Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Adkaysi: Saddex Marxaladood iyo Hal Qof

17 May, 2026
Image
Adkaysi
Share

Dawladnimada Soomaaliya waxa si guud ugu hardama saddex aragtiyood oo saamayn ku leh dadka Soomaaliyeed. Midda koowaad waa tii miyiga, oo xididkeedu yahay asalka Soomaalida; midna waa tan Islaamka, oo xididkeedu yahay diinta ayna gadaal ka soo raacday saamaynta dalalka Carbeed iyo aragtiyaha kooxaha Islaamiyiinta; Midda saddexaadna waa aragtida reer Galbeedka iyo dawladnimada casriga ah, oo ay xidid u tahay guumaysigii soo gaaray dhulka Soomaalida. Saddexdaas aragtiyoodba waxa ay leeyihiin laamo badan oo ku dhex tolan, in lays waafajiyona marar badan waa ay adag tahay. Qofka doonaya in uu ka shaqeeyo siyaasadda Soomaaliyana wax badan ayuu uga baahan yahay in uu wax uun ka yaqaano arrimahaa.

Buugga Adkaysi waxaa qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo muddooyinkii ugu danbeeyay ka muuqday siyaasadda dalka Soomaaliya. Waa buug aan aad u waynayn, kana kooban 318 bog. Waxa uu kaga hadlayaa waayihiisa nololeed, isaga oo xoogga saaraya midda siyaasadeed ee uu ku jiray labaatankii sanno ee u danbeeyay. Waxa uuna falanqaynayaa marxalidihii ay soo mareen xukuumadihii kala danbeeyay ee ka soo bilaabanaysa midda uu wasiirka ka noqday ee Cumar Cabdirashiid, madaxweynena uu ka ahaa Sheekh Shariif.

Cabdiraxmaan Waxa uu ku dhashay magaalada Buulaburte oo ah magaalo laga arki karo, si guud, habdhaqanka Soomaalida. Waxa uu ka waramayaa hab nololeedkii magaaladaas, qaabkii ay waalidkii u soo koriyeen, iyo sida ay xidhiidhka ula lahaayeen bulshada qaybihiisa kale. Waxyaabaha uu hooyadii ka warinayo waxaa ka mi ah, in ay saaxiib la ahayd hooyooyin ka soo kala jeeda deegaano iyo qabiilo kala duwan, isla markaana u kala safri jirtay deegaannada Soomaalida, taas oo ku dhawaynaysa in ay khibrad u hesho habdhaqanka iyo nolosha kala duwan ee Soomaalida. Xogwarankaasina waxa ay ina tusaysaa waayaha uu Cabdiraxmaan ku soo koray iyo sida ay qayb uga qaadan karto fahankiisa nolosha Soomaalida.

Kolkii uu koray, Cabdiraxmaan fursad uma uusan helin in uu jaamacad galo. Waxa uuna ku waayay fursaddaas sababo uu isagu u arkayay musuq hareeyay nidaamkii dawladeed ee askarta, oo waqtigaa sii dhacayay. Fursaddaas uu waayay darteed, waxa uu u nuglaaday in uu ku biiro kooxihii Islaamiyiinta oo awood soo yeelanayay dhammaadkii sideetamaadkii. Sida uu Cabdiraxmaan ka waramayo waxa uu aaminsanaa in uu ka tirsan yahay Dariiqada Saalixiyada, maadaama macalinkiisii dugsiga Qur’aanku iyo sheekhii magaalada Buulaburte ay ka tirsanaayeen kooxdaas.

Mar kale, waxa uu xusayaa in walaalihii qaar ka mid ah ay u furfurnaayeen xarakooyinka, markii ugu horraysay ee ay soo gaaraan Buulaburtena ay xarun u noqotay gurigoodu. Waxa uu tilmaamayaa in walaalihii Cismaan iyo Cilmi ay ku biireen baraaruggaa Islaamiyiinta ah, oo qoladii u horraysay ee deegaankooda soo gaartay loo yaqaanay Ikhwaanul Muslimiin, markii ay tabar beeleen, dawladduna cadaadisyo dhawr ah saartay waxa ay uga gudbeen kooxda loo yaqaano Takfiirka.

Isaga oo khibraddaas haysta ayay dhacaysaa dawladdii askartu. Dadkuna waxa ay u kala baxayaan qabiillo is haya oo is ugaarsanaya, kolkaas ayuuna ku biirayaa ururka Al-Itixaad, oo wakhtigaas ka mid ahaa ururrada hubaysan ee Islaamiga ah. Cabdiraxmaan waxa uu aad u dhaliilayaa hab dhaqanka ururrada Islaamiga ah iyo isdiidooyinka ka dhex jira. Waxa uu sheegayaa in dadka xubnaha ka ah laga wacdin jiray in aanay ku milmin qabiillada is haysta, haddana si waadaxa ayay u muuqanaysay sida loola kala saftay iyo sida aanay cidna u kala jeclayn arrinkan oo uu qof walba reerkiisa maanka kala jiro.

Isaga oo ka warramaya is-diiddada xarakooyinka, gaar ahaan kuwa salka ku haya dareenka qabiilka iyo burburkii dalka ku dhacay, waxa uu Cabdiraxmaan leeyahay: “Dhinac walba caadifadda qabiilka iyo diintu way isku marnayd.” Dhanka kale, waxa uu Cabdiraxmaan dhaliil wayn ugu jeedinayaa xarakooyinka, isaga oo ku eedaynaya in aanay dhalinyarada ku soo biirta wacyi ahaan loo dhisin, balse lagu abuuro nacayb iyo yididiilo fog oo aan waaqaca ku dhisnayn.

Waxa uu ku doodayaa in aan la dhisin fahanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee qofka xarakiga ah; sidoo kalena laga qariyo taariikhdiisa iyo barashada dalkiisa, isaga oo lagu barbaarinayo in uu yahay xubin ka tirsan ummada islaamka, uuna ka shaqeeyo dhismaha iyo soo noolaynta khilaafada islaamka ka duntay. Cabdiraxmaan waxa uu leeyahay qofka xarakiga ahi waxa uu aaminsan yahay odhaahda ah in “Islaamku xal yahay” haddiise la dhoho faahfaahi oo hoos uga deg, una sheeg si camali ah aanu sheegi karin.

Muddo ayuu ka tirsanaa Al-Itixaad, kaddibna waxa uu ku biiray xarakada Islaax, oo hoos tagta Ikhwaanul Muslimiinka. Waa qolyo si nabad ah ku doonaya in ay xukunka ku gaaraan, inta ka horraysana ay ka shaqeeyaan arrimaha bulshada, gaar ahaan samafalka iyo waxbarashada. Hawlahaa samafal ee ay wadeen ayuu qayb ka noqday, waxa uuna fursad waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

Cabdiraxmaan waxa uu qalinka ku xoojinayaa in ay Suudaan wax badan ka bedeshay aragtiyihiisa nololeed. Waxa uuna ku tiiqtiiqsanayaa in Suudaan tahay dal ay ku xoogaysan yahiin akhriska, doodaha iyo kala aragti duwanaantu, iyada oo aan la isku colaadinayn in la kala aragti duwan yahay, waxa uuna sheegayaa in uu fursad u helay in uu wax badan akhriyo, si gaar ahna doodaha dunida ka socda marka laga yimaado midda Islaamiyiinta oo uu hore wax uga haystay. Doodaha uu sida wacan uga bogtay waxaa ka mid ahaa kuwa qawmiyiinta iyo liberal-ka. Muddadii uu Suudaan joogay waxa kale oo uu ka faa’iday in uu si wacan u barto Soomaalida, waxa ay meesha ku kulmeen Soomaali kala duwan oo ka kala yimi deegaano kala duwan, kuwaas oo wata dhaqanno iyo lahjado kala duwan.

Kolkii uu Jaamacadda dhammaystay, waxa uu dib ugu soo noqonayaa dalka, isaga oo su’aalo badan ka qaba xarakooyinka si gaar ahna Islaax. Waxa uu ka shaqaynayaa hay’ado samafal oo dalka ka hawlgala, wuuna guursanayaa. Muddo yar ka dibna waxa uu waxbarashada heerka labaad u doonayayaa dalka Malaysiya. Kolka uu Malaysiya tago waa uu la yaabayaa horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen, waxa uuna farta ku fiiqayaa in ardayda ku saamoobay xarakooyinka, marka ay tagaan Malaysiya, ay dib wax isaga waydiiyaan jidka xarakooyinka, maadaama ay Malaysiya tahay dal Muslimiintu ku badan yihiin, haddana horumar noocaas ah sameeyay, laakiin dalalka ay xarakooyinku ka hawlgalaan aanay ka jirin horumarkan iyo kala danbayntan.

Kolka uu dhammaysto jaamacaddiisa, waxa uu tagayaa dalka Ingiriiska oo uu iska dhiibayaa, iyada oo rajadiisu markaas ay tahay in uu waxbarashada sii wato. Waxa uu la yaabayaa sida ay dadka Ingiriisku ay akhriska ugu maban yihiin iyo horumarka baaxadda weyn ee ka jira. Waxa uuna dhex galayaa arrimaha jaaliyadda Soomaalida iyo Muslimiinta. Waxyaabaha xusidda mudan ee uu sheegayna waxaa ka mid ah, in markii uu Ingiriiska tagay uu ka qaybgalay kulan kaas oo uu ka jeediyay hadaljeedin ku saabsan federaalka, dad badanna ay moodeen in uu yahay Majeerteen, iyaga oo qaba in federaalku yahay wax reerkaas metela. Waxa uu sheegayaa in uu waqtigaas ogaaday in aragtida shirqoolka ku dhisan ka dukaamigaysigiisu ay tahay mid Soomaali ku dhex baahday, ee aanay ahayn mid kaliya ku kooban ururrada Islaamiyiinta.

Kolka aad akhrido safarkaas uu galay Cabdiraxmaan waxaa kuu soo baxaya qof la korayay marba fikir oo ay wax u sii bidhaamayeen. Waxa uu isu marayaa saddex marxaladood ama hab fikir: tii asalka Soomaalida ee taallay Buulaberte; tii xarakooyinka ee uu Xamar iyo Suudaan ugu tagay; iyo midda dawladnimada casriga ah ee uu Malaysiya iyo Ingiriiska ugu tagay. Dhan kalena marka aad ka eegto, si fudud oo aan ku soo boodo ahayn ayay fikradaha Cabdiraxmaan isu rogrogayeen. Waxaa suuragal ahaan lahayd haddii isaga oo Al-Itixaad ka tirsan uu toos Landhan u tagi lahaa, in uu labada dhinac midkood ku talaxtagi lahaa, laakiin si taa ka duwan waxaa dhacday in uu Suudaan ku aqbalo doodaha iyo kala aragti duwanaanta, Malaysiyana ku barto is ahaynsiinta diinta iyo dawladda, Landhanna uu kula qabsado maamulka iyo dawladnimada casriga ah. Marka Soomaaliya la joogona, waxa muhiimad gaar ah leh in qofka siyaasadda galaya ay wax uga bilaaban yihiin saddexdaas aragtiyood oo ah kuwa ku loolama dalka.

Hordhaca noloshiisa kaddib, waxa uu Cabdiraxmaan buugga si wacan ugaga waramayaa sooyaalkiisa siyaasadeed. Kolkii uu Landhan tagay ayuu soo qabsanayaa janbiga gaariga siyaasadda. Maadaama uu ahaa nin dhanka diinta iyo maadiga ka dhisan, waxa uu Ingiriiska ka noqonayaa xubin firfircoon oo halkaas ka shaqaysa. Waxa uu ka waramayaa soo ifbixii maxakiimta iyo xaaladda ay ku abuurmeen, waxa uuna ka mid noqonayaa dadkii u arkayay xalka iyo in lagu nastay.

Soo galitaankii ciidanka Itoobiyaanka ee dhinac socotay dawladdii Cabdillaahi Yuusuf iyo Geeddina waxa uu si toos ah u difaaci jiray, isaga iyo saaxiibo badan oo ay qurbaha wada joogeen, Maxaakiimta. Laga soo billaabo waqtigaa la galay Xamar, rag badan oo uu ku jiro Cabdiraxmaan ayaa bilaabaya shirar looga arrinsanayo xaalka dalka, kuwaas oo lagu qabtay Yurub. Shirarkaas waxaa ka dhashay in qaar ka mid ah qurbajoogtu ay isbahaysi la samaystaan Maxaakiimtii Muqdisho, xildhibaano ka soo horjeeday dawladdii Cabdillaahi Yuusuf oo isu yaqaanay Xildhibaannada Xorta ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Waxa uu si hoose oo tafaasiil leh ugaga waramayaa qaabka uu isbahaysigu ku dhismay, kaas oo kulammadiisii u badnaa uu ka dhacayay Eretriya, iyo doodihii dhex maray wadaaddada iyo garabyada kale. Waxa uu ka sheekaynayaa illaa maxsuulkii la gaaray ee wada-hadalladii u dhexeeyay isbahaysiga iyo dawladdii kumeelgaarka ahayd, heer uu is casilo madaxweynihii dalka ee Cabdillaahi Yuusuf.

Intaa ka sokow, Cabdiraxmaaan waxa uu buuggiisa ku sharaxayaa siyaasadihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay, iyo sida ay beesha caalamku saamaynta xoogan ugu lahayd siyaasadda dalka, sidoo kale dalalka deriska ah oo mararka qaar ama badanaaba si badheedh ah siyaasadda u faragashanayay. Waxa kale oo uu sawirayaa awoodda ay xisbiyada diiniga ah siyaasadda ku lahaayeen, waxa uuna xusayaa in Shariif Sheekh Axmed, oo ka yimi dhanka Maxaakiimta, ay ku midaysnaayeen bilowgii Al-Itixaad, Aala Sheekh iyo garabkii Islaax ka soo goostay ee Damul Jadiid. Waxa uu bidhaaminayaa, sida ay ku dhisan tahay siyaasadda Soomaaliya iyo qaabka loogu baratamo kuraasta sare ee dalka, iyada oo aanay marnaba qarsoonayn doorka uu qabiilku ka ciyaarayo jaangoynta kuraasta iyo cidda ku fadhiisanaysa.

Markiisi koowaad, Cabdiraxmaan waxa uu wasiir ka noqonayaa xukuumaddii u horraysay ee dawladda Sheekh Shariif, oo Cumar Cabdirashiid ka ahaa raysalwasaaraha, waxa uu tirinayaa hawlo badan oo uu soo qabtay, waxaase ugu xiisaha badan waa arrinkii dhawaqa badan dhaliyay ee saxiixii heshiiskii is-afgaradka ee lala galay Kenya (MoU). Waxa uu si waadaxa u sharaxayaa qaabka uu ku yimi is-afgaradku iyo doorkiisii ahaa wakiilashada raysalwasaaraha, oo ahayd in uu saxiixo.

Waxa uu tilmaamayaa in heshiiskan ay wada ogaayeen dhammaan golaha wasiiradu oo uu ku jiro raysalwasaaruhu, Sidoo kale, waxa uu sheegaya in uu isagu ogaysiiyay madxweynaha kolkii loo wakiishay in uu saxiixo, waxa se uu cabirayaa dareenkiisa ah in uu qaadan kari waayay sida arrinka heshiiskan loo foolxumeeyay, foolxumadii oo dhanna isaga loogu koobay, dhammaan madaxdii waqtigaas, kolka laga reebo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, ay arrinka ooga dareereen. Waxa uu ka waramayaa sida magac-dilka loogu sameeyay iyo adkaysigiisa.

Waxa kale oo uu tafsiir saarayaa badi dadkii ka hadlay arrinkan iyo waxyaabaha ku riixi karayay, isaga oo ku sababeeyay in ay ahaayeen arrimo siyaasadeed iyo tartan lagula jiray. Dhanka kalena, waxa uu qalinka ku duugayaa sida heshiiska uu saxiixay ay u badbaadisay badda dalka, isaga oo soo qaadanaya hadallo laga yidhi xaflad loo qabtay kolkii Soomaaliya ay kaga adkaatay maxkamadda sheegashadii Kenya ee badda Soomaaliya, waxaana kuu sawirmaysa sida guushu u aabbayaal badan tahay, guuldarraduna goblan u tahay.

Xal ka gaaristii isku dhaca labada Shariif ayuu Cabdiraxmaan ka sheekaynayaa iyo doorkiisii heshiiska Kampala, oo ay isaga iyo Cabdikariin Xasan Jaamac ay la kala socdeen labada Shariif: Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan. Doorashadii dhacday ee Xasan Sheekh lagu soo doortay, doorarkii kala duwanaa ee uu lahaa, isbeddeladii raysalwasaarayaasha iyo arrimihii ku gadaamnaa ayuu si waafi ah uga waramayaa.

Cabdiraxmaan waxa uu tilmaamayaa in uu ku jiray dadka aadka u dhaliilsan in dawlad-goboleedyada la dhiso iyada oo aan heshiis laysla ogol yahay oo rasmi ah dhicin, balse dawladdii Xasan iyo dalal badan oo beesha caalamka ah ay riixayeen in marka hore la dhiso dawlad-goboleeyada, kaddibna laga shaqeeyo arrimaha kale. Waxa kale oo uu ka waramayaa danaynta uu Ingiriisku aadka u danaynayay arrimaha Soomaalida, isaga oo soo abuubulay dhawr shir oo ay Soomaalidu isugu timi. Ingiriiska ayaa mar u soo bandhigaya dawladdii hore ee Xasan Sheekh in wada xaajood lagu dayo Al Shabaab, iyaguna ay fududaynayaan qaabka uu ku hirgali lahaa, balse uu ka meermeeray madxweynaha iyo kooxdiisu, waxa uuna Cabdiraxmaan ku tilmaamayaa fursad la dayacay oo dalka soo martay.

Cabdiraxmaan waxa uu la-taliye u noqonayaa Nicholas Kay, oo soo noqday ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya. Waxa uu ka sheekaynayaa sida Soomaalidu u qalad fahansan tahay, ama aanay madaxdu u danayn, muhiimadda ay la-talintu leedahay. Kolkii uu ahaa lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu shaqadiisa ku tilmaamayaa la-taliyayaal aan la tirsan. Laakin markii uu xafiiska Kay ku soo biirayna waxa uu fahmayaa qiimaha iyo awoodda ay la-talintu leedahay, iyo in ay muhiim weyn tahay qofka cid la talinayaa uu badi agjoogo cidda uu la tallinayo.

Markii uu ahaa la-taliyaha madaxweynaha, waxa uu sheegayaa in aanay waxbaba ka ogayn badi xaaladda iyo arrimaha ku hareeraysan madaxweynaha. Laakiin marka uu la-taliyaha u ahaa Nicholas Kay uu badiyaaba ogaa xaaladaha ku hareeraysan, Nicholasna uu wax walba oo shaqada ku saabsan uu u sheegi jiray. Sidoo kale, waxa uu tilmaamayaa sida uu mararka qaar uga yaxyixi jiray ama uga xishoon jiray sida siyaasiyiinta Soomaalidu u dhaqmaan, uguna soo cawdaan danjirayaasha iyo dadka ka socda dalalka shisheeye, iyaga oo ka cabanaya isla dad Soomaali ah. Musuqa baahay iyo sida aan danta Soomaalida looga shaqayn ayuuna ka waramayaa.

Kolkii la soo gaaray tartanka doorashadii 2017, oo ololeheedu soo bilaabmay sannadkii ka horreeyay middaas, ayuu Cabdiraxmaan go’aansanayaa in uu u tartamo xilka madaxweynaha. Arrinkan ku aadan tartankiisana waxaa lagala soo dhex bixi karaa sida ay u shaqeeyaan tartamada kuraasta sare ee Soomaaliya iyo doorarka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka dariska ah, beesha caalamka iyo iskooxaysigu. Waxa uu Cabdiraxmaan sawirayaa sida ay Soomaalidu u hadal macaan tahay, balse hadal-macaankaas ay marar badan uga buuxaan been iyo ballanfur, isla markaana aan laysku hallayn karin ballanqaadyada laga helayo iskooxaysiga.

Kolka doorashadu dhammaato ee la doorto Farmaajo, waxa uu Cabdiraxmaan ku dheeraanayaa in uu ka sheekeeyo xukunka iyo dawladdii Farmaajo. Xitaa laga soo bilaabo marka uu Farmaajo raysalwasaaraha noqday, waxa uu dhaliilayaa qaabkii uu ku yimid, isaga oo sheegayaa in laga mudnaa. Cabdiraxmaan, oo noqday codka mucaaradka xilligii Farmaajo, iyo xubin aad u firfircoon dhanka mucaaradada ah ayaa xusaya dhibaatooyinkii ka soo gaaray arrinkaas, oo uu ugu horreeyo weerarkii lagu qaaday dhammaadkii 2017-ka.

Waxa kale oo uu ka sheekaynayaa sida ay weerarka ba’an ugu gaysteen kooxihii raacsanaa Nabad iyo Nolol ee uu isagu ugu yeedhay Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB). Mar kale waxa uu u istaagayaa hardanka madaxtinimo ee dalka (2022), marka aad u fiirsato tartanka doorashadaasna waxaa kuu baxaya in aan wax badan iska bedelin hardanka siyaasadeed ee Soomaaliya, dad koobanna ay isku qabsadaan xukunka iyada oo aan loo turayn shacabka.

Buugga Adkaysi waxaa kaaga dhadhamaya in meelo dhawr ah oo laga maarmi karayay, fariinta gudbaysana ayba sii xoogaysan lahayd uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku ammaanayo naftiisa. Ficil uu sameeyay oo akhristuhu kala soo dhexbaxayo wacnaan iyo wanaag, ayuu Cabdiraxmaan qabanaya shaqadii akhristaha oo uu isagu tilmaamayaa in haddii aanu saa sameeyeen, wax walba ahaan lahaayeen ka kac. Haddii aanu faahfaahintaa raaciyeen, waxa uu heli lahaa, qiyaastayda, akhristayaal badan oo u bogta shaqadaas, waxa uuna yarayn lahaa in uu u muuqdo qof is ammaanaya, badalkase loo arkayo wanaag fale.

Waxa kale oo marar badan muuqata in Cabdiraxmaan aad ugu milnaa isku-darsanka qabiilka iyo siyaasadda oo waaqac ahaan ah wax ka jirta Soomaaliya, balse uu isagu isu dhigayo in aanu si gun-dheer ugu dhex jirin. Waxa kale oo bannaanyaal ah dagaalka ka dhexeeya isaga iyo Farmaajo, waxaana taa wehelisa sida uu u fasirayo dhacdooyinka ku gedaaman loolannadiisii madaxtinimada.

Buugga Adkaysi, inta uu yahay buug taariikhnololeed, in la mid ah ayuu yahay buug ka waramaya siyaasadda Soomaalida ee labaatankii sanno ee u danbeeyay. Waxaana bogaadin mudan in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ku dhiiradaan wax ka qorista waayohooda iyo wixii ay u soo joogeen, intii ay ku dhex jireen arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Cabdiraxmaan-na waxa uu waayihiisa ku sifaynayaa mid adkaysi badan, oo uu ugu soo dulqaatay dhibaatooyin badan oo aanay dad badan u adkaysan karin. Taariikhdiisuna waxa ay sawiraysaa hal qof oo isu maray saddex marxalood oo dhammaantood saamayn toos ah ku leh siyaasadda Soomaaliya; dhaqanka Soomaalida, diinta iyo dawladnimada casriga ah.

Qoraallada kale ee qoraaga