Saturday 19 April 2025
Madaxweynaha Maraykanku waxa uu u muuqdaa in uu soo celinayo siyaasaddiisii hore ee Soomaaliya, oo ah in duqaymahaas xoogga la saaro, isaga oo aaminsan in qaabkan lagu soo afjari karo kooxaha al-Shabaab iyo Daacish ee laf dhuun gashay ku noqday nabadgalyada Soomaaliya. Toban maalmood oo keli ah ka dib markii uu xafiiska yimi Donald Trump, waxa uu barta bulsheed ee Truth Social ku xusay in Soomaaliya laga fuliyey duqaymo lagu beegsanayo unugga Daacish ee Soomaaliya. Duqayntan waxa lagu burburiyey hogag kooxdu ku dhuumato, waxaana lagu dilay 14 qof oo kooxda ka mid ah, sida uu xusayna, cid rayid ah dhibi kama soo gaadhin weerarkan.
Waa gar in qofka warkan maqlaa markaba is wayddiiyo in Trump ka noqday go’aankiisii ahaa soo afjaridda dagaallada dabadheeraaday. Trump waxa uu dib u soo celinayaa weerraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu muddo-xileedkiisii hore sameeyey, xilligaas oo Maraykanku fuliyey wax ka badan 200 oo duqaymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayni gaysteen, sida uu xaqiijiyey ururka Airways oo fadhigiisu yahay Landhan? Tiradani waa tiro ka badan isu gaynta duqaymihii madaxweynayaashii hore ee Maraykan fuliyeen.
Weerrarada ba’an ee Maraykanku Soomaaliya ka fuliyey xilligii maamulka Trump waxa ay ururrada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha ku riixeen in ay Maraykanka ku tuhmaan in uu Soomaaliya ka galayo dambiyo dagaal. Waaxda Maamulka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay qirteen dhimashada shan qof oo rayid ah oo ku dhintay duqaymahaas Soomaaliya laga fuliyey, shantaas qofna aan wax magdhaw ah la siin. Waxa la aaminsanyahay in tirada rasmiga ah ee dadka rayidka ah ee waxyeelloobay muddadaas aad uga badantahay, se xaqiijinta tirada rasmiga ah waa mid adag, sababtoo ah badanka duqaymaha la fuliyaa waxa ay ka dhacaan goobo kooxda al-Shabaab gacanta ku hayso, warbaahinta madaxabannaan iyo ururrada xuquuqda aadamuhuna gaadhi karin, sidaas darteed, baadhis lagu beeniyo warbixinaha dadka waxyeelloobay ee AFRICOM ma fududa.
Ma jirto cid kaga habboonwarbixinaha iyo wararka duqaymahan ku saabsan weriye Amaanda Sperber, pp ah weriye rugcaddaa ku ah dabagalka iyo baadhista xogaha, wax badanna si toos ah usoo tebisay kaalinta Maraykanku ku leeyahay dagaalka Soomaaliya. Waxa ay u kuurgashay hadhaaga walxaha la qarxiyey ee habeennada gudcurka ah la fuliyey, waxaanay la sheekaysatay reer guuraaga halista ugu jira duqaymahaas diyaaradaha aan duuliyaha lahayni fuliyaan. Geesku waxa uu waraystay Amanda Sperber si uu u ogaado aragtideeda ku saabsan duqaymihii u dambeeyey ee Maraykanku fuliyey, iyo si uu ogaado aragtideeda ku saabsan sida Maraykanku ula dhaqmi doono Soomaaliya muddo-xileedkan labaad.
Amaanda Sperber: si fudud waxba looma saadaalin karo marxaladdan. Soomaaliya – iyo guud ahaan Afriki – ma laha mudnaan weyn marka la joogo siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka. Iyada oo la sadaalinayo xabbadjoojinta Qasa oo hanaqaadda iyo wadahadallada Ruushka iyo Yukrayn, haddana ma sawiranayo in wax iska beddelaan siyaasadda Maraykan ee Afrika. Iyada oo xaqiiqadani jirto, haddana tebinta ah in Daacish dhawaan saldhig ka dhigatay Soomaaliya, oo ururkani noqday xubin firfircoon oo Geeska Afrika uga diro lacago qaaradda inteeda kale iyo Bariga Dhexe, ma aha war la yaraysan karo. Marka warka walaacan cusub ee Daacish laga qabo lagu daro in uu Trump qoraal ka sameeyey duqayntii ururka lala beegsaday, oo uu soo qaatay muuqaallo weerarka ah, waxa muuqda in beegsiga Daacishta Soomaaliya mudnaan u leeyahay maamulka Trump. Ilaa hadda ma ogi hab kale oo Maraykanku uga qaybqaadan karo dagaalka Daacish, ka sokow duqaymaha cirka, sida in uu taageero siiyo ciidanka gaarka ah ee Buntilaan, oo uu Maraykanku hore u dhisay.
AS: Haa, sidaas ayaa ay u muuqataa. Se waxa xusid mudan, si kasta oo loo rabo in dagaallada lasoo afjaro, haddii walaac – mid dhab ah iyo mid mala’awaal ahiba – ku yimaaddo danaha Maraykanka, ka hortagidda arrinkaas ayaa mudnaanta la siiyaa. Sidaas darteed, haddii uu yimaaddo walaac ah in Daacishta Soomaaliya khatar ku tahay Maraykan, waxa hubaal ah in Maraykanku faragashanayo, oo uu isku dayayo in uu ka takhalluso.
AS: Waa wayddiin aad u mudan, waxaanan kaga jawaabi wayddiin kale oo ah: horta yaa rayid loo aqoonsan karaa gobolladaas kooxaha hubaysani haystaan? Goobahaas waxa ku nool carruur kooxahaasi ku khasbeen ilaalinta dhulbeereedka, waxa ku nool qof shidaalka ka iibiya kooxahaas hubaysan, sababtoo ah waa dadka kaliya ee wax iibsada. Haddaba, dadkaas ma dagaalyahannaa loo aqoonsanayaa? Waa qaddiyadda aan inta badan la kulmo warbixinaha aan ka samaynayo duqaymaha Maraykanka. Waxaan waraystaa tobannaan qof oo qoys iyo saaxiibbo la ahaa qof duqayn lagu dilay oo ay qirayaan in aanu qofkaasi hubaysnayn. Mararka qaar waxa aan helaa farriimo E-mail ah oo ay ii soo direen haayado aan kuwo xukuumadeed iyo shirkado xaqiijinaya in qofkaasi la shaqayn jiray. Markaas ayaa uu ciidanka Maraykanku qirtaa, kuna doodaa in xogo sirdoon qofkan ka dhigeen bartilmaameed. Markaa waa suurogal in dadka la dilay ay al-Shabaab u shaqeeyeen xilliga ay fasaxa yihiin ee aanay haayadahaas la shaqaynayn. Waxa suuragal ah in ururradaasi been sheegayaan, waxa kale oo suuragal ah in la ballaadhiyey xadaynta cidda loo aqoonsanayo cid la bartilmaameedsan karo.
AS: Waxa aan jecelahay in aan idhaahdo, sannadahaas badan ee aan ku jiray diyaarinta warbixinuhu waxa ay i bareen in loo baahan yahay in si qayaxan loo fahmo cidda rayid loo aqoonsan karo iyo cidda dagaalyahan ah.
AS: Dhawr sanno ka hor waxa aan warbixin ka diyaariyey qoysaska qaraabadooda lagu dilay duqaymahaas Maraykanka, ciidanka Maraykankuna markii dambe waa uu qirtay in ay ahaayeen dad rayid ah. Dadkaasi waxa ay mareen xaalado argagax ah. Tusaale ahaan nin aan waraystay, waxa uu qirashada ciidamada Maraykanka ka dhegaystay idaacadda BBC-da, waxaanu niyadda iska yidhi: “Duqayntaasi malaha waa tii walaalkay lagu dilay”. Ilaa hadda ma cadda sababtaan aan dadkaas magdhaw loo siin, weliba iyada oo lacago u gaar ah loo qoondeeyey. Waxa kale oo aan is weydiiyaa sababta aanay xukuumadda Soomaaliya aanay dedaal ugu bixin ilaalinta dadkaas. Waxa aan aaminsanahay arrinkan markasta hoos loo dhigo.
AS: Duqaymaha cirku waa kuwo argagax abuura oo bulshada dhib ku haya, deegaanka iyo guryaha ayaa ay ugu yaraan waxyeello gaadhsiiyaan. Waa wax cabsi leh in diyaarad bilaa duuliye ahi dushaada heehaabto hadh iyo habeen. Intii aan warbixinaha ku jiray, waxa la ii sheegay in duqaymuhu sii shidaaliyaan gobollada marka horeba kooxaha hubaysani haystaan.
AS: Haa, waa hubaal.