Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

“Al-shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay leeyihiin iskaashi Istaraatiiji ah oo firfircoon”, Xuseen Sheekh Cali

14 April, 2026
Image
“Al-Shabaab presents itself to Al-Qaida as a bridge that can extract resources from the Houthis without compromising Sunni jihadist principles” Hussein Sheikh-Ali
Share
Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab

Cilmibaadhaha reer Kiiniya, Cali Masruuci, waxa uu mar Badda Cas ku tilmaamay in ay tahay “mid ka mid ah goobaha ugu halista badan Afrika”, isagoo tilmaamaya in ka sokow baddani tahay cidhif qaaraddu ku dhammaato, haddana taasi ayna meesha ka saarayn xidhiidhada ganacsi, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee qotodadheer ee isku xidha labada dhinac ee marin-biyoodkan cidhiidhiga ah. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya, Cali Cumar, ayaa xoojiyey dooddan, mar uu waraysi siiyey Aljasiira, isagoo ka eegaya dhinaca amni, waxaanu yidhi: “Degganaanshaha Yaman waxa uu ka qayb qaadanayaa degganaanshaha Soomaaliya, cagsiguna waa la mid”.

Hase haatee, Soomaaliya iyo Yaman midina ma deggana, jaangooyayaasha dagaalladooda kala madaxabannaanina waa kuwo islafalgashan, oo aan markii hore wax xidhiidh ah lahayn, se hadda islafalgalkoodu sii kordhayo, iyadoo Kooxda Ansaarullaah oo loo yaqaan Xuutiyiintu ay heshay dhufsane yare ay wadaagaan al-Shabaab. Labada kooxoodba waxa ay si adag uga soo horjeedaan danaha Galbeedka ee gobolka, ka dib aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland-na waxa ay labada kooxood heleen iskusoodhawaansho cusub.

Warbixin cusub oo uu diyaariyey Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, oo uu ku diyaariyey maxadka uu dhawaan furay ee Saldhig, isagoo warbixintan ku magacaabay “xidhiidhka istaraatiijiga ah” ee u dhexeeya labadan kooxood, sida isdhaafsiga maaliyadda, khibradda iyo hubka.

Kormeerka Qaramada Midoobay iyo wakaaladaha sirdoonka ee Galbeedka ayaa hore u sheegay xidhiidhkan, iyagoo cabbiray walaaca ay ka qabaan saamaynta xidhiidhkani yeelan karo. Badda Cas waa halbawle ganacsiga caalamiga ah oo aan kala go’in, khalkhal iyo nabadgalyo darro kasta oo ku timaaddaana waxa ay keenaysaa saamayno xuduudda Geeska Afrika dhaafsiisan. Hase ahaatee, warbixin kasta oo ku saabsan xidhiidhkani kumay dheeraan si la mid ah warbixinta Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen Sheekh Cali waxa uu Geeska uga warramay xidhiidhka ka dhex samaysmay labadan kooxood iyo arrinka isbeddelka aydhiyoolajiyadeed oddorosayo, iyo halisaha nabadgalyo ee intan ka ballaadhan.

Faysal Cali: Inta badan sannadkii 2024, warbixinaha ku saabsan iskaashiga al-Shabaab iyo Xuutiyiinta waxa lagu eegayey indho shaki, caddaymaha oo xaddidan awgeed. Warbixintiinu waxa ay xaqiijinaysaa waxa aad ku magacawdeen “iskaashi istaraatiiji ah” oo labada kooxood u dhaxeeya. Sidee xidhiidhkani ku samaysmay, oo uu marba marka ka dambaysayna usii xoogaystay?

Xuseen Sheekh Cali: Xidhiidhkani waxa uu soo maray saddex marxaladood oo kala duwan. Bilawgii (dhammaadkii 2015 ilaa 2018), ganacsato Soomaali ah oo xidhiidh la leh al-Shabaab ayaa xidhiidho ganacsi la sameeyey ganacsato Yamani ah oo xidhiidh la leh Xuutiyiinta, waxaanay ahaayeen xidhiidho ganacsi oo u badnaa shidaalka iyo hubka fudud. Marxaladda labaad (2019 ilaa 2022) waxa jiray isdhaafsi xogaha sirdoon ah, oo ay ku jiraan xogaha kormeerka badda iyo xogaha dhaqdhaqaaqa milatari ee Galbeedku ka wado Gacanka Cadan.

Marxaladda hadda (2023 ilaa hadda) waa marxalad koobsanaysa wadashaqayn siyaasadeed iyo milatari: xubno ka mid ah al-Shabaab ayaa tababbar kusoo qaatay Yaman, iyagoo lagu tababbaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa; xubno ka tirsan Xuutiyiintuna waxa ay booqdeen saldhigga ururka al-Shabaab ee Galgala, si ay isu weydaarsadaan khibradda ku saabsan dagaalka aanay awooduhu isu dhigmin; sida ay muujinayaan natiijooyinka Maxadka Saldhig, labada kooxood waxa dhex maray mashaariico maaliyadeed oo ku saabsan warshadaha macdan qodista ee Soomaaliya. Ma aha xidhiidhadani kuwo duruuf gaar ah ku kooban, ee waa xidhiidh noqday iskaashi istaraatiiji ah oo danaha la wadaagaa xukumayaan, oo aan ku salaysnayn heshiisyo rasmi ah.

FC: Ururka al-Shabaab waxa uu dhaleeceeyaa Shiicada oo uu ku tilmaamo dad aan muslim ahayn, sidaas oo ay tahay, warbixintiinnu waxa ay xaqiijinaysaa in iskaashi rasmi ahi ka dhexeeyo Xuutiyiinta Shiicada ah iyo al-Shabaab. Sidee bay suurogal u tahay iswaafajinta labadan arrimood? Al-shabaab ma uga tanaasulaysaa aydhiyoolajiyaddeeda danaha istaraatiijiga ah?

XSC: dhaleecayntii uu ururka al-Shabaab 2011-kii dhaleeceeyey Shiicadu weli waa caqiidada rasmiga ah ee ururka, kooxaha diin ahaan ad’adag ee gudaha ururkuna waa kuwo aan u riyaaqsanayn xidhiidhkan. Laakiin, hoggaanka ururka, Axmed Diiriye, ayaa jid goonni ah qaatay: Xuutiyiinta ulama xidhiidhaan diin ahaan, ulamana dhaqmaan sidii dad diini isu keentay, ee waxa ay u arkaan isbahaysi lala wadaago ajandayaal lagaga soo horjeedo Galbeedka iyo Khaliijka. Iskaashigan waxa ay u sawiraan inuu yahay wadadhaqan heshiisyo la ogolyahay kolka baahi jirto oo aanu ahayn iskaashi caqiido. Waa isla marmarsiiyaha al-Shabaab u oggolaanaya inay cashuur ka qaadaan Kiristaanka iyo dadka kale ee aan muslimka ahayn, kuna nool dhulkooda, iyadoo la ilaalinayo hadallada colaadinta ah ee Kiristaanka ku wajahan. Caqiidadu ereybixino ayay keenaysaa, dantuna jidka la qaadayay dhigtaa.

FC: Ururka al-Qaacida ee Jasiiradda Carabtu waa isbahaysiga ugu dhow al-Shabaab kolka dallada al-Qaacida lagu wada jiro, sidaas oo ay tahay, al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed iyo Xuutiyiintu waa cadow dagaallamayey tan iyo 2010-kii. Warbixintiinnu waxa ay tilmaamaysaa in al-Shabaab ay isu aragto “u dhexeeye aan rasmi ahayn” oo labadan oo dhinac ee cadawgaa ah. Sidee ayaa ay al-Shabaab isugu waddaa isdiiddooyinkan iyada oo aan dhibaatayn xidhiidhkay la leedahay al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed?

XSC: A-lshabaab waxa ay arrinkan ku maaraysaa kalasoocid qotodheer oo dhinacyada ah. Alqaacidada Jasiiradda Carbeed si buuxda looma ogaysiiyo xidhiidhka Xuutiyiinta, Alshabaabna waxa ay al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed isaga dhigtaa biriishka suurogalin kara in hubka iyo xogta Xuutiyiinta laga helo, iyada oo aan la taaban mabaadi’da jihaadka sunniga ah. Marka la isku soo wada duubo, Xuutiyiinta waxa ay ula dhaqmaan inay yihiin il hubka iyo xogta badda laga helo, se loolama dhaqmo saaxiibbo caqiido ahaan. Al-qaacidada Jasiiradda Carbeed waa ay u dulqaadataa xaaladdan, sababtoo ah waxa ay si weyn maaliyad ahaan ugu tiirsantahay al-Shabaab. Warbixinta maxadka Saldhig waxa uu xaqiijinayaa in boqolkiiba 30 maalgelinta Alqaacidada Jasiiradda Carbeed ka timid dhinaca al-Shabaab, sannadihii cadaadiska u badan la saaray Alqaacida. Sabab kale oo Alqaacidada Jasiiradda Carbeed ugu dulqaadato xidhiidhkani waa in aanay al-Shabaab ku cadaadin inay yareeyaan hawlgallada ay ku wadaan Xuutiyiinta. Waa xidhiidh aan isu dhigmin: al-Shabaab waxa ay al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed uga baahantahay sharciyadda aydhiyoolajiyadeed, al-Qaacidana waxa ay u baahantahay maalgelinta. Sidaas awgeed ilaa hadda, dhinacna ma dooran inuu xidhiidhkaas meesha ka saaro.

FC: Warbixintiinnu waxa ay tilmaamaysaa xidhiidh heerar kala duwan ah: shabakado ganacsi, isweydaarsiga xogo sirdoon, iyo isla shaqayn siyaasadeed iyo milatari, iyadoo hoggaanka al-Qaacidana ku jiro kaalin fududayn ah. Sidee xidhiidhkani u muuqdaa heerka kala dhigdhigan ee faahfaahsan, inta aynnu fahmi karno?

XSC: Heerka ganacsi marka la eego, shirkado Soomaali iyo Yamani ah, shirkado kalluun, kuwo ganacsi iyo shidaal iyo dillaalo ayaa qaada hubka iyo lacagaha iyagoo ka gudbiya Gacanka Cadan. Lacagaha waxa lagu bixiyaa xawaaladaha isku xidha Boosaaso, Berbera, Jabuuti iyo Sanca.

Heerka sirdoon kolka la eegana, xubnaha badda ee Xuutiyiintu waxa ay xogaha kormeerka xeebaha ka helaan unugga badda u qaabilsan al-Shabaab, halka al-Shabaabna Xuutiyiinta ka hesho xogaha ku saabsan bartilmaameedsiga maraakiibta Galbeedka.

Heerka wada shaqayn iyo wada qorshaynta kolka ay joogto, warbixinta maxadka Saldhig waxa ay sheegaysaa in masuuliyiin cayiman oo Xuutiyiin ah sida Abuu Ra’si, Abuu Khaliil iyo Makhaadil ay qaabbilsanyihiin arrimaha Afrika, si joogto ahna ula xidhiidhaan guddiga qorshaynta ee ka tirsan al-Shabaab, oo ay hoggaamiyaan Abubakar Cali Cadan iyo Yaasiin Cismaan Kiwe. Hoggaanka dhexe ee al-Qaacidana waa uu ogyahay arrinkan, kamana hor iman, sababtoo ah hindisaha asal ahaan waxa lahaa al-Shabaab.

FC: Waa maxay duruufta u gaarka ah Geeska Afrika iyo Badda Cas ee isbahaysigan ka dhigay mid labada dhinacba lagama maarmaan u ah? Waa maxay mushkiladaha dhinac kastaaba xallinayo?

XSC: Kolka al-Shabaab la eego, Yaman waxa ay u tahay isha dibadeed ee keli ah ee laga heli karo hubka horumarsan, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tiknoolayjiyadda walxaha qarxa iyo miinooyinka badda — sidoo kalena waa u ikhtiyaar kale oo lagu tababbaran karo kolka cadaadis badan la saaro Soomaaliya. Waxa u dheer in Yaman siiso qaabab beddel ah oo lacagaha la dhex mariyo, si cunaqabataynta looga baxsado.

Kolka Xuutiyiinta la eegana, Soomaaliya waxa ay u tahay meel leh xeeb iyo maamul jilicsan oo lagaga baxsan karo xayiraadaha saaran, lagana samaysan karo jidad cusub oo tahriibinta ah, awooddoodana ku fidin karaan Geeska Afrika. Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay u tahay fagaare lagu tijaabiyo taatikooyinka cusub ka hor intaan laga hawlgelinin Yaman. Ma aha isgarabsiin mabda’ ku dhisan, ee keliya waa kala beddelshada awoodaha laba dhinac oo la dhibaataysan cunaqabatayno, oo raba inay badbaadaan, isna fidiyaan.

FC: Labada kooxoodba waxa ay dhaliileen aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland. Cadawgaas ay ka midaysan yihiin ma siinayaa daah ay ku qariyaan iskaashigooda, mise waxa uu uga dhiganyahay isku soo dhawaansho istaraatiijiyadeed oo intaasba ka qotodheer?

XSC: Dhaleecaynta labada dhinacba huwiyeen Israa’iil, waa wax keensanaya tiir kale oo aydhiyoolajiyadeed oo muhiim ah, se ma noqonayo waxa ugu weyn ee xidhiidhkooda riixaya. Iskaashigani waxa uu labada dhinac u sawirayaa iskacaabbin hal cadow dhufays ugu wada jira. Sidoo kale, waa qodob al-Shabaab ka yaraynaya dhaliilaha gudaha ee xidhiidhkan ku saabsan, oo waa tiir u jidbixinaya iskaashiga Shiicada oo loo arko lagamamaarmaan taatikeed oo loo adeegsanayo dagaal ballaadhan oo lagula jiro Sahyuuniyada iyo gacansarraynta Galbeedka. Dagaalkii Qasa laftiisu iskaashigan waa uu dardargeliyey, kolkan oo weerarrada Xuutiyiinta ee baddu ay kordheen, natiijooyinka maxadka Saldhigna waxa ay tilmaamayaan in ururka al-Shabaab uu si hoose u siiyey taageero sirdoon qaar ka mid ah weerarradaas Xuutiyiinta. Cadawgu waa dhab oo waa uu jiraa, iskaashiguna waa uu soconayaa haddii cadawgaasi jiro iyo haddii kaleba.