Tuesday 10 March 2026
Diktoorka iyo qoraaga reer Suudaan ee Amiir Taaj al-Sir waxa uu 1960-kii qoraalka kusoo galay maansada, ka dibna waxa uu sii dhex galay dunida sheekofaneedda. Qoraalladiisu waxa ay la gaar yihiin isku milidda waaqaca Suudaan iyo qaraa’ibnimada, waana qoraallo ku qoran af jaadgoonni ah oo hodan ah, sheekooyinkiisuna waxa ay sal u ah tebin cuddoon. Waa tilmaamo ka muuqda sheekofaneeddiisii koowaadba, Karamakool, oo sannadkii 1988-kii la faafiyey isagoo weli arday caafimaadka barta ka ah Qaahira. Waa sheeko judhiiba ku biirisay safka qoraayada waaweyn ee sheekooyinka, weliba Suudaan oo keliya ma aha ee guud ahaan dalalka Carbeed.
Qoraalladiisu waxa ay bulshada suugaanta iyo gorfaynta ka kasbadeen danayn goonni ah, iyadoo sheekadiisa “Saa’id al-Yarqaat” ay gaadhay xulka liistada gaaban ee abaalmarinta caalamiga ah ee sheekofaneedda (waa abaalmarina Bookar), sannadkii 2011, Sidoo kale, sheekofaneeddiisa “360” waxa ay gaadhay xulka liistada dheer ee abaalmarinta caalamiga ah ee sheekofaneedda sannadkii 2014. Sheekofaneeddiisa kale ee “al-Cadar al-Faransi” waxa ay ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee buugagga ugu wanaagsan ee Ingiriisiga lagu turjumay. Waxa u dheer in sheekofaneeddiisa “366” ay ku guulaysatay abaalmarinta Kataara ee sheekofaneedda Carbeed sannadkii 2015. Sheekofaneeddiisa kale ee “Ubax Qaadhay” waxa ay gaadhay xulka liistada gaaban ee abaalmarinta caalamiga ah ee sheekofaneedda Carbeed.
Amiir Taaj al-Sir oo qoraalladiisu kor u dhaafeen 25 buug, waxa uu aaminsanyahay in uu baadidiisa ka dhex helo qoraalka sheekofaneedda, mararna uu ka wahsi uu dareemo oo uu go’aansado in uu iska joojiyo, se haddana aanu awoodin. Kani waa wada sheekaysi Geesku la sameeyey qoraagan reer Suudaan, Diktoor Amiir Taaj al-Sir.
Amiir Taaj al-Sir: Suudaan waa dal weyn, oo leh ilbaxnimo guun ah, dhaqan la yaqaan oo hodan ah iyo ciyaaro bulsho. Qofka Suudaan ku dhasha ee ku barbaaraa waxaas oo dhan baa dhiiggiisa raacaya, wax kasta oo dalka jiquraafiga ah ku dhacana, haddana dalka macnawiga ahi waa mid qofkaas ku dhex jiraya, xitaa haddii aanay jirin dagaallo iyo qax, qofka qurbajoogga ahi ma illaawayo dalkiisa. Waa sababta heesaheenna hilow uga buuxo, qoraalladeenu uga hadlaan maalmaheennii hore, kuwooda wanaagsan iyo kuwooda qadhaadh ba, sidaan ku cabbiray sheekadayda “Dhulka Suudaan”. Hadda isbeddel baa arrimaha qaar ku dhacay, laga yaabee in wakhtiga adagi ka reeyey aaminaadihii qotodadheeraa, waxaanaynu arkaynaa isbeddel yar oo ku socda shakhsiyadda Suudaan. Qofk kastaa waxa uu raadinayaa nolol iyo rejo, se haddana ma aha wax sidaas looga dayriyo, oo weli Suudaantii macnawiga ahayd waa jirtaa, dadkuna waxa ay raadinayaan Suudaantii jiquraafiga ahayd, si noloshu sidii hore ugu soo laabato.
Taaj al-Sir: Anigu waxa aan bartay caafimaadka, waanay la walaaleeyey suugaanta aan jeclaa tan iyo dhallaannimadaydii. Kolka aan shaqaynayo, ma xusuusto qoraalka, kolka aan wax qorayana, waan illaawaa in aan dhakhtar ahay. Si guud waa xaalad islafalgal oo qurxoon, kumana jiro wax tabani. Laga yaabee in aan dhakhtarnimada ka bartay wax suugaantayda xoojiya, lagana yaabee in aan marar aqoontaydaa u adeegsado qoraallada, sida dhacday labadayda sheeko ee “Ebola 76” (2012) iyo “Taariikh-nololeed Xanuun” (2001), iyo kuwo kaleba.
Taaj al-Sir: Qoraa kasta oo ay u suurogasho in uu sheekooyinka fagaaraha Carbeed iyo ka caalamiga ah gaadhsiiyaba, wax cusub buu kusoo darayaa fagaarahaas. Waxa aan aaminsanahay in waxa ugu weyn ee qoraalka hal-abuurka lihi ku siin karaa yahay gaadhidda meelo aanad gaadheen. Anigu waxa aan leeyahay akhristayaal reer Poland ah, kuwo Shiinays ah iyo kuwo Turki ah. Maan sawiranayn in ay wax ii soo qori doonaan, se waa ay dhacday. Waxa jira qoraayo kale oo caalaminnimada gaadhay, oo tixgelinna helay, sida: Daariq al-Dayib, Baraka Saakin, Xamuur Siyaadah. Waa qoraayo wax ay sheegaan haya, duniduna dhegaysato.
Taaj al-Sir: Hadda wakhtigan la joogo, suugaanta Suudaan kaalinteedii ma xaqirna, umana cod gaabna sidii waagii hore, sababtuna si fudud waa in hal-abuurrada reer Suudaan, xitaa kuwa lagu faafiyo madbacado Suudaani ahi, ay awoodaan in ay akhristaha Carbeed meel kasta oo uu joogo ay gaadhaan, iyagoo u dhex maraya baraha bulshada. Madbacadaha laftooduna boodhkii maxallinimada waa ay iska tumeen, oo dhammaan bandhigyada buugagga waa ay ka qaybgaleen. Sidaas darteed, ma odhan karno suugaanta Suudaan waa mid qarsoon.
Taaj al-Sir: Waa isku dayga in aan khayrka sharka halkaa ku saleeyo. Cawradu ma aha xirfadlaha faraxsan ama eyga xorta ah, ee waa loollanka weyn ee lasoo ifbaxay. Bulshada akhlaaq ahaan asturani sidaas ma aha. Ma garanayo baaxadda burburka dhacay, se waxaan sameeyey tebin bulshada u muujisay sida bilaa hu’ loo noqday.
Taaj al-Sir: Xanuunnadu meel kasta waa ay ka jiraan, marna waa ay faafaan marna waa laga nastaa, waana qayb ka mid ah noloshan aynnu noolnahay ee geerida ku dhammaata. Qofina kama badbaadayo dhammaadkaas. Fayraskuna kolka uu tooso, waa uu ka qayb qaataa in uu huriyo wejiyada dhammaadka nolosha, runtiina horeba safmarro kumanaan galaaftay waa ay dhaceen, oo rejo iyo himilo badanba naafeeyey. Dhammaanteen waxa aynnu aragnay Karoonihii iyo sidii uu dunida ka dhigay, dad badan oo aynnu jeclaynna waynu ku waynay. Ma aha wax dabeecadda ka baxsan, ee waa xaqiiqo dhab ah oo weligeed jiri doonta, fayrasyo kalena waa ay soo bixi doonaan, inta nololi jirto.
Taaj al-Sir: Laga soo bilaabo kolkii aan bilaabay qoraalka, waxa aan wax ku qorayay luuqaddaas ereyadeeda kasoo dhambalata maansada. Weligay iskuma khasbin samaynta qaraa’ibnimada, se sidaas baan ahay, waana habqoraalkayga. Jumlado deggan oo caadi ah ma adeegsan aqaan, shakhsiyaadkuna ma noqon karaan kuwo la aqoonsan karo, waxaana jira cid sidani dookh u tahay iyo cid aanay dookh u ahayn, oo raadiya wax uu garan karo ama aan caadiga ka baxsanayn. Se ugu dambayn, waxa aan rabo waan cabbiraa, waanan ku faraxsanahay in habkani aanu caqabad ku noqon in qoraalladayda afaf kale oo badan loo turjumo.
Taaj al-Sir: Waa aan jecelahay qoraalka, waxaana jeclaa ilaa markii aan ahaa arday dugsi hoose. Buugaagta iyana waan jecelahay, ilaa haddana in badan baan akhriyaa, oo xiisihii dhallinyarnimadaydii iigu jiray weli waa ii hayaa. Kolka aan qorayo qoraal hal-abuur ah, waxaan qoraa wax aan filayo in curintiisu I raalligelisay, oo xitaa maansooyinka aan qoray waxa aan isku deyi jiray inay noqoto mid gaar ah. Ugu dambaynna waxa aan baadidayda ka dhex helay sheekofaneedda. Kolkol baan dareemaa wahsi, oo aan go’aansadaa joojin, se ma awoodo ka dhex bixiddaas.
Taaj al-Sir: Sheekofaneedda waxaan kasoo dheegtay sheeko dhab ah oo dhacday, kuna saabsan dhicitaankii gaadhigii siday Farfaar iyo laba saaxiibbadii ah, sidaas darteed waxa ay ahayd sheeko fudud. Jiritaanka fekrad iyo meel laga bilaabaa waxa ay caawisaa in qoraalku guulaysto.
Taaj al-Sir: Shardi maaha inay noqdaan laba sal ku wada aroora. Inta badan khayrkuna jidkiisuu raacaa, sharkuna kiisa. Sheekofaneeddani waa mid daal badan igu dhalisay, saamaynna yeelatay, in sidaas loo qoraana lagamamaarmaan bay ahayd. Waxa aan xusuustaa in aan mar ka shalleeyey qoraalkeeda, se haddana waxa ay ku jirtaa qoraalladayda ifaya ee dad badanina igu jeclaadeen. Waxa aan ku farxay in afka Shiinaha lagu turjumay, waxaanan akhriyey farriimo shiineys ah oo si togan uga faallo dhiibtay.
Taaj al-Sir: Sheekofaneeddani waa mid muhiim u ah soyaalkayga qoraal. Waxa aan soo saaray sannadkii 2002, welina waa u hormuud sheekooyinka ka warramaya jujuubka iyo cabudhinta. Waa run in sheekoxariirooyin iyo fantaasiya ka buuxo, se haddana waa qoraal cad oo la fahmi karo. Kolkii loo turjumay Ingiriisina, waxa la yidhi in ay u egtahay sheekadii “Boqol Sanno oo Cidlo ah” ee Marques.
Taaj al-Sir: Runtii ma garanayo. Anigu markasta u diyaarsanaan qoraal baan ku jiraa, kol kasta oo aan wax akhriyana inaan wax qoro ayaan jecelahay. Waan hayaa fekrado, oo weli waxa jira xiddiggo weli iga sugaya inay kaalin kaga soo muuqdaan qoraalladayda, waxa jira magaalooyin aan bookhday oo aan ka helay jawiyadooda, wax badan oo aan qorana waan hayaa, se haddana mashquulkayguna wuu badan yahay.
Taaj al-Sir: Waa run. Xitaa nolosheenna maalinlaha ah, marar waxa aynnu jumlado dhaadheer ka dhex helnaa aamuska, siiba aamuska aynnu filayno in sheeko ka dambayso. Marar arrimahaas baan wax ka qoraa, waxaanan wax ka qoray sirdoonkii dabagalayey siyaasi aamusan, ee aamuskiisa warbixinta dhammayska ah ka qoray--
sheekadayda “Saa’id al-Yaraqaat”.
Taaj al-Sir: Labaduba waa isku muraayad. Magaalada wax baynnu ka dheegannaa, oo aynu si toos ah u aragno, magaaladuna waa ay ina aragtaa oo ina hagtaa. Boortisuudaan waxa aan ka qoray “Xasuusqorka Muraayadihii Xeebta”, ka dibna dib baan u qoray anigoo u bixiyey “Xanshaashaqii Guryaha iyo Jidadka”.
Taaj al-Sir: Waxa aan ahay qof mashruuc wata, oo aan ahayn qoraa mar uun wax qoray. Waxa aad arkaysaa in aan sannad kasta sheeko soo saaro, sheeko kastaana waxa ay leedahay fekraddeeda iyo habtebinteeda, waana qodobkaan ku socdo. Weligay wax mashruucaas ka baxsan maan qorin.
Taaj al-Sir: Waa xidhiidh adag. Maansadu waa ay bishaa qoraalka kolka tebinta loo adeegsado, waxaanu sameeyaa suuradbixin iyo wanaajin qaab u dhigidda ereyada.
Taaj al-Sir: Sheekadaasi waa mid ka mid ah sheekooyinkaygii bilawga, I rumayso, xitaa ma xusuusto waxa aan qoray, laga yaabee in ay tahay inaan ku laabto si aan u hubiyo in aan qoraalkeeda ku laaban karo.
Taaj al-Sir: Abaalmarintu dabcan waa muhiim, waa abaalmarinta dedaallo qofku sannaddo bixiyey. Mar kasta oo abaalmarinuhu ku bataan dalalka Carabtana, waxa badanaya hiboolayaasha iyo dadka wax curinaya ee la sharfayo. Laakiin, haddana waxa jira dad wax u qora helidda abaalmarin, iyaga oo aan hibadii lahayn, waana wax la ogsoon yahay.