Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Afrika ma u Baahantahay Tamar Nukliyeer?

2 August, 2026
Image
Afrika ma u Baahantahay Tamar Nukliyeer?
Share

Afrika waxa ay waajahaysaa gaabis xooggan oo ku jira korontadeeda, oo saamaynaya horumarkeeda dhaqaale iyo bulsho, xayiraadna ku ah awoodda ay ku gaadhi karto dunida kale. Waxa lagama maarmaan ah in qaaraddu ay kordhiso waxsoosaarkeeda koronto, si ay u gaadhsiiso 600 milyan oo qof oo aan koronto haysan, sidoo kalen ay u wanaajiso tayada adeegga la siinayo malaayiin qof oo la dhibaataysan korontada go’da. Horumarka dhaqaale ee qarniga 21aad waxa uu si xooggan ugu tiirsanyahay dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo garaad-gacmeedka, labadooduna waxa ay u baahanyihiin xaddi badan oo koronto.

Tobankii sanno ee ina dhaafay waxa la arkay horumar ballaadhan oo ku socda tiknoolajiyadda nukliyeerka iyo horumarinta warshadaha nukliyeer ee yaryar ee korontada laga dhaliyo. Dhawaanna, Baanka Adduunku waxa uu siyaasaddiisii u beddelay qaab oggolaanaya maalgelinta mashaariicda tamarta nukliyeer ee dalalka soo koraya. Maqaalkani waxa uu baadhayaa bal in horumarradaasi Afrika fursad u noqon karaan. Warshadaha yaryar ee korontada Nukliyeerku xal ma u noqon karaan dhibaatada koronto ee Afrika?

Baahida koronto ee Afrika

Waxa xidhiidh xooggan laga dhaxaysiiyaa haqabtirka koronto iyo horumarka dhaqaale. Suququlka tamartu waxa uu dabar xooggan ku yahay dhaqaalaha. Korontadu waa tiir aasaasi ah oo lagu horumariyo dhinaca warshadaha iyo shirkadaha adeegyada. Dhinacyada warshadaha iyo adeegyadu waa furaha horumarka mustaqbalka iyo abuuridda fursado shaqo. Sidoo kale, korontadu waxa ay lagama maarmaan u tahay bixinta adeegyada bulsho, sababtoo ah, haqabtirka adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo sare lehi waa wax adag kolka aanay jirin koronto ku filani.

Helidda koronto waa baahi ka mudnaan badan wakhti hore oo kasta, sababtoo ah maanta waxa ay shardi u noqotay internet-ka iyo garaad-gacmeedka. Sida Baanka Adduunku xusayo (2025), isbeddelka dhijitaal waa fursadaha ugu muhiimsan ee horumarka casrigan. Isgaadhsiinta dhijitaalka ahi waxa ay maanta lagamamaarmaan u tahay bixinta adeegyo caafimaad iyo waxbarasho. Dhijitaalayntu waxa kale oo ay muhiim u tahay beeraha iyo warshadaha, si la mid ahna, waxa ay muhiim u tahay wanaajinta adeegyada dawladda. Warbixinta Baanka Adduunku waxa ay intan ku daraysaa, in koboca garaad-gacmeedku uu isgoys muhiim ah u yahay geeddiga horumarka caalamiga ah. Sidaas darteed, dalalku waxa ay u baahanyihiin inay garaad-gacmeedka xoojistaan si ay u ilaashadaan awooddooda tartan, furidda fursado cusub oo horumar iyo abuuridda shaqooyin tayo sare leh. Baanka Adduunku waxa uu ku doodayaa in garaad-gacmeedku uu dalalka soo korayo siinayo fursad ay ku dhabeeyaan bootin horumar, hase ahaatee, waxa uu ka digayaa in isla jeerkan ay jirto halis dhab ah oo ah in dalalka qaar geeddiga ka hadhaan, arrinkan oo keenaya ballaadhashada farqiga u dhexeeya dalalka horumarsan iyo kuwa soo koraya.

Ilaa hadda, Afrika dunida kale waa ay ka dambaysaa. Internet-ka waxa adeegsada boqolkiiba 38 dadka Afrikaanka ah, oo aad heer ka hooseeya celceliska caalamiga ah ee boqolkiiba 68 gaadhsiisan. Waa arrin ka tarjumaya dhibaatooyinka la xidhiidha koronto helidda, sababtoo ah boqolkiiba 65 ayaa dadka Afrika hela koronto, marka la barbardhigo dunida oo ku dhow in bulshada oo dhami (100%) ay koronto hesho. 600 oo milyan oo Afrikaan ah oo aan koronto helin ayaa boqolkiiba 80 ka ah dadka dunida bilaa korontada ah. haddaba, koronto la’aan, horumar warshadeed iyo mid beereed suurogal maaha, isbeddel dhijitaal iyo ka faa’idaysi garaad-gacmeedna lama dhabayn karo. Afrika geeddiga waa ay kasii hadhsanaan doontaa xilli dunida kale horumar ku socoto. Sababtan darteed, hagaajinta helidda korontadu waxa ay Afrika u tahay mudnaan.

Xarumaha koronto ee yaryar ee ku habboon baahiyaha Afrika

Badnaanta tirada dadka iyo cufnaanta degaamaynta ayaa ka mid ah sababaha hor taagan in Afrika la wada gaadhsiiyo koronto. In deegaannada fogfog ee kala filiqsan la wada gaadhsiiyo korontada qaran ee dhexe waa shaqo kharash badan u baahan, waana hawl dhaqaale ahaan macaash koobani kasoo xeroodo. Xaaladahan oo kale, xarumaha koronto ee yaryar ayaa noqon kara xalka munaasibka ah.

Xarumaha yaryar ee koronto waa nidaamyo koronto lagu dhaliyo, korontadaasna loo qaybiyo dad kooban oo degaan fog ku nool ama magaalo gaar ah, iyada oo aan xaruntaasi aanay la xidhnayn xarunta koronto ee qaran. Xarumahani ma aha wax cusub, oo inta badan xarumaha waaweyn ee qaran waxa ay bilawgii kasoo bilaabmeen xarumo yaryar oo madaxbannaan, ka dibna si tartiib ah baa la isugu xidhay.

Sida Baanka Adduunku xusayo, Afrika waxa ku yaalla 291 degaamayn oo leh duruufaha ku munaasibka in la sameeyo xarumaha yaryar ee koronto. Warbixinta Baanka Adduunku waxa ay xusaysaa in maalgelin 91 bilyan oo doollarka Maraykanka ah ay suurogalin karto inay 380 milyan oo Afrikaan siiso korontadaas xarumaha kooban ah. Waa tiro ku dhow saddex meelood laba tirada Afrikaanka aan korontada haysan.

Kala badh xarumaha yaryar ee koronto maanta waxa ay adeegsadaan tamarta cadceedda, boqolkiiba 35-na waxa ay adeegsadaan korontada biyaha laga dhaliyo, haka inta soo hadhayna adeegsadaan tamarta dhuxul dhagaxda, waxaana aad u koraya adeegsada xarumaha yarar ee tamarta cadceedda. Samaynta xarumahan yaryari waa kuwo hoos u dhigaya qiimihii korontada, oo waxa ay hoos uga dhigeen 0.55 doollar halkii kiiloowaad saacaddiiba oo uu ahaa 2018, soona gaaadhsiiyeen 0.38 oo doollar halkii kiilowaad saacaddiiba.

Warshadaha yaryar ee tamarta nukliyeerku waa fac cusub oo ka mid ah warshadaha nukliyeerka, inta badanna awooddoodu aanay dhaafsiisnayn 300 meegawaad. Inta badan qaybaha warshaddan waxa lagu farsamayn karaa warshadaha waaweyn dhexdooda, goobta ay ku shaqaynaysana waa lagu rakibayaa uun. Waxa ay la gaar tahay kharash yaraanteeda, marka la barbardhigo warshadaha waaweyn ee nukliyeerka. Waxa kale oo ay la gaar tahay sida dhokhsaha ah ee loo dhisi karo iyo sarraynta halbeegyadeeda badbaado. Khubarada Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikadu waxa ay aaminsanyihiin in noocan Afrika munaasab ku tahay, oo xarumo koronto laga dhalin karo, meelaha fogfogna korontadaas la gaadhsiin karo. Sidoo kale, dalal dhawr ah oo Afrikaan, sida Gaana, Kiiniya, Yugaandha, Saambiya iyo Koonfur Afrika ayaa bilaabay diraasad ay ku samaynayaan adeegsaga tamarta noocan ah.

Maxaa ay warshadahan yaryari fursad ugu noqon karaan Afrika? Qodobka koowaad waa yuraaniyamka. Afriki waxa ay leedahay boqolkiiba 15 waxsoosaarka yuraaniyam ee dunida, ha yeeshee, inta badan yuraaniyamkan waxa loo dhoofiyaa dunida horumartay, si ay hodmin iyo warshadayn ugu sameeyaan. Arrinkani waxa uu qaaradda Afrika ka hor istaagaa inay si dhamaystiran uga faa’idaysato khayraadkeeda. Qodobka labaadna, waa isbeddel ku yimi mawqifkii dunida ee la xidhiidhay tamarta nukliyeer iyo in Baanka Adduunku uu 2025 xayiraaddii ka qaaday maalgelinta mashaariicda tamarta nukliyeerka. Arrimahani waxa ay Afrika fursad u siinayaan inay helaan maalgelinta iyo khibradda farsamo ee ay ku horumarin karaan warshadahan , suququlka tamartana dhimi karaan.

Afrika waxa ay haysataa kayd badan oo tamarta qorraxda, dabaysha iyo tamarta biyaha ah, kharashaadka ilahan tamareed ku baxaana hoos bay aad ugu dhaceen sannadihii ugu dambeeyey, oo waxa ay noqdeen dhinacyo tartan xooggan kula jira tamarta nukliyeerka. Sidoo kale, Afrika waxa ay leedahay kaydad badan oo gaaska dabiiciga ah, oo koronto joogto ah ku dhalin kara kharash munaasib ah. Sababtan awgeed, ayaa cilmibaadhayaasha qaarkood aaminsanyihiin in tamarta cusboonaata iyo gaasku ka mudanyihiin dhaqaale ahaan tamarta kale wakhti xaadirkan, halka cilmibaadhayaal kale ku doodayaan in warshadaha yaryar ee nukliyeer tartanka sii badinayso, sidaasna qiimaha korontadu hoos usii dhacayo.

Warshadaha yaryar ee korontadu nukliyeerku waxa ay bixin karaan koronto joogto ah oo 24-ka saacadoodba la helo, waana arrin lagama maarmaan u ah warshadaha, xarumaha xogta, garaad-gacmeedka iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah, si ka duwan tamarta cadceedda iyo dabaysha oo ku raadaysma cimilo-gooreedda. Ha yeeshee, dalalka raba inay hirgaliyaan waxa ay u baahanyihiin fac ku tababbaran, hay’ado dabagal oo madaxbannaan iyo halbeegyo adag oo la xidhiidha badqabka iyo maaraynta hadhaaga.

Waxa habboon in aanay Afrika ku tiirsanaan hal i loo tamarta ah, ee ay yeelato isku dhaf tamar oo ka timaadda: nukliyeerka, tamarta cadceedda, dabaysha, gaaska dabiiciga ah iyo korontada biyaha laga dhaliyo, iyadoo tamar kasta loo adeegsanayo meesha ku habboon. Si arrinkan loo dhabeeyo, qaaraddu waxa ay u baahantahay maalgalin ballaadhan oo dawladda iyo dhinaca gaarka ah ba ka timaadda. Waxa kale oo loo baahanyahay xeerar dhiirrigeliya maalgashiga, iyo in la dhiso farsamada dadka iyo hay’ado korjoogteeya tamarta nukliyeer.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.