Sunday 9 November 2025
Iyada oo ay jiraan wayddiimo isa soo taraya oo ku saabsan talo wareejinta iyo dimuqraaddiyadda Afrika ayaa waxa dhacday in labo madaxweyne; bool biiya oo kamaroon ka taliya iyo Muusafiini oo Yugaandha ah ay shaaca ka qaadaan damacooda ah in ay mar kale xukunka iso soo taagaan, wallow oo ay hore ba talada u hayeen tan iyo qarnigii 20aad oo xukunka joogeen afartan sanno. Shaacintani waxa ay mar kale kicisay dood ku aadan talo sii joogista qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika, oo salka ku haysa wax ka beddelista dastuurka waana ta keentay in ay xukunka sii dheeraystaan, iyada oo baahi loo qabo isbeddel dhab ah, iyo xil wareejin salmiya. Inkasta ay jirto kala duwanaansho siyaasadeed iyo dhaqaale oo u dhaxaysa waddamada Afrika haddana dhufsane yaraha ay wadaagaan hoggaamiyayaashani ayaa ah; muddada dheer ee ay talada ku nagaadeen, waana arrin albaabada u furaysa dood joogta ah oo ku taxalluqda mustaqbalka nidaamyada Jamhuuriga ah ee waddamada Afrika iyo ilaa iyo inta ay hayadaha dawladdu awood u leeyihiin ka jawaabista himilada dadkooda ee ah is beddel iyo isla xisaabtan.
Teyoodhoro Oobiyaang (Gini Ikwatooriyaal)
Talada Gini waxa uu joogaa tan iyo sannadkii 1979-kii, kaddib kolkii uu afganbi ciidan xilka kaga tuuray adeerkii. Waa madaxweynaha ugu muddada dheer ee xil haya dunida oo dhan. Inkasta oo uu ogolaaday nidaamka xisbiyada badan badhtamihii 1990-kii haddana Xisbiga talada haya ayaa weli awood ku leh saaxadda siyaasadda. Tan iyo sannadkii 2016-kii na waxa madaxweyne ku xigeen u ah wiil uu dhalay.
Bool Biya (Kaamaruun)
Waxa uu talada yimid sannadkii 1982-kii, kaddib markii uu is casilay Axmadoo Ahidjo, waxaana loogu naanaysaa “Libaaxa”, inkasta oo uu cimriyey (92jir) haddana waxa uu iclaamiyey in uu sharraxanyahay taas oo dood ballaadhan ka dhex dhalisay shacabka iyo saaxad siyaasadda.
Deenis Saasuu (Koongo Barasaafiil)
Waxa uu talada qabtay labo jeer. Markii koobaad waxa ay ahayd intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1992. Haddana mar labaad oo ku began 1997-kii, kaddib kolkii uu dagaal sokeeye talada kaga tuuray Madaxweyne Baaskaal, ayuu ku soo laabtay xukunka waxaana la filayaa in uu kol kale isu soo sharraxo doorashooyinka dhici doona 2026.
Yooweri Muusefini (Yugaandha)
Muddo aad u dheer oo u dagaal hubaysan kula jiray nidaamkii Cidi Amiin waxa uu talada yimid sannadkii 1986-kii, tan iyo wagaas na sidii ayuu u joogaa xukunka Yugaandha. Walow aad loo loogu dhaliilo kelitalisnimo iyo ku tumashada xorriyadda haddana dhammaan waxa uu ku guulaystay doorashooyinkii la qabtay. Wiilkiisa oo hadda ah hoggaanka ciidamada Yugaandha ayaa u muuqda mid dhaxli doona.
Isyaas Afaweerki ( Erateriya)
Erateriya waxa uu soo xukumayey tan iyo markii ay madax bannaanaatay 1993, waxaanu talada hayey iyada oo ay gobolka ka jiraan xiisado isla markaas na uu saaranyahay cadaadis caalamiya. Waxaanu dhibada u aasay xukunkiisa iyada oo ay jiraan dhawaaqyo ku baaqaya dib habeyn siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed.
Ismaaciil Cumar Geelle (Jabbuuti)
Waxa uu xukunka joogaa tan iyo sannadkii 1993-kii isaga oo beddelay Xasan Abti doon. Ismaaciil Cumar geelle waxa lagu eedayaa in uu si daran u af jugeeyey mucaaradka isla markaas na xoojiyey awoodda Xisbigiisa ee golayaasha siyaasadda sida baarlamaanka.
Bool kagaame (Ruwaanda)
Sannadkii 1994-kii ayuu soo galay Kigali, Caasimadda Ruwaanda isaga oo hoggaaminaya Ciidamadii Jabhadda Waddaniga ah, waa markii talada laga tuuray nidaamkii ka masuulka ahaa Xasuuq wadareedkii Ruwaanda. Waxa uu si rasmi ah talada ula wareegay sannadkii 2002. Kagaame waxa uu isku tilmaamaa hoggaamiye horusocod ah, waxa se lagu eedayaa in uu cidhiidhi geliyey xorriyadda siyaasadda.
Ugu danbeyn, hoggaamiyayaashan oo xukunka ku sii nagaada waxa ay badka keenaysaa wayddiimo la xidhiidha ilaa iyo inta ay dawladahani u bisilyihiin u hoggaansamidda dimuqraadiyadda gaar ahaan iyada oo ay maqanyihiin tartanno siyaasadeed oo dhab ah iyo kolal badan oo dastuurrada loo beddelo xukun dheeraysi. Dhanka kale, joogitaanka xukunka ee Hoggaamiyayaashan dadka qaar waxa ay u arkaan astaan xasillooni, halka in kale na u aragto in ay yihiin kuwa hortaagan isbeddelka, sidaas awgeed, mustaqbalka xukunka Afrika waxa uu u dabranyahay isbeddello degdega oo ka dhaca gudaha iyo guud ahaan gobolka.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan