Saturday 6 December 2025
Marka indhaha dunida kale lagu eego, Afrika waa qaarad weli ay adagtahay in la fahmo, inta badanna doodaha caalamiga ah lagaga bixiyo sawir marinhabaabin ah, oo ay si isku mid ah uga gudbiyaan qoraallada cilmibaadhayaasha Afrikaanka ah, warbixinaha weriyayaasha amaba xasuusqorrada shaqaalaha gargaarku. Dad badani waxa ay doorbideen in ay Afrika u arkaan xaalad jaadgoonni ah oo lagu qeexo jaadgoonninimadeedaas. Waxa kale oo aan is waafaqsanayn qaabka dadku u tilmaamaan Afrikaanka iyo dadka aan Afrikaanka ahayn. Biljimka (oo hirdan joogto ahi ka dhex jiro kuwa ku hadla Faransiiska iyo kuwa adeegsada lahjadda Dhajka), Kanada (oo marar badan dareen goonni-u-goosi ah oo daran uu gobolka Quebec soo qaado) iyo Ruushka (oo loo qaybiyo isirro yaryar oo jamhuuriyado siman ah), dhammaantood, waxa loo arkaa fedderaallo ama midawyo koobsaday qawmiyado kala duwan; halka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo, Itoobiya ama Nayjeeriya loo arko hoyga waxa lagu magacaabo “bulsho-dhisan”, oo la isku xidho bulshooyin kala duwan; waxa federaal looga arko dunida kale, Afrika waxa uu ku dhex noqdaa “qabyaalad iyo qabiil”.
Xitaa Afrika marka jiquraafi ahaan loo eego, madmadow badan baa ku gadaaman. Qaaradda sida badan waxa loo qaybiyaa “Waqooyiga Afrika” iyo “Afrikada Saxaraha ka Hoosaysa”, waana kala qaybin soo bilaabantay qarnigi 19aad, oo xidid ku leh aaminaado cunsuriyadaysan oo lagu saleeyey “kala duwanaan” loo malo awaalay dadka deggan Waqooyiga iyo qaybta xilligaas lagu magacaabi jiray “Afrikada Madow”. Faylasuufkii reer Jarmal, Georg Hegel, ayaa qaybta Waqooyi ee Afrika ku magacaabay “Afrikada Yurubiyaanka ah”, si uu dhaxalka dhaqan ee Masar ugu xidho Yurub, isla jeerkanna diiddan in Afrika weligeed ka qayb qaadatay geeddiga sooyaalka. Sii joogtaynta kala qaybintani waxa ay sii qotodheeraynaysaa kala jabin aan sabab lahayn oo qaaradda loogu sameeyo maskaxda dunida.
Afrika xitaa waxa laga saaraa giraanta wakhtiga. Waa qaaradda keliya ee aqoonyahan badani ka raalli yihiin in sooyaalkeeda lagu soo koobo saddex marxaladood oo keli ah, marxalad gumeysiga ka hor ah oo ah marxalad dheer, marxalad gumeysi oo kooban marka taa hore loo eego, iyo marxalad gumeysiga ka dib ah oo ilaa hadda taxan. Sidaas awgeed, giraanta sooyaal ee Afrika waa mid ku wareegsan hal tiir; duullaankii gumeysiga Yurub uu badanka qaaradda ku qabsaday dhammaadkii qarnigii 19aad. Arrinkan barbar dhig sida lagu sameeyo sooyaalka Yurub; oo taariikhyahannadu u qaybiyaan marxalado kala duwan, oo ka soo bilaabma casriyadii kalaasiga, ilaa la soo gaadho “Casriyadii Mugdiga”, oo dabadeed la soo gaadho “Casriyadii Dhexe”, ilaa haddana la soo gaadho “Baraaruggii”, oo sidaas lagu wado. Ma jirto cid ku dhiirranaysa in sooyaalka Yurub lagu soo koobo gumeysi iyo wixii gumeysiga ka dambeeyey, se Afrika “waa dhul wakhtigu illaaway”, oo aan geeddiga sooyaalka bar ku lahayn, halkaa mar ee ay Yurub dheegga saartay mooyee.
Natiijada lamahuraanka ah ee qaab-fekerkan ka dhalanaysaa waa tirtir si dhammays ah loogu sameeyo Afrika, nolosheeda bulsheed, siyaasadeed iyo dhaqan, iyo qaadhaankeeda feker, sooyaalka haldoorkeedana laga saaro diiwaanka sooyaalka caalamiga ah. Caqabadda dhabta ah ee taagani waa sidii Afrika looga badbaadin lahaa afduubkan iyo ka garbaduubkeeda geeddiga, waana sababta dheerri gelisay soo bixidda buugga weriye iyo qoraa Hawrad Faranji ee “Born in Blackness”.
Howard W. waxa uu kulmistay awooddii weriye ruugcaddaa ah oo dhul badan maray iyo awoodihii cilmibaadhe akaadami ah oo arkiifiyooyin badan baadhay. Buuggiisa waxa uu ku qaadaadhigayaa, daahana kaga qaadayaa, xidhiidhadii laba-geesoodka ahaa ee dhex maray Afrikaanka iyo Yurubiyaanka ee qarniyadii ka horreeyey kolkii ay Yurubiyaanku sida rasmiga ah gumeysiga u bilaabeen dhammaadkii qarnigii 19aad, isagoo deeddifaynaya wax badan oo “lamataabtaan” faafay ah. Kolka uu sidan samaynayo, kuma koobsanayo iftiiminta tagtadii Afrika; se ujeedkiisu waa mid intaas ka ballaadhan, oo ah in uu dhiso marjac loo noqdo oo saldhiga in Afrika aanay marna asal-ma-doorshe ka ahayn geeddigii dhacdooyinka dunida, se cagsiga ay tahay goobta dunida cusubi ka unkantay.
Sheekada soojireenka ah marka la eego, Afrika boos iyo kaalin kuma laha samaysankii dunida cusub, marka kaalin xaddidan laga reebo. Baahidii loo qabay jidad cusub oo loo maro Eeshiya ayaa Yurubiyaankii qarnigii 15aad ku khasbay “Safarradii Daahfurka”, arrinkanina waxa uu dhalay “helitaankii lamafilaanka ahaa” ee labada Maraykan, qaabkan bay sheekada soojireenka ahi dhacdooyinka u dareerisaa, oo ay ka dibna ku xigsiisaa: gumaadkii bulshooyinka asalka ah, ballaadhintii degaamaysiga iyo dhul-boobka, samaysankii Ganacsiga Addoomaha ee Atlaantiga la marin jiray iyo soo ifbixii Hantigoosadka iyo Kacaanka Warshadaha, ka dibna Imbiryaaliyaddii Yurub ka dhigtay awood dhaqaale oo caalami ah. Afrika tebintan kuma laha wax aan ahayn ganacsigii addoomaha; xitaa mararkay geeddigan ka soo muuqato, waxa ay soo muuqataa iyadoo garbaduuban, oo lagu tilmaamayo inay xarun u ahayd nafo si khasab ah loogu kaxaynayey soo saaridda hantida.
Afrika waa qaaradda keliya ee aqoonyahan badani ka raalli yihiin in sooyaalkeeda lagu soo kobo saddex marxaladood oo keli ah: gumeysiga ka hor, gumeysiga, casrigii gumeysiga iyo gumeysiga dabadii, taas oo ka dhigaysa qaarad ka baxsan giraanta sooyaalka oo aan geeddiga taariikhda bar ku lahayn marka laga reebo halkaa mar ee ay Yurub dheegga saartay.”
Qoraaga buuggu tebintan buu cagsiga u rogayaa. Dooddiisa marka la eego, Afrika keliya ma aha meel marti gelisay gumeysigii Yurub, mana aha asal-ma-doorshe ku hoos naban geeddiga boqortooyooyinkii badda iyo shabakadihii caalamiga ahaa ee kolkaa jiray, se si ka duwan sidan, Afrika waa xuddunta sheeko intan ka kakan. Faranji, waxa uu qorayaa: Sababta koowaad ee “Socdaalladii Daahfurku” may ahayn baahida Yurub u qabtay jidad cusub oo ay Eeshiya ku gaadho, sida dugsiyada la innagu baray, ee waa doonistii ay qarniyo badan u haysay in ay xidhiidho ganacsi la samayso bulshooyinka madow ee hantidooda sheekooyinka khuraafaadka u eg laga sameeyey, kuna qarsoon badhtamaha Galbeedka Afrika “ee aan waxba laga aqoon”. Sahamin Burtuqiis iyo Isbaanishba leh ayaa u shiraacday xeebaha Galbeedka Afrika, qarnigii 15aad, iyagoo dahab baadhaya, waxaanay furfureen sheekooyinkii khuraafaad-u-eka ahaa ee socdaallada hor taagnaa, socdaalladanina waxa ay figtooda gaadheen sannadkii 1488-kii. Kiristoofar Kolombas iyo Bartolomeu Dias, oo ah sahamiyayaashii ugu caansanaa Aybeeriya, waxa ay ku tiirsadeen aqoontii iyo khibraddii laga helay socdaalladan, si ay u qabanqaabiyaan socdaalladoodii “Dunida Cusub”.
Yurubiyaanku qaaradda Afrika waxa ay u sawireen kana tebiyeen in ay weligeed dunida ka go’doonsanayd, laakiin taas cagsigeeda qoraaga buugga “Born in Blackness” waxa uu akhristayaasha xusuusinayaa in aanay Afrika dunida marna ka go’doonsanayd ee ay kaalin weyn ku lahayd maanka Yurubiyaanka oo u arkayey hoyga ay ceegaagto hanti badani.
Faranji, waxa uu akhristayaasha xusuusinayaa in aanay Afrika dunida marna ka go’doonsanayn; ee ay kaalin weyn ku lahayd maanka Yurubiyaanka iyadoo loo arko hoyga hanti xad ka bax ah. Sawirkan khuraafaadka u dhow waxa abuuray socdaalkii Mansa Muusa ee cajiibka ahaa; Boqorkii Maali ee sannadkii 1324-kii ku xajiyey safar ka kooban gaadiid lixdan kun ah oo dahab lagu raray, hadiyadahana si deeqsinnimo leh goob kasta oo uu ku nasto ku qaybinayey, heer la sheego in safarkiisu uu Qaahira ku reebay sicirbarar toban sanno wax ka badan jiray. Burtuqiisku dahabkaas waa ay ka heleen magaalada Elmina ee xeebta koonfureed, haddana loo yaqaan Gaana, sannadki 1471-kii, waxaanay ka dhisteen gabbaadkooda ilaa maanta jira.
Qoraagu waxa uu cuskanayaa xogo arkiifiyo oo dunida oo dhan laga soo qaatay. Waxa tusaale ah, helitaanka buug waxbarasho-diineed ah “Catechism” oo Enlima lagu faafiyey qarnigii 17aad, isagoo ku qoran luuqadda “Kimbundu” ee Baantuuga ah. Waa tilmaan muujinaya kaalintii firfircoonayd ee Afrikaanku ku yeesheen tegiddii Ameerikada Laatiinka iyo isbeddelladeedii, waxa kale oo uu caddayn u yahay iskumilanka dhaqannada iyo haybta oo mid cusubi ka dhex dhalatay, oo ah wax loo tixgeliyo tiirarka dunida cusub. Inta badan warbixinaha uu keenayo waa kuwo weji cusub furaya, sida sheekooyinka imaatinka badmareennadii Burtuqiiska ee xeebaha Afrika iyo la dhaqankoodii maamullo siyaasadeed oo aan cawaan ahayn, sida labadii boqortooyo ee Biniin iyo Koongo. Soo qaadashadiisa xeeshadheer ee cutubyadani waa mid daaha ka qaadaysa fadeexadda dayrinta sheekada soojireenka ahi Afrika kaga samaysay tebinta.
Jaangooyeyaasha islafalgalladan ka dhex dhacay Afrikaanka iyo shuraakadoodii ganacsiga ee Yurubiyaanka ahaa waa wax daaha ka faydaya beenta sheekooyin badan, oo ay ka mid tahay fekradda ah in Afrikaanku sidoodaba dhibbenayaal ahaayeen, waana sawir xitaa ku dhex baahay qaar ka mid ah dadka u dooda gumeysi baabi’inta, oo aaminay in xidhiidhka keliya ee Afrika iyo Yurub weligii ahaa isu hoggaansan. Cagsiga sawirkaas, Faranji, waxa uu ku doodayaa sahamiyayaashii Yurubiyaanka ahaa ee dalalka Afrika yimi ay inta badan martigelin ka heleen Afrikaanka, la iskulana dhaqmayey isu dhignaan iyo is xurmayn ilaa laga soo gaadhayo marxaladdii gogoldhigga u ahayd Ganacsigii Addoomaha ee Atlaantiga. Waa ay adagtahay in aragtidan si hufan looga dhaadhiciyo dadka xilli ay jiraan sawirrada dhagaxoobay ee wax kasta oo dhammaadkii qarnigii 19aad ka horreeyey u arka marxalad keli ah oo aan xog laga hayn, wax macno lehna aan laga xusi karin.
Afrika keliya may ahayn dhimbiisha “Wakhtigii Daahfurka reer Yurub”, oo ah tilmaan ku habboon socdaalladii ay dhalisay ee sababay gumaadka, furashada iyo addoonsiga, se qoraaga buuggu waxa uu ku doodayaa in intaas kasii xagjirta, oo waxa uu aaminsanyahay in taariikhyahannadu ay awoodaan in ay islafalgalladaas u horreeyey ee Yurub iyo Afrika kasoo dhex saari karaan seeska dunida cusub, “casriyowguba uu ku dhashay Afrika”. Faranji waxa uu caddaynayaa in badi mu’asasaadka, shaqooyinka unkay ee jaangooyey dhaqaalaha cusub, ilaha hodantinnimo ee Yurub iyo Ameerikada Waqooyi, iyo dhalashada dhaqan cusub oo nolosheenna casriga ah sees u noqday, oo taxan laga bilaabo diinta, muusigga, ilaa falsafadda iyo cuntada, dhammaan waa wax loo celin karo xidhiidho hore oo Afrikaanka iyo Yurub dhex maray.
Burtuqiisku bilawgii qarnigii 16aad waxa ay jasiiradda Sao Tome u adeegsadeen horumarinta muunaddii koowaad ee dhaqaalaha beeraha, oo ah qaabka kolkii dambe ku faafay labada Maraykan; waxa ay jasiirad cidlo ah oo saldhig u noqotay duullaannadii addoonsiga ee gudaha Galbeedka Afrika, ka dibna waxa ay “xabsi” u noqotay dambiilayaasha iyo dadka aan la rabin, oo ay ku jiraan Yahuud beeraha sonkorta kala shaqaynayey addoomaha Afrikaanka ah. Ka dib jasiiradda Sao Tome waxa ay isku rogtay suuq addoomaha ah, oo godadka dahabka ee Elmina iyo ka dib labada Maraykan siiya shaqaale. Hannaanka dhaqaale ee sameeyey hantida dalalka dunida hoggaamiya ee Yurubta Galbeed iyo labada Maraykan waxa laga sameeyey ka faa’idaysiga xoogga Afrikaanka, ka faa’idaysiga oo ka bilawday gudaha Afrika, waxyar ka dibna “Dunida Cusub” ku faafay, isagoo wata tilmaan kasta oo bani’aadamnimo la’aan ah.
Si la siman seeska dhaqaale ee ka faa’idaysigaasi dhisay, sidoo kale ka faa’idaysiga xoogga dadka madow waxa uu sababay qaabab dhaqan, oo ilaa maantadan jira. Addoonsigu keliya ma samayn saldhigga hantida casriga ah, ee sidoo kale waa gundhigga caadigaysiga bunka iyo sonkorta. Faranji, waxa uu tilmaamayaa in maqaaxidii koowaad ee Yurubta Galbeed laga furo, magaalada Okosfoodh laga furay sannadkii 1650-kii, cabbitaankan diirran ee caajiska bi’iyaana waxa uu soo jiitay dadkii, halkaas baanu ka abuurmay dhaqanka fadhi-ku-dirirka, oo ugu dambayn dhalay doodaha fagaarayaasha.
Hannaanka dhaqaale ee hantida dalalka dunida hoggaamiya ee Yurubta Galbeed iyo labada Maraykan waxa laga dhaliyey ka faa’idaysiga xoogga Afrikaanka, ka faa’idaysigaas oo ka bilawday gudaha Afrika, waxyar ka dibna “Dunida Cusub” ku faafay, isagoo wata tilmaan kasta oo bani’aadamnimo la’aan ah.
Ka sokow awoodda buugga ee wax-fasir, haddana buuggu ma galdaloollooyin la’a. Faranji, waxa dhiirrigeliyey waa dib usoo noolaynta kaalintii Afrika iyo booska ay kaga jirto sheekada unkanka casriyowga; se waxa amakaag ah, oo xitaa isdiiddo ah, in aanu qoraagu cuskan wax ku filan oo ah qaadhaankii mufakiriinta Afrikaanka ah ee dooddooda ku saabsan casriyowga ah. Si la mid ah salaaddiinta uu ka dhigayo dadkii kaalintan ku metelayey Afrika, Faranji waxa uu gees marayaa sidii aqoonyahanka Afrika uga falceliyeen duullaanka Yurub iyo gumeysigooda. Isdiiddadaasi waxa ay si toos ah usii caddaanaysaa kolka bedka la keeno kaalinta udubdhexaadka ah ee Galbeedka Afrika leeyahay, oo Gaanada casriga ahi ku jirto, iyo waxsoosaarkooda jawaabihii falsafadeed iyo siyaasadeed ee lagu sameeyey casriyowga; sida Dastuurkii Midawga Faanti, oo soo baxay 1871-kii, laguna tiriyo iskudayadii ugu horreeyey ee dheegashada dastuurka libiraaliga ah meel ka baxsan Yurub iyo Maraykanka, sidoo kale Dastuurka Laybeeriya ee danaynta gaarka ah mudan, oo si heersare ah u qaatay dhammaan mabaadi’dii seeska u ahaa Dastuurkii Maraykanka oo uu u arkay fashilka dawladdii hooyo oo ku guuldarraysatay in ay hoy u noqoto muwaaddiniinta madowga ah.
Faranji, waxa uu soo bandhigi karayey qoraalladii qarnigii 19aad ee ragga kala ah: James Africanus, Bell Horton (oo kasoo jeeda Siralyoon), Edward Wilmot Blyden (oo kasoo jeeda Laybeeriya iyo Alex Carmel (oo ahaa wadaad Maraykan ah oo madow), dhammaantoodna waxa ay ku dedaaleen dib u habaynta iyo baraarujinta bulshooyinka Afrika, dib u qaabayntooda iyo muujinta khiyaanada gumeysiga Yurubiyaanka ah ee jiritaanka Afrikaanka dafirsan. Hal-ku-dhiggoodu waxa uu ahaa: xaqa aadame kastaa u leeyahay in uu noloshiisa samaysto, oo aan lagu xukumin raalli ahaanshihiisa la’aantii. Raggani waxa ay sameeyeen baaqyo caalami ah oo dhiirran, muujinayana in casriyowga aanay Yurubiyaanku keligood samayn, ee sidoo kale Afrikana qayb ka ahayd.
Qaadhaanka u weyn ee buuggu bixinayaa waa xaqiijinta qodobkan. Waa dhab in seeska wax ka mid ah dunida cusub ay ka bilaabantay baraaruggii iyo habayntii diineed ee Yurub, se dunidu Yurub oo keliya kamay samaysmin. Tusaale usoo qaado Kacdoonkii Hayti, oo kusoo dhammaaday caydhintii Faransiiska ee sannadkii 1804; waana kacdoon saddex dhaqan – xorriyadda, sinnaanta iyo walaaltinnimada – ka dhigay dhaqan caalami ah, oo aanay xidhin soohdimaha isirku. Qurbejoogta Afrika iyo Afrikaankuba may ahayn asal-ma-dooriyayaal, ee waxa ay kaalin mug leh ku lahaayeen samaynta iyo qaabaynta dunida cusub.
Sannadihii dambe, koox ka mid ah siyaasiyiinta reer Yurub iyo Maraykanka Waqooyi, oo inta badan ka soo jeeda garabka midig ee soogalootiga neceb, ayaa dib usoo nooleeyey sheekadii qarnigii 19aad ee weyneynta “wanaagyada xaddaaradda Galbeedka” la sheegto, iyo liididda dhaqannada kale. Waxa ay aamineen in casriyowgu yahay wax hanti u ah bulshooyinkooda, Afrikana waxa ay u sawiraan soojireen ama xitaa meel dib-u-dhacsan. Dhinaca kale, kooxo u ololeeya tirtirka raadkii gumeysiga iyo cunsuriyadda, ayaa lammaane fudud sheekada u cabbir: Afrikaan mar kasta dhibbane ka ah arxandarradii Yurubiyaanka, welina sidii ah. Waxa uu soo gudbinayaa aragti gebi ahaan liddi ku ah; qarniyo islafalgal Yurubiyaanka iyo Afrikaanka ahi waxa muujiyeen in casriyowgu aanu dhaqan u gaar ahayn, se uu yahay dhaxal aadame oo la wadaago. Buuggiisu keliya ma aha dib u fareemeeynta sooyaalka Afrika, ee sidoo kale waa dib ugu laabashada sooyaalka Caalamiga ah iyo sida u sawirtaan booska ayay kaga jiraan.
Waxa soo turjumay Maxamuud Bulxan