Wednesday 12 August 2026
27-kii Diseembar 2025, siyaasadda Geeska Afrika waxa mar kale gilgilay qiraal ka soo yeedhay Raysal Wasaarihii hore iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Axmed Daa’uud Ooglu. Qiraalkaasi waxa uu si dhab ah u xaqiijiyey arrin ay dad badan oo reer Somaliland ahi muddo dheer aaminsanaayeen balse aan si cad hore ugu soo ifbixin: in Turkigu si badheedh ah u isu hor taaggay ama ragaadiyey dedaalladii aqoonsi ee Somaliland.
Sida uu sheegay Daa’uud Ooglu, sannadkii 2012 waxa si weyn isu soo tarayey dhaqdhaqaaq diblomaasiyaddeed oo uu hormuud ka ahaa waddanka Ingiriisku. Dhaqdhaqaaqaasi waxa uu qarka u saarnaa inuu ka dhabeeyo suurtagalnimada in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Xilligaas, marka laga qiyaas qaato halbeegyada caalamiga ah ee dawladnimada, Somaliland waxa ay lahayd astaamo badan oo ka dhigayey dooddeeda aqoonsi-raadinta mid adag.
Somaliland waxa ay lahayd dhul si cad u qeexan, shacab negi ah, maamul shaqaynaya iyo awood ay kula macaamili karto dunida inteeda kale.
Intaas waxa u sii dheerayd inay ku guulaysatay inay abuurto nabad iyo hannaan kala dambayn leh oo la isku halleyn karo. Sidoo kale, Somaliland waxa ay dhistay hay’ado dawli ah oo shaqaynaya, kuwaasi oo lagu soo doortay doorashooyin hufan. Soomaaliya se, xilligaas, weli waxa ay ku jirtay marxalad kala guur ah iyo dawladnimo tamarteedu xaddidan tahay kuna tiirsan taageero dibadeed.
Hase yeeshee, si kasta oo Somaliland ay u lahayd gacanta sare ee doodda dawladnimo, Ankara waxa ay si cad uga gaws-adaygtay inay wax garawshiiyo iyo aqbalaad ah u muujiso aqoonsi la siiyo Somaliland. Sida uu Daa’uud Ooglu iftiimiyay, Turkigu waxa uu qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, oo ka duwan kuwa gooni-u-goosadka caalamka maadaama ay leedahay sooyaal taariikheed iyo sawrac gooni ah, ku duray in ay noqon doonto tallaabo ugub ku ah sharciyadda caalamiga ah iyo weliba marmarsiiyo siyaasadeed oo u jid-bixin doona mawqifkiisa ku aaddan Waqooyiga Qubrus.
Turkigu waxa uu qaddiyadda Somaliland ku sidkay muran juqraafiyeed oo ka jira Bariga Mediterranean-ka iyo qaddiyad aan wax xidhiidh ah la lahayn sooyaalka siyaasadeed ee Somaliland.
Haddana mar kale, Turkigu waxa uu isu muujiyey dhexdhexaad isagoo dhab ahaanna gadaal ka qirtay inuu si cad dhinac ula safnaa. Ankara waxa ay gogol u fidisay wada-hadalladii Hargeysa iyo Muqdisho, iyadoo ku xeelladaysatay in dhexdhexaadinta labada dhinac uga xaq mudan tahay dalalka aan Muslimka ahayn.
Dhab ahaan se, wada-hadalladaasi, oo ahaa geeddi-socod diblomaasiyadeed oo socday in ka badan toban sano, lagama gaadhin wax natiijo ah oo la taaban karo. Haddiiba se dib loo milicsado maanta, waxa la is-weydiin karaa su’aal muhiim ah: geeddi-socodkaasi ma waxa uu ka fashilmay dhanka labada dhinac oo aan u diyaarsanayn in ay ku heshiiyaan xal rasmi ah mise waxa uu ahaaba qorshe siyaasadeed oo lagu mashquulinayey Somaliland intii sharciyadda dawladnimada Soomaaliya ay nuglayd?
Tan iyo sannadkii 2011, Soomaaliya waxa ay ka mid noqotay mid ka mid ah galalka ugu muhiimsan ee siyaasadda dibedda ee Turkiga, si gaar ahna Afrika. Wax ku bilaabmay gurmad bani’aadamnimo iyo taageero walaalnimo ayaa si tartiib tartiib ah isugu beddelay mashruuc istiraatiiji ah oo baaxaddiisa leh, kaasi oo ay Ankara hoga-tusaalaynayso awooddeeda korraysa ee saaxadda gobolka iyo ta caalamiga ahba.
Xilligii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu markii ugu horreysay booqday Muqdisho, oo ku beegnayd sannadkii 2011, waxa Soomaaliya ay ku jirtay marxalad aad u adag. Abaaro, colaado iyo burbur baaxad leh ayaa dawladnimada Soomaaliya la kacaakufaysay wakhtigaasi. Xilli quwado badan oo caalami ahi iyo kuwo maxalli ahiba ay Soomaaliya siinayeen taageero dadban ama xaddidan, Turkigu waxa uu doortay inuu si toos ah saaxadda uga dhex muuqdo.
Go’aankaasina ayaana noqday bar-bilowga xidhiidh cusub oo muddo 15 sanno ah kadib sababay in Turkigu ku xididaysto saaxadda saameynta shisheeye ee gudaha Soomaaliya.
Muddo ka badan toban sano, Turkigu waxa uu Soomaaliya geliyey maalgelin dhaqaale iyo gargaar bini’aadamnimo oo qaddarkiisu ka badan yahay hal bilyan oo doollar. Cisbitaallo, waddooyin casriya, dugsiyo iyo xarumo dawladeed oo badan ayuu Turkigu si hagar la'aan ah uga dhisay Muqdisho. Cisbitaalka loogu magac daray Madaxweynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho waxa uu maanta ka mid yahay xarumaha caafimaad ee ugu weyn Muqdisho.
Dhinaca waxbarashada, Turkigu waxa uu kumannaan arday oo Soomaali ah siiyey deeqo waxbarasho. Qaar badan oo ka mid ah ardaydii ka faa'iideysatay deeqahaasi waxbarasho waxa ay maanta ka shaqeeyaan hay’adaha dawladnimo ee Soomaaliya, hay'adaha tacliinta sare iyo dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada. Dhankaas marka laga qiimeeyona, saameynta Turkigu kuma koobna kaabayaasha muuqda ee la dhisay oo keliya; balse sidoo kale waxa ay raad weyn ku leedahay dhismaha awoodda aadamaha iyo soo saarista jiilalka cusub ee hoggaaminta Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan.
Dhinaca dhaqaalaha, joogitaanka Turkigu waxa si cad looga arki karaa halbawlayaasha ganacsiga ee Soomaaliya. Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo ah laba xarumood oo laf-dhabar u ah dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo isu socodka dalka, waxa gacanta ku haya shirkado Turki ah oo ku sameeyay maalgelin lagu casriyeeyay kaabayaashaasi. Dhinaca amniga se, shaki kuma jiro inay tahay halka ay sal dhigatay saameynta ugu qotada dheer ee Turkigu.
Xerada TURKSOM, taasi oo la furay sannadkii 2017-kii, waxa ay tusaale cad iyo marag-madoon u ahaa heerka cusub ee uu taaggan yahay xidhiidhka labada dal. Xeradani waa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibedda dalkiisa. Intii xeradani hawlgashay kadib waxa lagu tababaray kumannaan askari oo loo carbiyey inay ku biiraan Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya. Ciidammadan waxa ay door muuqda kaga jiraan hawlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Iskaashiga dhinacyada badan ee labada dal kuma eeka intaasi oo keliya balse waxa aynnu odhan karnaa ba, wuu ka sii ballaadhay. Heshiisyo la xidhiidha amniga badda, sahamin iyo soo saaris shidaal iyo mid gaas, iyo bixinta qalab milateri oo casri ah sida diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn, helikobtarrada weerarka loo adeegsado iyo agab kale oo ciidan ayay dhinacyadu wadaageen.
Marka arrimahaas muuqda iyo kuwa kale oo qarsoon ba wax lagu qiimeeyo, Turkigu waa saaxiibka istiraatiijiyadeed ee ugu dhow ee Soomaaliya leedahay maanta, xag siyaasad, dhaqaale iyo amni ahaan intaba.
Mar kasta oo Turkigu ka hadlayo xidhiidhkiisa kala dhexeeya Soomaaliya, waxa uu inta badan la xidhiidhiyaa taariikhdii Cusmaaniyiinta iyo xidhiidhkii kala dhexeeyay bulshooyinkii Soomaalida ahaa ee ku dhaqnaa Geeska Afrika. Ankara waxa ay ku dooddaa in xidhiidhka labada dhinac aanu ahayn mid bilaabmay xilligan casriga ah, balse uu ku abtirsado qarniyo hore oo taariikh wadaag la ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, kolka sooyaalka taariikhda dib loo raaco, waxa soo ifbaxaysa xaqiiqo mudan in la xuso laakiin aan weli si miisaan leh loo dhaadin. Ma jirto wax raad ah oo Cusmaaniyiintii ay ku lahaayeen dhulka maanta saameynta Turkiga casriga ahi ku xooggan tahay ee loogu yeedho koonfur ama ba Soomaaliya. Taa lidkeeda, Cusmaaniyiintii soo gaadhay geyiga Soomaalidu waxa saldhig u ahaa xeebaha waqooyiga dhulka Soomaalida ahna halka maanta loo yaqaanno Somaliland. Qarniyo badan, magaalooyinka Seylac iyo Berbera waxa ay ahaayeen marinno ganacsi iyo xarumo istiraatiiji ah oo ay Cusmaaniyiintu ka hawlgeli jireen.
Tusaale ahaan, magaalada Seylac waxa ay ahayd qayb ka mid ah maamulkii Cusmaaniyiinta ee loo yaqaannay Habesh Eyalet, gaar ahaan casrigii Özdemir Pasha oo ku beegnayd 1559-kii. Xilligaas, waxa uu xidhiidhkii u dhexeeyay Cusmaaniyiinta iyo Soomaalidii ku dhaqnayd xeebaha kulaalaya Gacanka Cadmeed uu marayey halkii ugu sarreysay.
Sidoo kale, sida ka cad raadraaca Saldanaddii Cadal, oo talinaysay xilligii uu socday halgankii lagaga hortegayay is-fidintii Bortuqiisku, badanka xarumahii ugu muhiimsanaa ee Saldanaddaasi waxa ay ku yaalleen dhulka maanta loo yaqaan Somaliland.
Waxa xiiso gaar ah leh in isku xidhka taariikhdaasi hore iyo taagganta maanta ay ku daabban tahay is-diiddooyin aan la ilduufi karin.
Turkiga casriga ahi waxa uu si joogta ah u taageerayaa isku haynta dhuleed ee Soomaaliya-dii midowday, iyadoo aan jawaab loo helin weydiintan muhiimka ah: sidee ayay suuragal ugu noqon kartaa Turkiga casriga ah in uu ka hor yimaaddo aragtida iyo himilada siyaasaddeed ee ay qabaan bulshada ku dhaqan dhulka uu ka muuqdo dhaxalkii Cusmaaniyiintu isaga oo haddana ku faanaya in u hiilinta qaddiyadda Muqdisho taalla ay uga dhigan tahay inuu ku raadgurayo xidhiidhkaasi hore?
Jawaabta aan weli loo haynin ee su'aashaasi waxa uu sees u yahay dareenka ka danbeeya ficillada ay Somaliland ku anbaqaadday siyaasad arrimo dibaddeed oo yoolkeedu yahay raadinta saaxiibo cusub iyo ku biirista isbahaysiyo ka baxsan khatar ku ah qorshaha fog ee Turkigu ka leeyahay gacan ku haynta gobolkani.
Siyaasadda arrimaha dibedda ee ay haatan ku shaqaynayso Somaliland waxa uu khatar jiritaan oo toos ah ku yahay tacab istiraatiijiyadeed xeel dheer oo Turkigu ku bixiyey balaayiin doollar kaasi oo lagu dul dhidbay ilaalinta hal mabda’ oo aasaasi ah: in dawladda federaalka Soomaaliya tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan matasha dhammaan dhulkii Jamhuuriyaddii lagu midoobay 1960-kii. Mabda’aasi waxa uu muddo dheer ba ahaa xariiq cas oo ay Ankara u dhigtay siyaasaddeeda ku wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan galka la xidhiidha arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland.
Sidaas darteed, isbeddel kasta oo su’aal gelinaya ama wiiqaya mabda'a sarreynta sharciyadda Muqdisho waxa uu si toos ah u taabanayaa danaha istiraatiijiyadeed ee Turkiga.
Waayo, haddii sharciyaddii Soomaaliya ay ku sheeganaysay Somaliland ay wiiqanto, waxa sidoo kale wiiqmaysa suurtagalnimadii Turkigu ku iman lahaa xeebaha Gacanka Berbera, isagoo u maraya sharciyadda Soomaaliya haysatay oo ay wehelinayso xoog ama xeellad.
26-kii Diseembar 2025, dhacdo muddo dheer loo arkayey mid ay adag tahay inay rummawdo ayaa xaqiiqadeedu bannaanka timi. Aqoonsigii ugu horreeyay ee dal si rasmi ah u aqoonsado Somaliland ayaa warbaahinta iyo baraha bulshadaba qabsaday, iyadoo dalkaasina noqday cid aan la filaynin: waa Israa'iil.
Kolka dhacdadaasi laga eego dhinaca diblomaasiyadda, waxa la odhan karaa waxa ay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay Somaliland kadib in ka badan soddon sano oo ay guclo-orod ugu jirtay helitaanka aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee, kolka aynnu ka eegno dhanka saameynta juqraafi-siyaasadeed, dhacdadaasi waxa ay beddeshay ama se baandhaysay xisaabihii awoodda ee Geeska Afrika.
Muddo dheer, Somaliland waxa ay ku jirtay xaalad gebi-dhacleyn ah oo u dhexaysa dawladnimo dhab ah oo shaqaynaysa iyo maqnaanshaha sharciyadda aqoonsiga. Hase yeeshee, waxa la odhan karaa wixii ka dambeeyey aqoonsiga Israa'iil qaddiyadda Somaliland waxa ay ka gudubtay marxaladdii ay mudada dheer ku jirtay kuna suntanayd in dunnida kale u arkaysay muran aan macne lahayn oo u dhexeeyay Hargeysa iyo Muqdisho. Taa lidkeeda, hadda waxa ay qayb ka noqotay dood mug weyn oo ku xidhiidhsan tartan istiraatiiji ah oo ballaadhan. Talaabadii Israa’iil waxa ay Somaliland uga dhignayd talaabo dib boodhka uga jaftay dooddii dhinaca Hargeysa.
Sababta Israa’iil ugu dhiiratay go’aankani waxa door weyn ku leh muhiimadda weyn ee Somaliland leedahay, gaar ahaan bogcadda ay ka dhacdo dunida. Somaliland waxa ay ku taallaa afaafka marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida. Marinka Baabul-Mandab, oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waa marin ay maalin kasta adeegsadaan maraakiib tiro badan. Cid kasta oo danaynaysa amniga marin-biyoodkani waxa ay si dabiici ah indhaha ugu haysaa xeebaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera.
Maanta, Berberi ma aha oo keliya deked ganacsi, balse waa bogcad ay ku kulmayaan dano istiraatiiji ah oo kala duwan. Imaaraadku waxa uu Berbera ku maalgeliyay balaayiin doollar, halka Itoobiya ay u aragto meel ay ku yarayn karto ku tiirsanaanta dekedaha kale ee gobolka. Israa’iil lafteedu waxa ay u aragtaa magaaladan goob muhiim u ah sugitaanka amniga Badda Cas iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha ka hawlgalla gobolka, kuwaasi oo ay u aragto khatar amni.
Dagaalkii Qasa iyo weerarradii ay Xuutiyiintu ku beegsadeen maraakiibta maraysa Badda Cas ee xidhiidhka dhowi kala dhexeeyo Talaabiib waxa uu sii kordhiyey muhiimadda istiraatiijiyadeed ee gobolka. Marinnadii ganacsiga ee dalalku markoodii hore ku eegi jireen indho maalgashi iyo dhaqaale waxa ay si degdeg ah isugu rogeen in ay ku eegaan xaggal kale - saameynta amni.
Sidaas darteed, aqoonsiga Israa’iil ma laha sawirka taageero loo muujiyay Somaliland oo go'doon kaga jirtay xidhiidhka caalamiga ah oo keliya. Laakiin, sidoo kale, waxa uu qayb ka yahay dib-u-habaynta ballaadhan ee sida xawliga ah u socda iyo loollanka quwadaha dhexe ugu jiraan inay hantaan gacan ku haynta gobolka.
Maanta, warbaahinta caalamiga ahi waxa ay ugu hal-qabsanayaan gobolka Geeska Afrika, oo muddo dheer lagu tilmaami jirey meel ay halakeeyeen fadqalalo amni iyo dhibaatooyin tirobeel ah, inuu yahay bogcad muhiim ah oo jaangoynaya xisaabo amni iyo istiraatiijiyadeed oo ka baxsan xuduudihiisa.