Monday 23 June 2025
Buuggan la magacbaxay Adkaysi waa xasuusqor uu qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah siyaasi iyo xildhibaan ka sheeggan siyaasadda Soomaalida. Waa buug uu qoraaga ku gaalaabixiyey noloshiisa la xidhiidhay korniin, barbaarin, waxbarasho, nolol xaraki ah, qax, qurbajoognimo iyo siyaasad mintidnimo weheliso. Qoraagu waxa uu ka warramay nolol ruux walba oo Soomaali ahi iska dhex arki karo, waxa uu dhex jibaaxayaa waayo qofeed iyo bulsheed oo Soomaalida ku adkaa. Waxa uu si hagaagsan u taariikhaynayaa wax walba oo qof, qoys, bulsho iyo ummad ku dhici kara. Waxa uu irridda uga gelayaa duruufo Soomaaliya ku xukumi doona in ay gasho taariikhda madaw ee dawladnimada. Waa waxa uu cilmibaadhaha reer Maraykan ee Robert Rotberg, deraasaddiisa la yidhaahdo, "The Failure and Collapse of Nation-States", Soomaaliya ku tilmaantay: dawlad si walba u burburtay (collapsed state). Mudane Rotberg waxa uu xusay in Soomaaliya ay tahay tusaalaha ugu mudan, dawlad si walba afka dhulka u dartay. Soomaaliya in ay ku jirto shaybaadhka dawladaha fashilmay, ayuu buuggu si wanaagsan inoogu kala dhigdhigayaa. Shakhsiga buugga qoray waa nin waayo'aragnimo fiican ka haysta: dhaqanka, dawladnimada, Islaamiyiinta iyo loollanka adduunka ka aloosan. Casharro intaas oo mawduuc laga baran karo ayuu faaqidayaa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa siyaasi soo qabtay, xilal dawladeed oo fulin iyo sharcidejinba gaadhsiisan. Xasuusqorkani si kal furan ayuu noloshiisa qofeed iyo ta bulsheed ba uga sheekaynayaa. Buuggan duruusta aynu ka korodhsan karno, ayeynu qaybaha danbe ee qoraalka ku faaqidi doonnaa.
Cabdiraxmaan C. Warsame gu'gii 1968, ayuu ku dhashay magaalada Buulaburte. Magaaladu waxa ay lahayd jewi deggan iyo nolol fudud, waxa ay ahayd magaalo qabaa'il kala duwani ku dhaqan yihiin. Xidhiidhka bulsheed waxa uu ahaa mid ay ku dheehan tahay sifooyinka; is caawinta, samafalka, deris wanaagga, isdhexgalka, wada-dhaqanka iyo iska war haynta. Bulshadaasi waxa ay ahayd, bulshooyinka uu Cabdiwahaab Masiiri oo ahaa caalim bulsheed oo Masri ahi, u bixiyey: bulshooyin isu naxariista (مجتمعات تراحمي). Bulshada caynkaas ah ayuu Cabdiraxmaan ku soo dhex barbaaray oo uu ku kacaamay. Buulaburte ayuu waxbarashada Qur'aanka iyo ta dugsiga ka galay, wuxuu dugsiga sare dhammeeyey dabshidkii 1986. Soomaaliya waagaas waxa ay haysay jidka qaranjabka. Dalka oo xasilloonidarro la daalaadhacaya iyo maamul xumo qaraabokiil weheliyo, waxa ay Cabdiraxmaan ka hor istaageen in uu hore jaamacad u galo, taasi waxa ay keentay in wax wakhtigu socdaba in ufadii qaranjabka uu dalka ku qabsado iyo halaaggii dagaalkii sokeeye. Qoraagu waxa uu si xeeldheer uga sheekeeyey sida dagaalkii sokeeye u burburiyey noloshii bulsheed ee dalka. Waxa uu ka warramay magaaladii uu ku dhashay ee Buulaburte sida colaaddu u saamaysay, waxa uu carrabka ku dhuftay raasamaalkii bulsheed (social capital), iyo dareenkii bulshannimo in colaaddu qaadday. Dadkii magaalada waxa lagu xukumay; qarax, qabyaalad, kala'irdhow, uurkutaallo, iyo caloolxumo murugo baahsani ku lammaan tahay. Waxa la dilay, la makriyey oo iilka lagu hubsaday, wax walba oo dareen bulshannimo tilmaamayey. Cabdiqaadir Shire sida uu tibaaxay waxa booskoodii galay: dad sabool ah, oo argagaxsan oo ciilqaba. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu Buulaburte u qaatay shaybaadh uu ku eego, wixii colaadda laga taransaday. Waayihiisii waxbarasho ee Suudaan iyo Malaysiya ayuu qoraagu qaybaha hore ee buugga si wanaagsan ugaga sheekeeyey. Noloshiisa danbe in ay qaabeeyeen waxbarashadii uu dalalkaas u aaday ayeynu fahmi karnaa. Is dhalanrog fekradeed iyo waayo'aragnimo maskaxeed ayeynu kala soo dhex bixi doonnaa.
Cabdiraxmaan waagii uu kacaamayey Soomaaliya waxa dhoobnaa afkaaro bidix iyo midig ah. Dalku wuxuu ahaa hantiwadaag macangagnimo askareed filkiis ka reebay. Dadku waxa ay u qaybsanaayeen: koox afkaarta hantiwadaagga la dhacsan oo xagjir ku ah, iyo koox kale oo ahaa Islaamiyiin xagjira. Labadaas ayuu dalku ahaa ilaa laga soo gaadhayey xilliyadii burburka. Markii uu soo dhawaaday daadkii qaranjabku, dhallinyaradu waxa ay u qaybsameen, saddex qaybood: kow, qayb qoysaskood la qaxa oo dalka isaga taga. Labo; qayb kale oo ku biiray xarakaadkii Islaamiyiinta ee dalka ku xididdaysanayey. Saddex; qayb si xawli ah isugu shubatay jabhadihii kala duwanaa ee dalka ka hanaqaaday dabayaaqadii toddobaatameedyada. Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay xarakaadkii Islaamiyiinta. Markii hore uma sahlanayn oo wuxuu ka tirsanaa dariiqada Saalixiyada, se mar danbe wuu ka siibtay, oo waxa uu ku biiray ururkii Jihaadiga ahaa ee al-Itixaad al-Islaami. Halkaas waxa uga bilowday in uu raacdo kutubta iyo fekerka Salafiga iyo in uu qaato tababbarro caskari ah. Mucaskar ay Islaaxu fureen oo Muqdisho ku yaallay, ayuu isaga iyo dhallinyaro kale oo aan Islaaxa ka tirsanayni ka qaateen tababbar ciidan. Muddo ayuu Cabdiraxmaan ka tirsanaa ururka al-Itixaadka. Dhammaadkii 1992, waa uu isaga baxay ururka. Waxa uuna ku biiray ururkii la odhan jiray: al-Islaax. Sababta uu ururka Itixaad uga baxay waxa uu ku sababeeyey in ay u cuntami wayday qoriga dhiigga leh ee ay la haliilayaan ee xukunka ku doonayaan. Islaaxa gelistiisa waxa uu ku sheegay in uu ahaa: urur fekerkoodu qunyarsocod yahay, waxbarashada maadddiga dhiirrigeliya, xoogaa reer magaalnimo iyo wadanoolaanshiyo ahi ka muuqato, dagaallada ka soo horjeeda, arrimaha samafalka iyo barbaarintana ku fooggan, ayuu ku qorayaa (bogagga 40-41). Wixii intaas ka danbeeyey waxa uu ku faylay kutubta fekerka Ikhwaanul Muslimiinka xanbaarsan, aad ayuu akhrintooda danayn weyn u siiyey. Wax badan in uu fekerkaas ka taransaday, ayuu tibaaxay.
Cabdiraxaam Cabdishkuur waxa uu jilibdhigay waayo'aragnimadii qofeed ee uu ka dhaxlay muddadii uu Islaamiyiinta ka tirsanaa. Waxa uu u jeediyey naqdin culus oo abbaaraysa in ay hayaan hillin aan hagaagsanayn, oo lid ku ah ujeeddooyinka ay rabaan. Waxa uu ku naqdiyey in Islaamiyiinta dulqaadku ku yar yahay, oo ay laablakac miidhan yihiin. In fekerka ay dawladnimada ka haystaan uu liito, in naqdinta iyo aragticurintu manhajkooda tacliineed aanu ku jirin. "Lama dhiso wacyiga qofka xarakiga ah, lamana kobciyo fahanka siyaasadeed, bulsheed, dhaqan-dhaqaale, taariikheed ee dadkiisa, taas oo ka dhigaysa ruux aan la noolayn waaqaca, duruufaha, caqabadaha iyo yididdiilooyinka nololeed ee dadkiisa. Si fudud oo sahlan ayaa maskaxdiisa loo geliyey in xalka dhibka lagaga bixi karaa uu yahay qaadashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka", ayuu qorayaa (bogga 35). Cabdiraxmaan waxa uu naqdiyey halkudhigga odhanaya: "Islaamkaa xal ah." Waxa uu tilmaamay taasi in ay tahay fekrad sadxi ah/bacaadyaal ah oo aan sii ridnay. Waxa uu tibaaxay in arrinku i qarso ku danbaynayo, marka halkudhigga la yidhaahdo ha la sharxo, oo ha la furfuro. Waxa uu qorayaa: "si halkudhig ah oo aan fahan qodan lahayn ayuu qofka xarakiga ahi u aaminsanyahay odhaahda ah in 'Islaamku xal yahay', haddii se la weyddiiyo in uu faahfaahiyo oo hoos ugu daadego si cammali ahna u sheeg la yidhaahdo way ku adkaanaysaa." Waxa kale oo uu qoray, "Dhibaatada ugu weyn ee uu fikirka Islaamiga iyo Islaamiyiintuba leeyihiin waa in ay jawaabo sahlan u hayaan mushkilado iyo su'aalo waaweyn oo dunida inteeda kale qarniyo ku qaadatay xallinteeda."
Masalad "Islaamkaa xal ah", waxa si weyn u naqdiyey Dr. Cabdalle Nafiisi oo ah caalim siyaasadeed iyo faqiih istiraatiiji ah. Mudane Nafiisi waxa uu tilmaamay in "Islaamkaa xal ah", uu yahay halkudhig dadka lagu kiciyo oo lagu dhiirrigeliyo, se aanu ahayn aragti. Waxa uu tilmaamay in aragtidu ka duwan tahay. Waxa uu yidhi: "aragtidu waxa ay u baahan tahay mufakiriin. Xarakaadka Islaamiga ahina mufakiriintu way ku yar yihiin, waa khaddiibo iyo wucaad. Mufakirku waxa uu la dhaqmaa mafaahiimta, khaddiibkuna waxa uu la dhaqmaa akhlaaqiyaadka iyo caaddifadda." Nafiisi waxa uu ku dooday in si gudaballaadhan aan loo faaqidin in Islaamku xal yahay. Qodobkan isaga oo carrabka ku adkaynaya waxa uu yidhi: "ma jiraan cilmibaadhisyo faahfaahsan oo fikri ah, oo ku aaddan halkudhiggan: sidee Islaamku xal u yahay?" Cabdalle Nafiisi waxa uu xusay in Islaamiyiintu aanay lahayn dad fekeryahan ah, waxa uu kula dardaarmay, in ay ugu yaraan konton sanno xukunka ka fadhiistaan, si ay u soosaaraan kaadiriin siyaasadeed. Doc kale waxa uu xusay in qofka Islaamiga ahi ku barbaaro tarbiyad kooxeed/xisbi. Hadda ka hor ayaa Cali Dufayri oo ah weriye al-Jasiira ka hawlgala, waxa uu weyddiiyey; ma aaminsan tahay in Ikhwaanul Muslimiinku yahay urur bisil oo mudan in uu maanta xukumo dunida Carabta? Nafiisi waxa uu ku warceliyey: "ma abdaynayo in dunida Carabta ay xukumi karto Jamaaco Islaami ah, ha noqoto Ikhwaan ama kuwa kale ee jira. Maxaa yeelay ururrada Islaamiga ahi waxa ay ku kacaameen aragti xisbi, xukunkana sidiisaba ma qaadi karo tarbiyad kooxeed."
Islaamiyiinta Soomaalidu waa dad fahan gaaban oo feker curintu ku yar tahay, si weyna qabiilku raad ugu leeyahay. Qodobkan cabdiraxmaan C. Warsame waxa uu ku tilmaamay, “isdiiddooyinka Islaamiyiinta.” Buugga waxa aynu ugu tagaynaa in qabiilku kala geyn doono ururka al-Itixaad. Bilmetal; markii dagaalkii sokeeye uu bilowday wadaadddadii Daarood waxa ay u qaxeen xagga Kismaayo, wadaaddadii Hawiyena waxa ay ku hareen Muqdisho. Cid walba way ogayd in qabiil la isu beegsanayo oo aan xitaa diin iyo xarako midna lagu nabadgelayn. Cabdiraxamaan Bashiir curiskiisa la yidhaahdo, "Baraarugga Islaamiga ah ee Sooomaaliya: nidaamka siyaasadeed iyo shaacsanaha qabyaaladeed", waxa uu ku xusay in saxwadda Soomaaliya ka bilaabantay dhammaadkii qarnigii labaatanaad in ay soo foodsaartay dhibaatooyin isugu jira: laablakac, bisayl la'aan siyaasadeed, qabyaalad, aqoonyari la xidhiidha culuumta aadanaha iyo la'aanta fekeryahanno. Cabdiraxmaan Islaamiyiinta si weyn ayuu xasuusqorkiisa ugu naqdiyey. Waxa uu sheegay in Islaamiyiintu la nool yihiin saddex cudur oo halis ah: aragtida shirqoolka (conspiracy theory), al-walaa wal baraa iyo isa sarreysiin akhlaaqeed (moral superiority). Saddexdaas aafo in ay la jirran yihiin, ayuu cod dheer ku sheegay. Tani waa qodob xiisa leh oo wax badan inagu biirinaya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu aad ugu dheeraaday Isbahaysigii dibu-xorraynta ee Asmara, dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya, madaxtinnimadii Sheekh Shariif, loollannadii Islaamiyiinta ee siyaasadda iyo faragelintii dawladaha shisheeye. Qaybtani waxa ay noqotay inta ugu badan ee uu si weyn u taariikheeyey. Halkani waxa ay ahayd meesha uu ka soo koray sallaanka siyaasadda Soomaaliya. Mudnaan weyn ayey lahayd in uu faaqido dawladdii kumeelgaadhka ahayd iyo waayihii ay Islaamiyiintu isla soo mareen, qodobbo xiisa badan ayaa ku jira oo tilmaamaya sida madaxda Soomaalidu u dhaqmaan iyo khilaafaadka dhexdooda ka aloosan. Dibindaabyada, is qabqabsiga, iyo waxa micna darrada ah ee dalka horukaciisa caqabbada looga dhigayo ayuu ka faalloonayaa. Waa bogag aynu ka daalacan karno siyaasaddii Islaamiyiinta ee waagaas. Laba kal oo isku xiga ayey cid Islaamiyiinta ka soo jeedda kursiga madaxtinnimada ee Fiilla Soomaaliya ku fadhiisatay, waa Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Wax badan oo maanhagga siyaasadeed ee Islaamiyiinta ku saabsan ayeynu qaybahaas ugu tagi doonnaa. Qalbijabka, tallanka, niyadxumada iyo uurkutaallada, xafiisyada iyo wasaaradaha dawladda dhex yaalla, ayeynu buugga ka arki doonnaa. In Soomaaliya burbursan tahay oo xidid caafimaad qaba aanu jirin ayeynu buugga si waafi ah uga daalacanaynaa. Waa goosan xiise iyo urugo isku lammaan ku dhigan yihiin.
Cabdiraxaan Cabdishakuur waxa uu ka warramay kiiskii badda ee Soomaaliya iyo Kiiniya. Waxa uu sheegay in la masabiday, la nabay, la hafray, lagana been abuurtay. Waxa uu si wanaagsan uga sheekeeyey qisada kiiska badda sida ay ku timi iyo sida isaga oo keli ah loogu gaaryeelay ee loo yidhi: "baddii Soomaaliya ayuu gatay." Is'afgaradkii badda (MoU), ee uu saxiixay sida ay noloshiisa mugdi, walaahow iyo sumcaddil ugu horseedday iyo kal adaygii uu ka muujiyey culayska sidaa u qarada weyn ee dusha looga tuuray, ayuu ka faallooday. Waxa ay ahayd waayo'aragnimo iyo xammil, 12 gu' ku dhereran oo si xun qofnimadiisa iyo sumcaddiisa siyaasadeed loogu suurad xumeeyey. In kooxo kala duwani arrinkaas ka faa'iideysteen oo dano siyaasadeed ka galeen ayuu tilmaamay. Geesta kale waxa uu tibaaxay sida is'afgaradkii uu saxiixay uu u noqoday isha keli ah ee lagu baxsaday markii Soomaaliya arrinka badda la tiigsatay laamaha caddaaladda ee adduunka. Is'afgaradkaas sida loo khalad fahmay iyo qaadhaanka uu ka geystay soo celinta dooddii badda, oo ahayd muran iyo shaki ruux walba oo Soomaali ah gurigiisa ugu tagay, ayuu ku nuuxnuuxsanayaa. Kiiskii badda oo ay Soomaaliya ku guulaysatay iyo Cabdiraxmaan oo si wada jira loola dabbaaldegayo ayeynu arkaynaa. Waxa uu inoo tilmaamayaa: in guushu dad badan tahay, guuldarraduna aanay dad lahayn. Wax badan ayeynu been abuurkaas, kala soo dhex bixi doonnaa. Waa dhacdo kal adayg, dulqaad iyo fikir adayg aynu ka baran karno.
Buugga waxa ku jira qodob xiisa leh oo la xidhiidha masalada al-Shabaab iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya. Waxa jira ciwaan uu u bixiyey: "Fursaddii la Dayacay." Cabdiraxmaan ciwaankan waxa uu irridda ugu furayaa fursad la dayacay oo ku saabsanayd wadahadallada al-Shabaab iyo dawladda federaalka. Shir ka dhacay magaalada London, oo dalka Ingiriisku soo abaabulay ayaa waxa lagu soo bandhigay qorshe ah in wadahadal la la furo al-Shabaab. Xukuumaddii Xasan Sheekh ee hore ayaa arrinkaas diidday oo gaashaanka u daruurtay. Cabdiraxmaan qorshahaas waxa uu arkay in ay ahayd fursad weyn oo dalka laga lumiyey. "Waxaan aad uga xumaaday in fursad weyn oo wadahadalkaas looga gun gaadhi karay ay halkaas ku dayacantay, weliba shaki iyo aragti shirqool ku dayacantay", ayuu ku qoray (bogga 206). Dawladda federaalka iyo beesha caalamku waxa ay muddo ku dhow 20 sanno dagaal qadhaadh kula jiraan kooxda al-Shabaab. Dagaalkaas waxa uu burburiyey noloshii bulsheed ee Soomaalida, waxa laga dhaxlay; dhimasho, halaag dhaqaale, xasilloonidarro, riiq bulsheed iyo dibudhac dhan walba ah. Wax natiijo muuqda ah dagaalkaas lagama gaadhin. Aqoonyahanno badan oo Soomaaliya dersa waxa ay qabaan in haddii dagaalkii wax lagu keeni waayey, bal dood wadahadal in la furo, si waleecaadka jira loo soo afjaro. Afyare Cilmi waxa uu qabaa in al-Shabaab wadahadal lagu dayo, oo bal jidka cunfiga la yar hakiyo, si fursad loo siiyo jawi wadahadal oo xaaladdan bulsheed lagaga gudbi karo. Curiskiisa la yidhaahdo, "Engaging al-Shabab in Somalia: Militaray Failures and the Merits of Dialogue", ayeynu qodobkaas oo faahfaahsan ugu tagaynaa. Mudane Afyare waxa uu ku tagay in xalalkii militari ay fashilmeen, taa lidkeed na lagamakacaan tahay in la furo wadaxaajood. Warqaddiisu waxay ina leedahay: "colka wadahadal ma lagu dayey?" Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ayidsanaa in al-Shabaab wadaxaajood la la furo. Maxaa wacay, waxa uu ogaa warbixin cilmiyeysan oo ay hay'adda nabadsugidda gudaha ee dalka Ingiriiska ee MI5 samaysay in ay ku ogaatay, in dhallinyarada ku biirta kooxaha argagixisada in Soomaalidu kaalinta labaad kaga jirto, marka laga reebo kuwa Bagistaan. Waxa kale oo uu ogaa in dawladda xumada Soomaaliya ka jirta ay kansho u noqotay in jihaadiyiinta caalamku ku soo qulqulaan oo ay ku tarmaan.
Dawladda Soomaaliya waa mid nugul oo bahalagaleen ah, oo ay cid walba faraha kula jirto. Waxa siyaasaddeeda halakeeyey faragelin shisheeye iyo dillaaliin caalami ah, oo ka danaysta siyaasadda dalkan yar ee saboolka ah. Cabdiraxmaan Cabdishkuur waxa uu ku nuuxnuusaday siday Soomaaliya u aafeysay faragelinta shisheeyuhu. Waddanka waxa lugaha ku walaaqaya, dalalka caalamka ee waaweyn, waa kuwa uu Cabdiweli C. Gaas u bixiyey; "Maafiyada Nayroobi", waa ururrada iyo dawladaha caalamiga ah, kuwaas oo laf dhuungashay ku noqday horukaca dawladnimada. Sirdoonka dalalka deriska ayaa Soomaaliya ka adeegta. Madaxda Soomaalida ayaa shisheeye-kalkaal ah, oo la shaqaysta ajaanibta. Marka ay isku dhacaan waxa ay u kala dacwoodaan, oo u kala gar naqa dalalka shisheeye. Waxaad moodaysaa in ay iyagu dalka xukumaan. Qabaa'ilka, siyaasiyiinta iyo madaxda dawladgobolleedyada ayaa safaf dhaadheer u gala xafiisyada ajaanibta. Waxa keli ah ee ay wadaan waa dacwad iyo eed ay ka qabaan shakhsi kale oo Soomaali ah oo laga yaabo in ay isku tol yihiin. Qoraagu waxa uu tilmaamay in tani ay ahayd fajacisadii iyo layaabkii ugu weynaa ee uu siyaasadda ku arkay. Yaxyax, sharaf darro iyo bahdilaad ayaad dareemaysaa, sida ay ajaanibtu madaxda Soomaalida u la dhaqanto. Khilaafka madaxdu marka uu dabadheeraado, waxa ay ajaanibtu sameeyaan cagajuglayn iyo handadaad, si ay hawlaha u kala socosiiyaan. Markaas uun bay cabsi awgeed isku kaajaan. Wax badan oo walaac iyo yaxyax miidhan ah, oo qodobkaas la xidhiidha ayeynu buugga ugu tagaynaa.
Adkaysi, waxaan ka maqnayn mucaaridaddii xoogganyad, ee ay isla soo mareen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Farmaajo. Waxaa ku jira wixii ay kala muteen Cabdiraxmaan iyo Ictisaamku; iyo gaalaysiintii iyo dhiig bannaysigii lagula kacay. Arrimahaas oo aad u dhib badnaa, sidii uu uga samatabaxay, ayuu qorayaa. Runtii waa xasuusqor lagu gaalaabixyey; marxalado dawladeed, bulsheed, dhaqan-dhaqaale iyo diineed oo qof dal fashilmay ku nooli mari karo. Waxa lagala soo dhex bixi karaa casharro siyaasadeed oo faca maanta nool si weyn u kaalmaynaya, waa buug mudan in ay akhrido cid walba oo "adkaysiga", iyo "dulqaadku", ku yar yahay. Geesta kale waa dhigane waayo'aragnimo siyaasadeed laga biirsan karo. Akhriskiisa, qaab warrankiisa iyo waayaha uu ka xaal sheekaynayo, intuba waa qodobbo xiisa leh, kuwaas oo qofka ku xejinaya in uusan akhrinta buugga ka go'in. Waxa mudan in aan xuso: Cabdiraxaan Cabdishakuur noloshiisa qofeed waxa ku taalla hal iin oo ah in uu yahay shakhsi aan lahayn saaxiibbo siyaasadeed, ama xarako. Soomaaliya qodobkan waa u lagamamaarmaan, si qofku sallaan siyaasadeed oo weyn u koro. Cabdiraxmaan in uusan qodobkaas wax horumar ah ka samayn, oo ay noloshiisa ka maqan tahay ayeynu ka dhex akhrisanaynaa waayihiisa nololeed.
Adkaysi waa buug qiime leh oo aynu ka korodhsan karno casharro ku saabsan wadcigeenna siyaasadeed. Madaxda Soomaalidu ma aha dad tejribada siyaasadeed ee ay la kulmaan qora, si lodka danbe wax uga ogaadaan wixii la soo maray. Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uu ku dhiirrado wax ka qorista waayihiisii siyaasadeed waa qodob kale oo buuggan macne weyn u yeelaya. Xasuusqorradu waa jid furmay, oo mudan in la kobciyo. Maktabadda xasuusqorrada siyaasadeed ee Soomaalidu waa mid madhan oo haawanaysa. Taasi waxa ay sababtay in siyaasadda Soomaalidu ay ku badnaato, ijtihaadka iyo kudaygu, maaddaama aanay jirin tixraac rasmi ah oo laga dhinbiil qaato. Waayo'aragnimada siyaasadeed oo la qoro waa kayd taariikheed oo ay bulshadu leedahay, taas oo door muhim ah ka qaadata horusocodnimada bulshada, taas ayaana ka dhigaysa xasuusqorrada siyaasadeedi kuwo aad muhiim u ah.