Sunday 9 November 2025
Maqaalkan waxaa soo turjumey Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Isbeddel weyn ayaa ku imaanaya warbaahinta hal magac baana tiir dhexaad u ah: Laari Elison wadeyga Doonal Taraam. Guur aan xalaal ahayn oo ka dhan ah runta ayaa wuxuu dhexmarayaa siyaasadda, ganacsiga iyo warbaahinta. Waxaana jira walaac laga qabo in xogta qiimaha leh ee koonka ka jirtaa ay ku soo ururto gacmaha dad aad u tiro yar, laakiin haysta hanti aad xad dhaaf u ah.
Iimeylada sirta ah ee la soo dusiyey waxay muujinayaan xiriirro iyo wadashaqayn adag oo ka dhexeeya Laari Elison oo ah maalqabeenka sameeyey shirkadda Oorakal isla markaana ah ganacsade si weyn u taageera Israa’iil iyo Maarko Ruubiyo oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, kuwaas oo iska kaashanaya sida Israa’iil looga caawinayo dhinacyada siyaasadda iyo warbaahinta, oo ay ku jirto la wareegidda TikTok qaybta Maraykanka ee ByteDance. Farriimaha iimeyladu waxay tusinayaan sida Elison uu ugu hawlgalay hubinta in Ruubiyo uu daacad u yahay Israa’iil. Sidoo kale waxay tusinayaan sida Elison uu uga shaqeeyey ballaarinta baaxadda shirkadaha qoyskiisa si ay awood ugu yeeshaan u adeegidda danaha Israa’iil, iyada oo xoogga la saarayo sidii loo hanan lahaa qalabka warbaahinta ee saamaynta ku leh qaabaynta ra’yi caamka iyo wacyiga ummadaha (Warbixinta waxaa faafisay mareegta DropSite News oo cinwaan uga dhigtay “Iimeylo La Jabsaday Ayaa Shaaca Ka Qaaday in Laari Elison uu Baarid ku Sameeyey Daacadnimada uu Maarko Ruubiyo u Hayo Israa’iil”).
Wax walba waa isugu toosan yihiin Laari Elison. Maalqabeenkan ka midka ah aasaasayaasha shirkadda weyn ee tiknoolojiyadda Oorakal, oo mararka qaarkood lagu tilmaamo in uu yahay ninka ugu taajirsan adduunka, isla jeerkaana si weyn u taageera Israa’iil, ayaa lagu wadaa in uu kaalin hoggaamineed ka qaato dib-u-qaabaynta ‘Tiktok’ ee dalka Maraykanka. Inankiisa, Deefid Elison, isaguna wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu u la wareegi lahaa qaybo badan oo ka mid ah warbaahinta, oo ay ku jiraan CBS Niyuus, CNN, Warner Baraaderis, iyo Baaramoonti, waxaana la sheegayaa in uu Bari Waays oo ka tirsan wargeyska De Firii Bares uu u xilsaaray si ay u qaabayso jihada tifaftirka. Waxaana lagu hanweyn yahay in CBS iyo Bari Waays ay noqonayaan cod wanaangsan oo u hiilliya Israa’iil.

“Qoyska Elison waxay gacanta ku hayaan suuqa dareenka iyo xogta, si la mid ah sida qoyska Faanderbiiltis ay gacanta ugu hayaan tareennada, qoyska Rookfelerna saliidda,” sida ay dhawaan ku tilmaantay majallada ‘Waayrid’. Waxaana laga war dhawrayaa qaabka ay u maareeyaan kootadan madaxweyne Doonald Taraam ugu yeeray “Qasada cusub,” oo ah aagga ganacsiga xorta ah ee tiknoolojiyadda liidata (=techno-dystopian), oo ay tahay in ay maamulaan Guddiga Nabadda ee uu hoggaamiyo Tooni Baleyr, oo muddo dheer ahaa aalad Taraam iyo Elison ay siyaasadda iyo ganacsiga u adeegsadaan.

Elison wuxuu siiyey ama u ballan qaaday in uu siiyo in ka badan $350 milayn machadka Tooni Baleyr, kaas oo lacagtaas u isticmaalaya xoojinta aragtida Elison ee ku aaddan isu guurinta dowladda, awoodda shirkadaha iyo farsamada la socodka (=tech surveillance). Shirkadda Oorakal, ka dib markii la siiyey kaabayaasha xogta iyo adeegyada xisaabinta daruuraha (=cloud-computing services) shirkadaha waaweyn ee kale sida FedEx iyo NVIDIA, waxay si sharqan la’aan ah ku noqotay mid ka mid ah shirkadaha ugu awoodda badan adduunka.
Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maarka Ruubiyo maaddaama uu yahay diblomaasiga ugu sarreeya qaranka, wuxuu door ka qaatay sidii wadahadallada ‘TikTok’ loogu leexin lahaa dhanka shirkadda Elison, isaga oo horay kolkii uu ahaa senatarka ka qaybqaatay shaydaaminta Abkaan (=Tadbiiqaan); sidoo kale, wuxuu si dhaw ugu lug lahaa soo bandhigidda qorshaha Taraam ee mustaqbalka Qasa, oo gacanta loo gelinayo Baleyr. Wiilka uu soddogga u yahay Taraam ee Jared Kushner ayaa xilligii gu’ga mac’hadka Tooni Baleyr u xilsaaray in uu diyaariyo qorshe dagaalka ka dib Qasa lagu maamulo, kaas oo dhawaan la soo gabagabeeyey, sida uu qoray wargeyska “Times of Israel”.
In Ruubiyo uu qabto xilkaas sare -ee wasiirka arrimaha dibedda waxaa abaal ku leh Elison, oo ah badrooniga sida weyn u soo diyaariyey senatarkaan Kuubaan-Maraykaanka ah ee Foloriida ka soo galay. Elison markii ugu horraysay daacadnimada Ruubiyo uu Israa’iil u hayo wuxuu hubiyey sannadkii 2015-kii, sida laga ogaaday farriimo iimeyl ah oo aan horay loo arag, oo ay hubisay mareegta Drop Site. Ruubiyo markii ugu horraysay waxaa la bartay sannadkii 2010-kii, isaga oo ah xubin cusub oo ka tirsan goleha duqeyda ee taageera “Xisbiga Shaaha /Tea Part”, dabadeedna wareeggii sannadkii 2016 waxa uu bilaabay olole madaxweyne. Markii uu noqday Xoghayaha Arrimaha Dibeddana, Ruubiyo waxa uu qaaday olole aan isaga oo kale horay loo arag oo lagu cabburinayo xorriyadda hadalka, dadna lagu xirxiray, qaar kalena la isku dayey in la musaafuriyo iyada oo denbiga loo haystay uu ahaa in ay Israa’iil dhaleeceeyeen oo keliya.
Horraantii 2015-kii, Elison wuxuu iimeyl u diray Ron Borosor oo markaas ahaa danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, haddana ah danjiraha dalkaas ee Jarmalka. Xilligaas, Ruubiyo waxaa loo arkay in uu yahay nin miisaan culus ku leh tartanka loogu jiro murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga kaas oo ugu dambaynta ay iska hor imaanayaan murashaxa tabarta daran ee Doonald Taraam. Iimeyladu waxay tusiyeen in diblomaasigaas Israa’iiliga ah iyo Elison ay ku heshiiyeen in ay labadoodu kulmaan, iyada oo kulankaas uu Borosor wayddiiyey Elison fekraddiisa ku aaddan suurtagalnimada in Ruubiyo uu noqon karo murashax madaxweyne oo haddii uu guulaysto danaha Israa’iil difaaci doona.
26-kii Abrili 2015, Borosor wuxuu Elison u diray iimeyl cinwaankiisu ahaa “Khudbadda Ruubiyo /Rubio speech,” isaga oo aasaasaha Oorakal iyo CTO wayddiisanaya in uu u soo diro nuqul ka mid ah khudbadda murashaxii xilligaas. (Iimeylku ma caddayn khudbadda laga hadlayo waxa ay tahay, laakiin Ruubiyo ololihiisa wuxuu bilaabay toddobaad ka hor marka iimeylka la isu dirayo, isaga oo jeediyey khudbad uu ku dhaleeceeyey maamulka Obaama oo uu cinwaan uga dhigay “cadaawadda Israa’iil /hostility to Israel.”)

Maalintii xigtay, labada nin waxay isdhaafsadeen farriimo cinwaan looga dhigay ‘Casho,’ oo tusinaya in Borosor iyo Elison ay wada casheeyeen, iyo in Elison uu dhawaan la kulmi doono Ruubiyo. Elison wuxuu yiri: “Sidoo kale aniguna waqti fiican baan kula qaatay Ron. Waxaan u hanqaltaagayaa marka xigta,” wuxuuna ku daray: “FG: Waan kula socodsiin doonaa sida ay noqoto cashada Senator Ruubiyo.”

30-kii isla bishii Abriil, Borosor dhanbaal dabagal ah ayuu u diray Elison, isaga oo la wadaagay taleefan nambarkiisa mar kalena uga mahadnaqay caweysinkii ay wada qaateen, wuxuuna ku yiri: “Sidee buu ahaa waraysigii aad la yeelatay Maariyo Ruubiyo? Imtixaankaagii shaki baxa ma ku guulaystay? Kansho ma u heshay in aad arrimaha Israa’iil ku soo hadal qaaddo? War baan u hamuun qabaa.”

Saacado kooban ka dib, waxaa soo jawaabay Elison oo yiri: “Salaan Ron. Kulan heer sare ah baan la yeeshay Maarko Ruubiyo. Waxaan u qabanqaabiyey kulan uu la yeelanayo Tooni Baleyr,” isaga oo sii raaciyey “Maarko wuxuu noqon doonaa saaxiib weyn oo Israa’iil ay leedahay.”

Bil ka dib, Elison oo taageerayey Miit Romni, 2012, kulan lacag uruurin ah oo uu ku qabtay qasrigiisa Woodsayd ee Kalifoorniya, wuxuu ku casuumay Ruubiyo. Kulankaasi wuxuu ahaa bilowga taageero ballaaran oo bilyaneerka tiknooloojiyadu uu ku bixiyey xoojinta ololaha Ruubiyo. Intii lagu jirey wejigii hore ee doorashada 2015-2016, Elison shan malyan oo doollar buu siiyey guddiga hawsha siyaasidda ee madaxa bannaan ee muxaafidka ah (= the Conservative Solutions super PAC) oo taageerayey Ruubiyo, kaas oo sidii uu Elison uurka ka jeclaa u difaacay Israa’iil dhammaan muddadii ololaha doorashadu uu socday iyo xitaa ka dib.
Taageeradii Elison uu siinayey Ruubiyo waxay ka yaabisay qaar ka mid ah indha-indheeyayaashii siyaasadda ee waqtigaas. Waxayna iswayddiinayeen sababta gadaal ka riixaysa danaynta xad-dhaafka ah ee Elison uu u hayo Maarko Ruubiyo? Waxayse isku qanciyeen in sababtu ay tahay mid la xiriirta dedaalladii uu Ruubiyo horay ugu bixiyey dib-u-habaynta socdaalka, oo ah arrin muhiim u ah hoggaamiyeyaasha Silikon Faali sida Elison. Falaanqeeyaashaas badankoodu xisaabta kuma ay darsan in Ruubiyo uu ahaa nin loo carbinayey sidii uu ku noqon lahaa siyaasi mar walba u darban danaha Israa’iil (Xogta ku saabsan xiriirka u dhexeeya diblomaasiga Israa’iiliga ah iyo Elison waxay qayb ka tahay kaydka iimeylada ay sii daayeen Xandala (=Handala), oo ah koox xogaha internetka jabsata oo looga shakinsan yahay in ay xiriir la leeyihiin wasaaradda sirdoonka ee Iiraan. Dabadeed, dukumiintigan waxaa helay ururka ‘Distributed Denial of Secrets,’ oo ah mareeg aan faa’iido doon ahayn oo faafisa siraha iyo xogaha la qariyo. Dukumiintiyadanna inkasta oo aan aad loo faafin, dad badanna lala wadaagin si loo hubiyo dhabnimadooda, haddana waxay wataan boqollaal sawirro ah iyo dukumiintiyo kale oo taageeraya oo ku saabsan diblomaasigan Ron Borosor iyo dadka ay xiriirka leeyihiin, oo ay ku jiraan xogo aan la faafin, laakiin dhabnimadooda ay xaqiijisay ‘Drop Site’. Sidoo kale, kooxdan Xandala waxaa laga helay xogo ku saabsan Ehud Baraak iyo weliba Jefri Ebistiin).
Xidhiidhada Oorakal iyo Mac’hadka Tooni Baleyr ‘TBI’ kuma koobna farriimo la isdhaafsado oo keliya; laakiin markii la soo gaaray sannadkii 2023-kii waxay lahaayeen kulammo joogto ah; oo xarunta mac’hadka oo ku taal ‘one Bartholomew Place’ ee magaalada Landhan, kooxuhu si joogto ah bay dabaqiisa hoose ugu kulmi jireen iyaga oo ay weheliyaan madaxda sare ee Oorakal… madaxda sare ee TBI waxaa lagu martigeliyey xarunta Oorakal ee Ostan ee gobolka Teksas, iyada oo isku dubbaridka hawlaha uu ka qaybqaadanayey mid ka mid ah shaqaalaha TBI oo doorkiisu uu yahay “ballaarinta aagagga iskaashiga iyo maaraynta” hawlaha lala wadaago Oorakal. Shaqaalihii hore waxay xasuustaan in ay jireen meelo qarsoodi ah oo ay ku baashaalan shaqaaluhu [xilliyada kullamada] oo ku yaalley guryaha Elison uu ku leeyahay Maraykanka.
Qof ka mid ah shaqaalihii hore ee TBI ayaa wuxuu yiri: “Way adag tahay in si buuxda loo ogaado qotodheerida xiriirka labada hay’adood ka dhexeeya. Shirarkoodu waxay u muuqan jireen sidii in ay yihiin hal hay’ad oo qura.” Markii ay xoogaysatay wada shaqaynta labada hay’adood ee TBI iyo Oorakal, shaqaaluhu waxay sheegeen in ay arkeen shaqaalaha Oorakal oo dhex maquuranaya jadwalka shaqaalaha TBI, isla markaana qabanaya kulammo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan hawlaha mac’hadku uu ku wado waddamada kala duwan iyo fursadaha ay ka dhex heli karaan, sida uu xusuusto mid ka mid ah shaqaalihii hore ee TBI. Muddo gaaban ka dibna shaqaalaha labada hey’adood waxay bilaabeen in ay yeeshaan wicitaanno wadajir ah oo si joogto ah xogaha la isugu weydaarsanayo.
Si kale haddii loo dhigo, haddii uu sii jiro xiriirkani, Elison iyo Oorakal waxay u taagan yihiin in ay hormuud ka noqdaan dib-u-dhiska Qasa. Umana baahnin in aan male’awaalno nooca ay tahay bulshada uu ku hamminayo Elison in uu ka aasaaso Qasa. Wada sheekaysi xagga taleefanka ah oo uu sannadkii hore la yeeshay maalgashadayaal, Elison wuxuu ugu sheegay: “Waa lagama-maarmaan in dadka wadar ahaan isha loogu hayo, arrinkaas oo muwaadiniinta ku haynaya in ay “sida ugu wanaagsan u dhaqmaan.” Wuxuu ku daray “Waxaa jiri doona kormeer. Sarkaal kasta oo boolis ah si joogto ah baa loo kormeeri doonaa, haddii dhib dhacana garaadka macmalka ah [=IA] ayaa ogaan doona, oo la socodsiin doona cidda ay khusayso. Muwaadiniintu waxay yeelan doonaan hab-dhaqanka ugu fiican, waayo wax walba oo dhaca si joogto ah baan u diiwaan gelinaynaa, ulana soconaynaa.”
Bilihii uu dambeeyey ee ay isla oggolaadeen in Ruubiyo uu ku fiican yahay difaacidda Israa’iil, xogaha kale ee la soo dusiyey waxay tilmaamayaan in Elison iyo Borosor ay sii wateen isdhaafsiga iimeylo goos-goos ah; kuwaas oo kan dambe uu si weyn Elison ugu cawday caddaalad darro uu sheegay in Israa’iil ay kala kulmayso Qaramada Midoobay. Bishii Juun ee sannadkaas, Borosor wuxuu Elison u diray farriin uu ku sheegay in uu “Qaramada Midoobay gudaheeda la dhex ruclaynayo dhuumaha dabka lagu demiyo… Xataa marka loo eego macaayiirta Qaramada Midoobay waxa ay rabaan in ay Israa’iil ku sameeyaan waa wax laga xumaado!!” Xilligaas, danjiruhu wuxuu waday dedaal diblomaasiyadeed oo lagu beeninayo warbixin ka soo baxday Goleha Xuquuqu Insaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo lagu sheegay in Israa’iil ay geysatay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka intii uu socday dagaalkii 2014-kii ee ay Israa’iil ku qaadday Qasa, markaas oo askarta Israa’iil iyo diyaaradaheeda dagaalku ay dileen in ka badan 1,000 ruux oo ah Falastiini rayid ah, ayna ku dhaawaceen in ka badan 11,000. Borosor Qaramada Midoobay wuxuu ku eedeeyey in ay “la hayste u tahay ururro argagixiso ah.”
Bishii Sibteembar 2015-kii, dhammaadkii muddo xileedkiisii Qaramada Midoobay, Borosor wuxuu iimeyl kula xiriiray Elison, wuxuuna uga warbixiyey dedaal lagu doonayo in looga hortago in calanka Falastiin laga taago Goleha Guud ee soo socda. Wuxuuna ku yiri: “Maanta waxaan jeediyey khudbadaydii ugu dambaysay ee Goleha Guud oo ku saabsanayd calanka Falastiinida, calankooda way saari doonaan, Qaramada Midoobayna calan cad bay taagaysaa, dhammaantoodna waxay isu dhiibiyaan damaca iyo hawada waalan ee Falastiinida.” Borosor wuxuu soo jeediyey in ay xiriirkooda sii wadaan si ay isaga kaashadaan taageerada Israa’iil, waxaanu qoray: “Israa’iil baan ku laabanayaa, waxaanna jeclahay in aan kaala sheekaysto fekrado la xiriira arrimihii aan kaga sheekaysannay kulankeennii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa rabitaankaaga in aad kordhiso ka qaybgalkaaga ummuuraha Israa’iil.” Kaydka iimeylada sirta ah ee la helay waxa uu daboolayaa muddadii u dhaxaysay 2010-2016, oo ku beegan ka hor intii uusan Taraam xilka la wareegin. Elison, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo safaaradda Israa’iil ee Jarmalka midkoodna jawaab kama bixin xogtaan sirta ah.
Elison maalinna kama uusan labalabayn in uu si lixaad leh u taageero Israa’iil. Marka laga yimaado doorkiisa sii kordhaya ee dullaalnimada siyaasadeed, Elison oo sannadkan muddo gaaban noqday ninka adduunka ugu taajirsan ka dib kolkii ay kor u kaceen qiimaha saamiyada shirkadda Oorakal, sannadkii 2014-kii munaasabad lacag ururin ahayd oo ay ka soo qayb-galeen bilyaneerrada kale ee taageera Israa’iil wuxuu ka yiri: “ma jirto sharaf ka weyn” taageeridda milatariga Israa’iil”. Sannadkii 2017-kiina urur lagu magacaabo ‘Saaxiibbada Ciidanka Difaaca Israa’iil’ ayuu wuxuu ugu deeqay 16.6 milyan oo doollar, taas oo ahayd deeqdii ugu weynayd ee abid ay hal mar hal qolo siisay, waxaa kaloo lagu yaqaan in uu ka mid yahay dadka ku dhaw Ra’iisu Wasaaraha Israa’iil ee Binyamiin Netanyahu oo uu ku martigeliyey jasiiradda uu sida gaarka ah ugu leeyahay Haawaay.
Marka laga soo tago mawqifka qof ahaaneed ee Elison, waxaa jirta warbixin uu faafiyey ururka ‘Responsible Statecraft’ oo ka duulaysa xirmo iimeyllo ah oo uu lahaa Ra’iisu Wasaarihii hore ee Israa’iil Ehud Baraak oo loo dusiyey saxaafadda, kuwaas oo tusinaya in madax sare oo kale oo ka tirsan shirkadda Oorakal ay isaga kula heshiiyeen ulajeeddo ah in ra’yi caamka dadka Maraykanka loo qaabeeyo si waafaqsan danaha Israa’iil. Dabshidkii 2015-kii Saafra Kaatis oo ahayd Maareeyaha Guud ee Oorakal dhambaal ay u dirtay ‘Ehud Baraak,’ waxay ugu sharraxday dedaalkeedka gaarka ah ee ku aaddan u qaabaynta ra’yi caamka Maraykanka ee maslaxada Israa’iil, waxayna ku dhiirrigelisay in uu taageero barnaamij taleefishin oo waaqici ah oo cinwaankiisu yahay ‘Haweenka Ciidanka Difaaca Israa’iil’, oo hadafkiisu yahay in lagu qurxiyo sawirka laga haysto ciidanka Israa’iil, waxayna soo jeedisay baahida loo qabo in la xoojiyo dareenka taageersan Israa’iil ee ku jira dhaqankii hore ee Maraykanka, si looga gaashaanto kor u kaca dhaqdhaqaaqyada qaaddacaadda, maalgelin kala noqoshada iyo cunaqabataynta (BDS Movement = Boycott, Divestment and Sanctions).
Kaatis, waxa ay Baraak ku tiri: “Dhammaanteen waxaan ka naxnay kobaca dhaqdhaqaaqa BDS ee ka socda xarumaha kulliyadaha, waxaanna go’aan ku gaarnay in aan dagaal ku qaadno xataa ka hor inta aan carruurtu jaamacad gaarin. Taasi waxay la macne tahay in dadka Maraykanka farriinta lagu gaarsiiyo qaab ay liqi karaan,” iyada oo ku sii dartay: “Waxaan rumaysan nahay in ay lama-huraan tahay in jacaylka iyo ixtiraamka Israa’iil lagu tolo dhaqanka Maraykanka.”
Isaga oo uu weheliyo wiilkiisa Deefid, Elison waxaa lagu wadaa in ay ballaarato awooddiisa warbaahineed sanooyinka soo socda. Waxaana laga yaabaa in la wareegidda uu TikTok kula wareegayo balaayiinta doollar ay noqoto isku daygii ugu saamaynta cuslaa ee dib-u-qaabaynta jawiga warbaahinta wixii ka dambeeyey dhacdadii Oktoobar 7-da. Iyada oo heshiiska qayb ka ah, Oorakal waxay dib u eegid ku samayn doontaa dhammaan algoritimka uu ka kooban yahay ee ahmiyadda weyn u leh TikTok-ga, taas oo dib loo tababari doono, oo looga shaqayn doono Maraykanka gudihiisa meel ka baxsan faragelinta ByteDance (oo ah tan iska leh ‘TikTok’), sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Kaarooliin Leefit.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka iyo xasuuqa Marinka Qasa, saraakiisha taageersan Israa’iil ee Maraykanku waxay xoogga saareen TikTok iyaga oo ku eedaynaya in uu yahay qodobka koowaad ee keenaya hoos u dhaca degdegga ah ee ku yimid taageerada dhallinyarada Maraykanku ay u hayaan Israa’iil. Qanaacadaas waxaa sidoo kale ku celceliyey mas’uuliyiinta Israa’iil, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqayaasha saamaynta leh ee u ololeeya Israa’iil sida madaxa Ururka La Dagaallanka Sumcad-dilista Jonotan Giriinbalaat, kaas oo dhegaysi lagula yeeshay Baarlamaanka Israa’iil goor hore oo sannadkan ah ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay “qabsashada” Abkan (=the importance of ‘capturing’ the app).
Lingixaan ka akhri xiriirka shaydaaminta ee la dhexdhigay dhallinyarada Maraykanka iyo TikTok.
Netaniyahu qudhiisa ayaa si cad uga hadlay muhiimadda ay leedahay in Israa’iil iyo taageerayaasheedu ay gacanta ku dhigaan manbarkan xog-baahineed, oo ah hadiyad uu Elison hadda u muuqdo in uu diyaar u yahay in uu isaga siiyo. Bishii Sibteembar ee sannadkan, Netaniyahu koox ka mid ah taageerayaasha Israa’iil oo kulan ku yeeshay Qunsuliyadda Guud ee Israa’iil ay ku leedahay magaalada Niyuu Yook, wuxuu u sheegay:
“Markii muddo la joogaba hubku wuu isbeddelaa… Kuwa hadda jirana waxaa ugu muhiinsan warbaahinta bulshada… Iibsiga ugu muhiimsan ee haddadaan socdaana waa [ …] TikTok. TikTok ayaa lambarka koowaad ah. Waxaana rajaynayaa in lagu heshiiyo sababta oo ah wuxuu yeelan karaa cawaaqib. Kan labaadna muxuu noqonayaa? X. Waa in aan la hadalno Elon, maxaa yeelay cadow ma aha, ee waa saaxiib. Waa in aan isaga la hadalnaa. Hadda, haddii aan heli karno labadaas walxaad, wax badan ayaan helaynaa… Waa in aan halgannaa, oo aan jiheynaa dadka Yuhuudda ah, oo aan jiheynaa saaxiibbadayada aan Yuhuudda ahayn.”
Halkan ka daawo: