Skip to main content

Saturday 17 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

al-Shabaab Iyo Mustaqbalka Awoodda Soomaaliya

25 March, 2025
Image
jkhk
Burbur ka dhashay weerar ay kooxda argagaxisada ah ee al-Shabaab ku qaadeen huteel ku yaal Beladweyn, Maarj, 12 2025. (Xuquuqda sawirka: Abuukar Mohamed Muhidin/Anadolu via Getty Images)
Share
Hordhac:

Dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo ururka al-Shabaab ee xidhiidhka la leh ururka al-Qaacida ayaa galay marxalad adag, iyadoo kooxda xagjirka ahi ay kordhisay weerarradeeda, si ay u gaadho guul istiraatijiyadeed oo beddeli karta awoodda siyaasadeed ee dalka. Tan iyo bilowgii sanadkan, Xarakada al-Shabaab waxay xoojisay hawlgalladeeda milatari, iyadoo ka faa’idaysanaysa habacsanaanta amniga ee ka jirta gobollada dalka, khalkhalka siyaasadeed, iyo mashquulnimada dowladaha gobolka iyo caalamka oo ku foogan arrimo kale.

Weerarrada sii kordhaya iyo qabsashada goobaha istiraatijiyadeed ee ku yaalla gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxay muujinayaan isbeddel muhiim ah oo ku yimid habka ay kooxda u dagaallanto. Xarakadu waxay hadda ka baxday weerarrada goos-gooska ah, waxayna u guurtay istiraatijiyad fog oo lagu wiiqayo awoodda dowladda iyo ciidamada la shaqeeya, isla markaana lagu xoojinayo joogitaanka Xarakada ee gudaha gobollada ku xeeran caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa si weyn isku soo taraya ififaalo muujinaya in Xarakada al-Shabaab ay qorsheyneyso inay isku fidiso Muqdisho, iyagoo ka faa’idaysanaya dayaca amni iyo caqabadaha hortaagan dowladda ee xakamaynta xaaladaha gudaha.

Isbeddelkan ayaa keenaya su’aalo la iska weydiinayo awoodda dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay u leeyihiin in ay xakameeyaan halista argagixisada, iyo in taageerada militari iyo sirdoon ee Turkiga iyo Mareykanka ay ku filan yihiin in la gaadho isku dheelitirnaan istiraatijiyadeed. isbeddelka hadda socda wuxuu qayb ka yahay xaaladda ka jirta gobolka, iyadoo danta caalami ee ka imaanaysa mashaariicda kaabayaasha iyo baadhista shidaalka ay saamayn ku leeyihiin dhaq-dhaqaaqyada dagaalka.

Warbixintan waxaan si qoto dheer ugu eegi doonaa hawlgallada milatari ee socda, ujeeddooyinka istiraatijiyadeed ee kooxda al-Shabaab, jawaabaha dowladda iyo iska caabinta bulshada deegaanka, iyo sidoo kale mowqifyada dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka. Waxaan sidoo kale ku lafaguri doonaa xaaladaha mustaqbalka dhow iyo sida arrimahan ay u saameyn karaan xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Ujeeddooyinka Istiraatiijiyadeed ee Weerarka al-Shabaab:

Gulufka ciidan ee ay xarakada al-Shabaab waddo waqti xaadirkan waxa uu ka tarjumayaa isku day istiraatiiji ah oo ay ku doonayso inay xoojiso awooddeeda dagaal, dhaqaale, iyo saameyn siyaasadeed – gudaha Soomaaliya iyo marka la eego xidhiidhka gobolka iyo caalamka.

Mid kale oo ka mid ah yoolasha ugu muhiimsan ee weerarrada hadda socda waa in la xakameeyo marinnada istiraatiijiga ah ee xeebaha, gaar ahaan kan isku xidha Cadale iyo Warsheekh, oo ah marino muhiim ah oo isku xidha Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka. Xakamaynta waddooyinkan waxay siinaysaa ururka fursad ay ku xoojiso dhaqaalaha dagaalka, ku go’doomiso dawladda, isla markaana ay uga hortagto sahayda ciidan iyo mid dhaqaale ee dowladda.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa sidoo kale la jaanqaadaya furitaanka mashaariic horumarineed oo waaweyn sida mashruuca dayax-gacmeedka ee Turkiga iyo howl-gallo shidaal baaris ah ee laga wado Shabeellaha Dhexe. Xarakadu waxay u aragtaa horumarkaasi mid hiil u ah oo xoojin kara awoodda dawladda Soomaaliya, sidaa darteedna waxay isku dayaysaa inay carqaladayso dadaalladaas si ay u yareyso awoodda dowladda ee dhinaca dhaqaalaha iyo sharciyadda.

Dhanka kale, weerarrada al-Shabaab ee ka socda meelaha u dhow Muqdisho – gaar ahaan masaafo dhan 10-15km – waxay muujinayaan dadaal ay ku doonayso inay wiiqdo awoodda dawladda ee caasimadda, iyada oo abuuraysa cabsi bulsho iyo khalkhal amni, taas oo xitaa sababi karta weerarro toos ah oo ka dhaca gudaha magaalada.

Xarakadu waxay sidoo kale isku dayaysaa inay mideyso dagaalyahannadeeda kala firirsan ee gobollada sida Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo Mudug, taasoo muujinaysa qorshaha ay ku doonayso inay mideyso cududda iyo awoodda dagaal ee mustaqbalka, isla markaana ay isku muujiso ciidan awood leh oo is-hortaagi karta dowladda iyo xulafadeeda. Guulaha milatari ee xarakadu gaadhay waxay sidoo kale u adeegaan siyaasaddeeda dacaayadeed ee ay ku kasbanayso dagaalyahanno cusub gudaha iyo dibaddaba.

Sidoo kale, xarakadu waxay kor u qaaday dadaalkeeda ku aaddan in ay yeelato saameyn siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah. Guul kasta oo ay gaadho, ha noqoto mid dhuleed ama mid adkeysiga dagaalka ah, waxay siinaysaa fursad ay uga faa’iidaysato wax kasta oo wada-xaajood mustaqbalka ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Haddii ay ku guulaysato xarakadu qorshahaheeda, waxay heli doontaa awood ay shuruudo ku yeelan karto mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, halka fashilkeeduna uu keeni karo dib u dhac istiraatiiji ah oo baaxad leh. Sidaa darteed, duulaanka ciidan ee hadda socda waxa uu u muuqdaa dadaal ay xarakadu ku doonayso in ay beddesho dheelitirnaanta awoodda ee Soomaaliya, iyada oo ka faa’iidaysanaysa caqabadaha amni iyo dhaqaale ee jira si ay u hesho saameyn weyn oo mustaqbalka ah.

Falcelinta Dawladda iyo Xooggaga Iska Caabinta Shacabka

Iyadoo laga duulayo gulufka iyo dhaqdhaqaaqa al-Shabaab, dowladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo difaacyada dalka iyo la-dagaallanka khatarta xarakada. Ciidamo cusub oo si gaar ah loo tababaray ayaa loo diray jiidaha hore ee dagaalka, si ay uga hortagaan duullaanka al-Shabaab, loogana ilaaliyo caasimadda Muqdisho iyo goobaha kale ee istiraatiijiga ah.

Dowladda, oo gacan ka helaysa ciidamada huwanta, ayaa qaaday duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha hoggaanka iyo goobaha saadka ee al-Shabaab, taasoo la doonayo in lagu wiiqo awoodda xarakada, laguna burburiyo kaydadkeeda hubka iyo sahayda. Sidoo kale, dowladda ayaa ku dhiirrigelisay Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay abaabusho iska caabin shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo dadka deegaanka lagu dhiirrigelinayo inay si toos ah uga qayb qaataan difaaca dhulkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si shakhsi ah u booqday jiidaha hore ee dagaalka, taasoo muujinaysa sida ay hadda dowladda uga go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab. Booqashadiisu waxay dhiirrigelin u noqotay ciidamada iyo bulshada rayidka ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, iyadoo sidoo kale la xoojiyay abaabulka iyo isku-duwidda dadaallada milatari iyo amniga qaranka.

Dhinaca kale, doorka shacabka ee iska caabinta Al-Shabaab ayaa si weyn u xooggaystay, waxaana kordhay dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan “Macawislay” kuwaas oo dagaallo adag kula jira xarakada. Qabaa’ilka qaar ayaa sameeyay isbahaysi cusub oo ay la galeen dowladda, taasoo sare u qaadday taageerada saadka, sirdoonka, iyo abaabulka difaaca.

Dadaalladan iskaashi ee dowladda iyo shacabka ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo difaaca qaranka, laguna yaraynayo saameynta Al-Shabaab. Waxaana laga naawilayaa in ficilladan ay sare u qaadi doonaan awoodda dowladda ee la dagaallanka argagixisada, taasoo horseedi karta horumar xagga nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Mowqifka Dowladaha Gobolka iyo Caalamka

Gulufka millatari ee Al-Shabaab ayaa abuuray dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo uga imaanaya quwadaha waaweyn ee gobolka iyo caalamka, kuwaas oo u arka xasilloonida Soomaaliya inay tahay arrin istiraatijiyad sare leh.

Turkiga, oo door muuqda ku leh taageerada Soomaaliya, ayaa Muqdisho keenay diyaarad dagaal oo nooca Akinci, taasoo muujinaysa sida ay Ankara uga go’an tahay xoojinta dowladda Soomaaliya ee wajahaysa khataraha Al-Shabaab. Tallaabadani waxay ka tarjumaysaa ilaalinta danaheeda dhaqaale, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah iyo mashaariicda tamarta ee dalka, iyada oo ay sii kordhayaan dadaallada Turkiga ee gobolka, sida horumarinta dayax-gacmeedyada iyo mashaariicda istiraatiijiga ah.

Mareykanka, oo horey u hakiyay taageeradii dhaqaale ee ciidamada gaarka ah ee Danab, ayaa dib u bilaabay maalgelinta iyo tababarka, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay xasilloonida Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisada. Sidoo kale, Mareykanka waxa uu ballaarinayaa joogitaankiisa militari, iyada oo saldhig cusub laga dhisayo Garoonka Diyaaradaha Jowhar ee Shabeellaha Dhexe, taasoo muujinaysa sida ay ciidamada Mareykanka u sii xoojinayaan hawlgallada gobolka. Intaa waxaa dheer, duqeymaha cirka ee ay la beegsanayaan hoggaanka Al-Shabaab ayaa sii kordhay, taasoo lagu wiiqayo awoodda ciidan ee xarakada.

Isku soo wada duuboo, dhaq-dhaqaaqyadan heer gobol iyo heer caalami waxay muujinayaan iskaashi ballaaran oo ay quwadaha waaweyn ee lagu xaddidayo saameynta Al-Shabaab, iyaga oo ka duulayo danaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee gobolka.

Xaaladaha La Filan Karo

Waxaa jira xaalado dhowr ah oo la saadaalin karo, iyada oo lagu saleynayo horumarka dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, iyo awoodaha ciidan ee dhinacyadu haystaan si ay u gaaraan hadafkooda.

  1.  Haddii Al-Shabaab jebiso difaacyada dowladda:
  • Muqdisho waxay noqon kartaa goob dagaal, taasoo horseedi karta burbur siyaasadeed iyo amni.
  • Xaaladdan, Turkiga iyo Mareykanka ayaa laga yaabaa inay si toos ah u farageliyaan, iyagoo qaaday duqeymo waaweyn oo cirka ah si ay u joojiyaan horusocodka Al-Shabaab, una ilaaliyaan caasimadda.

 2. Haddii dowladda xakameyso duullaanka Al-Shabaab:

  • Ciidamada dowladda oo kaashanaya duqeymaha cirka iyo iska caabinta maxalliga ah ayaa si tartiib ah u wiiqi kara awoodda Al-Shabaab.
  • Al-Shabaab waxay u laaban doontaa xeeladaha dhuumaaleysiga, iyadoo kor u qaadi karta weerarada ismiidaaminta iyo qaraxyada, gaar ahaan Muqdisho iyo deegaanada ku dhow.

Si kastaba ha ahaatee, gulufka ciidan ee ay waddo xarakada Al-Shabaab, wuxuu hubaal imtixaan culus ku yahay dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda.

Dhanka kale, waxaa muuqata in ay Al-Shabaab sii wadi doonto isku-dayga ay ku ballaadhsanayso saameynta dhuleed gaar ahaan goobaha istiraatiijiga ah, taasoo laga yaabo inay abuurto colaad daba dheeraata oo saameyn xooggan ku yeelata xasilloonida gobolka oo dhan.

Qoraallada kale ee qoraaga