Monday 23 June 2025
Qaamuuska Af Soomaaliga ee ay wadajirka u qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur dhir waxa ay ku qeexeen “Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabbitaanka ku darsado…”
Sida ku qoran nusqada elektarooniga ah ee qaamuuska uu ciwaankiisu “The Advanced Learner’s Dictionary Third Edition, “Dhir waa noole ka baxo dhulka oogadiisa sare, biyaha uurkooda ama dhir kale disheeda, taas oo badanaa leh jirrid, caleemo, xididdo iyo abaxyo soo saara abuur.”
Sida ku cad guudmarka cilmibaadhiseed ee waraaq cilmiyeeddan, qudhaabka ay daraasadan kooban ku saabsan waa dhir dheefeedda ay dhallaanku dhulka ka soo dhuftaan, burruddeedana ay cunaan ama calashadaan, midda leh midhaha ee ay tiigsadan si ay midhaheeda ku soo gurtaan ama midda saaran dhulka dushiisa sare sida uneexada. Dhirta ay daraasadan ku saabsan tahay waa dhir dheefeed duur-ka-baxa ah oo aan dadbeer ahayn. Waa dhir dheefeed dhux u leh dhallaanku Soomaaliyeed ee miyiga ku nool. Waa u oon (dheef) iyo oonbax (harraadbeel).
Dhir dheefeedda oo ay ka mid yihiin: abooyda, aloontida, askaxda, uneexada iyo dhabankoollista, caafimaad ahaan waxtarkooda cilmibaadhis rasmi ah oo ku qoran af Soomaali weli lagama diyaarinin, waa inta uu qoraagu og yahay ilaa iyo hadda.
Dhulka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna dalka Soomaaliya, waxaa ku taalla, oo ku teedsan, kuna talanteelan dhir dheefeed kala nooc iyo kala nuxur ah. Dhir dheefeeddan waxay ka kooban tahay mid dhulka ku duugan oo leh burrud la qodo oo la cuno, mid dhulka dul saaran oo leh midho dhulka ku goglan, ku faafsan oo ku filiqsan iyo mid qun-u-bax iyo geed-ku-qandoodba leh oo midhahooda la laaco, la gurto oo la cuno xilliyo kala duwan oo kala ah: xilli doogaad iyo xilli diraaceed, dadkana dheef iyo dhuuni u ah si guud, si gaar ahna ay cunaan carruurta raacatada ah. Dhir dheefeeddan waxaa ka mid ah dhawrkan geed ee ay magacyadooda hoos ku qoran yihiin. Waa dhir deegaan ahaan leh magacyo aad u kala duwan, afguri ahaan.
Abooydu waa badhi ama buruq malaakuusan oo ballaadhan, kuna aasan dhulka. Waxay ka soo fooracdaa – fuurtaa oo ka soo baxdaa meesha uu likaha banneeyey. Waxay leedahay oogo ama dahaar yara adag oo la moodo midka rumaanka oo kale. Waxaa gudaha kaga jira iniinyo yaryar oo kuwa rumaanka u eg, kuwaas oo la moodo bariis si wacan loo bisleeyey. Marka ay bislaato, diirkeeda sare wuu jilcaa. Sida uu ii sheegay Siciid Suudi oo magaalada Ceegaag ka soo jeeda, “likabariis” ayaa magaalada Ceegaag iyo nawaaxigeeda looga yaqaannaa, sababtuna waa iniinyaha bariiska u eg ee gudaha abooyda ku jira, sidaan sare ku soo sheegnay.
Waxaa laga helaa dhulka adablaha ah ee ciidda jilicsan, ee uu ka baxo geedka riigga loo yaqaanna oo ah jaad ama nooc qansaxa ka mid ah, kaas oo aad uga sii qurux badan qansaxa. Meelaha ay ka baxda, waxaa ku badan calgada (xaskusha), dhuurta, wanaayga, wirigga, qooqoonka, haragmagadka iyo geeda kale oo dhulkan ka baxa. Meelaha ay ku badan tahay waxaa ka mid ah duleedka tuulooyinka Miiddoo iyo Biibbi, iyo weliba dhulka koonfur iyo koonfur-bari kaga kala began magaalada Afmadow – xarunta Waamo ee Gobolka Jubbada Hoose ee dalkeenna Soomaaliya.
Waxay kaloo aad uga baxdaa dhulka loo yaqaanno Raama Guddaa ee ah keymaha ciidda guduudan guud ahaan, gaar ahaanna nawaaxiga tuulada Daadquraan ee Degmada Libooyo ee Gobolka NFD. Midda Raama Guddaa, waxay ka soo fuftaa, kana soo fooracdaa geedaha dhiraandhirka, dhammaajada iyo xagarka hoostooda. Waa meesha uu likaha ka baxay, ka dibna markii uu bislaaday uu likuhu banneeyey. Marka ay bislaato, aad ayay u soo caraftaa oo udgoonkeeda ayaa lagu baadidoonaa. Marka dadka laga reebo, waxaa cuna oo aad u jecel xoorka iyo dabacaddeeyaha. Sida uu iigu warramay Maxamed-cadde Sheekh Xuseen oo aan aaladda WhatsApp-ka ku wareystay , isagoo Kismaayo ku sugan, wuxuu igu yidhi, “Tamayuluq ayaan u aqaannaa oo markaan yaryarayn ee aan xoolaha raaci jirnay, intaan daloolinno ayaan caano ku shubi jirnay oo iniinyaheeda ayaan caanaha ku walaaqi jirnay oo ku cuni jirnay, annagoo muddo sii wadan jira. “
Warbixinta Maxamed waxaan ka garan karnaa in abooyda magac deegaaneedkeeda kale ee looga yaqaanna Dawlad Deegaanka Soomaalida uu yahay tamayuluq. Gunaanadkii, abooy, likabariis iyo tamayuluq waa saddax magac oo ay leedahay dhir dheefeeddan. Waxaa looqaateen ah in ay magacyo kale leedahay. Sidaas awgeed, daraasadan waxay daahfurtay erey deegaaneedka abooyda ku saabsan.
Aloontida (Rooxo) waa geedsaar ama geedmaran caleen balballaadhan leh. Waxay isku martaa ama dul fuushaa geedaha kale. Waxay ka baxdaa hareeraha shubabka iyo faaf biyoodyada. Waa geedsaar biyood oo waxay ka baxdaa dhulka derebka ah.
Midhaha Aloontida waa midho midabkooda uu yahay cagaar barabaro iyo diillimo leh oo muuqaalkooda uu u eg yahay yaanyada ama tammaandhada. Sida ay ii sheegtay Maryan Cabdiqaadir oo ku nool magaalada Kullan ee Ismaamulka Gaaris ee dalka Kiiniya oo aan taleefoonka ku wareystay intii aan daraasaddan waday . Midhaha Aloontida waxay u kala baxaan: aloonti-baraley, aloonti-dhuudhuub iyo aloonti-halaq. Labada hore, dadka ayaa cuna; aloonti-halaqda oo dhumuc ahaan ka weyn noocyada kale, dadka ma cunaan sababtana lama yaqaan.
Cabdinuur Cumar Cabdiyow oo aan aloontida wax ka wayddiiyey, isagoo ku sugan magaalada Xamar oo aan kula kulmay wuxuu ii sheegay in uu u yaqaanno aloondo. Sida uu ii sheegay waxay ka baxdaa dhulka bayga ah. Waxay u kala baxdaa laba jiid: aloonde iyo aloonde-shuushuunley.
Midhaha aloontida marka ay bislaadaan ama karaan, aad ayay u casaadaan ama guduutaan oo waxay noqdaan sida yaanyo bislaatay, dhadhan macaan ayayna yeeshaan. Shimbiraha, carruurta iyo noolayaal kale oo fara badan ayaa aad u cuna.
Midhaha aloontida ama rooxada waxaa aad u cuna carruurta Soomaalida gaar ahaan kuwa ku dhaqan baadiyah. Waxay cunaan xilliga barwaaqada, dhaseynaha ah. Sidoo kale, waxaa rooxada daaqa xoolaha ay ka midka yihiin geela iyo riyaha.
Sida uu iigu warramay Dr. Cabdinaasir Maxamed Barre oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood oo aan Laascaanood ku waraystay geedkan waxaa gobolka Sool looga yaqaannaa rooxo, wuxuuna ka baxaa dhulka ciidda cad ee barrimada ah. Wuxuu ii sheegay in ay ka baxdo nawaaxiga magaalada Kalabaydh ee Gobolka Sool iyo weliba meelaha ay iska galaan/ku kulmaan ciidda cad iyo ciidda cas (guduudan).
Warbixintan Cabdinaasir waxa ku waafaqay Cabdalle Axmed Maxamed oo ah Madaxa Xafiiska Arrimaha Waxbarashada ee Jaamacadda Nugaal oo aan isaguna rooxada wax ka wayddiiyey. Abwaan Axmed Cabdillaahi Jaamac (Carab) oo aan WhatsApp-ka kula xidhiidhay intii aan ku guda jiray baadhistan ayaa isagoo Hargeysa ku sugan, rooxada wax ka wayddiiyey, Carab wuxuu ii sheegay in ay rooxadu ka baxdo dhulka rawaxa ah ama carriska ah ee biyaha macaan leh. Sida uu iigu warramay, waxay dusha ka fuushaa geedaha aan hambalaalaqsanayn ee urursan sida, xagarka, bilcilka (bilcinka) igk.
Daraasadan waxaan ku ogaannay in erey deegaaneedka af Soomaaliga uu aad hodan u yahay oo hal shay ama geed uu leeyahay magacyo kala duwan oo ay dadkeenna Soomaaliyeed u yaqaannaan. Waxaan kaloon ku hubsannay in aan afguriga dhirta laga sameynin cilmibaadhis cago adag ku taagan taas oo afkeenna sii kobcin karta haddii si cilmiyeysan loo sameyn lahaa. Ugu dambeyn Aloonti iyo Rooxo waa laba magac deegaaneed oo hal geed ah looga kala yaqaanno deegaanno kala duwan. Waxaan kaloo ogaannay goorta ay aloontida (rooxda) baxdo iyo goobta ay ka baxdo.
Askaxda (kordhista) oo ay dadka qaarkood u yaqaannaan sadkax, waa geed nagaar ah oo joog (dheerar) gaaban, kaas oo ka baxa dhulka carriska ah ee banbannaanka ah. Waxay askaxdu badanaa ka baxdaa dhulka kuunyada ah. Nagaarkan oo dhulka dushiisa isku fidiya sida qaraha, deegaannada qaar waxaa looga yaqaannaa kordhis. Sida ku qoran Qaamuuska Af-Soomaaliga ee ay wada qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, Askaxdu waa “Geed nagaar yar oo laamo iyo caleemo jilicsan iyo miro la cuno “ sidaas awgeed geedkan iyo midhahiisaba waa askax ama sadkax.
Sida ay iigu warrantay Faadumo Maxamed Cali oo aan taleefoonka ku wareystay, iyada oo ku sugan magaalada Qoriley ee Gobolka Sool iyo Gobolka Doollo u kala qeybsan, waxay ii sheegtay in ay askaxdu leedahay midho dusha ku leh wax aad mooddo qodxo, laakiin aan ku mudeynin oo jilicsan, kuwaas oo kala dillaaciya (dhambalo) oo uur-ku-jirtooda layska xeebo. Waxaa xogtan ku raacday Nimco Axmed Maxamed (Koos) oo aan askaxda wax ka wayddiinnay, iyadoo Xamar ku sugan. Sida uu ii sheegay Maxamed-cadde Sheekh Xuseen, kordhista waa geed cagaaran oo leh midho geeso jiljilicsan leh, kuwaas oo gacan qof oo la duubay ka yar. Midhahan marka la goosto waxay sii daayaan caano. Waxay ka baxdaa meelaha cagjileecda ah ee jagaagaca ah ee ay reeruhu dagaan. Waxaa ku dhex jira wax yar oo layska tuuro. Inta badan, xilliga barwaaqada ah ayay askaxdu aad u baxdaa.
Ugu dambeyn, waxaan cilmibaadhistan kooban ku ogaannay in askaxda mayacyadeeda kale ay yihiin sadkax iyo kordhis, loogana yaqaanno meelo kala duwan oo ka mid ah dhulka Soomaalida. Waxaan ku barannay goor ay baxdo iyo goobaha ay ka baxdo. Sidoo kale ciidda askaxda cunto ama calashataan ogaannay.
Dhabankoolis waa geed leh badhi dhulka ku aasan (duugan), kaas oo leh laamo yeesha caleemo balballaadhan, kuwaas oo uu midabkoodu yahay huruud ama jaalle. Waxay bahwadaag yihiin doombirta oo dhabankoollista aad uga sii sal ballaadhan. Sida uu ii sheegay Axmed Maxamed Cali oo aan dhabankoolista ka wareystay isagoo ku sugan magaalada Laascaanood, wuxuu ii xaqiijiyey in ay ka baxdo dhulka didibka (kagada) ah ee rawaxa ah, kaas oo leh dhagxaan. Sida uu ii caddeeyey Axmed, waxay ka baxdaa dhagxaanta dhexdooda oo inta badan lagu arkaa xilliyada roobku uu da’ayo ee barwaaqada ah.
Lama ogo oo cid noo caddeyso ma aanan helin laakiin, waxaa jira geed nagaar geelwaac looga yaqaanno Bariga Gobolka Mudug oo ay u badan tahay in uu dhabankoolista u dhow yahay ama la bah yahay oo buruqdiisa la cuno. Shukri Maxamed Xasan oo Reer Mudug-bari ah oo aan sawirka dhabankoolista la wadaagnay, waxay cilmibaadhaha u sheegtay in geelwaacda iyo dhabankoolista ay kala duwan yihiin. Waa macquul in ay saameynta deegaanka ku kala duwan yihiin.
Sida ku xusan Qaamuuska Af-Soomaaliga ee ay wada qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, uneexada (aneexada) waa “Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno.” Waa nagaar roobaad. Uneexada oo dadka waaweyn iyo carruurta reer miyiga ahba ay isku si u cunaan, midhaheeda waxaa ku daboolan/dedan caleemaheeda oo inta laga feydaa la gurtaa. Barraahsanaanteeda darteed, “Ayooyo fadhi weyn” baa lagu naanneystaa uneexada. Dhadhan ahaan, waxay midhaheeda u dhadhan dhow yihiin kiwi fruit. Waa Allabeer ee dad-abuur ma aha. Waxay iskeed uga baxdaa dhulka kuunyada ah iyo dooyada.
Inkastoo ay dadka Soomaaliyeed ee reer baaddiyaha ah cunaan uneexada, haddana, cilmibaadhis rasmi ah oo ku saabsan waxtarkeeda caafimaad Soomaalida ma aysan sameynin, inta aan hadda og nahay, laakiin in ay waxtar leedahay ayaa la filayaa. Ugu dambeyn, cilmibaadhistan waxay afraaraca ka qaadday in ay uneexada tahay nagaar caan ah. Sidoo kale, aneexo in ay dadka qaarkood dhahaan baa la ogaaday.
Goonku waa badhi yar oo dhulka ku aasan oo laga qoto jirrida gocosada. Sida ku qoran Qaamuuska Af-Soomaaliga ee ay wada diyaariyeen aqoonyahannada kala ah: Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, gocosada magaceeda kale waa xaynxayndho oo erey deegaaneed ah, meelo kala duwanna looga yaqaan gocosada. Waxaa goonka aad u jecel dagiiranka, kabarayda iyo guuntarrida oo uu dheef u yahay xilliga barbaxa ah ee jiilaalka ah. Carruurta ayay ku loollamaan qodistiisa. Gocosada oo ah nagaar cawseedka goonka dhalo, waxay ka baxdaa lagaha, balliyada galal biyoodyada iyo barrimada kala duwan ee dhulka cadcadka ah ee dalkeenna ku badan. Marka ay biyaha ka gudhaan, ayaa dhulkan laga qotaa oo lagu maararoobaa. Ugu dambeyn, daraasadan waxay caddeyneysaa in goonka uu ka mid yahay qudhaabka ay carruurta Soomaaliyeed dhulka ka qotaan xilliga jiilaalka kulul ah.
Xogta ay soo bandhigeyso daraasadda ku jirta waraaq cilmiyeeddan waa xog biqlan (ugub ah) sababta oo ah, wax xog ah oo bisil (Oollimaad ah) oo ku saabsan mawduuca ay waraaqdan ku saabsan tahay lama helin. Sidaa darteed, cilmibaadhuhu wuxuu xog-ururinta mawduucan sal iyo sees uga dhigay wareysiyo laga qaaday dad aqoon durugsan u leh afguriga ku aasan qudhaabka dhir dheefeedda Soomaalida.
Doorashada lawareystayaasha laguma saleynin deegaan gaar ah balse, waxaa si arkaadoon ah loo wareystay dad da’ ahaan iyo deegaan ahaanba kala duwan oo ay ama lawareystayaal kale farta ku fiiqeen ama si aan qorsheysnayn loola kulmay.
Habka loo maray xusidda xigashooyinka waa hab cilmiyeedka APA Style. Habkan oo ah qaab cilmiyeed loo adeegsado diiwaangelinta xigashooyinka gudaha iyo raadraaca xigashooyinka dhammaadka, ayaa tixraacyada qormadan loo adeegsaday.
Cilmibaadhaha diyaariyey waraaq cilmiyeeddan waxa uu ogaaday in qudhaabka dhir dheefeedda uu ku jira afguri leh erey deegaaneed kala duwan, deegaan ahaanna ay dadka Soomaaliyeed kala yaqaannaan balse, aysan isla wada aqoonniin dhammaan.
Waxaa daraasad cilmiyeeddan lagu ogaaday in hal geed uu Soomaalida u kala leeyahay magacyo kala duwan oo deegaanba magac gaar ah looga yaqaanna. Waa Arrin afka Soomaaliga guud ahaan, gaar ahaanna afguri deegaaneedka hodon ku ah. Sidan oo ay tahay, waxaa muhiim ah in ay dadka Soomaaliyeed isla fahmaan magacyada kala duwan ee uu salka iyo saabka u yahay erey deegaaneedka afguriga.
Daraasaddan koobani waxa ay iftiimisay in ay ereyada af Soomaaliga ee dhir dheefeedda Soomaalida ku jira qarka u saaran yihiin in ay dhumaan oo dhintaan sababta oo ah, waxaa magaaloobeysa bulshadii Soomaaliyeed ee miyiga ku noolayd sidaas awgeed, waxaa sii yaraanaya adeegsiga ereyda ku jaadan qudhaabka iyo dhir dheefeedda oo hadda in ay af Soomaaliga ka dirgo’aan bay halis ugu jiraan. Waxa kale oo ay daraasaddani daboolka ka qaadday in erey deegaaneedka baadhistiisa iyo barashadiisa aysan muhiimad weyn siinin aqoonyahannada iyo afyahannada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka, sees ahaanna ay yar yihiin dadka leh aqoonta ee ku xeel dheer erey deegaaneedka dhir dheefeeddeenna ku lammaansan. Ugu dambeyn, waxaan jirin, ama aan badnayn, cilmibaadhisyada af ahaan looga sameeyey erey deegaaneedka afguri ee ay dhir dheefeedda hodanka ku tahay.
Daraasada ay daarran tahay waraaq cilmiyeeddan waxay soo koobtay oo ay si dul-ka-xaadis ah uga faallooneysaa, una faaqideysaa magacyada erey deegaaneedka afguriga af Soomaaliga ee deegaannada kala duwan ee Soomaaliyeed. Waxay cilmibaadhistan kooban tibaaxeysaa oo tabineysaa magacyada dhir dheefeedda qudhaabka leh ee ay ka midka yihiin dhirtan: abooyda, aloontida, askaxda iyo dhabankoolista oo ay aqoon afguriyeed ahaan bulshadeenna ugu soo bandhigeysaa. Sidoo kale, waxay tilmaameysaa xilliyada iyo xaaladaha dhirtan la dheefsado.
Ugu danbeyn qoraagu wuxuu soo jeedinayaa talooyinkan hoos ku teedsan: