Tuesday 21 April 2026
Inta badan, 60% bulshada Afrika, waxa ay ka hoosaysaa da’da 25 jirka. Hase ahaato e, arrintaasi ma ay noqon khayraad ay dheefsato Qaaraddu, waxaana ku socda maskax-guur aad u culus, gaar ahaan waddamada Lama-degaanka iyo Saxaraha ka ooseeya. Tobannaankii sanno ee u danbeeyey waxa qaaradda ka haajiray, oo qurbaha galay, tobannaan kun oo dhallinyaro ah. Sababaha ugu waaweyn ee tan keenay ayaa loo tiirinayaa in ay ka mid yihiin duruufo dhaqaale oo kakan, xasillooni-darro siyaasadeed, iyo kaabayaasha bulshada oo ah kuwo liita. Sahan la sameeyey sannadkii 2022-kii, kaas oo lagu waraystay in ka badan 4,500 oo dhallinyaro oo da’doodu u dhaxayso 18 illaa 24, waxa lagu ogaaday in 52% ka mid ah dhallinyaradaas ay haabka ku hayeen tahriib. Sababaha ku riixayna waxa ay ku sheegeen fursadaha nololeed oo kooban, tayada waxbarashada oo ah mid hoosaysa, halka in badan oo kalena ay sheegeen sida ay uga niyad jabeen dalalkooda. “Hadda waxa ku horjooga oo aad arkaysaa kooxo dhan oo dad ah oo ka niyadjabsan mustaqbalka Qaaradda “ayaa uu yidhi Ivor Ichikoweitz oo ah asaasaha hay’adda maal gelisay sahankan.
Bulshada Afrika 60% waa dhalinyaro ka yar 25 jir, waxana ay intooda badan u hanqaltaagayaan in ay Qaaradda ka haajiraan, taas oo ah ‘maskax’ guuraysa
Isbeddelkan oo ah mid sii kordhaya waxa uu sababay in ay xirfadyaal aqoon leh oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir, aqoonyahanno iyo macallimiin ay u hayaamaan qurbaha, gaar ahaan wadddamada Galbeedka, iyaga oo raadinaya fursado iyo nolol hagaagsan. U tahriibista waddamadan waxa loo maraa jidad iyo farsamooyin kala duwan, waxa ka mid ah; deeqaha waxbarasho ee ardaynnimo, waxa kale oo ka mid ah fiisooyinka shaqada, dib ula midoobista qoysaska iyo, xitaa, marista jidad aan rasmi ahayn. Waxa sii kordhaya dareenka dhallinyaradu qabaan e ah “Afrika ma aha hoy lagu sii nagaan karo ee waa meel ay tahay in laga tago”, waana niyadjab ka dhashay nidaamyada siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale- bulsheed. Sannadii 2010 illaa 2020 waxa qaaradda ka qaxay Afrikaan horleh oo gaadhay 30%, kolka la barbar dhigo tobankii sanno ee ka horreeyey tiradaas oo u dhiganta 40 milyan oo qof.
Sida uu tebiyey Midawga Afrika, ku dhawaad 70,000 oo ah xirfadlayaal aqoon leh ayaa sannad walba ka qaxa Afrika, waana heerkii ugu sarreeyey adduunka oo dhan. Sannadkii 2020-kii, Afrikaan qaxay oo kor u dhaafay 20 Milyan ayaa ku noolaa Galbeedka, kuwaas oo ay ku jiraan 11 milyan oo ku sugan Yurub oo qudha. Cawaaqibta qaxa ayaa si weyn uga muuqata waaxyaha ugu muhiimsan Afrika sida waxbarashada iyo caafimaadka. Tusaale ahaan, Hay’adda Caafimaadka Adduunku waxa ay, sannadkii 2023-kii, sheegtay in 40 dal oo ka mid ah Afrika ay la daalaa-dhacayaan shaqaale yaraan dhanka caafimaadka ah taas oo uu sabab u yahay qaxan tirada badani. Dalka Gaana, tusaale ahaan, sannad walba waxa ka hayaama 500 oo kalkaaliso kuwaas oo gala Waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Maskax–guurku waxa uu halis dhab ah ku yahay horumarka Afrika, inta badanna waa arrin saameynteeda ay sahashadaan hoggaamiyeyaasha Afrikaanku.
Xaajadani waxa ay salka ku haysaa oo ay la xidhiidhaa masalooyin taariikhiya iyo kuwo nidaami ah. In kaste oo gumeysigii rasmiga ahaa uu soo afjarmay tobannaan sanno ka hor, haddana raadkiisu waxa uu ka dhex muuqdaa qaab dhismeedka dawladnimo, haya’adaha iyo nidaamyada tacliinta. Waddamo badan ayaa weli ku sii dhaggan nidaamyada galbeedka. Si kastaba, waxa isa soo taraya shacab iyo xuukumado isbeddel doon ah. Tusaale, sannadkii 2022 waxa isu-soobaxyo ka dhaceen Burkina Faaso, Maali, Neyjar iyo iyo Sinigaal, kuwaas oo ku baaqay in Faransiisku uu ciidamadiisa la baxo, arrintan ayaa astaan u ahayd doonista madaxbannaani dhab ah oo la xidhiidha doonista Afrikaankan.
Maskax-guurka Afrika waxa uu salka ku hayaa masalooyin taariikhi ah iyo nidaami ah; waa gumeysigii oo uu, weli, raadkiisii ka dhex muuqdo dawladnimda iyo nidaamyada tacliinta
Sidaas oo ay tahay, hormuud badan oo Afrikaan ah ayaa ku sii dheggan aragtidooda ah in reer galbeedku yahay astaanka badbaadada, fursadda iyo horumarka. Si-wax-u-araggan waxa ka danbeeya oo riixaya hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee kolka ay bukoodaan is-daaweynta u raadsada dibedda, maalgashada dhaqaalaha waddamada shisheeye, isla markaasna carruurtooda waxbarasho ugu dira dunida kale, iyaga oo isla dhanka kalena beerdarraynaya ilaha muhiimka ee gudaha sida waxbarashada. Tusaale cad waxa loo soo qaadan karaa Neyjeeriya: Muddo xileedkii Madaxweyne Muxamedu Buhaari, waxa uu nidaamka caafimaadka dalku ahaa mid dhul-yaal ah oo aan lahayn horumar, haddana waxa uu si joogta ah baadhis caafimaad ugu tagi jiray Landhan. Badi dhakhaatiirka daaweyn jirtay waxa ay ahaayeen Neyjeeriyaan ka qaxay dalkooda si ay u helaan nolol wanaagsan.
Neyjeeriya, hadda, shantii kun ee qofba waxa ku soo beegma hal dhakhtar. Sannadihii u dhexeeyey 2016-kii illaa 2018-kii, waxa Neyjeeriya ka qaxay 9,000 oo dhakhtar iyo 75,000 oo kalkaaliso kuwaas oo galay Kanada, Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska. Hay’adda Caafimaadka Adduunku waxa ay qiyaastay in haddii xaalku sidan ku sii socdo ay waddamada ka hooseeya Lama-deegaanka Saxaruhu ay wajihi doonaan shaqaale yaraan caafimaad oo gaadhaysa 5.3 milyan sannadka 2030.
Qaxa iyo hayaanka dhallinyarada waxa sii hurinaya nidaamyada siyaasadeed ee ku dhisan musuqmaasuqa iyo eexda. Waddamo badan oo Afrikaan ah waxa xukuma hoggaamiyeyaal gaboobay oo da’ jooga. Waxa ka mid ah; Madaxweynaha Kaamaroon, Bool Biiya oo 92 jir ah, sida la sheegayna raadinaya in uu markii siddeedaad isu sharraxo talada. Hoggaaminta dabo dheeraataa waxa ay laf dhuun gashay ku noqotaa dhiig ku shubista dimuqraadiyadda waxayna xukunka ka fogaysaa dhallinyarada. Afrika, fursadaha shaqo waxa, badanaa, la isku siiyaa qaraabo-kiil, eex iyo qabyaalad taas oo wiiqaysa kartida, isla jeerkaasna niyadjab ku abuuraysa xubnaha doonaya in ay wax ku biiriyaan horumarka qaranka.
Nidaamyadan fadhiidka ahi waxa ay si qunyar ah uga qayb qaataan curyaaminta hantida ugu qiimaha badan oo ah raasumaalka dadka. Maskax-guurku waxa uu arbushaa hal-abuurka, waxa kale oo uu wiiqaa hay’adaha, waxaanu hoos u dhigaa awoodda Afrika ee ku aaddan xaqiijinta horumar waara iyo tayeynta heerka nolosha.
Haddaba, si dhanka kale loogu rogo isbeddelladan (Qaxa iyo hayaanka) waxa lamahuraan ah tallaabooyin deg deg ah oo si wada-jir ah loo qorsheeyay. Xukuumadaha Afrikaanka, Midawga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ahi waa in ay mudnaanta koowaad ka dhigtaan fursad u abuurista dhallinyarada. Waa in xoogga la saaraa maal-gelinta waxbarashada, ballaadhinta tabobbarada xirfadda, dhiirigelinta ganacsiga iyo hal-abuurka iyo hirgelinta siyaasad loo dhanyahay oo kor u qaadda shaqo abuurka iyo mushahar caddaaliya. Waxa, iyana, muhiim ah dib u habeynta waxbarashada. Manhajyada waxbarashada qudhoodu waa in ay xoogga saaraan mas’uuliyadda qofka muwaadinka ah, ku faanista qaranka iyo muhiimadda uu leeyahay hal-abuurka guduhu. Halkii ardayda loo diyaarin lahaa in ay dalka ka yaacaan, nidaamyada waxbarashadu waa in ay ku dhiirrigeliyaan in ay joogaan, wax ku darsadaan oo ay hoggaamiyaan bulshadooda.
Waxbarashada Afrika, halkii ay ardayda ku dhiirrin lahayd in ay dalka ka yaacaan, waa in ay dhiirrigaliso hal-abuurka gudaha soona saarto dad wax ku darsada dalkooda oo hoggaamiya bulshadooda
Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha Afrikaanku waa in ay dhayda ka caddeeyaan doonis siyaasadeed oo la xidhiidha isla xisaabtan, maamul wanaag iyo banyaalnimo. La dagaallanka musuqmaasuqa, soo af jarista eexda iyo dhisidda nidaam siyaasadeed oo loo dhanyahay ayaa ah tallaabooyinka laga-ma-kacaanka ah ee dib loogu soo celin karo kalsoonida hay’adaha dadweynaha iyo awood siinta dhallinyarada si ay ugu nagaadaan dalalkooda.
Gabogabadii, walow uu Maskax-guurku ka mid yahay caqabadaha waaweyn ee ku gudban horumarka Afrika, haddana dhanka kale waxa uu noqon karaa fursad lagu sameeyo isbeddel. Waa se in, kolka hore, la fahmaa sababaha uu salka ku hayo iyo siyaabaha wax looga qaban karo. Waddama Afrika weli waxa ay haystaan fursad ay ku haysan karaan hibooleydooda kuna gaadhi karaan barwaaqo, waa haddii ay maal-geliyaan dhallinyarada, dib u habeyn ku sameeyaan dawladnimada, isla markaasna caadiyeeyaan dareenka qarannimo. Laakiin, haddii hoggaamiyeyaasha, hay’adaha iyo bulshada rayidka ahi ku guuldarraysataan in ay arrintan ka jawaabaan, waxa ay Qaaraddu halis ugu jirtaa in ay noqoto gegida ay ka dhoofaan Maskaxdeeda ugu waxtarsan, dabadeedna waxa sii libdhi doona riyooyinkeedii barwaaqoobidda.