Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Af-duub iyo Aargoosi

26 November, 2025
Image
Af-duub iyo Aargoosi
Share

Jacfar Panahi, oo ah agaasime iyo filinqore Iiriinayaan ah ayaa gu'gii sannadkan la gole yimid sheeko ciwaankeeda lamafilaan oo dhami ku dhan yahay 'It Was Just an Accident' tiyaatarka magaalo xeebeedda koonfurta dalka Faransiiska dhacda ee Cannes, laguna qabto bandhig filimeedka shaacsanaha ah oo gu'gii sannadkan loogu madalsanaa bandhigga Toddobaatan Iyo Siddeedaad ee Canes (78th Cannes Film Festival). Jacfar wuxuu hormuud u yahay filinsameeyayaasha farakuturiska ah ee muunadaynta shineemada Iiraan iyo casriyoobiddeeda isu xilqaamay.

Mar kale Jacfar waxa uu sooc ku yahay nuxurraddiisa dhabmatelka ku dhisan ee qaadaa dhigidda waayo siyaasadeedka Iiraan, iyo tacaddiga iyo cabbudhinta nidaamka bulshada u dhisani uu ku la kaco dadkiisa. Waxa uu nuxurradaasi haltebintooda u soo muujiyaa hab fudud, asalka nolol bulsheeddana laga dhadhansanayo. Sidaas oo ay tahayna isaga oo nuxurro caynkaas ah aflaantiisu ka warramaan ayuu haddana iska diiday in uu noqdo qoxoonti si la mid ah filinsameeyayaal badan oo reer Iiraani ahi. Walaw oo ay xayiraad safar saareen taliska Iraan oo toban sanno aanu ka bixin Iiraan, haddana ayaankii danbe waxa uu helay fursado uu ku baxo misana uu dib ugu soo laabto arligiisa Iiraan.

Filinkan (It Was Just an Accident) ee uu gu'gii sannadkan tiyaatarka Cannes soo saaray waxa uu ku dhaliilayaa nidaamka rajiimka ah ee Iiraan, iyo gaboodfallada xabsiyada loogu gaysto dadyowga Iiraaniyiinta ah. Ogobeey Jacfar waxa uu carrabaabay in ay dawladda Iiraan aannay ka gadmin sheekada, ka dibna duubista filinka uu u qabtay qaab qarsoodi ah.

Sheekada filinku habdhac tabinteedu waa mid ku socota jaantoosan, maxaa wacay, dhacdaduba waa hal maalin iyo habeenkeeda. Jilayaasheeduna way kooban yihiin oo durbaba iskuxidhanaanteedu way u fududaanaysaa daawadaha. Vahid, oo ah farsamayaqaan makaanig ah misana xabsi siyaasadeed soo maray ayaa afduub u gaysanaayo Eghbal, oo u eg (Peg Leg)—mid ka mid ah madaxda sirdoonka taliska Iiraan ee xabsi siyaasadeedkiisa ka danbeeyay. Vahid, si uu u hubsado in uu yahay ninkan u afduuban Peg Leg, waxa uu raadinayaa maxaabiistii soo maray xabsiyada si ay uga caawiyaan hubsiimo shakiga ka saarta. Dersiga meesha ku jira ayaa noqonaya, maxaabiistu waligood ma arkin Peg Leg, maxaa wacay ciqaabta waxay mari jireen iyaga oo indhaha ka xidhan. Sidaas darteed, maxbuus walba waxa uu garanayaa codkiisa, iyo in uu laangare ahaa oo ay lug caag ahi ugu jirto. Eghbal, oo ah ninka u afduuban maxaabiistii hore ee cuqdadda u qabta taliska laftiisu waa laangare, dabadeed dhexdooda ayay ka billaabanaysaa masalo akhlaaqeed oo ah aarsi mise saamaxaad? Qaarkood ayaa ku doodaya aarsigu in uu yahay wadiiqada kaliya ee ay hurdo wacan ku heli karaan, halka qaar kale ay ku doodayaan, in saamaxaaddu tahay wadiiqad kale oo furan, maxaa yeelay, ku aargudashada falka gurracani in aannay dhayi karin boogtooda ayay ku doodayaan.

Jahawareerka masaa'ishaas iyada oo ay kooxda ka dhex aloosan tahay ayuu rakib gaddoon (Plot twist) ku dhacayaa oo ay sheekadu isu rogaysaa mid shil ah(Incident) xiiso iyo maad leh u rogmaysaa oo lamafilaankaasi dhadhan cosob ah u yeelayaa filinka. Jilayaashii xumaanlayda (Villains) ahaa ayaa sheekada halkaas kaga harayo oo sheekadu waxa uu mar-dhacu ku soo biirinayaa in deegaankii iyo rakibkii sheekadu rogmadaan oo ay masaa'isha akhlaaqeed laftoodu baddelmaan misana ay masaa'il cusubi soo biiraan.

Nuxurku waa mid aad u qotodheer oo waayo siyaasadeedka Iiraan, tacaddiga ay la nool yihiin dadku, iyo kadeed kasta lagu darsayo. Asii oo ay tahayna waxa uu filinku isdultaagid ku samaynayaa doogta ay dadku ka la kulmaan nidaamka bulshada reer Iiraan, iyo sida loogu ciilqabo taliska. Mar kale haddaan u fiirsanno filinku wuxuu isdultaagid ku samaynayaa cuqdadda aadanaha, saamaynta doogta iyo booguhu ku yeeshaan aadanaha. Jilayaashuna waxa ay la jiitamayaan doogtii xabsi siyaasadeedka iyaga oo ku waayay xabsiyadaas qoyskooda, hantidooda iyo wax kasta oo ay haysteen. Shiva, oo ah haweenay iyaduna ka mid ah dadyowgii xabsi siyaasadeedka maray ayaa doorkeeda looga warramayaa xadgudubka jidheed ee ay haweenka Iiraaniyiinta ahi ka la kulmaan xabsiyada iyo xadhig siyaasadeedka.

Ugu danbayn Jacfar oo filinsamayntiisa aan ku sheegi karo 'Muraayad Bulsheed' waxa uu filinkiisa 'It Was Just an Accident' ku soo wareegay tiyaatarrada abaalmarinnada oo waxa uu bandhig filimeedka Cannes ka mutay abaalmarinta ugu sarraysa ee Palme d'Or. Jacfar abaalmarinta uu filinkiisu mutay laga ma soo dhowayn arligiisa, oo nidaamku waxa uu ku sheegay in uu yahay mid u xaglinayo aragtiyaha Galbeedka. Bal se biyakamadhibcaan waxaa ah in filinku dhaliil yahay oo dhibaabaha bulshada haltebintooda sheekadu ka warramayso. Se waxaa siyaasadeeyay filinka wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, oo sii sababay dagaal afeed u dhaxeeyo labada wasaarad. Mar kale wuxuu mutay billad filimeedda Sydney Film Prize. Rugcaddaayada iyo naaqdiyaasha shineemaduna waxa ay sii hillaadinayaan in uu filinkani helayo magacaabista Oscar-ka ee xafladda 98-aad ee loo madlan yahay.

Qoraallada kale ee qoraaga