Monday 7 September 2026
Toban sano ayay Soomaaliya ka maqnayd saaxadda dunida oo aanay jirin dawlad rasmi ah oo caalamka ku matasha, muddadaasna waxaa dalka ka aloosnaa dagaallo iyo xaalado qarriban oo ka dhashay qaran-jabkii dalka ku dhacay 1991-kii. Waxaa muddadaas socday dedaallo lagu doonayo in dawladnimo lagu yagleelo, lana sameeyo dib u heshiisiin ummadda u dhaxaysa, nasiibdarrose badidood waa ay fashilmeen. Carta ayaa noqotay meesha uu ibafurku ka bilowday, waxaana xigtay Mbagathi. Shirarkaas dhacay waa ay yar yihiin dadka goobjoogga ahaa ee ka sameeyay qoraallo dhaxalgal ah, kuwaas oo fadhiyay miiska wada hadalka.
Maxamed Cabdi Affey ayaa ka mid noqonaya dadka kooban ee shirarkaas wax ka qoray, waxa uuna goobjoog u ahaa xaaladda Soomaalida, wixii ka danbeeyay shirkii Carta, waxa aan isku dayayaa in aan qoraalkan wax kaga idhaahdo buuggiisa Baadigoobkii Nabadda Geeska. Buuggu waxa uu soo baxay 2026, waxa uuna ka kooban yahay 13 cutub iyo cutub sawirro ah, waana 316 bog.
Maxamed Cabdi Affey waxa uu ku dhashay deegaanka Turguda oo ku taalla Koonfurta Wajeer, sannadku markuu ahaa 1968-kii. Waxa uuna wax ku bartay oo ku barbaaray Mandheera iyo Wajeer, isaga oo dugsigiisa sare ka dhammeeyay Nairobi. Affey waxa uu waxbarashada heerka koowaad ka qaatay Jaamacadda Kenyatta oo uu ka diyaariyay aqoonta siyaasadda, dhanka kale waxa uu heerka labaad ee waxbarashada ka qaatay Jaamacadda Nairobi, taas oo uu ka diyaariyay arrimaha xallinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta.
Maxamed waa siyaasi muddo ku soo jiray siyaasadda Kenya iyo midda Geeska, waxa uuna siyaasadda ku soo biiray 1997-kii isaga oo markaa noqday xildhibaan laga soo doorto Koonfurta Wajeer, waxa uuna ka mid noqday golaha wasiirrada Kenya, isaga oo muddo kooban isu maray afar wasaaradood oo uu ka soo noqday Wasiir-ku-xigeen. Sidoo kale, Affey waa diblumaasi shaqo weyn ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, waxa uuna soo noqday safiirka Kenya ugu magacaaban Soomaaliya, danjiraha IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaalida, Danjiraha UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo shaqooyin kale. Waxa kale oo uu Maxamed muddo dheer ku soo dhex jiray arrimaha wadahadallada iyo dib u heshiisiinta, isaga oo qayb libaaxle ka soo qaatay shirkii Mbagathi ee dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska Soomaalida, kaas oo muddo ka badan laba sano ka socday dalka Kenya.
Waxa kale oo uu Maxamed qayb weyn ka qaatay wadahadalladii Maxkamadaha iyo Dawladdii uu hoggaaminayay Cabdillaahi Yuusuf, isla jeerkaasna waxa uu qayb ka ahaa wadahadalladii ay yeesheen ONLF iyo dawladdii Itoobiya, kaas oo isna muddo jiitamayay. Shirarka wadahadallada iyo nabadaynta ee uu saamaynta ku lahaa, isaguna ka shaqaynayay kolka laga yimaado, waxa uu goobjoog u ahaa kuwo kale oo ay ka mid tahay shirkii Carta, isaga oo uga qaybgalay dalka Kenya. Kolkii uu Maxamed noqday ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya waxa uu qayb weyn ka gaystay dhismaha badi maamul-goboleedyada Soomaaliya; Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa uuna gacan ka gaystay sidii loo xallin lahaa qaar ka mid ah khilaafyadii ka dhex taagnaa maamulladaas. Waxa uuna gacan ka gaystay damintii colaaddii ka taagnayd magaalada Gaalkacayo ee Mudug.
Maxamed Cabdi Affey ka hor inta aanu siyaasadda galin waxa uu qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada ay samayn jireen ardayda jaamacadaha Kenya, taas oo u noqotay sallaan uu ka soo fuulo siyaasadda. Waxa uuna buuggiisa Baadigoobkii Nabadda Geeska kaga waramayaa sida Soomaalida Kenya ay u soo xulaan xildhibaannadooda. Marar dhawr ah ayaan arkay dadyow ka doodaya habka doorashada looga galo NFD (Northern Frontier District), sidoo kale, muuqaallada odayaal qabiilkooda la hadlaya qofna u soo taagaya boos xildhibaan, shacabkana u sheegaya in qabiilku isku raacay oo ay doortaan, waxyaabahaasina waxa ay igu abuureen su’aalo ku aadan habka iyo qaabka xulista.
Affey wuxuu buuggiisa ku sheegayaa in markasta oo doorasho soo dhawaato ay qabaa’ilka gobolka Waqooyi Bari ee Kenya si gaar ah u shiraan, ayna iska dhex doortaan qofka ay doonayaan in uu xildhibaan ahaan u metelo doorashada soo socota. Waxa uuna intaa ku darayaa in aanu qofku isagu tartamayn, laakiin reerkiisu shaqaynayaan oo iyagu maalmo geed hoostiis u fadhinayaan, halkaasna ka doodayaan kaddibna go’aan ka gaarayaan cidda u tartamaysa. Arrinkan waxa uu sawir buuxa ka bixinayaa sida aanay Soomaalida iyo qabiilku meelna ugu kala harayn, haddii la qaato doorasho qof iyo cod ah iyo haddii kaleba. Habkani waxa uu muujinayaa in Soomaalida dhaqankeedu uu aad ugu xoogaysan yahay qabiilku, nidaam kasta oo yimaadana uu ku milmayo, ayna u baahan tahay tabo cusub oo lagu wiiqi karo xumaantiisa, korna loogu qaadi karo wanaaggiisa.
Cutubta koowaad iyo kan saddex iyo tobnaad ee Baadigoobkii Nabadda Geeska, waxa uu Maxamed kaga waramayaa xaaladda iyo duruufaha kala duwan ee ay soo mareen deegaannada NFD iyo Dawlad Deegaanka oo ka kala tirsan hadda Kenya iyo Itoobiya. Maxamed, sida uu sheegay, waxa uu dhashay xilli ay Soomaalida NFD ugu magac dartay John ka Carar, taas oo salka ku haysay dilka, weerarka iyo caburinta ay dawladda Kenya ku haysay deegaannadaas. Waxa uu Maxamed bidhaaminayaa taariikhda halgan iyo midda Soomaali jacayl ee dadka reer NFD soo mareen.
Kolkii Ingiriiska oo gumaysanayay damcay in uu ogaado qaabka ay xornimada u rabaan deegaanadani ayuu afti dadweyne ka qaaday, 80% shacabkuna waxa ay u codeeyeen in ay ku biiraan walaalohood Soomaaliya oo iyagu xornimada qaatay 1960-kii. Sida uu xusayo Maxamed, Ingiriisku waxa uu soo jeediyay aragti uu maxmiyad ugu samaynayo NFD, laakiin waxa uu kala kulmay qalalaase iyo diidmo xooggan, taas oo aakhirkii sababtay markii uu Kenya xornimada siiyay 1963-kii uu gobollada NFD raaciyo Kenya.
Laga soo bilaabo waqtigaa, shacabku waxa ay ku jireen xornimo-doon, waxa ayna la dagaalamayeen dawladda la aqoonsaday ee Kenya, dagaalkaasna waxa ay kula kulmayeen cadaadisyo badan oo lagu bannaysanayay sharafkooda, maalkooda iyo dhiigoodaba. Maxamed waxa uu buuggiisa kaga sheekaynayaa dhacdooyin foolxun oo Soomaalida NFD soo maray iyo sida ay dawladda Kenya xasuuqyada bahalnimada ah uga gaysatay, waxa uu warinayaa jeelal iyaga loo samaystay, sharciyo iyaga loo amaamuday oo uu ka mid yahay midka uu ugu yeedhay Indemnity Bill, sharcigaas oo u fasaxaya ciidamada Kenya in cidda ay doonaan dili karaaan, dhici karaan, kufsan karaan, xidhi karaan oo ay samayn karaan wax walba, iyada oo aan waxba loo raacanayn.
Dagaalladaasi waxa ay sabab u noqdeen in NFD ay dhammaan adeegyada bulshada waydo, ayna meesha ka baxdo deganaanshiyihii iyo koritaankii nololeed, maadaama ay dadku u dagaalamayeen doonistooda iyo xornimadooda, weerar ba’anna ay ku haysay dawladda ay diidanaayeen. Dhibtaa ay bulshada NFD ama Waqooyi Bari ay maraysona waxa u weyn ee sababta u ah ayaa ahaa doonistooda ku biirista Soomaaliya. Jabhadaha fikirkan u dagaalamayay ayaan ku koobnayn Soomaali oo kaliya, waxaa iyaguna hareer socday qabiillada Booran, Gabra iyo Rendille oo doonayay ku biirista Soomaaliya.
Bilowgii halganka waxa ay qabaa’ilka hubka qaatay taageero ka helayeen Soomaaliya, ka hor xornimadiina waxa ay xidhiidh lahaayeen ururradii xornimo doonka ee ay SYL ka mid ahayd, kaas oo ay xafiisyo ku lahaayeen NFD, qaybna ka ahayd in shacabku ku hammiyaan la midowga walaalohood. Sida uu xusay qoraagu, 1967-kii waxaa shir ku yeelanaya magaalada Caruusha, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliya oo uu meteleyo ra’iisul wasaarihii waqtigaa Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaa shirkaa lagu go’aaminayaa in Soomaaliya ogolaatay in dhulka NFD lagu wareejiyo Kenya, iyada oo aan laga talagalin halgamayaashii Soomaaliyeed ee kacdoonka waday kuwaas oo naftooda iyo noloshooda oo idil u huray sidii ay ugu biiri lahaayeen Soomaaliya.
Waxyaabaha kale ee Maxamed Cabdi Affey xusayo waxaa ka mid ah, sida aanay dawladda Soomaaliya xataa uga hadal in Kenya ay joojiso cadaadisyada ay shacabkaas ku hayso. Heshiiskaasi waxa uu dhabarjab iyo niyadjab ku ahaa kacdoonlaydii dagaalamayay, maadaama ay Soomaaliya markaa u ahayd isha kaliya ee ka saacidaysay halgankooda.
Kolkii ay dawladdii askarta ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre xilka qabsadeen, waxa uu Maxamed sheegayaa in ay dib u fureen dhammaan xafiisyadii gobanimodoonka ee ay lahaayeen gobolladii Soomaalida ee gacanta gumaysiga ku jiray. Kolkaas waxa uu dib isugu yeedhayaa odayaashii hogaaminayay kacdoonnada, waxa uuna uga waramayaa in dhulalka Soomaalida ee maqan ay yihiin saddex, midka Faransiisku haysto (hadda Jabuuti), kan Kenya iyo midka Itoobiya. Waxa uuna sheegay in kan Kenya ay fududdahay, laakiin kan Itoobiya uu adag yahay, marka kaas laga soo dhammaadona kan Kenya ay ku filnaanayaan xoogagga NFD. Sharaxaadda uu saarayo Maxamed ayaa ah in uu hadalka Siyaad Barre u muuqday in aanu bilowgaba ka leexanayn heshiiskii Caruusha. Waxaase nasiib darro noqotay in dagaalkii Itoobiya aanay ka dhalan natiijo guul ah, jamhuuriyaddii xorta ahaydna ay waqtigaa ku furmeen xiisado jabhadeed taas oo ay aakhirkii u burburtay 1991.
Marxaladahaas kala duwan ee ay NFD soo martay waxa ay dhibane u ahayd doonisteeda Soomaaliya, middaas ayuuna Maxamed Cabdi Affey ku soo koray oo qaabaysay noloshiisa. Kolka uu siyaasadda galayna, ku riixday in uu gacan badan ka gaysto arrimaha hortabinta u leh deegaankiisa.
Dhanka Dawlad Deegaanka Soomaalida, ugama uu waramayo sida NFD, waxa uuse qofku sawir buuxa ka qaadanayaa marka uu akhriyo wadahadallada ay ONLF iyo Itoobiya yeelanayaan, qaybta dhexdhexaadintana uu ku jiro Maxamed Cabdi Affey. Duruuf la mid ah midda ay Soomaalida NFD ay mareen ayay shacabka Deegaanku la kulmayaan, waxaana iyaga saamayn gooniya ku sii yeelatay maamulkii deegaanka loo sameeyay oo awood ciidan iyo axmaqnimo isku helay, una xasuuqayay dadka hadba sida uu u rabo. Dhibaatooyinkaas joogtada ah ee dadka deegaanku la kulmayeen waxaa sal u ahayd Soomaalinimo iyo gobanimo u dirir, waxa ayna iyaga iyo Soomaalida jamhuuriyadda xorta ah wada raadinayeen dawlad midaysa. Intii ay jirtay dawladda Soomaaliya, halgamayaasha Soomaali Galbeed waxa ay taageero ka helayeen dawladda, waxaana muddadaas dhacay laba dagaal oo lagu damcay in dhulka lagu soo celiyo kuwaas oo kala ahaa kuwii 1964 iyo 1977.
Soomaaliyana waxa ay u ahayd xarun ay abaabulka ciidan, midda dhaqaale iyo wax kasta oo taageero ah ka helayeen. Balse, kolkii ay dawladdu burburtay waxa uu Guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cismaan u sheegayaa Maxamed Cabdi Affey in Soomaaliya ay ka dhismeen maamul goboleedyo mid kasta uu ku xidhan yahay dawladda Itoobiya, oo qofkii ONLF looga shakiyo inta la jeebeeyo isaga oo xirxiran loo gacan galinayo Itoobiya, arrintan oo dhibaato iyo dhabarjab ku ah halganka. Meelaha taariikhda xasuuqa ee lama dhaafaanka ah yaalaan ee Maxamed ka waramayo waxaa u weyn Jeel Ogaadeen, kaas oo uu Maxamed iyo rag saaxiibadiis ah ku taliyeen in laga dhigo madxaf, kolkii uu deegaanku ka dhacay isbeddelka. Taladaas ayay baarlamaanka Dawlad Deegaanku ansixiyeen 27-kii Julaay 2026, bilo ka dib kolkii buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska la daabacay.
Maxamed waxa uu buuggiisa si faahfaahsan oo qurux badan uga waramayaa marxaladihii dib u heshiisiinta ee Soomaalida, waxa uuna si gaar ah uga warbixinayaa shirkii Mbagathi ee lagu soo dhisay dawladdii Cabdillaahi Yuusuf. Shirkaas oo ka soo bilowday Eldoret, aakhirkiina lagu soo xiray Mbagathi ayuu ka sheekaynayaa dhacdooyinkii ka dhex dhacay. Dhacdooyinkaas iyo qaabka ay Soomaalidu u wajahaysay shirkaas waxaa si gaar ah looga fahmi karaa habdhaqanka iyo sababta keentay in Soomaalidu muddo badan ahaato dawlad la’aan, waxaana laga fahmayaa sida arrimo aan mudnayn in dal loo burburiyo ay Soomaaliya ugu dhutinayso.
Kolka uu ka waramayo Maxamed shirka Eldoret waxa uu xusayaa dhacdo xanuun badan oo ku dhacday Cali Daacuun oo markaa ahaa xubin ka tirsan bulshada rayidka ah, loona diiday in uu ergay noqdo. Asalka shirku waxa uu ahaa dib u heshiisiin, lagana wada hadlo waxa laysku hayo oo si mug leh looga heshiiyo, laakiin waxa ay arrintu bilowgiiba isu bedeshay shir awood qaybsi, taas oo wiiqday midkii bulshada rayidka ahayd, maadaama dadka loolamaya ay wataan shaadh qabiil iyo mid siyaasadeed (ama qabqable).
Cali Daacuun waxaa saamaysay arrinkaas, madaxdii siyaasadda ee qabiilkiisa ayaana ka hor istaagay in uu galo shirka, waxa uu isna qaatay go’aan ah in uu iska soo tuuro dabaqii shirka lagu qabanayay oo laba biyaano ahaa, ma uusan dhiman, waase dhacdo weyn oo xanuun badnayd, waxa ayna sababtay in dunidu ay si gaar ah u eegto waxa gaarsiin kara qof in uu arrintan isu dilo, waxayna garansiisay in ururada bulshada iyo Cali Daacuunba laga qaybgaliyo shirka. Waxa ugu weyn ee aan fili karo in dhacdadan iyo si guud shirka isu bedelay awood qaybsiga laga baran karo waa in ay dhimatay is-aaminaaddii Soomaalida dhex taalay, qabiil walbana uu cabsi ka qabo in qabiil kale ku awoodaysto, kaddibna awooddaas u isticmaalo.
Habdhaqanka Soomaalida oo u samaysan fowdo, xan, qabweyni aan bulsho ahaan ka muuqan, fadhi-ku-dirir iyo caqabado badan oo kale oo bulshooyinka ay dhex degaan ka dhex muuqda ayuu qoraagu ka sheekaynayaa. Waxyaabaha qosolka badan ee uu xusayo waxaa ka mid ah in hoteelladii la dejiyay oo qaarkood uu ku diyaarsan yahay khamrigu, isaga oo ah adeeg dheeriya, ay isticmaaleen, kolkii kharashka lagu dallacayna ayba ka dagaalameen. Mid ka mid ah dadkii lagu soo dallacay ee daadafaynaya isticmaalka khamriga ayaa kolkii la waydiiyay in uu isticmaalay, ku dooday, “anigu sidee u cabaa khamri, qof muslin ah ayaan ahay, jinni ayaa cabbay!” Waxa uu Affey gadaal ka xusayaa in ninkaas saaxiibadii oo ay qolkiisa ku cawayn jireen (qayili jireen) ay guran jireen khamriga.
Buugga Affey waxaa si buuxda looga dheehanayaa sida qabiilka iyo Soomaalidu isugu milan yihiin oo aan meelna ugu kala leexan, waxaadna arkaysaa fartii la dhaqaajiyo oo Soomaali ku saabsanna in ay il qabiil yeelanayso. Shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee dalka ka dhacayna badidood waxa ay u fashilmeen arrimo badan oo qabiilku xubin weyn ka yahay. Dagaal-oogayaashii iyo badi dadka ay dawladnimadu ka socon waydayna waxa ay taageero iyo hiil ka heleyeen qabiil. Waxaa taasna barbar socotay in Soomaalida shirarka tagaysay ay shakhsiyaad is haya la kala safnaayeen oo heshiiska shakhsiyaadkaas oo kaliya ay ku xirnayd in go’aanno laga gaaro arrimaha taagan.
Shirka Mbagathi ee ka soo bilaabanaya Eldoret waxa uu socday muddo aad u dheer, markii far la dhaqaajiyona waxaa imaanayay dhibaato hor leh oo cusub, Maxamed oo dhibaatadaa tilmaamaya in uu darsay ayaa sheegaya in uu dib u eegay habdhaqanka odayaasha deegaankiisa ee Wajeer, kuwaas oo marka xaaladuhu cakirmaan ama cuslaadaan ku soo bislayn jiray geed-yarow, isaga oo cuskanaya “Geedweyne intaadan tegin, geedyarow qabso.” Waxa uuna dawladda Kenya kula taliyay in boqolaalka qof ee shirka jooga ay laba kooxood yihiin, ayna la kala safan yihiin Cabdillaahi Yuusuf iyo Cabdiqaasim Salaad, ayna muhiim tahay in labadan hoggaamiye si gaar ah loo wada hadashiiyo, kulankaasina uu noqdo mid sir ah oo aysan Soomaalida ergooyinka ah ogayn. Maxamed iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Kenya ee waqtigaa ayaa kulan u sameeyay labadii hoggaamiye, waxa ayna ku shireen guriga wasiirka, halkaas ayuu ka dhacay kulan Cabdillaahi iyo Cabdiqaasim u gaar ah, waxay eed isku leex leexiyaan, aakhirkii waxay ku heshiiyeen in ay doorasho galaan, labadooda kii guulaystana uu kan kale taageero, farsamadana ay markaa ka heshiiyeen.
Kulankoodii gaarka ahaa way baallaadhsadeen, waxaana ku soo biiray Maxamed iyo wasiirkii, waxa ay mar kalena kala dalbadeen laba xubnood oo dheeriya, Cabdiqaasim Salaad waxa uu u yeeray Ra’iisul Wasaarihiisii Maxamed Cabdi Yuusuf, halka Cabdillaahi Yuusuf uu u yeedhay Maxamed Qanyare Afrax. Mid walba waxa uu xushay nin aan ku qabiil ahayn. Kulan danbe oo labadaa xubnood yimaadeen ayaa la yeeshay, dood dheer kaddibna waxaa laga heshiiyay, dawladda dhismaysa dastuurka ay yeelanayso iyo magaca ay qaadanayso, muddo xileedka dawladda, halka ay caasimaddu noqonayso, sida baarlamaanka cusub loo qaybsanayo, luuqadda rasmiga ah ee dawladda iyo arrinka Somaliland. Doodahaas waxaa ugu adkayd midda qaadashada nidaamdka Federaalka iyo Dawlad Dhexe, aakhirkiina laysku raacay aragtidii Cabdillaahi Yuusuf ee Federaalka.
Maxamed Affey waxa uu tilmaamayaa in Maxamed Qanyare Afrax ahaa nin farsamo badan oo hal-abuurkiisu sarreeyo, waxa uuna wadahadalkaas ka fududaynayaa dooddo aan laga heshiiyeen, isaga ayaana Cabdiqaasim ku dirqinaya in uu aqbalo Federaalka, isaga ayaa keenaya aragtida ah in xildhibaannada baarlamaanka oo hore u ahaa 245 in laga dhigo 275 oo qabiillada sheegta 1-ka ay helaan 61, kuwa la yidhi waa 0.5-na helaan 31. Kolkii kulankii soo idlaaday ayaa lays waydiiyay qaabkii qodobbadan loogu gudbin lahaa ergooyinka, kolkaas ayuu Maxamed Qanyare keenayaa talada ah in qodobbada kulanka looga heshiiyay ay dawladda Kenya u soo jeediso ergada shirka, si aan ergadu ugu arag go’aamadan wax ay gaareen afar qof, Kenyana ay isu muujiso in ay ku daashay is-haysashada Soomaalida iyo in aan wax go’aan ah dhankooda ka soo socon.
Waxyaabaha xiisa leh ee uu Maxamed Affey xusayo ayaa ah, in Kenya marka ay ergooyinka gaarsiinaysay go’aamada ay kooxo kooxo ugu tageen ayna ku horreeyeen kooxdii SRRC ee Cabdillaahi Yuusuf iyo Maxamed Qanyare. Kolkii laysu yimi, labadii hogaamiye gadaal ayay fadhiisteen, markii go’aamada la yeedhiyay ayaa la yidhi, “haddii aad raalli ka tihiin nagu raaca, haddii aad dood ka qabtaanna wixii talo ah ku dara.” Ergooyinkii waa amuseen, qofna ma hadlin, Cabdillaahi Yuusuf oo gadaal fadhiya ayaa mar danbe yidhi, “war bal, waxa aad soo malmaluuqdeen ku celiya.” Waxa uu lee yahay ku celiyana waa go’aamadii uu wax ka soo gaaray. Kolkaas kaddib ayuu saxiixay, Maxamed Qanyare oo isna tabtaas isaga dhigaya nin aan waxba ogayn ayaa saxiixay, sidii tusbax furtay ayuuna u socday.
Dhanka Dawladda KMG iyo bulshada rayidkana la mid ayuu noqday oo way saxiixeen. Arrinkan waxa ay sawiraysaa sida masiirka ummadda ay dhawr qof gacantooda ugu jiraan, dalkuna uu u dagi la’ yahay shakhasiyaad is haya oo aan wada hadlayn, shirkaas Mbagathi waxa uu socday wax ka badan laba sanno, aakhirkiina laba nin oo wada hadlay ayaa heshiiska soo dhaweeyay. Dawladdii halkaa lagu dhisay waxaa madaxweyne ka noqday Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ballanqaadkii uu Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan sameeyay ee ahaaa haddii Cabdillaahi guulaysto in uu taageerayo, waa uu ka dhabeeyay oo wuu taageeray.
Inta uu Maxamed Cabdi Affey ka waramayo shirkaas iyo waqtigii uu IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya ee dhismihii maamul goboleeyda dalka, waxaa kuu muuqanaya faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu u dhoohan yihiin ama aanayba danaynta uga lahayn. Codka Maxamed marka la eego, faragalinta ugu badan waxaa dalka ku haysay Itoobiya oo si xoog ah ugu dhex jirtay badi dhaqdhaqaaqyadii Soomaalida, waxyaabaha ugu badan ee riixayayna ay ahaayeen dagaalkii ONLF iyo warwarka ka hayay in dawlad Soomaaliyeed dhisanto taageerona siiso halgamayaasha ama weerar ku soo qaado.
Waxa uu Maxamed sheegayaa in mararka qaar shirarka dib u heshiisiinta ah ay iska laad laadmi jireen safiiro dalal kale iyada oo ajenduhu yahay Soomaalida. Kolkii ay ciidamada Itoobiyaanka ah ay galeen Soomaaliya ayna firxadka noqdeen Midowgii Maxaakiimtu ayuu Maxamed ka sheekaynayaa saamaynta ay Itoobiya arrinkan ku lahayd, isaga oo xusaya in Maraykanku qayb libaax leh ku lahaa arrinkan isaga oo raadsanaya rag uu ku sheegay in ay amnigiisa halis ku yihiin. Itoobiya waxa ay duruufaheeda u adeegsatay damaca Maraykanka waxa ayna saamayn sirdoon, siyaasadeed iyo ciidanba ku yeelatay Soomaaliya. Maxamed ma muujinayo faragalinta ay Kenya ku haysay Soomaaliya, meelaha qaarna waxa uu ku tibaaxayaa in Kenya ay niyad wanaag arrimo badan u qabanaysay oo aanay wax siyaasad ah ka lahayn, iyada oo ay shaacsane tahay arrimo badan oo ay Kenya iyo Soomaaliya isku haysteen, kuwaas oo aan ka xusi karno kiiskii badda.
Soomaaliya kolka la joogo qabiilku waxa uu ka weyn yahay wax walba oo kale, xataa diinta. Maxamed waxa uu buuggiisa ku sheegayaa in markii lagu jiray xulista xildhibaannada ay soo baxeen koox Soomaali ah oo sheeganaysa in ay yihiin Masiixiyiin, waxa ayna ka gadeen saraakiil Kenyan ah in ay dooddan la riixaan, waxaase hor istaagtay arrinka qabiilka, waxaana dooddaas lagu damiyay in qof kasta oo ka mid ah kooxdaas uu ka dhashay qabiil, qabiilkiisana uu u raadsado kursi.
Sida uu xusayo Maxamed, qof kasta oo akhriya, dhagaysta ama goob joog ka noqda meelaha ay hogaamiyayaasha Soomaalidu go’aannada ku gaaraanna arki karo, siyaasiyiina Soomaalidu waxa ay go’aannada u qaaatan si degdeg ah, waxa ayna uga dhabeeyaan si fudud oo aan ka fiirsasho iyo la tashi toonna lahayn. Waxa aad qodobkan si dhow ugu fahmi kartaa, marka Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad lagu casumo Kenya ayaa shirkii uu martida ku ahaa hab maamuuskiisa la hagaajinayaa, Xuseen Caydiid oo isna shirka jooga ayaa calanka iyo magaca madaxweynaha booskiisa ka qaadaya isaga oo ku doodaya in aanu ninkani madaxweyne u ahayn.
Cabdiqaasim oo la fadhiya Affey ayaa arrinkan loo soo sheegayaa, waxa uuna isla markiiba qaadanayaa go’aan uu goobta uga tagayo isaga oo hawl-wadeennadiisa ku amraya in isla markaaba diyaarad loo diyaariyo. Cabdiqaasim cid kale lama uusan tashan, Affey oo hab maamuuskiisa ballanqaadayna wuu ag fadhiyaa oo waxba kama uusan waydiin oo hore ayuu go’aan ka qaatay. Maxamed oo tilmaamaya in uu fahansanaa go’aannada Soomaalida iyo qaabka ay u qaataan ayaa xiisaddan ku xallinaya muddo kooban.
Gunaanadkii buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska waxa uu ka sheekaynayaa nolosha Danjire Maxamed Cabdi Affey, kaas oo ay ku dhex jiraan dhacdooyin badan oo ku aadan dawald-dhiska Soomaalida, arrimaha geeska iyo qaxootiga. Buuggu waa taariikh nololeed, in ka badan taasna waa xog warran dhab ah oo uu qoraagu ka soo tabinayo xaalado uu u taagnaa. Waxaa buuggan akhrin kara qof kasta oo danaynaya in uu wax ka ogaado marxaladihii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya meelaha ay soo mareen iyo qof kasta oo xiisaynaya arrimaha Soomaalida idilkeed. Maxamed, sida uu sheegay, waxa uu noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee ka soo jeeda NFD oo buug ku soo saara af-Soomaali, iyaduna waa shaqo weyn. Waxa aan boorinayaa in la akhriyo, maqaalkan koobanna waxa aan uga hadlay dhacdooyin kooban oo ku jira, waxa aadse dhacdooyinka oo idil uga bogan kartaa in aad buugga akhrido.