Skip to main content

Tuesday 10 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Al-Itixaad al-Islaami: Ururkii Laga Kala Dhuuntay

19 May, 2025
Image
itixaad
Share

Qarnigii tagay waxa uu Soomaalida ku sagootiyay qalalaase bulsho iyo mid siyaasadeed oo xooggan. Waxa uu kaga tagay dagaalladii sokeeye ee ugu badnaa ee dhex mara qabiillada iyo kooxo siyaasadeed oo keenay qax baahsan iyo nugayl qotodheer oo horseeday in boqollaal kun oo Soomaali ahi u dhintaan aafooyin kale sida abaaro iyo macaluul. Jabhado qabiil, qaddiyado siyaasi ah, kuwo aydhiyoolojiyeed iyo kooxo dagaal-ka-macaash ah ayaa jibaaxay qaybo badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida, gaar ahaan dhanka koonfureed. Kooxahaasi waxa ka mid ahaa ururkii al-Itixaad al-Islaami oo ahaa urur aydhiyoolojiyeed oo hubeysan iskuna dayay in uu awood ku qabsado Soomaaliyadii qasantay.

Inta badan ururradii iyo kooxihii qaybta ka ahaa dagaalladu waa ay dhinteen ama dhalanrogmeen. Ha se ahaato e, kooxahaas badankoodu, eed kaste iyo iin kaste oo ay leeyihiin, waxa ay haddana leeyihiin taageereyaal iyo dad u heellan in ay bogaadiyaan, marka laga reebo Itixaadkii oo aan yeelan hayb qabiil oo ku faanta iyo koox aragtiyeed oo difaacda waxii uu u taagnaa ururku. Waxa yar, xitaa, cid si hufan oo aan ahayn eedeyn iyo iska-fogeyn uga warranta taariikhda dhabta ah ee ururka. Aniga oo muddo dheer u fiirsan jiray sababaha nafsadeed ee ay Itixaad uga gaabsadaan kuwii ka tirsanaan jiray iyo kuwa weli la aragti ahi, ayaa aan dhawaan daawaday wareysi afar qaybood ah oo uu bixiyay wadaadka la yidhaahdo Sheekh Axmed Cabdisamad oo aan filayo in uu yahay Xoghayeha Guud ee Jamaacat al-Ictisaam oo ah ilmaha la isla oggol yahay ee uu dhalay Itixaad. Wareysi aad u cuddoon, deggan oo aan ka madhnayn kaftan, dhab-ka-hadal iyo xogaa dheelli ahba ayaa uu ahaa, waxana aan runtii arkay in aanu Sheekh Axmed u arkayn Itixaad marxalad ay tahay in xaal-mastuur lagu dhaafo ama aan lagu raagin weyddiinteeda. Sheekh Axmed waxa uu doodda keenay meel horumarsan oo laga sii qaadi karo dib-u-baadhista aragtiyihii Itixaad loogana gudbi karo baadhista saameyntiisa weli jirta iyo   mustaqbalka caqiido-siyaasadeed ee ururka dhaxlay Itixaad, Jamaacadda Ictisaam.  

Ururkii al-Itixaad al-Islaami waxa uu sameysmay 1983/4kii markii ay isugu tageen labo kooxood oo ka mid ah islaamiyiintii Soomaalidu; waa Waxdatu al-Shabaab al-Islaami oo ahaa urur reer Waqooyi ah iyo al-Jamaaca al-Islaamiyah oo ahaa urur reer Koonfureed ah. halkaas ayaa laga keenay magacan dambe ee ‘al-Itixaad’ oo u taagan midow, waana markan kolka uu ururku si buuxda ugu xuubsiibtay in uu noqdo urur Salafi ah oo hirgaliya aragtida diineed ee Maxamed bin Cabdilwahaab iyo tacaaliinta Ibnu Taymiyah. Waxa uu ururku aad ugu saamoobay jihaadkii Afgaanistaan iyo ololihii dib-u-nooleynta ‘Ummadda Islaamka’ oo ah dareen ku qotoma Muslimiinta oo dhan, waqtigaana ay reer Galbeedka iyo xulufadooda gobolku uga faa’iideysteen in ay ku wiiqaan Midowgii Soofiyetka oo u taagnaa awoodda reer Bariga ee caabbida midda reer Galbeedka. Sidaa awgeed, al-Itixaad al-Islaami waxa uu yeeshay aragti jihadi ah iyo xubno dagaalyahanno ah oo ka soo dagaallamay Afgaanistaan. Markii uu taliskii Kacaanka Soomaaliya aad u daciifay una sii hoobanayay dhankii burburka, waxa uu Itixaadku helay duruufo deegaan oo ku habboon aragtidiisa jihaadiga ah iyo dad badan oo u heellan in la askareeyo. Sidaa darteed, waxa uu ururku yeeshay garab hubeysan oo leh xafiis maamul – Maktab al-Jihaad, iyo saldhigyo ciidan – Mucaskaraad.

Ka dib markii uu kelitaliye Maxamed Siyaad ka cararay Xamar, waxa ay Itixaadku qabsadeen xarruntii ciidanka ee Kismaayo waxana ay la wareegeen hubkii dawladda ee yaallay. Waxa ay xeradaas ku qaateen tababarro dheeri ah iyo abaabul, iyaga oo ka faa’iideysanaya khibradda dagaalyahannadii Afgaanistaan ka yimid oo koobnaa iyo tababarradii ay hore ugu soo qaateen mucaskaraadka hore loo furay. Qabsashada Kismaayo waxa ay Itixaadka galisay dagaalkii ugu horreeyay ee uu ururku galo. Dhab ahaan, xaaladda kala-guurka ah ee uu dalku galay waxa ay Itixaad galisay jaahwareer siyaasi ah iyo mid militari. Waxa uu ururku helay fursaddii uu ku tijaabin lahaa shaqada xafiiska ‘Jihaadka’ oo ay carcar badan u qabeen. Ha se ahaato e, burburkii dawladda iyo fallaagowgii qabiilladu waxa uu Itixaad ku riday dayoow aragtiyeed oo madmadow ka galiyay ‘ciddii’ uu la dagaalami lahaa. Dhammaan dagaalladii uu galay al-Itixaad al-Islaami waxa ay ahaayeen kuwo taaktikeed oo aan sina u ahayn istiraatiiji. Tusaale ahaan, markii ay qabsadeen taliskii ciidanka ee Kismaayo waxa ay noqdeen kooxda ugu awoodda badan ee haysata magaaladan oo ay ku soo qaxeen inta badan hadhaagii Kacaanku. Mar qudha ayaa uu Itixaadku is arkay isaga oo difaacaya hadhaagii taliskii Maxamed Siyaad Barre oo isugu yimid magaalada. Maaddaama oo ay Soomaalidu u kala miirantay qabiillo, waxa uu hadhaagii talisku isugu biyo-shubtay qabiilka Daarood, halka jahbadda ugu weyn ee dhulka ka qabsanaysay, waa USC e, ay ahayd qabiilka Hawiye. Kolkaa, al-Itixaad al-Islaami, oo ahaa urur aydhiyoolojiyeed oo ka kooban inta badan qabiillada Soomaalida, hoggaankiisana isaga sarreeyeen labo nin oo kala ah Isaaq iyo Hawiye, waxa uu is arkay isaga oo ka barbar dagaallamaya hadhaaagii Kacaanka iyo qabiilka Daarood, waxana ay Araare kula dagaallameen ururkii USC ee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid oo ugu dambeyn jabiyey iyaga iyo hadhaagii Maxamed Siyaad kana qabsaday Kismaayo.

Jaahwareerkii ka dhashay dagaalkaasi waxa uu Itixaad ku keenay in ay u guuraan deegaannada Waqooyi Bari oo ah buuraley saaran Gacanka Cadan, ku fiican dhanka helitaanka saadka, isla markaana ka madhnaa awood jabhadeed oo tamar leh kana fogaa dagaalladii u dhexeeyay hadhaagii Kacaanka iyo USC. Muddo ka dib, waxa uu Itixaad mar kale galay dagaallo waaweyn oo dhex maray isaga iyo SSDF oo uu dib boodhka uga jafay Koloneel Cabdilaahi Yuusuf, oo markaa jeelka ka soo baxay. Muddadaas ka hor, SSDF waxa ay ahayd urur magac-u-yaal ah oo uu ‘Imaam’ ka yahay Jeneraal Maxamed Abshir (Haamaan) oo ay Itixaadku ku lahaayeen saameyn aragtiyeed oo weyn. Kolka la eego nidaam-darradii ay dagaalka ku galeen iyo sidii ay ugu Jabeen, waxa muuqata in mar kale ay Itixaadku galeen dagaal taaktikeed oo aanay u caddeyn ujeeddadiisa guud. Waxa ay ku dagaalameen Garoowe, Boosaaso, Saliid ilaa Laasqoray. Dagaallada oo dhanna, Itixaadku waa uu ku jabay.

Dagaalladii uu Itixaad galay oo dhan kuma uu jabin oo qudha e, waa uu ku kala jajabay. Waxa ururka lagu eedeeyay, isaguna dhexdiisa isku haaraamay kuna kala qaybsamay, tuhunno qabyaaladeed, eedeymo madaxda qaarkood loogu jeediyay hanfadenimo iyo in ay ajendeyaal kale u adeegayaan. Ugu dambeynna, waxa gebi ahaanba la isku fahmi waayay dagaalka. Guuldarrada ayaa leh gocashada, kala shakiga iyo is-haaraanka. Ha se ahaato e, waxa cad in Itixaad uu ahaa urur leh aydhiyooloji xooggan, laakiin aan lahayn qorshe dhisan, gaar ahaan garabkiisa Jihaadku. Si uu isu badbaadiyo ururku oo aanu u burburin khilaafyada gudaha iyo nabarradii guuldarrooyinka, waxa uu hoggaanku go’aansaday in uu hakiyo dagaalladii Waqooyi Bari Soomaaliya, ciidamadiina kala diro. Ha se ahaato e, ururku waxa uu, militari ahaan, si firfircoon uga sii hawlgalayay Koonfurta Soomaaliya, oo uu qabsaday qaybo ka mid ah gobolka Gedo, iyo Gobolka Soomaalida Itoobiya oo uu dagaallo kula galay ciidanka Itoobiya.

Xilligan, Itixaad waxa uu bilaabay in uu gudihiisa u kala qaybsamay garabyo aragtiyeed oo saddex ah oo, ugu dambeyn, u xuubsiiban doona saddex kooxood oo Salafi ah; garabka koobaad oo ahaa khadka dhexe ee ururka Itixaad oo metalayay aragtida ah in fikradda qabsashada xukunka la ballaadhiyo laakiin xoogga la saaro qorsheyaasha iyo taaktikooyinka aan ‘jihaadka’ ahayn. Garabkan waxa hoggaaminayay Sheekh Cali Warsame oo ahaa Amiirka Itixaadka, waxana la aragti ahaa in door ah oo ka mid ah haldoorka ururka. Garabka labaad waxa isugu baydhay ciddii saluugsanayd go’aanka hakinta ‘jihaadka’ waxana hoggaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hore u ahaa Ku-xigeenka Amiirka ururka waxana la aragti ahaa in badan oo ka mid ah haldoorka ururka sida mujaahidiintii Afgaanistaan, iyo laantii Ittixaadka ee Soomaali Galbeed. Garabka saddexaad oo bilowgii laga awood badnaa waxa ay, aragti ahaan, ku fogaadeen in gebi ahaanba ururku aanu u adeegeyn ujeeddada. Garabkan oo aan bilowgii yeelan cid metalaysa khadkiisa oo cad, waxa ay aragtidiisu ku soo dhisantay in aan keliya la joojin shaqada xafiiska jihaadka lana kala dirin ciidamada oo qudha e, gebi ahaanba la kala diro ururka al-Itixaad al-Islaami. Fikraddan lagama doodin intii ay socotay dib-u-eegista qorsheha ururka Itixaadka, haddii laga doodayna ma ay noqon fikrad culeys leh oo dhug loo yeeshay. Ha se ahaato e, khadkan dhexe waa uu xoogeystay markii dambe waxana hoggaamiyay tiirar muhiim ah oo ka mid ahaa Itixaad sida Sheekh Maxamed Cabdi-Daahir oo ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka, isla markaana ahaa ninkii ku dhawaaqay jiritaanka ururka 1989kii. 
Saddexdaas garab ee uu, aragti ahaan, u kala miirmay al-Itixaad al-Islaami waxa ay ugu dambeyn abuuri doonaan saddex kooxood oo Salafi ah oo kala ah:  

1.Xarakat al-Shabaab oo ay sameeyeen garabkii Itixaad ee saluugsanaa in hubka la dhigo ama la joojiyo ‘Jihaadka’. Waxa uu garabkani si weyn ugu xidhmay al-Qaacida waxana uu si xagjir ah uga hirgaliyay Soomaaliya ‘Jihaadka caalamiga ah’ iyo aragtida muranka badan ee istiraatiijiyadda ‘Maareynta Bahalowga’ oo ah in la abuuro qalalaase iyo colaado la galiyo degalka oo dhan si loo xaqiijiyo labo ujeeddo; abuurista tiiraanyo ummadeed oo ka dhalata khasaaraha bulshada ka soo gaadhaya dagaalka quwadaha waaweyn, iyo in dhiigbax lagu rido quwadahan. Bahalnimadaasi si buuxda ayaa ay uga hirgashay Soomaaliya, iyada oo cidda ku dhiigbaxday ee la hubaa ay, keliya, tahay Soomaalida. Si kaste oo ay sumcaddoodu ugu dhimatay dagaallada iyo qaraxyada khasaaraha badan geysta, al-Shabaab waa koox la garan karo waxa ay doonayso iyo aragtida ay ka leedahay Soomaalida iyo maamulladeeda, waana in ay maamulladu yihiin kuwo riddoobay ‘gaaloobay’ oo ay tahay in lagu jihaado, halka ay Soomaalidu ugu qaybsan tahay kuwo la shaqeeya maamullada oo la xukun ah iyo Muslimiin la haysto oo u baahan in la xoreeyo. Al-Shabaab waxa ay ku eedeysaa Salafiyiinta iyo Ictisaam in ay yihiin ‘Murjia’ iyo kooxo ku hawllan in ay Muslimiinta u dulleeyaan ‘gaalada’. Waxa ay, sidoo kale, u arkaan Itixaad in uu ahaa urur ay wiiqeen dad aan daacad ka ahayn jihaadka hoggaankiisana ay ka buuxeen basaasiin iyo ajendeyaal xun oo hagardaameynayay jihaadka.

2.Salafiyiinta oo ah koox aragtiyeed aan lahayn urur nidaamsan waxa sameeyay garabkii ku tagay aragtida ah in ururka la kala diro ama aan loo baahnayn jamaaco islaami ah oo si gaar ah uga dhex abaabulan bulshada. Kooxdan oo si gaar ah u sheegata magaca ‘salafiyah’ waxa ay leedahay ‘culimo’ diineed iyo dad badan oo taabacsan waana koox aragtiyaheeda ku saabsan maamullada Soomaalida, mustaqbalka dawladeed iyo taariikhdii Itixaadba ay cad yihiin; waa in maamullada Soomaalidu ay yihiin kuwo sharci ah oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo oo lala shaqeeyo, iyo in aan siyaasadda lagu loolamin, waxana ay ku eedeeyaan al-Shabaab iyo Ictisaam in ay kala yihiin Khawaarij iyo hadoodilka fikradeed ee ay Khawaarijtu ka soo baxdo. Waxa ay, sidoo kale, u arkaan ururkii Itixaad in uu ahaa iniintii fitnada iyo kala qaybinta ummadda.

3.Jamaacat al-Ictisaam oo ah khadkii dhexe ama ubucdii al-Itixaad al-Islaami, isla markaana noqday garabkii ku socday go’aanka rasmiga ah ee ururka. Kooxdani sida ay u dhaxashay nidaamkii rasmiga ahaa ee ururka, waxa ay u dhaxashay jaahwareerkii ururka Itixaad. Illaa maanta, bulshada uma cadda qorshaha ay kooxdani ka leedahay arrimo badan oo muhiim ah sida Jihaadka, siyaasadda, mustaqbalka ururka iyo xitaa taariikhdiisa. Waxa ay kooxdu leedahay haldoor badan oo ay ka mid yihiin kuwa ay hadda Soomaalidu u garawsan tahay ‘Culimada waaweyn’ ee Soomaalida. Haddana, Ictisaam ma ay yeelan aragti saafan oo ku saabsan dagaallada ay galaan ururrada diiniga ahi, ma leh aragti qeexan oo ku saabsan xukunka dawladaha Soomaalida iyo qorshaha ay ka leeyihiin, sidoo kale ma leh qorshe daahfuran oo siyaasadeed oo ay urur ahaan isugu rogayaan xisbi siyaasi ah. Intaasba uma laha si daahfuran oo ay bulshada la wadaagaan ama masaajidada kaga dhawaaqaan. Daahfurnaan la’aantaa aragtiyeed awgeed, Ictisaam waa kooxda ay kooxaha kale ee Salafiyiintu; kuwooda dacawiga ah iyo kuwooda jihaadiga ahiba, ku eedeeyaan eedo iska soo horjeeda oo isburinaya. Sidoo kale, Ictisaam waxa ay u arkaan Itixaad in uu ahaa marxalad ay dhaceen gefaf ay tahay in aan laga hadlin ama ay tahay in la asturo. Waxa ay aragtidaasi ka muuqataa habdhaqanka Ictisaam ee ah in ay iska fogeeyaan magacaas iyo sooyaalkiisa. Xitaa wadaaddada waaweyn ee Ictisaam oo ay qaarkood meel sare ka gaadheen xubinnimada iyo hoggaaminta Itixaad waa ay ka dhuuntaan in lagu sunto ururkaas iyo magaciisa, iyo xitaa sooyaalkoodii shakhsi ee la xidhiidhay Itixaad.

Al-Itixaad al-Islaami waxa uu ahaa ururkii ugu ballaadhnaa ee ay yeeshaan islaamiyiinta Soomaalidu, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa Salafiga ahi. Dhammaan kooxaha hadda jira ee dhaqdhaqaaqanna waxa ay ku abtirsadaan Itixaad. Ha se ahaato e, kooxahani waa ay ku wacadfureen sooyaalkii ururka ama, si kale, waa ay ka kala dhuunteen. Waxa ay u qaybsameen kuwo weerara oo sooyaalkiisa oo dhan ceebeeya, iyo kuwo jecel in ay ka aamusaan si aan loogu suntin.

Sidaa awgeed, wareysiga uu Sheekh Axmed Cabdisamad ka bixiyay qaybo muhiim ah oo ka mid ah sooyaalkii Al-Itixaad al-Islaami waa mid bogaadin mudan oo muujinaysa qaangaadhnimo iyo biseyl illaa heer ah. Waxa kale oo ka muuqday wareysigiisa in aanu iska durkinayn ururkii uu ka tirsanaa, welina uu xubin sare ka yahay urur ku abtirsada Itixaad ama ah Itixaad oo magac-beddeshay. Marka laga tago in uu si faahfaahsan uga warramay dhacdooyin uu u soo joogay iyo kuwo uu ka ag dhawaaba, waxa uu ku dhiirraday in uu marar badan difaaco ururkiisii Itixaad oo aanu ka gabban, sida looga bartay xubno badan oo Ictisaam ah. Arrintaasi waa geesinimo kale oo bogaadin mudan.

Sidaas oo ay tahay, waxa uu Sheekh Axmed ku celceliyay dood aan daw ahayn oo ay caadeysteen haldoorka Ictisaamku. Waa doodda ay kaga dhuuntaan dagaalladii ay galeen oo ay ku tilmaamaan in ay ahaayeen go’aanno qofeed -fardi ah oo aanu ururku guddoonsan in uu Soomaalida la dagaallamo. Dhab ahaan, waa wax dhici kara in dagaal qarxay uu noqdo mid aan laga baaraandegin ama la isku raacin. Anigu aragti ahaan waa aan qabaa in dhammaan dagaalladii Itixaadku galay aanay ahayn kuwo si fiican loo qorsheeyay ama si hagaagsan loo dejiyay. Ha se ahaato e, arrintaasi ka qaadi mayso Itixaad in ay lahaayeen ajende iyo go’aan la isku raacsan yahay oo ah in ay awoodda xoog ku qabsadaan kulana dagaallamaan Soomaalida kale. Sida aan kor ku xusnay, 1989kii waxa uu ururku sameystay garab militari, waxa uu furtay saldhigyo ciidan waxana uu qortay askar tiro badan oo jihaad-doon ah, waxa uu la wareegay qaybo ka mid ah saldhigyadii hubka ee taliskii dhacayay ee Soomaaliya … waxaas oo diyaargarow iyo abaabul ciidan ahi haddii aanay caddeyn u ahayn in ururku isku raacsanaa oo uu guddoonsaday in uu awoodda kula dagaallamo Soomaalida kale ee abaabulan, ma waxa jira wax intaa ka weyn oo caddeyn kara go’aan iyo ku-talagal dagaal? Maya e, dhab ahaan Itixaad waxa uu qaatay in uu jabhadaha Soomaalida iyo qabiillada abaabulanba kula dagaallamo awoodda, laakiin waxa ka xumaaday qorshihii dagaal iyo farsamadii oo ugu dambeyn keentay guuldarro weyn in uu ururku kala kulmo, guuldarradana, inta badan, waa run oo ninba nin ayaa uu kaga cararaa illaa laga wada cararo. Guuldarradaa awgeed ayaana looga kala cararay ururkii al-Itixaad al-Islaami.