Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Afyare Cilmi aragtidiisa ku aaddan nidaamka federaalka

20 January, 2025
Image
Afyare cilmi
Share

Dr. Afyare Cabdi Cilmi sannaddii 2015, waxa uu daabacay deraasad la yidhaahdo, "Decentralized Unitary System: A Possible Middle Ground Model for Somalia." Deraasaddu waxa ay abbaaraysay nidaamka maamul ee Soomaaliya ku habboon, midkaas oo dalka ka samatabixin kara burburka iyo khilaafka siyaasadeed. Waxa ay ahayd deraasad qiime badan, oo lafagur hagaagsan ku samaynaysay, nidaamyada dawladeed ee kala duduwan ee Soomaaliya ku hirdamaya. Ha noqdo maamul dhexe, federaal ama konfederaal. Afyare waxa uu cilmibaadhistiisa ku dooday in hannaanka maamul ee Soomaaliya ku habboon uu yahay, dawlad dhexe oo gobollada iyo degmooyinka siinaysa awood hoosaad (decentralized unitary state). Cilmibaadhistiisa waxa uu ku gaalaabixiyey, tabashooyinka siyaasadeed, doodda federaalka halka seeska u ah, cidda gadaal ka riixaysa, xoogagga Soomaaliya ku hirdamaya, wadciga dawladeed ee Soomaaliya maanta ka jira iyo qodobbo kale oo qarandhiska Soomaaliya ku saabsan. Afyare waa akadeemig iyo qoraa. Shaqooyinkiisa qoraalleed waxa ay ku arooraan: dawlad-dhiska, nabadda, suugaanta colaadda sokeeye iyo xallinta khilaafaadka. Halkan waxa aynu ku faaqidi doonnaa qodobbada ugu muhiimsan ee ay deraasaddu xanbaarsan tahay, inaga oo la kaashanayna deraasadaha kale ee uu Afyare sameeyey, ee ku saabsan nidaamka federaalka. Waxa aynu sharixi doonnaa halmuceedda deraasaddu dul istaagayso, inaga oo sawir waafi ah ka bixinayna, aragtida qoraaga ee ku aaddan nidaamka federaalka.

Doodda federaalka iyo tabashooyinka gudaha

Soddonkii sano ee ay Soomaaliya dawladda ahayd, waxa dalka soo maray maamullo dawladeed oo kala geddisan, kuwaas oo ku sifaysnaa jaad walba oo maamul xumo dawladeed ah. Dalku waxa uu tijaabiyey tobanguuro maamul musuqmaasuq ah (1960-1969), waxa xigay labo tobanguuro oo maamul militari ah (1970-1990), waxa looga tallaabay labo tobanguuro oo colaad sokeeye ah, taas oo ilaa maanta lagu jiro. Intaas oo marxaladood waxa ay Soomaalidu ka taransatay: shaki, kalsoonidarro, burbur, eex, qaraabo-kiil, dagaal sokeeye iyo kala'irdhow bulsho. Intaasi cidhibxumadeedii waxa ay noqotay in Soomaaliya bahalagaleen laga dhigo iyo in dadkeedu kala'aaminbaxo, taasi waxa ay keentay in dib u milicsi lagu sameeyo nidaamka dawladnimo ee Soomaaliya ku habboon, maaddaama si walba la isu dilay, la isu nacay, dadkuna dakanooyin kala qabo. Haddaba Afyare Cilmi, waxa uu warqaddiisa inoogu soo gudbinayaa doodaha maamul ee Soomaaliya ka aloosmay qaranjabkii ka dib.

Markii taliskii kacaanka xididdada loo siibay, dalkuna uu colaad dhan walba ah galay, waxa askumay doodo ku aaddan qarandhiska dawladeed ee Soomaaliya. Dadka qaar waxa ay ku doodeen in aan dib loogu noqon nidaamkii dawladeed ee dhexe, midkaas oo awoodda oo idil meel keli ah ku ururinayey. Waxa ay soo jeediyeen in nidaamkaas laga guuro. Maxaa wacay, waxa ay tilmaameen in burbur laga biirsaday. Soomaaliyadii lixdankii waxa ay ahayd mid maamulka iyo adeegyada dawladeedi ay ku urursan yihiin, magaalada Muqdisho. Afyare waxa uu xusayaa xitaa in go'aanka macallimiinta la isugu beddelayo uu ka soo bixi jiray Muqdisho. Baasaboorka, shaqada, jaamacadaha iyo wax walba oo adeegyo dawladeed ahi, waxa ay ku koobnaayeen Muqdisho. Taasi waxa ay sababtay in horumarku hal dhan oo keli ah ka socdo, waddankuna kala koro, oo ay magaalamadaxdu ugu horreyso. Dalkii waxa uu noqday madax ka nool, bulshadiina waxa ay isugu soo biyashubatay magaalamadaxdii, maaddaama ay wax walba oo adeeg ahi dhooban yihiin. Soomaalida oo idil waxa ay ka sinnaayeen cabashada ku aaddan maamulkaas dhexe. "Ma doonayo in aan Muqdisho u doonto baasaboor, ama waxbarasho jaamacadeed. Waxaas oo idil waxaan u baahnahay in aan gurigayga ka helo", ayey cod dheer ku sheegayeen. Waa tii uu Aadan Carab ku maansooday isaga oo xaaladdan ka warramaya: "sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaaye." Waxa nidaamkaas hore ka dhashay, sad bursi, eex, qaraabo-kiil iyo in aan loo sinnaan khayraadka iyo xukunka dawladnimo. Taasi waxa ay ugu danbayntii dhashay kala'aaminbax bulsho. Waxa ayna dalka gaadhsiisay colaad sokeeye oo ilaa maanta laga soo waaqsan la'yahay. Sidaa awgeed dad badan waxa ay soo jeediyeen, si aan waleecaadkaas dib loogu noqon, waa in awoodda dawladnimo la baahiyo. Waxa ayna ku tageen in la qaato, nidaamka federaalka. Waxa ay u arkeen in uu xal u yahay kala'aaminbaxa Soomaali ku habsaday.

Afyare Cilmi waxa uu tibaaxay mashuuraca federaalka qabiilka ku dhisani in ay gadaal ka riixayeen saddex kooxood. Kow, dalalka Soomaaliya deriska la ah ee Kiiniya iyo Itoobiya. Waxa uu tilmaamay in labadan waddan ay dani ugu jirto, Soomaaliya oo ay ka jirto maamul laciif ah, oo aad u taagdarran. Waxa uu tilmaamay in tani ay ka mid tahay, "amnigooda qaran", iyo in ay ka baqayaan in haddii Soomaaliya dawlad xooggan ka dhalato, in dib loo soo xabaalo toosiyo riyadii midnimada ee "Soomaaliweyn", labadaas qodob oo lammaan waxay u arkaan khatar weyn oo ku aaddan amnigooda qaran. Sidaa awgeed kuma laabsama in Soomaaliya dawlad xooggan ka curato. Waxa ay had iyo goor ku fooggan yihiin in Soomaaliya la kala qoqobo oo maamullo yar yar laga dhigo. Matthew Bryden oo ah cilmibaadhe Geeska Afrika dersa, waxa uu tilmaamay, sannaddii 1998 in Itoobiya urur gobolleedka IGAD u gudbisay warqad ay ku sheegayso in Soomaaliya loo qaybiyo is maamullo yar yar oo reereed, oo shan ama lix ah. Mudane Bryden waxa uu xusay in beesha caalamku soo jeedinta Itoobiya aqbashay. Waxa uu ahaa qorshe Soomaaliya qurubbo loogu kala jeexjeexayo. Labo, beesha caalamka oo nidaamka federaalka dabada ka taagnayd, iyaga oo u arkayey in uu yahay maamul wanaag iyo awood qaybsi. "Tan iyo kolkii ay Soomaaliya burburtay 1991, beesha caalamku waxa ay taageeraysay qorshayaasha Kiiniya iyo Itoobiya", ayuu Afyare ku qoray (bogga 6). Saddex mashruuca federaalka waxa dabada ka riixayey siyaasiyiinta kala duwan ee qabaa'ilka Soomaalida, kuwaas oo dano ka arkayey.

Tacaddiyadii magaca dawladnimada lagu galay iyo colaaddii sokeeye, waxa ay abuureen cabsi iyo bayr ku aaddan nidaam maamul oo dhexe oo awood badan. Taas baa keentay in miciin la bido federaalka, iyada oo laga cararayo kelitalisnimo siyaasadeed. Dr. Afyare waxa uu xusay afar tabasho oo dhiirrigeliyey federaalka. Kow, kalsoonidarradii bulshada. Labo, dadka oo rabay in ay ka qaybgalaan siyaasadda. Saddex, helitaanka adeegyada asaasiga ah. Afar, in si caddaaladeed loo qaybsado khayraadka. Afartan qodob waxa ay tiirxoog u noqdeen doodda federaalka ee gudaha. Waxa ayna keentay in qaacidada "4.5" loo tixgeliyo awood qaybsi (power-sharing). Maxamed X. Mukhtaar waxa uu ku dooday in '4.5' ay ahayd waxqabad muhiim ah oo la gaadhay. Doc kale Sheekh Cumar Faaruuq oo ahaa caalim diineed, ayaa si weyn u taageeray qaacidada awood qaybsiga isaga oo yidhi; "waa xal ee xaq ma aha." Saddexdaas kooxood iyo wixii ayaandarro nololeed ahaa ee dalka ka dhacay, waxa ay keeneen in dib-u-eegis lagu sameeyo, hannaanka maamul ee Soomaaliya u cuntami kara, waxa durba saaxadda yimi nidaamka federaalka.

Federaalku xal ma u yahay Soomaaliya?

Maqaalkiisa la yidhaahdo, "Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaaliya", Dr. Afyare Cabdi Cilmi waxa uu si faahfaahsan ugu kala dhigdhigay nidaamka federaalku waxa uu yahay, sida uu u shaqeeyo, cilladihiisa, waxtarkiisa iyo in uu Soomaaliya ku habboon yahay iyo in kale. Waxa uu sheegay in federaalku aanu ku habboonayn xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira. Intaa waxa uu raaciyey in ay adag tahay in federaalku ka hirgalo Soomaaliya. Qodobbo dhawr ah ayuu xusay oo ay ka mid yihiin: kow, in Soomaaliya dadkeeda iyo dhulkeeduba uu yar yahay, marka la barbardhigo dalalka uu federaalku ka jiro. Labo, in Soomaalidu ay yihiin bulsho inta badan isku mid ah oo aan ku kala duwanayn, dhaqan, af, diin iyo isir, marka loo eego dalalka intaas ku kala duwan, sida Hindiya, Nayjeeriya, Maraykanka iyo Kanada. Saddex, Soomaaliya waa dal sabool ah oo miisaaniyaddiisa la kabo, sidaa darteed kuma fiicna in ay qaadato federaalka ayuu tibaaxay, maaddaama uu u baahan yahay dhaqaale farabbadan. Afar, in aragtida federaalku aanu ka iman bulshada Soomaalida ayuu sheegay, isla markaana uusan arag siyaasi iyo aqoonyahan deraasad faahfaahsan ka haya, sida federaalku u furdaamin karo dhibaatada Soomaaliya ka taagan. Shan, federaalku wuxuu xoojinayaa qabyaaladda, wuxuuna wiiqayaa qarannimada Soomaalida, sidaa darteed in aanu habboonayn ayuu qalin ku duugay. "Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha, calaamadihii lamahuraanka ka dhigayey in nidaam federaal ah lagu maamulo", ayuu Afyare dooddiisa ku soo gunaanaday. Geesta kale waxa uu cod dheer ku sheegay halista uu ka qabo nidaamka federaalka. Waxa uu qoray, "waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo in aysan Soomaalidu waligeed qaran noqon. Nidaamka federaalkuna sida aan qabo waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas." Arrimo ku saabsan gobollada iyo xuduudaha qabaa'ilka sida ay khilaaf culus u hurin karaan, haddii la rabo in la hirgeliyo federaal, ayuu tilmaamay. Isaga oo u cuskaday murugsanaanta hirgelinta federaalka.

Afyare Cilmi waxa uu si weyn u naqdiyey maamulgobolleedyada Soomaaliya ka jira. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in qaabka ay u dhaqmaan aad moodayso in ay qayb ka yihiin nidaam konfederaal ah. Waxa ay leeyihiin distoorro, waxa ay si dhammaystiran qaarkood uga taliyaan deegannadooda, waxa ayna leeyihiin xidhiidho dibadeed oo caalami ah. Haddii ay dawladda dhexe iskudhacaan waxa in badan dhacda, in ay aqoonsiga kala noqdaan, oo si kumeelgaadh ah xidhiidhka ugu jaraan. Waxa la yidhaahdaa, Soomaaliya waa konfederaal, waxay se raadinaysaa federaal. Konfederaalku marka la soo ururiyo, waa nidaam dawlad gobolleedyadu ka awood badan yihiin, dawladda dhexe. Xarafraac ahaan sida dalka looga dhaqmayo waa konfederaal, wax maamullada isugu jira ma jiro. Sidaa Afyare qabo oo kale, waxa jira dad badan oo siyaasiyiin iyo aqoonyahannaba isugu jira oo ku tagay in federaalku aanu xal u ahayn waleecaadka Soomaaliya. Dadkaas waxa ugu muuqdheer raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq X. Xuseen oo qabay in federaalku aanu xal u ahayn Soomaaliya.

Nidaamkee ku habboon Soomaaliya?

Soomaaliya waxa ku hirdamaya nidaamyo dawladeed oo kala geddisan, kuwaas oo xalka Soomaaliya siyaalo kala duwan u arka. Afyare Cilmi deraasaddiisu waxa ay tilmaamaysaa in Soomaaliya nidaamka ku habboon uu yahay, nidaam dawladeed oo dhexe oo gobollada iyo degmooyinka siinaya awood hoosaad (decentralized unitary state). Nidaamkan waxa la daadejinayaa adeegga iyo qaybo ka mid ah awoodaha. Madaxbannaanida iyo awoodaha distooriga ahi waxa ay ku harayaa dawladda qaran (national state). Dawladdu waxa ay baahinaysaa awoodaha siyaasadeed, maaliyadeed iyo maamul si kala duduwan, oo ay ku jiraan gobolladu. Hannaankani ugu danbayn waxa uu dawladda dhexe siinayaa awood ah in ay maamusho gobollada iyo dawladaha hoose. Waxa jira faa'iidooyin uu nidaamkani leeyahay oo ay ka mid yihiin: in uu kor u qaado ka qaybgal dimuqraaddiyadeed iyo metelaadda muwaaddiniinta, in uu xoojiyo midnimada qaran ee bulshada; in gobollada la awood siiyo, in adeegga la baahiyo, iyo in si caddaaladeed loo qaybsado khayraadka.

Waxa jira dad badan oo nidaamkaas qabay, waxa ka mid ah, raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq X. Xuseen. Waxa uuna ku tagay in nidaamkan la qaato si dalka midnimadiisa loo ilaaliyo, adeeggana gobollada iyo bulshada loo gaadhsiiyo. Afyare waxa uu ku dooday in nidaamkani dawo u yahay, tabashooyinka siyaasadeed iyo khilaafaadka dalka ka taagan. Sidaa awgeed ayuu ugu tagay in uu yahay maamulka ugu habboon ee dalka lagu dhaqi karo. Doc kale waxa uu xusay marka ay timaaddo qaybsiga awoodaha iyo masuuliyadaha, in Soomaaliya maamul-daadejinta (decentralization), ka baran karto dalalka uu nidaamkani sida hagaagsan uga shaqeeyey, sida Kiiniya oo kale.

Gunaanad

Qaranjabkii dalka ku habsaday waxa ka dhashay kala'aaminbax aad u weyn. Waxa soo banbaxay tabashooyin ilaa 1960, soo jiitamayey. Taasi waxa ay keentay in dib u milicsi lagu sameeyo hannaanka maamul ee Soomaaliya ku habboon. Wadcigan la joogo saddex doodood ayaa saaxadda Soomaaliya ugu xooggan. Kow, dood waxa qabta Soomaalilaan, waana ta ku baaqaysa goonigoosadka, ee ay ku doonayso in ay kaga go'do Soomaaliya inteeda kale. Labo, dood waxa qabta Buntilaan, waxa ayna ku baaqaysaa nidaamyo isugu jira: federaal iyo konfederaal. Waana dood xooggan, ku dhaqankeedana waxa si muuqata looga arki karaa habdhaqanka maamul ee Buntilaan. Saddex, doodda ugu danbaysa waxa ay taallaa Muqdisho, waana ta ku baaqaysa maamul dawladeed oo dhexe. Walow tan codkeedu uu yar yahay, haddan hoggaan walba oo Fiilla Soomaaliya taga waxa uu u dhaqmaa qaab ah in dalka ay ka jirto dawlad dhexe oo awood badan. Waxa se arrinkan xaqiiq ahaan si weyn u diidaya wadciga ay Soomaaliya marayso oo ah mid nugul oo bahalagaleen ah.

Doodda federaalka ma aysan dhalan xilligii dalku burburay, waxay se jirtay ilaa intii aan xornimada la qaadan. Waxana nidaamkan saaxadda keenay xisbigii la odhan jiray: Hazbiya Digil Mirifle (HDM), waxa uuna ku baaqay in Soomaaliya yeelato nidaam xukun oo federaal ah. Xisbigu wuxuu u jeeday sad bursi iyo awood toocsi. Markii dalku burburay ayaa dooddii federaalka dib loo soo xabaalo toosiyey, iyada oo loo arkayey in dalka burburay dib la isugu soo celin karo. In uu dal dib isugu soo celiyo daa e, federaalku waxa uu qayb ka noqday colaadda, qoqobka iyo uurkutaallada Soomaali dhextaalla. Qabiil walba waxa uu samaystay maamul reer ku dhisan iyo calan gaar ah. Reerihii kale ee aan maamullada lahayn, waxa ay samaysteen calanno summad u ah in ay raadinayaa maamul qabiil. Waana waxa aan u bixiyey, maamullo summadeed (logo states), oo aan ugala jeedo in reer walba uu leeyahay summad calan, oo la mid ah tii qabaa'ilka xoolaqadhatadu geela ku dhigan jireen. Calannadan kuwo badan baan u hirgelin in ay maamul noqdaan, sababo badan awgeed. Tan waa cillad uu shidaaliyey federaalka la qaatay. Dr. Afyare Cilmi dooddiisa waxa ay isugu soo biyashubanaysaa in nidaamka federaalku aanu xallin karayn ibtilada Soomaaliya haysata. Dooddiisa oo kooban ayeynu halkan ku sharraxnay, ciddii se xiisaynaysa iyada oo inta ka faahfaahsan waxa ay dib ugu noqon karaan deraasadaha uu qoraagu sameeyey