Wednesday 12 August 2026
Sida aan maalmihii u dambeeyay la soconnay waxa jiray hadalhayn xoog leh oo ku saabsan Xarunta Sifeynta Dhiigga ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa (HGH). Cabasho badan iyo hadalcelinno ka yimid bukaannada iyo saraakiisha caafimaadka ayaa aad u haystay warbaahinta, heer uu Madaxweyneha Somaliland ku jarmaaday Cusbitaalka Guud si uu u duljoogsado xaaladda dhabta ah una diro farriimaha, hoggaamiye ahaan, la gudboon. Hoggaannada mucaaridka iyo xubno goleyaasha ka tirsan ayaa, iyaguna, wadaantooda darsatay xaaladdan. Dhaliilaha jira ee cabashooyinka keenay iyo waxii dheeraad ku ahba waa laga war iyo weedhba qaatay, ha se ahaato e, hadda oo ay xaaladdu deggan tahay waxa aan isleeyahay waa muhiim in aan si deggan isu xusuusinno tibaaxo ku saabsan adeegga sifeynta dhiigga Hargeysa; sidii uu ku yimid iyo baahiyaha ku gedaaman.
Xarunta Sifeynta Dhiigga ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa (HGH Hemodialysis Center), si kaste oo ay baahiyo badan u qabto, haddana waxa ay ka mid tahay adeegyada ugu muhiimsan ee caafimaadka Somaliland uguna xasaasisan dhanka baahida loo qabo iyo joogteynta adeeggeeda. Waxa ay si joogto ah ugu adeegtaa bukaanno dhawr boqol ah waxana ay si degdeg ah badbaadisaa bukaanno badan oo ay la soo darsaan xaalado gaar ah oo qasba in dhiig sifeyn degdeg ah loo sameeyo.
Hirgalinta Xarunta Sifeynta Dhiigga ee Cusbitaalka Guud waxa ay ku timid aragti hilaadin sare lahayd oo ay mudan yihiin in lagu xuso Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Wasiirkiisii Maaliyadda, Maxamed Xaashi Cilmi. Labadoodaba Ilaahay ha u naxariisto. Waxa ay hindiseen in 2012-kii laga furo Hargeysa xaruntii ugu horreysay dhulka Soomaalida ee dhiigga u sifeysa dadka ay kelyuhu hawlgabeen waxana waqtigaa lagu bilaabay 2 mishiin, iyada oo laga qaybgaliyay ganacsatada iyo waxgaradka bulshada.
Waxii ka horreeyay 2012, nasiibdarro, qof kaste oo ay Kelyuhu u hawlgabaan si kama-dambeys ah (End-stage RF) oo dhulka Soomaalida joogaa waxa uu ku qornaa in uu ku dhinto maalmo ilaa toddobaadyo kooban gudahood, haddii aanu helin maareyn daweyneed oo iyaduna bilo kooban ku dari karta inta uu qofku sii noolaan karo. Sidaa awgeed, dadku aad uma aqoonin qof ay kelyuhu hawlgabeen oo dalka jooga. Waxa ka sii ayaanxumayd dhimashada dadka ay kelyuhu u hawlgabaan si kedis ah oo kumeel-gaadh ah (AKI) oo in badan oo ka mid ahi ay, keliya, u baahan yihiin in marar kooban dhiigga loo sifeeyo oo lagu simo inta ay kelyuhu dib u hawlgalayaan.
Adeeggan maanta waxa la gaadhsiiyay dhawr iyo labaatan mishiin oo inta u badan yaalla Hargeysa, Burco iyo Booramana tiro kooban ayaa taalla. Waxa kale oo soo kordhay xarumo gaar loo leeyahay oo adeeggaas u qabta ciddii dhaqaale ahaan awoodda. Muddadaas, waxa uu adeegga sifeynta kelyuhu suuragaliyay in la badbaadiyo dad badan oo hore u dhiman jiray oo ay ku jiraan kuwo ay kelyahoodu u hawlgabeen sida kediska ah ee soo kaban kara, haddii ay intaas helaan adeegga sifeynta dhiigga.
In ay jiraan maanta dad badan oo bulshada ku dhex nool oo leh ururro aan dhegeysanno waxa u sabab ah Xarunta Sifeynta Dhiigga ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxana mudan in aan arrintaas ku xusno dadkii shaqadaas qabtay iyo kuwa weli ka shaqeeya, si gaar ah kuwii hindisay oo aan ku xusaynno Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Muj. Maxamed Xaashi Cilmi.
Hadda maxaa aan u baahan nahay? Adeeg in la soo kordhiyaa waxa ay soo kordhisaa baahidiisa (Supply vs demand). Mishiinnada sifeynta dhiigguna waxa ay soo kordhiyaan baahi labo jibbaaran; barashada adeegga oo baahi dheeri ah soo jiidda iyo dheereynta nolosha qofka ay kelyuhu hawlgabeen oo muddo dheer ku noolaan kara mishiinka sidaasna joogto ku noqoto baahidoodu. Waxa, haddaba, loo baahan yahay in la baahiyo xarumaha sifeynta dhiigga ee dalka, iyada oo laga fikirayo sameynta xarumo cusub oo Hargeysa iyo gobolladaba ka shaqeeya. Waxa arrintaas looga faa’iideysan karaa ballanqaadka Madaxweyneha ee kordhinta mishiinmada iyo yabooha ay xisbiyada mucaaradku sheegeen, iyo ganacsatada oo fursaddan looga faa’iideysan karo in ay ka qaybqaataan, si culeyska looga yareeyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Dhanka kale, waa in lagu dhiirrigaliyo cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada xaaladaha culus in ay yeeshaan ugu yaraan hal mishiin oo u adeega bukaannada xarumahooda ku jira ee degdegga ugu baahda ama marar kooban u baahda in loo sameeyo. Waa adeeg ka maqan cusbitaallada gaarka loo leeyahay waxana ay Cusbitaalka Guud ku noqdaan gudbinno kedis ah oo laga maarsan karayay, bukaanno badanna ku ah kadeed, halka ay culeys ku noqdaan bukaannada rigliga ku ah Xarunta Cusbitaalka Guud (routine dialysis).
Waxa kale oo lamahuraan ah in aan, qaran ahaan, ka fikirno maareynta rasmiga ah ee dadka ay kelyuhu hawlgabeen. Waa beerista kelyaha. Dad innaga mid ah ayaa meelo fogfog u taga in kelli loo beero waxana ay ka maraan hawl aad u dheer iyo hannaan aan fududeyn dhaqaale ahaan iyo loojisti ahaanba. Waxa aan sii dejin karnaa qorshe dalka gudihiisa lagaga hirgalinayo xarun beerista xubnaha ah, gaar ahaan kelyaha oo ka fudud xubno beerisaha kale, innaga oo ku bilaabaynna soo dhoofsiga qalabka iyo khibradda oo aan ugu dambeyn deegaameyn karno. Tallaabadaasi, haddii ay guuleysato, waxa ay suuragalin doontaa in dad badani ay ka maarmaan ku-tiirsanaanta mishiinka kuna noqdaan nolol dabiici ah waxana ay dhimi doontaa culeyska xarumaha sifeynta dhiigga.
Adeegyo badan oo ay dadkeenu dibedaha u aadaan ayaa aan isku tashi iyo qaadhaan-wadaag ummadeed ku bilaabi karnaa, sidii lagu bilaabay Xarunta Sifeynta Dhiigga ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ka dibna aan hadhaw isku canaananno kordhinta iyo horumarinta tayadeeda iyo baaxaddeeda. Waxa ka mid ah adeegyada aan aadka ugu baahan nahay oo aan si kaashi ah ku abuuri karno bilowga xarumaha wadnaha iyo daaweynta Kansarka si dalka gudihiisa loogu helo adeeggooda oo bilaash ah ama ugu yaraan la wada awoodi karo, innaga oo tusaale ka dhiganayna sidii lagu hirgaliyay adeeggan sifeynta dhiigga.