Sunday 12 July 2026
Dagaalkii afartanka maalmood ku socday Iiraan, waxa uu dhaliyey saamayno dunida oo dhan gilgilay, oo laga yaabo inuu gaadhay heer aanay filaynin gorfeeyayaasha dagaalka iyo istiraatiijiyiintu. Waxa uu noqday dagaal nabarro waaweyn u gaystay dhaqaalihii caalamiga ahaa ee awalba hoobadka ku jiray, waxaanu ku sigtay inuu dhaqaale burbur gaysto. Waxa uu noqday mid fayda dakanooyinka halista ah ee ku maqan xidhiidhada caalamiga ah, oo ah dakanooyin uu sababay loollanka awoodaha waaweyni ugu jiraan khayraadka awoodaha yaryar ee la tunjileecsado.
Iyada oo aan weli toddobaadkii koowaad ee dagaalku dhammaan, judhiiba waxa walaacooda iyo gebidhaclayntooda la arkay awoodaha xuddunta ah ee Yurub iyo Eeshiya; iyagoo ka cabsanaya halka uu ku dambayn doono dagaalku iyo saamaynihiisa taban. Waxa la faafiyey maqaallo badan oo ku saabsan saamaynaha dagaalku ku yeelan doono dalalka xuddunta ah ee Yurub iyo Eeshiya, siiba dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo isbeddellada bulsho. Laga yaabee in diraasayntan iyo walaacani ay qayb ku lahaayeen xoojinta garaadka go’aansaday joojinta dagaalka.
Se arrinka xaqiiqada ahi waa in dagaalkani keliya aanu saamayn dalalkaas xuddunta dunida ah, oo saamayntiisu gaadhay dunid oo dhan, waxaanu yeelan doonaa saamayno hoos-u-dhac oo soo bixi doona dagaalka ka dib. Waa arrin laga fisho dhammaan dhacdooyinka waaweyn oo dhan, oo dhaliya saamayno la mid ah kubbadda barafka oo markasta oo ay rogmato sii weynaata.
Maqaalkani waxa uu ka doodayaa saamaynaha dagaalka Iiraan ku yeeshay qaaradda Afrika, waana mawduuc mudnaan leh walow aanu helin gorfantii uu mudnaa. Waa maqaal soo bandhigaya saamaynaha siyaasadeed, istiraatiijiyadeed iyo dhaqaale ee dagaalku ku yeelanayo Afrika. Waxa uu maqaalku ka doodayaa, walow dagaalku keenay saamayno taban oo caqabado ku noqonaya qaaradda Afrika, haddana waxa dhashay fursado bisil oo suurogalinaya inay Afrika u furaan irrido cusub oo dhaliya isdhamastirka qaaradda, iyo soo jiidashada maalgashadayaal kusoo hirta qaaradda curdinka ah ee metelaysa mustaqbalka dhaqaalaha dunida.
Dhammaan dhaqaalaha dalalka Afrika, si toos ah ama si dadban, ayaa ay ugu raadaysmeen xidhidda marinka Hurmus, xidhitaanka marinkuna waxa uu taabtay labada dhinac ee ugu muhiimsan ee kala ah: tamarta iyo jidadka cuntadu soo marto. Waxa kor u kacay qiimaha shidaalka, oo gaadhay heer aan qorshaha miisaaniyadeed ugu jirin dalalka, waxaana ay ku khasbanaadeen kor-u-qaadidda qiimaha shidaalka, oo si toos ah markan u saameeyey awoodda iibsi ee muwaaddinka.
Saamaynta ugu dhibka badani se, waa mid ka dhalatay istaagga carro-nafaqeeyayaasha iyo ammooniyada (Ammonia), oo tiir u ah waxbeerashada. Dalalka Khaliijka ayaa ah dalalka ugu badan ee carronafaqeeyayaasha soo saara, website-ka Aljaziira-na waxa uu tilmaamayaa in waxsoosaarka dalalkan lagu qiyaaso inuu yahay saddex meelood meel waxsoosaarka dunida ee alaabaha lagamamaarmaanka u ah beerafalashada.
Carronafaqeeyayaashu waxa ay kasoo gudbaan marinka Hurmus marka ay soo gaadhayaan dalalka Afrika, istaaggooduna waa mid halis weyn ku ah xilli beereedkan soo socda ee qaaradda. Si aynnu isu xasuusinnana, dalalka Afrika waxa ay hore dhibaato weyn oo cuntada ah kala kulmeen dagaalkii ka dhex qarxay Ruushka iyo Yukrayn sannadkii 2022, sababtuna waxa ay ahayd in dalalkani si weyn ugu tiirsanaayeen qamaddiga labadan dal laga soo dhoofiyo, iyo carronafaqeeyayaal Ruushka laga keeno.
Ka dib markii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn sii daba dheeraaday, waxa laba jibbaarmay ku tiirsanaanta carronafaqeeyayaasha lagu sameeyo Khaliijka iyo Iiraan, sidaas darteed go’itaanka mareegtaas dhoofinta carronafaqeeyayaasha ee ka dhalatay xidhitaanka marinka Hurmus, iyo sidoo kale kor u kaca qiimaha rarka iyo caymisku, waa arrimo musiibo cunteed oo weyn ah, oo ka digaysa in uu fashilmo xilli beereedkan 2026-2027, sidaas darteedna, heerka gaajada iyo dhibaatada cunto ee Afrika ay kor u kacdo.
Arrinku halkan kuma eka, oo suququlka cunto iyo kor-u-kaca qiimuhu waxa ay saamayno toos ah ku leeyihiin nabadgalyada iyo xasilloonida bulsho, sababtoo ah waxa ay culays maaliyadeed oo dheeraad ah ku noqonayaan miisaaniyaddii qoyska ee awalba xaddidnayd, waxa kale oo ay dhimayaan awoodda iibsi ee qaybaha taagta daran ee bulshada, sidanna waxa ku ballaadhanaysa baahida, saboolnimada iyo waayidda kalsoonidii cunto.
Inta badan, xaaladaha sidan ah, dalladaha xoogsatada ayaa uga faa’idaysta kacdoon lagu sameeyo xukuumadaha, iyadoo la samaynayo dibadbaxyo iyo shaqo joojin. Dhinaca kalena, xukuumaduhu waxa ay adeegsadaan awood iyo cabudhin, si ay nabadgalyada iyo nidaamka u ilaaliyaan, arrinkan oo isna suququl geliya xorriyaddii guud, oo sii shidaaliya kacdoonka iyo fallaagowga.
Xaaladdan isjiidjiidasho ee ka dhex dhaca dalladaha iyo dawladda, iyo dhibaatooyinka cunto iyo suququlka baahiyaha aasaasiga ah ee cirka isku shareerayaa, waa deegaan ku habboon jiilka “Gen Z”, horena qaaraddu waxa ay ula kulantay kacdoonno cadhaysan oo facani sannadihii dambe wadeen. Mashiinka dhaqaajinayey kacdoonnadaasi waxa uu ahaa baahida loo qabo cunto, shaqo iyo xorriyad, waxaanay dhaliyeen isbeddello siyaasadeed iyo bulsho oo waaweyn, dalal ay ka mid yihiin Marooko, Kiiniya, Tansaaniya iyo Madagasgar.
Dagaalka Iiraan waxa uu dalalka Afrika dib ugu soo celiyey xilligii la kala safashada qasabkaa ahayd ee lagu yaqaannay xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa. Maraykanka ayaa cadaadis siyaasadeed u adeegsanaya inuu dalalka Afrika ku daro safkiisa taageersan dagaalka Iiraan.
Dalalka Afrika waxa ay la kulmeen xaalad xasaasi ah oo ka dhex aloosan xidhiidhada ay la leeyihiin awoodaha waaweyn iyo ka taxaddarkooda inay faragashadaan dagaal aan si toos ah ugu socon. Ka sokow cadaadiska Maraykan ee awoodda badan, haddana hoggaanka Afrika waxa ay ka faa’idaysan karaan siyaasaddii xilkasnimada lahayd ee qaatay xilligii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn, oo qaaradda ka fogaysay inay ku dhacdo dabinka kala jiidashada iyo kala qaybsiga.
Dhinac kalena, qalalaasaha ka taagan Hurmus, waa mid dhab ahaantii dhalinaya isgarbin la mid ah oo ka dhacda xeebaha Badda Cas, Baabu Mandan iyo Gacanka Cadan, oo xitaa ku fidda ilaa xeebaha Afrika ee Badweynta Hindiya, siiba wixii ka dambeeyey markii Iiraan ay weerartay saldhigga Maraykanka iyo Ingiriisku ku leeyihiin Diego Garcia, ee ku taalla jasiiradaha Chagos, ee badhtamaha Badweynta Hindiya. Waa suurogal in xitaa tartanka baduhu gaadho ilaa Gacanka Gini oo muddaba ay soo foodsaareen weerarrada budhcadda shidaalka, ganacsatada mukhaaddaraadka iyo aadamuhu.
Arrimahan awgood, waxa kordhaya mammanaanta awoodaha waaweyn iyo awoodaha soo kacaya, sida Turkiga iyo Hindiya, si ay saldhigyo uga helaan xeebahan istiraatiijiga ah, si gaar ah xeebaha Badda Cas iyo Baab al-Mandab. Sannadkii tagayna waxa aynnu aragnay dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo millatari oo gobolka ka socda, wixii ka dambeeyey arkii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.
Gobolkani waxa uu hore dhaqdhaqaaq xooggan ula kulmay ka dib marki Ruushku codsaday inuu saldhig ka helo xeebta Suudaan ee Badda Cas, warbixino dambena waxa ay sheegeen in Maraykanku la xidhiidhay xukuumadda Suudaan, si uu uga helo saldhig ku yaalla Badda Cas. Eretariya iyo Jabbuut laftoodu tartankan kamamaqna.
Dhammaan isgarbintaasi waa mid muujinaysa tartanka caalamiga ah ee muuqda iyo mid qarsoonba ee loogu jiro in meel laga helo xeebaha Badda Cas, oo mudnaantiisa istiraatiijiyadeed sii kordhayso, dhacdooyinka marinka Hurmus awgood.
Tartankan caalamiga ah ee loogu jiro marinkan, waa in ay sida ugu habboon uga faa’idaystaan dalalka Badda Cas ku teedsani, oo sida ugu macquulsan looga shaqaysto goobtan oo lagu helo wanaajinta iyo dheellitirka shuruudaha isbahaysiga, sababtoo ah waa kaadh lagu macaashayo oo gacantooda ku jira, markasta oo ay la gorgortamayaan dalalka damacsan cag soo dhigidda xeebahan istiraatiijiga ah.
Isla jeerkan, waxa dalalkan ku waajib ah inay ka baaraandagaan saamaynaha taban ee ka imanaya jiritaanka saldhigyo ajnabi oo dhulalkooda ku yaalla, sababtoo ah waxa looga faa’idaysan karaa in dalal kale laga weeraro, arrinkan oo weerar ku ah nabadgalyada qaran ee dawladda martigelisay saldhigyadaas, gobolka oo dhanna halis usoo jiidi kara.
Xilli caqabadahaasi taxani ay jiraan, haddana dagaalka Iiraan iyo xidhitaanka Hurmus waa mid muujinaya fursado waaweyn oo horyaalla dalalka Afrika, heer dal, heer gobol iyo heer qaaradeedba. Fursadahan waxaynnu ka sheegi karnaa:
1:Kor-u-kiciii degdegga ahaa ee shidaalku waxa uu sababay in dalalka Afrika ee shidaalka soo saaraa lacago badan sameeyaan, sida Nayjeeriya, Angoola, Gaabon, Liibiya iyo Aljeeriya, arrinkan oo dalalkan ka caawiyey daboolidda suququlkii miisaaniyadeed iyo la tacaalidda korodhka aan la saadaalin karin ee cuntada iyo arrimaha aasaasiga ah.
Se faa’idada ugu weyni waa in uu kordhay danaynta shirkadaha caalamiga ahi u hayaan maalgashiga horumarinta warshadaha shidaalka iyo khayraadka tamarta ee Afrika. Waa jid dalalka Afrika eel eh kaydadka badan ee shidaal ay ka faa’idaysan karaan, se waa weli waa wax u baahan maalgashi ballaadhan, sida dalalka Jaad, Nayjar, Suudaan, Sinigaal, Murutaaniya iyo Yugaandha.
Waxa kale oo la filayaa in danayntan caalamiga ahi ay dhaqaajiso maalgelinta mashruucyo waaweyn oo tobanaan sanno laga hadlayey, sida mashruuca dhuumaha gaaska ee Nayjeeriya, oo Yurub loo mariyo Aljeeriya, iyo in shidaalka Afrika loo dhoofiyo labada Maraykan kol haddii ay jiquraafi ahaan isku dhaw yihiin.
2: Dalalka Afrika waxa ay yaqiinsadeed halista iyo taagdarrada ku tiirsanaanta marinnada badeed ee ka fog iyo mareegaha cunto ee caalamiga ah, oo ay mar kasta istaagi karaan, iyadoon digniin hore jirin. Baraaruggani waa mid horseedi kara tallaabooyinkii isdhammaystirka qaaradeed iyo gobol, oo uu dhiirrigeliyo ganacsiga dalalkan dhexdooda ah, siiba dhinacyada tamarta, carronafaqeeyayaasha iyo alaabaha la adeegsado, halkii loo afduubnaan lahaa suuqyo fogfog.
3: Midawga Afrika waxa hortaalla fursad weyn oo u sahlaysa inuu horumar ka sameeyo qorshayaasha isdhamaystirka dhaqaale ee heer qaaradeed, heshiiska ganacsiga xorta ah, dib-u-eegidda istiraatiijiyadaha tamarta iyo cuntada iyo taageeridda ganacsiga gaarka loo leeyahay. Arrinkan waa loo mari karaa la shaqaynta iyo la kaashiga ururgoboleedyada iyo ururrada ganacsi iyo dhaqaale.
4: Ugu dambayn, fursadda hortaalla dalalka Afrika waa ka faa’idaysiga ka labalabaynta soo foodsaartay shirkadaha waaweyn ee ku saabsan maalgashiga Bariga Dhexe, oo ay usoo leexistaan maalgashiga Afrika, siiba dhinacyada tamarta iyo warshadaha cuntada iyo tiknoolajiyadda. Waa dhinacyo muhiim ah, oo lagu dhisi karo dhaqaale Afrikaan, oo xaqiijinaya koboc isdhamaystiraya, kana hortagaya heehaabka suuqyada ee ay sababayso ku xidhnaanta suuqyo kale oo dibadeed.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.