 September, 2026
Share

“Amniga Badaha: Khataraha Cusub iyo Jawaabaha Caalamiga ah” waa hadal-jeedin uu jeediyay Mubarik Cabdi Ismaaciil, laguna eegayo arrimaha maanta taagan ee amniga badaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin bulshooyinka iyo dawladaha.

Muxaadaradu waxa ay dul istaagaysaa dhibaatooyinka ka dhasha khataraha ku xeeran badaha caalamiga ah iyo marin-biyoodyada istiraatiijiga ah, gaar ahaan marin-biyoodka Hurmuz iyo Baab al-Mandab, iyo walaaca amni ee mar kale ku soo cusboonaaday goobahaas. 

Hadal-jeedintu waxa ay u qaybsan tahay afar qaybood. Qaybta hore waxa lagu eegayaa muhiimadda biyaha iyo baduhu u leeyihiin aadamaha, taariikhda iyo horumarka maamulka badaha, xeerarka caalamiga ah ee hagaya isticmaalka iyo maamulka badda, iyo farqiga u dhexeeya amniga badda iyo bedqabka badda. Waxa kale oo lagu faaqidayaa xidhiidhka ka dhexeeya khataraha amni ee soo jireenka ah iyo kuwa casriga ah. 

Muhiimadda mawduuca waxa sii xoojinaysa xaaladaha amni ee ka taagan agagaarka Baab al-Mandab iyo Badda Cas, iyo isbeddellada saamaynaya marin-biyoodyada muhiimka u ah isu-socodka iyo ganacsiga caalamiga ah.