Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Afyare Cilmi: "Xalkuba wuxuu isugu biyashubanayaa xoojinta dawladnimada"

10 January, 2025
Image
Afyare cilmi
Share
Dr. Afyare Cabdi Cilmi oo ah akadeemig iyo qoraa Soomaaliyeed, ayaa Geesku kala sheekaystay mawduucyo daarran: uhda colaadaha sokeeye ee Soomaalida, waxa shidaaliya iyo sida wax looga qaban karo.

Soomaalidu laga soo bilaabo sannadkii 1978, ilaa hadda waxa ay ku jirtaa dagaallo sokeeye. Dagaalladaasi waxa ay aafeeyeen noloshii dalka, waxa ay burburiyeen raasamaalkii bulsheed, waxa ay halaag ku xukumeen dareenkii, qabkii iyo ahaanshihii qofka Soomaaliga ah. Waxa laga biirsaday; qax, dawladxumo, xasilloonidarro siyaasadeed, halaag dhaqaale, uurkutaallo, riiq nafsadeed iyo in dhulka Soomaalidu noqdo mid nugul oo bahalagaleen ah. Sidii qarankii Soomaaliyeed u burburay dalkuna colaad u galay, weli waxaan si hagaagsan loo fahmin, waxa colaadda keenay, waxa shidaaliyey, iyo xal la'aanta colaadda halka ubucda u ah. Tobonaan shir oo ku magcawnaa "dibuheshiisiin", ayaan weli laga hayn xal macna leh oo bulshada lagaga samatabixin karo colaadda daashatay. Kolkii waqtigu socdaba waxa isbeddel weyni ku dhacayaa wejigii colaaduhu lahaayeen, iyo wixii shidaalinayey. Waxaana dalluun dheer ku sii shalwanaya xalalkii iyo hababkii lagu maarayn lahaa colaadda.  

Haddaba, Dr. Afyare Cabdi Cilmi oo ah akadeemig iyo qoraa Soomaaliyeed, ayaan kala sheekaystay mawduuc daarran: uhda colaadaha sokeeye ee Soomaalida, waxa shidaaliya iyo sida wax looga qaban karo. Dr. Afyare waa agaasimihii hore ee machadka cilmibaadhista ee Heritage. Waxa uu sida oo kale hore uga ahaa barofeesar-kuxigeen, Barnaamijka Deraasaadka Khaliijka ee Jaamacadda Qadar. Afyare waa barofeesar cilmibaadhiseed (research professor), ka tirsan jaamacadda City ee magaalada Muqdisho. Sida oo kale waa cilmibaadhe sare oo ka tirsan Golaha Bariga Dhexe ee Arrimaha Caalamiga ah ee Qadar. Afyare Cilmi, shaqooyinkiisa qoraalleed waxa ay ku arooraan: dawlad-dhiska, nabadda, suugaanta colaadda sokeeye iyo xallinta khilaafaadka.

Afyare Cilmi waraysigan uu Geeska siiyey, waxa uu kaga hadlay, sababta uu u xiiseeyo wax ka qoridda suugaanta colaadaha. Waxa uu ka sheekeeyey salka colaadda sokeeye ee Soomaalida. Waxa uu ku dooday in dagaallada Soomaalidu sii dabadheeraanayaan, isaga oo carrabka ku adkeeyey qodobbada waarinaya colaadda. Waxa uu cod dheer ku sheegay federaalku qaadhaanka uu ku leeyahay colaadda, isaga oo tilmaamay in uu yahay, huriye. Sababta Soomaalida u kala adkaan weyday ama u heshiin weyday, ayuu si layaqaan uga jawaabay. Qurubbada colaadda shidaalinaya, ayuu faahfaahin ka bixiyey. Ugu danbayntii waxa uu ku tagay in xalka colaaddu ku jirto, in dawladnimada la xoojiyo iyo in dhidibbada loo malaaso, hay'ado dawladeed oo kala madaxbannaan kuwaas oo korjoogteeya laamaha kala duduwan ee dawladda, si looga baaqsado in dawladdu bulshada ku tacaddido.


Axmed Xisaam Miido: horraantii, waxaan doonayaa in aan ku bilaabo, su'aal guud: Soomaalidu sidii ay dawladdii dhexe uga burburtay dagaallo ahli ah ayey ka dhammaan la'dahay, maxaad is leedahay way kugu dhaliyeen in aad deristo, oo waliba si  hagaagsan wax uga qorto suugaanta colaadda sokeeye ee Soomaalida? Bal faahfaahin naga sii?

Afyare Cilmi: Mahadsanid. Weyddiintani waxay dib iigu celinaysaa sababta aan u doortay culuumta bulshada. Waxaan dalka ka qaxay sannadkii, 1989, oo waxaan u kicitamay Kanada. Wagaas waxa Kanada dhoobnaa bulsho badan oo qaxooti ah, oo noloshii qurbaha la kadeednaa. Waxaan ka mid ahaa dhallinyaradii jahwareerku ka haystay wixii ay baran lahaayeen, kolka ay u gudbaan tacliinta jaamacadda. Xaaladdaas aniga oo ku jira ayaan waxaan gu'gii 1991, helay cajalad uu mar hore duubay nin mufakir Islaami ah, oo la dhaho, Raashid Qannuushi. Cajaladda waxa uu ugu talagalay dhallinyaradii Musliiminta ee qaxootiga ahayd, waxa ayna ku saabsanayd dardaaran ah—in dhallinyaradu barato culuumta bulshada, si gaar ah sharciga, saxaafadda, dhaqaalaha iyo cilmiga siyaasadda. Cajaladdii aqoonyahankaas, ayaa sababtay in aan aado cilmiga siyaasadda. Intaa waxa raacda, sababta aan u xiiseeyo dersidda iyo wax ka qoridda colaadda Soomaaliya, waa in aan ahay natiijadii iyo midhihii colaaddii sokeeye. Wixii aan ka soo qaxay ee aan naftayda kala soo baxsaday, waxay ahayd colaad. Ta kale waayadaas waxaa bilowday dagaallada ka dhex qarxa waddan gudihii (Intrastate conflicts). Xilliyadaa Afrika waxa ka socday wax ku dhow labaatan colaadood oo sokeeye. Tan waxay igu riixday in aan colaadahaas derso, maaddaama aan u arkayey mawduuc dihin, oo cilmibaadhistiisu lagamamaarmaan tahay. Arrimahaas kor ku xusan baa igu dhaliyey in aan xiiseeyo wax ka qoridda suugaanta colaadaha.

AXM: Buuggaaga, "Understanding the Somalia Conflagration", oo ah waxbaqad qoraalleed oo si gudaballaadhan u dersaya colaadda Soomaalida, waxaad ku qortay laga soo bilaabo 1978, ilaa hadda in Soomaalidu colaad sokeeye ku jirto. Sharraxaad ma naga siin kartaa xididka colaadda sokeeye ee Soomaalida halka seeska u ah? Dhanka kale ma noo bidhaamin kartaa qodobbada aad u tixgelisay "huriyayaal", kuwaas oo shidaaliya colaadaha Soomaalida.

AC: Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxa sababay saddex shay. Ta koowaadi, waa ku tartanka khayraadka iyo xukunka dawladnimo. Waxa uu tartanku galay awooddii dawladeed, hubkii, shaqadii iyo gargaarkii shisheeye. Afgenbigii fashilmay sannaddii 1961, afgenbigii askartu samaysay sannaddii 1969, iyo mucaaridkii jabhadaha ee dillaacay, saddexduba waxay ku salaysnaayeen oo ay ka midaysnaayeen xukun doon. Tabashooyinkii xukunka dawladeed ka dhashay, waxay sabab u noqdeen dagaalkii sokeeye. Labo, dhaxalkii gumaystaha. Gumaystuhu Soomaalida wuxuu u kala qoqobay shan waaxood. Labo ka mid ah shantii ayaa midoobay, taasi waxa ay keentay in saddexdii kale la baadi goobo. Waxana ka dhashay dagaallo deriska la la galo iyo xasilloonidarro bulsheed oo keentay in colaad la aado. Saddex, maamulkii militariga, oo xidhay dhammaan jidadkii xukunka lagu gaadhi lahaa, ugu danbaynna qayb ka noqday in dalku colaad u jihaysto. Saddexdaas qodob waxay sabab u noqdeen in waddanku dagaal sokeeye u banbaxo. Dhan kale waxa jira wax aan u bixinnay, "shidaaliyayaal", kuwaas oo colaaddii dogobyo sii saaray. Iyaguna waa afar qodob. Kow, dhallinyarada badan ee shaqo la'aanta ah. Labo, helitaanka hubka. Saddex, dhaqanka Soomaaliga ee cunfiga iyo aanadu ku badan tahay. Afar, qabiilka la siyaasadeeyey. Qodobbadani waxay shidaaliyeen dagaalladii .

AXM: Cilmibaadhista aad wada qorteen Cabdillaahi Bariise ee la dhaho, "The Somali Conflict: Root causes, obstacles and peace-building strategies", waxaad ku qorteen arrimo shidaaliya colaadda sokeeye, waxaan ku jirin oo ka maqan baraha bulshada, oo ah shaacsane qaadhaan weyn ku leh kicinta iyo hurinta dagaallada sokeeye. Baraha bulshadu wejigii ay dagaalladu lahaayeen, maxay ku soo kordhiyeen ama ka beddeleen?

AC: Baraha bulshadu wax weyn buu ku soo kordhiyey dagaallada. Waagii hore afka qabiilka waxa ku hadli jiray gabayaaga. Hadda waxa afka qabiilka ku hadla dhallinyarada adeegsata baraha bulshada, kuwaas oo carra geddiyey habkii colaadda lagu yaqaannay. Waxa ay faafiyaan xogo khaldan, waxa ay huriyaan dagaallada, waxa ay afgenbiyaan muuqa dadka, waxay isku rakibaan hadallo la jarjaray, si ay u sameeyaan wax run u eg. Waxay carruurta baraan magacyada iyo jifooyinka qabaa'ilka. Baraha bulshadu waxa uu noqday agab halis badan, oo huriya colaadda. Waa muhiim in dhugmo loo yeesho oo la baadho. Waagii aanu cilmibaadhista samaynaynay baraha bulshadu ma aysan jirin, hadda se waxa uu lafdhabar u yahay dagaallada.

Waagii hore afka qabiilka waxa ku hadli jiray gabayaaga. Hadda waxa afka qabiilka ku hadla dhallinyarada adeegsata baraha bulshada, kuwaas oo carra geddiyey habkii colaadda lagu yaqaannay. Waxa ay faafiyaan xogo khaldan, waxa ay huriyaan dagaallada, waxa ay afgenbiyaan muuqa dadka, waxay isku rakibaan hadallo la jarjaray, si ay u sameeyaan wax run u eg.

AXM: Waxaad ka mid tahay dadka federaalka naqdiya. Ma aaminsan tahay in nidaamka federaalku qayb ka yahay colaadaha?

AC: Federaalku waxa uu ka mid yahay nidaamyada siyaasadeed ee adduunka ka jira. Wax ku dhow 26 waddan ayaa adduunka federaal ah. Waxa ay isugu jiraan: dalalka adduunka ugu waaweyn, kuwa ugu dadka badan iyo kuwa kala duwanaanta xooggani ka jirto. Afrika saddex dal ayaa magac ahaan federaal ah, waa Nayjeeriya, Koonfur Afrika iyo Itoobiya. Marka nidaamka federaalku, nidaam asal ahaantiis xun ma aha. Haddii aan weyddiintaada u soo daadego, federaalka aynu haysanno waxa uu noqday qabiilkii oo kale. Waxa lagu tolay, lagu xuduudeeyey, oo lagu sidkay falsafaddii qabaa'ilka. Kolkaa federaalku, colaadda wuxuu ka noqonayaa, wixii qabiilku ka ahaa. Sidaa awgeed federaalku waa "huriye" colaadeed oo la mid ah qabiilka.

AXM: Colaadda Soomaaliya waxa lagu tilmaamaa mid sii dabadheeraanaysa, maxaa loo aanayn karaa arrinkaas?

AC: Downs iyo Stedman buugga ay wada qoreen ee lagu magacaabo: "Ending Civil Wars: The Implementation of Peace Agreements", waxa ay ku tilmaameen siddeed qodob oo go'aamiya in ay colaadi dhammaan weydo. Waxa kale oo ay sheegeen siddeedaas mid ka mid ah dalkii laga helo in colaaddiisu dabadheeraato. Kolka aad siddeedaas fiiriso, Soomaaliya waxaa laga soo helayaa toddobo shay, waana sababta ay colaaddu u sii waarayso. Qodobbada colaadda waariya ee ay xuseen waxa ka mid ah: 1) in la waayo wax heshiis lagu yahay. 2) kooxaha dagaallamaya oo tirada ka bata. 3) qaswadayaasha. 4) ciidanka hubaysan oo kordha. 5) in la helo dawlado deris ah oo ka shaqaynaya in dalkaasi colaadda ka bixin. 6) hay'adihii dawladda oo burbura. 7) iyo in ay jirto koox doonaysa goonnigoosad. Marka aad fiiriso qodobbadaas ay tilmaameen, waxaad si fudud u fahmi kartaa in colaadda Soomaaliya sii dabadheeraanayso.

AXM: Dadka qaar waxay is weyddiiyaan sababta Soomaalidu u kala adkaan wayday ee kooxi ugu talin wayday, sida dalalka colaadaha galay lagu yaqaan, ama ay u heshiin wayday. Kala adkaan la'aanta iyo heshiis la'aanta Soomaalida maxaad ku fasiri lahayd?

AC: Waa weyddiin xiiso leh. Jabhadihii waddanka soo galay, markii horeba waxa jiray dad qabay in aanay kala adkaan karin. Maxaa wacay, waxay ahaayeen jabhado kala tagsan oo midnimo iyo nidaam toona uusan ka dhexeyn. Kolkii Siyaad Barre la ridayna, Soomaalida dagaalkii waxa uu ka noqday, dagaalladii qabaa'ilka. Jabhaduhu ma aysan ahayn dad dhishibiliin leh, oo meeshii ay qabtaan maamul ka fulinayey. Bilmetal, Itoobiya jabhadihii ku kacay Mingiste, way ka duwanaayeen kuwii Soomaaliya. Waxay ahaayeen kuwo midaysan oo ujeeddo maamul leh. Laakiin jabhadihii Soomaalidu sidaas ma ahayn. Taasi marka waxay keentay in la kala adkaan waayo, ama kooxi waddanka u talin waydo. Qodobka heshiis la'aanta haddii aan u gudbo. Markii hore waa la heshiiyey oo intaas oo shir baa waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa ka dhacay. Heshiis la'aani ma jirin, se mushkiladdu waxay ahayd in wixii lagu heshiiyey aan la fulin. Welina waa sidii oo intii lagu heshiiyey baan la fulinayn, oo is qabsi hor leh ka taagan yahay.

AXM: Guntii iyo gunaanadkii muxuu noqonayaa xalkaaga ku aaddan colaadaha?

AC: Xalku wuxuu isugu biyashubanayaa xoojinta dawladnimada. Waa in la soo ururiyo dhammaan awoodaha kooxaha kala duwan gacantooda ku jira. Dawladdu waa in ay labo qodob ku keliyeysato, oo aan la gula baratamin: awoodda cunfiga iyo awoodda sharciga. Labadaas qodob maanta way baahsan yihiin, oo kooxo kale ayaa gacanta ku haya. Kolka labadaas awoodood la soo ururiyo, waa in la sameeyo hay'adihii korjoogtayn lahaa, ee ilaalin lahaa dawladnimada, si aysan dadka ugu qooqin. Waa in laga hawlgalo sidii loo abuuri lahaa hay'ado dawladeed oo xooggan oo kala madaxbannaan, si looga baaqsado in dawladdu dadka ku durduriso.