Thursday 17 July 2025
Marka laga reebo casharrada ku qoran buugaagta waxbarashada oo aad noo akhrido, bal dib u xusuuso wax kale oo aad noloshayda ku soo biirisay. Weligay iima aad sheegin sababta ay muhiimka u tahay in ilmaha iskuul lagu daro. Intii aan iskuulka dhiganayey waxa ugu weyn ee aan ka fekeri jirey waxa uu ahaa "toloow goorma ayaad ka koraysaa, ushan baas iyo canaantan joogtada ah!" Waxa aan isku qancin jirey, in aan iska adkaysto mar uun baan aniguba noqon doonaa macallin awood badan oo ul haysta ardaydana ciqaaba.
Waxa aan mar horeba ku qancay, in ujeeddada iskuulka loo furtaaba ay tahay in macaash laga raadiyo. Toloow yaa ka macaasha. Yaa kale oo ka macaashi lahaa. Dee kuwii markii horeba u dhistay baayac-mushtar ahaanta, iyo kuwa usha haysta, ee ragga u badan, ee ardayda handada ee hankooda jebiya. Macallimiintu waxa ay ahayd in ay macallinimada jacayl ay u qabaan u galaan. Kuwani waxa keli ah ee ay macallimiinta u yihiin, waa in ay mushahaaro ka helaan. Wax dan ah oo intaas dhaafsan kama laha. Ardayga ay soo saarayaan nooca uu noqon doono iyo kaalinta uu bulshada ku yeelan doono kama fekeraan. Marba wax hor leh baa maskaxdayda ku soo dhacaya'e— Alla ninkii macallin Jaamac cay badnaayaa. Waxa aan is oran jirey, isagu iskuul gaar ah oo cayda iyo bahdilka lagu barto buu ka soo baxay. Maxaa yeelay, wixii afkiisa ka soo bixi jirey, ma ahayn wax bulshada caadiga ahi ay ku wada hadli jireen. Waxaase iigu yaabka badnaa— isaga oo aan afafka qalaad ku fiicnayn— haddana, sida uu Carabiga, Ingiriisiga, Sawaaxiliga, Hindiga, xitaa Shiinaha iyo Ruushka uu u yaqaanney ereyadooda cayda ah. Marka uu na caayayo, tamar iyo kalsooni buu ka heli jirey.
Inta badan dhammaan macallimiintu waa ay cadhaysan yihiin. Bal adigu ruux cadhaysan oo karaya— in aad ka baqdo mooyee— sidee baad wax uga baran kartaa. Maalmo ay aad u faraxsan yihiin baa jiri jirtey. Beryihii aan cusbaa ma aan fahmi jirin maalmahaas gaarka ah iyo waxa ay ku faraxsan yihiin. Cabdishakuur oo abtigay dhalay oo isagu labo sanno meesha iiga soo horreeyey baa mar danbe ii sheegay waxa ay ku faraxsan yihiin. Illeyn waa maalinta bisha u danbaysa. Waa maalinta ay mushaharada qaadanayaan.
Rejada keliya ee ii soo bixi jirtey waxa ay ahayd, iska adkayso, mar uun baad nin weyn noqonaysaa oo koraysaa, markaas baad kuwan ka xorroobaysaa. Waxa aan hoostaas ka tirsan jirey ee aan ku farxi jirey ma ahayn in aan derejo fiican keeno iyo sannadaha iiga dhiman dugsiga sare, taas beddelkeeda waxa ay ahayd inta sannadood ee iiga dhiman in da’daydu ay gaadho 19sano. Waa xilliga ay ku aaddanayd in aan dugsiga sare dhammeynayo. Dugsi sarena ma ahayne, malaha waxaa kaga habboonaa dugsigii bahdalka iyo dhiigmiiradka. Haddana si kasta oo aannu u dhibbanayn, waxa aannu ka roonayn— ama nalagu oran jirey waad ka roon tihiin— kuwa jidadka tuban ee aan fursad u helin in ay dugsiba galaan. Laga yaabee in ay jiraan iskuullo kale oo si kale wax looga barto, aniguse nafyada ayaan ka warramayaa.
Intii aan korayey, waxa aan arkayey dhismeyaal qurux badan oo soo badanaya. Beryihii hore aad baan ugu farxi jirey marka aan arko dhisme kale oo dabaq ah oo kuwii hore ka dheer, ama mid baaxad leh oo dhaldhalaalaya oo ku soo biiray kuwii hore. Weliba marka uu xaafaddayada ku soo kordho aad baan usii jeclaa. Ciyaalka kale baannu isugu faani jirney. Ciyaalka aannu isku xaafadda nahay in aannu isku qabiil nahay waannu is ogeyn. Waayo xaafadda aad magaalada weyn ka deggan tahay, waa tuuladii reerkiinna oo weynaatay oo caasimadda loo soo raray. Dadka aannu deriska nahay, waa dad aannu isku abtirsiinyo nahay. Mar danbe baan ogaan doonaaye, illeyn iskuulka aan dhigtoba qoladayada ayaa "dhisatay!" Gidaarradiisa dheelli baa ku jira. Fasalladu waxba kama duwana bakhaarrada. Daaqadaha meelaha ay kaga yaallaan, isuma dheelli tirna. Qorraxda iyo dabayshu dhanka ay kaaga imaanayaan lagamaba sii fekerin. Marna qorrax baa ku cawaraysa oo sabuuradda wax ku qoranba arki maysid; mar kalena dabayl-xagaa baa iyada oo qashinkii walwaalaysa irridka kaaga soo gelaysa.
Dhanka saqafka kore, marka ay cadceeddu kulushahay naftaa isugu kaa imaanaysa. Jiingaddii lagu deday waxba kama hooseeyaan. Qof yar oo karaya, oo macallinkiina ul iyo canaan la dul taagan gahay— idinka ayaan idin weydiinayaaye— muxuu baran karaa? Markii aan yara weynaaday, waxa la iiga sheekeeyey, in iskuulka loo dhisay, si reerka meesha looga tiiriyo. Waxa aan dabagalay, dhaqaalaha jaaliyadaha qurbe-joogta reerkayaga laga soo ururiyey ee dhismaha iskuulka loogu talogalay. Waxa ii soo baxday in dhaqaalahaas lagu dhisi kari lahaa iskuul casri ah oo si fiican u qalabaysan. Weliba ay lacag badani ka soo hadhi lahayd oo tuuladayadii loogu dhisi kari lahaa iskuul kale oo ilaa lix fasal ka kooban.
Su'aasha aan weli qalbigayga ka bixin waxa weeye, kolleyba haddii ficiltan iyo dhegta reerka in la ilaaliyo dugsigan loo dhisay, waa maxay sababta ay mid qurux badan oo casri ah noogu dhisi waayeen. Ilaahoow nimaan wax ogeyn ha cadaabin. Illeyn war baanan hayne, rag macaashdoon ah baa hawsha in iskuul la dhisoba abaabulkeeda lahaa. Maxaad ka filanaysaa adiguba. Rag tol ah oo maanta ka mid ah tijaarta dhexe baa dhismahani uu sabab u ahaa in ay taajiraan. Haba ka taajireene, raggaasi qabiilkii sababta u ahaa in ay qaadhaankooda ka taajiraan wax ma ku soo celiyaan? Iyana waa su'aal maankayga ku soo dhacda. Waxa aan raadiyey bal in aan dabagalo wax ay tolka u qabteen. Maxaa ii soo baxay? Ceel ay qodeen maan arag. Biyo-qabad ay dhiseen maan arag. Iskuul ay dhiseen maan arag. Beero cunto ay ka soo go'do, tolkuna uu shaqo ka helo ma ay abuurin. Wershado waxsoosaar oo shaqo-abuur noo noqda ma ay aasaasin. Bariis qaaradda Aasiya laga keeno, iyo qalabka dhismaha iyo kuraasta iyo sariiraha qaaliga ah bay soo dejiyaan. Waxabase ugu sii daran, dhar qaali ah oo shirkado caan ahi soo saaraan in ay noo keenaan. Kaaga sii daran ee, ta aanan illaawi karin waa in ay suudhadh iyo taay-yo noo keenaan.
Annaga oo iskuulkii aan dhismihiisa ka soo sheekeeyey wax ku soo barannaymacallinkii manaxa ahaa uu wax noo soo dhigay, intayada nasiibka lihi aannu uga sii gudubnay jaamacad uu isla iskuulkaasi dhalay, maalinta aannu jaamacaddaas dhammayno— waxbana ma aannaan dhammayne ay naga dhammaato— in suudhadhkii ay na sugayaan! Shaadhkii iyo surwaalkii aannu huudhaydhka ka soo iibsan jirney baannu khaatiyaan ka taagnayne, maxaa suudhna noo soo arkay! Xitaa ilaa iyo hadda garan maayo waxa aannu u dabaaldegayno oo ku farxaynno. Xaqiiqada hortayada taalley waxa ay ahayd in aannu ogayn wixii naloo dhigayey in aanay suuqa shaqada waxba ka goynayn. Ciil ma aannaan qabneen, haddii ay na soo bari lahaayeen xirfado meesha aannu ku nool nahay wax nooga jaraya. Waxase wixii hore oo dhan ka sii daran, fursaddii meel uun ka soo baxda, kuwii waxaas oo dhib ah na soo mariyey carruurtoodii— haddiiba dhulka joogaan— ama carruuraha ay qaraabada yihiin baa xaq u leh oo lagu gufaynayaa. Laga yaabee in ay jiraan ganacsadayaal xalaal-quudato ah oo bulshada waxtar u leh, aniguse ogaalkayga baan ka hadlayaa.
Waxa aan garaadsaday iyada oo la leeyahay, "sannadkan hebel baa reerka u sharraxan, aan xoogga isugu geyno in aan soo saarno!" Waan jeclaa meelaha ololuhu ka socdo ee "tolku" isugu yimaaddo in aan tago. Hilibka iyo sharaabka maalintaa la burburinayo baan ka faroqabsan jirey. Maalamhaas waxa aan sawiran jirey laba arrimood. 1) In ninkan uu tolku dhisayo marka uu xilka qabto uu tolku wada barwaaqi doono, oo hilibkaas wada cuni doono. Ugu yaraan aannu gurigiisa "marka aannu tagno" uu hilib naga dhergin doono! Waxa aan jeclaan jirey ballamaha uu samaynayo ninkan noo sharraxan marka uu ka warramayo. Mararka qaarkood waxa aan is oran jirey waxa laabtayda ku jira uu ka warramayo. Illeyn baahiyahayga ayuu ku shaqo-tegayaaba oo waaba u fursad in aan baahnaado. Arrinka dhabta ah ee aanan ogayni waxa uu ahaa, in aannu kala-qolo noqonayno marka uu kursiga isku hubsado.2) Tan labaadna waxa ay ahayd, aniga oo weynaaday oo sida ninkan oo kale uu tolku ii dhisayo. Markaa dabadeedna waxa aan ku hamiyi jirey, baahiyahaa uu ninku sheegayo sida aan wax-ka-qabadkooda u kala hormarin lahaa!
Waxa kale oo aan is wayddiin jirey, tolku miyiga buu u badan yahaye, maxaa loo waayey nin siyaasi ah oo ka hadlaya sida uu u horumarinayo nolosha dadka reer miyiga ah iyo caafimaadka xoolaha. Mar danbe baan ogaaday sababta aanay uga hadlin arrinkaasi. Waa ta koowaade, dadka reer miyiga ahi waxa ay aamminsan yihiin in lagu khasban yahay in la taageero ninka tolka ah. Sidaa daraaddeed, loomaba baahnaba in laga dhex ololeeyo. Tan labaad, siyaasigu waxa uu xoogga saaraa in uu soo jiito dadka maaglooyinka jooga. Casuumado is dabajooga buu u dhigaa. Sheekooyin afka baarkiisa aan dhaafsiisnayn buu ku dawakhiyaa. Awooddiisa oo dhan waxa uu isugu geeyaa, sidii uu marba inta hortiisa fadhida uu rabitaankiisa ugu qancin lahaa. Waxa ay jecel yihiin buu uga sheekeeyaa. Dadka kale oo dhammi in ay reerkooda cadow u yihiin buu u sawiraa. Waxyaabaha ay tebayaan buu mid-mid u dul istaagaa. Markaasaa qaar afmiinshaariin ahina ay sacabka iyo jiibta isugu daraan. Afmiinshaarkaasi waa nin danayste ah oo wadashaqayn toos ah la leh siyaasi-ku-sheegga uu hungurigu hagayo.
Muddo yar dabadeed, waxa aad arkaysaa guri dabaq ah oo dhismihiisu uu xaafaddiinii ka socdo. Marka aad usii kuurgashid cidda gurigan cusub dhisanaysa, waxa laguu sheegayaa siyaasigii ay beeshu kursiga saartay in uu gurigan leeyahay! Ma ay jirto cid is wayddiinaysa ninkii faraha madhnaa ee qolka kirada ah degganaa meesha uu ka keenay lacagta intan uu xaddigeedu leegyahay. Adiga oo sidii u yaabban, baad haddana arkaysaa laba gaadhi oo Landcruiser ah oo mid ay askari saaran tahay oo halkii uu dhismuhu ka socday taagan. Waxa aad is odhanaysaa bal "adeerkaa" — ninkii berigii dhoweyd hilibka macaan aad xafladdiisa ka soo cuntay; ninkii markii laguu sheegay in aad ina Yuusuf Aadan tahay madaxa kuu salaaxayey soo salaan. Askartii ilaalada ahayd baa qoryaha kugu soo foororinaysa. "Adeer waa ina Yuusuf Aadan, adeer waa ina Yuusuf Aadan” baad adiga oo is maqashiinaya cod dheer ku dhawaaqaysaa. Waxa aad rejaynaysaa in uu bahalahan kaa rido. Illeyn maba ogiye, waxa uu ku farax yahay sida ay dadka u cabsigelinayaan oo aanay u ogolayn in qof keli ahi uu agtiisa ka soo dhawaado. Waaba farxaddiisa, faanna waaba uu u arkaa in askar waardiyaynaysaa ay hortiisa iyo hareerihiisa socoto.
Wixii horeba waxaa igaga darnaa, markii aan ku hammiyey, nimankan ganacsatada iyo siyaasiyiinta ah ee aad tolka tihiin, haddii aad iyagii arki kari weydey, bal carruurihii ay dhaleen raadi, illeyn iyagaba tol baad tihiine. Talo waxa aan ku gaadhay, dhallintaas ilmaadeerraday ah in aannu is baranno, bal in ay iiga duwanaadaan waalidkood. Carruurtee! Illeyn nimanka carruuriba dalka uma joogto. Malaysiya, Turki, Kiiniya, Hindiya bay carruurahoodii jaamacado ugu maqan yihiin. Waxa aan ogaanayaa, in dalkan laga shaqaysanayo, cid dareen bulsho, iyo damiir aadane lihina in aanay markeeda horeba siyaasadda fursad u helayn. Siyaasaddiiba waxa ay noqotay gole dad wax boobayaa ay kala ritaan. Sow markaas kuma khasbani in aan iskaga tahriibo. Haa waan tahriibayaa. Waxa aan raadinayaa in aan cadowgan iskaga dhexbaxo. Aragoodu waa uu i dhibiyaa. Wixii aan xaqa u lahaa bay xadayaan, kolkaas bay hortayda ku xarragoonayaan. Marka ay baahidaydu sii korodhana, isla iyagii baa i tirsanaya, oo adduunka ugu baryotegaya. Qaadhaanka ay caalamka kaga helaan gaajada i haysa iyo muuqaalkayga cawlan waaba sababta ay siyaasadda u soo galeen. Marka kaalmada caalamka ay helaan, odayadii kuraasta saari jirey bay bay xoogaa fara-guud ah jeebka ugu ridaan. Illeyn waanan ogayn ee xafladdii aan berigii dhaweyd ka qaybgalay ee hilibka macaan lagu cunayey wuxuu ahaa axankaygii. Haa, axankaygii buu ahaa, maxaa yeelay, aniga iyo inta ila midka ah ee macaluusha la tiicaysa baa siyaasiyiinta Soomaalidu ay adduunka ku soo dawarsataa. Ka warrama ninkii darxumada ku haysata dunida ku soo shaxaaday, inuu wixii laguugu soo dhiibay uu dabaqyo agtaada kaga dhisto. Intaa keliya maahee, maalinta uu xilku ka sii dhammaanayo, bal ka warrama, inuu adigii oo baahi tii hore ka daran la luudaya, hadduu kugu soo noqdo, oo inta bariis iyo hilib ku siiyo uu kuula yimaaddo tol baynu nahaye, kursiga igu celiya!
"Dhallinyaradan tahriibta u baxaysa ee raaba-raabada ah maxay wax uga qaban waayeen nimankan siyaasiyiinta ahi" iyana waa su'aal madaxayaga ku soo dhacda. Maalin qudha, xitaa ma aanan arag iyaga oo ka hadlaya sidii dhallintani khataraha ay u badheedhayaan looga badbaadin lahaa. Tanaaba ka sii daran. Illeyn in dhallintu tahriibto lafteeda siyaasiga dan baa ugu jirta. Dan dhaqaale baa ugu jirta. Hay'ad dhan oo IOM la yiraahdo baa mashruucyo lagaga qaataa, dhallintaa tahriibaysa. Si lacagtaasi ay ugu socoto waxa loo baahan yahay in dhawrkii biloodba ay soo bandhigaan tirada dhallinyarada ah ee tahriibta. Tirada dhimata, inta la la'yahay iyo inta gacanta Magefeyaasha ku jirta bay ha'yaddaasi la wadaagaan. Waxa ayna hay’adda u sheegaan in ay jeclaan lahaayeen in ay wax ka qabtaan dhallintan tahriibaysa, haseyeeshee aanay u hayn dhaqaalihii hawshaas lagu fulin lahaa. Halkii baa jeeg lacageed loogu saxeexaa.
Tu' kale baaba sii dheer. Siyaasiyiintan manaxayaasha ahi, waa in ay marmarka qaarkood Liibiya soo gaadhaan, oo ay dhallinyaradii soo tahriibtay ka daba yimaaddaan. Markan waxa ay hay'adda IOM lacag kaga soo qaateen in ay dhallinyaradaa dhibaataysan dalkoodii hooyo dib ugu celinayaan. Nimankii aan ka soo tahriibay laftoodii baa Liibiya noogu yimid iyaga oo raba "in ay na badbaadiyaan!" Ma runbaa in ay na badbaadinayaan mise ba’ayaga ayayba bangiyo u furteen. Maba ay oga in araggoodu uu dhib kasta oo na haysta uu nagaga daran yahay!
Maantadaa aad arkaysaan waxa aannu saarannahay diyaarad Tripoli ka kacday. Waxa aannu u soconnaa dhulkii aan hore ugu soo dhintay. Waxa iga daba yimid oo diyaaradda khasab igu soo saaray kuwii hore ii dilay, ee axankayga cunay. Wax aan yeelo garan maayo. Waa iska xaal adduun. Laga yaabee, adiga warkan akhriyayaa in aad tahay mid xaalladdaydan oo kale soo maray ama haddaba ku sugan. Lagana yaabee, in aad tahay mid ka mid ah kuwii axankayga cunistiisa calafka ka raadin jirey!