Skip to main content

Tuesday 6 October 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Adeeg-xumada Caafimaadka Somaliland iyo Cilladaha Nidaamka

17 September, 2026
Image
afar ta xeer ee ka shaqeeya excutive socdaalka, kastamka, ilaalinta deegaanka
Share

Caafimaadku kuma koobna helitaanka dhakhtar, cisbitaal ama dawo; waa nidaam isku xidhan oo qofku ka filayo adeeg la heli karo, la awoodi karo, tayo leh oo ammaan ah. Marka qaybaha nidaamkaasi si wanaagsan isuguma xidhna, saamayntu kuma eka bukaanka iyo qoyskiisa oo keliya, balse waxay taabanaysaa dhaqaalaha qoysaska, sinnaanta bulshada iyo awoodda hay’adaha dawladda ee ilaalinta caafimaadka dadweynaha.

Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay ballaadhisay adeegyada caafimaadka, iyada oo la sameeyey xarumo cusub, lana dejiyey siyaasado iyo qorshayaal lagu horumarinayo daryeelka caafimaadka. Adeegyadaas waxa bixiya xarumaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Hase yeeshee, jiritaanka xarumo, shaqaale iyo qalab keliya ma caddaynayo in nidaamku si wanaagsan u shaqaynayo. Waxa muhiimka ahi waa waxa dhacaya marka muwaadinku xanuunsado: adeegga ma heli karaa waqtigii uu u baahnaa, kharashkiisana ma awoodi karaa, haddii xaaladdiisu ka sarreyso awoodda xaruntiisana ma jiraa nidaam si habaysan ugu gudbiya meel kale?

Marka bukaanku tago xarun caafimaad oo aan lahayn shaqaale ku filan, dawo joogto ah, qalab shaqaynaya ama nidaam gudbin oo habaysan, dhibaatadu kuma koobna xaruntaas oo keliya; waxay muujinaysaa cillad ka jirta isku xidhka nidaamka caafimaadka. Sidaas darteed, tayada nidaamka laguma qiimayn karo tirada cisbitaallada la dhisay, qalabka la keenay ama shaqaalaha la kordhiyey oo keliya. Arrimahaasi waa muhiim, balse qiimahoodu wuxuu muuqdaa marka ay isu beddelaan adeeg joogto ah oo bukaanku heli karo, laguna kalsoonaan karo. Cisbitaal leh dhisme wanaagsan laakiin aan haysan shaqaale, dawo, shaybaadh la isku hallayn karo iyo nidaam gudbin oo shaqaynaya weli ma bixin karo adeeg caafimaad oo dhammaystiran.

Daraasad lagu daabacay BMC Health Services Research 23 May 2025 ayaa qiimaysay awoodda toddoba cisbitaal oo ku yaalla Togdheer iyo Maroodi Jeex, gaar ahaan ka hortagga iyo maaraynta cudurrada aan faafin. Inkasta oo la daabacay 2025, xogta daraasadda waxa la ururiyey intii u dhexaysay Nofeembar 2021 iyo Jannaayo 2022.

Natiijooyinku waxay muujiyeen yaraanta shaqaalaha muhiimka ah iyo xirfadlayaasha takhasuska leh. Qalabka aasaasiga ahi guud ahaan wuu jiray, balse adeegyada baadhista horumarsan way xaddidnaayeen; meelaha qaarkoodna qalabku ma shaqaynayn ama ma jirin shaqaale leh xirfadda loo baahan yahay si ay u adeegsadaan. Tani waxay muujinaysaa in helitaanka qalab keliya aanu ku filnayn awoodda adeegga, haddii aanay la socon shaqaale tababaran iyo nidaam joogto ah oo dayactir iyo adeeg-bixin ah.

Shaqaalaha iyo farqiga magaalo–miyi

Tirada shaqaalaha caafimaadku keligeed ma muujinayso awoodda nidaamka; waxa la mid ah muhiimadda halka ay shaqaaluhu joogaan, takhasusyada ay leeyihiin iyo sida qaybintoodu ula jaanqaaddo baahida bulshada.

Daraasadda Ojo et al. waxay muujisay farqi weyn oo u dhexeeya xarumaha magaalooyinka iyo kuwa miyiga. Toddobadii cisbitaal ee la qiimeeyey, xarumaha magaalooyinka waxa celcelis ahaan joogay dhakhaatiir in ka badan afar jeer tirada laga helay xarumaha miyiga. Sidoo kale, xarumaha gudbintu waxay lahaayeen dhakhaatiir ku dhowaad saddex jeer ka badan kuwa xarumaha guud. Farqi la mid ah ayaa laga arkay kalkaaliyeyaasha.

Kala duwanaanshahan wuxuu si gaar ah u saameeyaa dadka ku nool meelaha adeeggu ku yar yahay. Marka xirfadlayaasha caafimaadku ku ururaan magaalooyinka waaweyn, helitaanka adeegga iyo takhasusku wuxuu sii adkaanayaa miyiga. Sidaas darteed, qorshaynta shaqaalaha caafimaadku waa inay ku salaysnaataa baahida dadka iyo goobaha adeeggu ku yar yahay, iyadoo la tixgelinayo culayska cudurrada, takhasusyada loo baahan yahay iyo awoodda shaqaalaha loogu hayn karo deegaannadaas.

Nidaamka caafimaadka Somaliland wuxuu leeyahay heerar adeeg oo kala duwan, laga bilaabo daryeelka aasaasiga ah ilaa xarumaha gudbinta. Qaabkan waxa loogu talagalay in adeegyada aasaasiga ahi bulshada u dhowaadaan, bukaankana loo gudbiyo heer sare marka xaaladdiisu u baahan tahay. Hase yeeshee, jiritaanka qaab-dhismeedkani keligii ma dammaanad qaadayo in adeegga si siman loo heli karo.

Farqiga u dhexeeya magaalooyinka waaweyn iyo miyigu wuxuu si toos ah uga muuqan karaa helitaanka shaqaale, adeegyo takhasus leh iyo awoodda bukaanku ku gaadhi karo xarun caafimaad. Masaafada dheer iyo kharashka gaadiidku waxay qofka miyiga ku nool u noqon karaan caqabad la mid ah adeegga oo aan jirin, gaar ahaan marka xaaladdu u baahan tahay daryeel degdeg ah ama takhasus gaar ah.

Sidaas darteed, sinnaanta adeegga caafimaadku kuma xidhna oo keliya inta xarumood ee dalka ka jira, balse sidoo kale halka ay ku yaallaan, shaqaalaha iyo adeegyada ay hayaan, iyo sida bukaanku u gaadhi karo. Marka awoodda caafimaadku ku ururto magaalooyinka waaweyn, goobta uu qofku ku nool yahay ayaa qayb ka noqonaysa fursadda uu u leeyahay daryeel caafimaad.

Daryeelka aasaasiga ah iyo nidaamka gudbinta

Farqigaas waxa yarayn kara daryeel aasaasi ah oo xooggan. Adeegyada tallaalka, daryeelka hooyada iyo ilmaha, nafaqada, ogaanshaha hore ee cudurrada iyo daaweynta xaaladaha caadiga ahi waxay bukaanka u dhoweynayaan daryeelka, isla markaana yareeyaan culayska aan loo baahnayn ee ku dhacaya cisbitaallada waaweyn.

Laakiin daryeelka aasaasiga ahi si buuxda uma shaqayn karo haddii aanu jirin nidaam gudbin oo isku xidha heerarka kala duwan ee adeegga. Marka xaaladda bukaanku ka sarreyso awoodda xarunta uu joogo, waa in si habaysan loogu gudbiyaa xarun awood u leh daryeelkiisa, xogtiisana lala sii gudbiyaa.

Daraasadda Ojo et al. waxay tilmaantay in nidaamyada gudbinta iyo tilmaamaha daaweyntu u baahan yihiin cusboonaysiin. Marka bukaanku isaga laftiisu ku khasbanaado inuu raadiyo xarunta laga yaabo inay adeegga hayso, waxa daciifaya shaqadii nidaamka gudbinta, culayskiina wuxuu ku dhacayaa bukaanka iyo qoyskiisa.

Awoodda adeegga: Qalab, dawo iyo cudurrada aan faafin

Sidoo kale, jiritaanka qalab ama dawo xarun caafimaad yaalla keligii ma muujinayo awoodda adeegga. Qalabku waa inuu shaqaynayaa, shaqaale tababaranina waa inay awoodaan inay isticmaalaan, iyadoo ay jiraan dayactir iyo sahay joogto ahi.

Toddobadii cisbitaal ee daraasadda Ojo et al. lagu qiimeeyey waxay guud ahaan haysteen qalabkii aasaasiga ahaa, balse qalabka baadhista horumarsan wuu xaddidnaa. Qaar ka mid ah meelihii qalabkaasi yaallayna ma shaqaynayn ama waxa yaraa shaqaalaha aqoonta u lahaa isticmaalka. Sidoo kale, qaar kamid ah dawooyinka cudurrada aan faafin way jireen, halka dawooyinka heerarka dambe iyo adeegyada takhasuska ahi ay ka xaddidnaayeen.

Tani waxay muujinaysaa in qorshaynta qalabka caafimaadku aanay ku ekaan karin iibsi iyo rakibid. Waa in isla qorshaha lagu daraa tababarka shaqaalaha, dayactirka, helitaanka sahayda iyo hubinta in qalabku si joogto ah ugu shaqayn karo bukaanka loogu talagalay.

Baahida caafimaad ee Somaliland kuma koobna cudurrada faafa iyo adeegyada hooyada iyo ilmaha. Cudurrada aan faafin sida dhiigkarka, macaanka, cudurrada wadnaha iyo kansarku waxay u baahan yihiin dabagal joogto ah, baadhis iyo dawo muddo dheer la heli karo, taas oo culays kale saaraysa nidaamka caafimaadka.

Daraasadda Ojo et al. waxay sheegtay in toddobadii cisbitaal ee la qiimeeyey aanay buuxin heerarka WHO ee shaqaalaha, qalabka iyo dawooyinka looga baahan yahay maaraynta wax-ku-oolka ah ee cudurrada aan faafin. Natiijadani kuma filna in xaaladda toddobadaas cisbitaal lagu metelo dhammaan Somaliland, maadaama daraasaddu ku koobnayd xarumo ku yaalla Togdheer iyo Maroodi Jeex. Hase yeeshee, waxay muujinaysaa daldaloolo u baahan in lagu xisaabtamo marka la qorshaynayo awoodda nidaamka ee maaraynta cudurradan.

Maalgelinta iyo xogta caafimaadka

Tayada adeegga caafimaadku waxay ku xidhan tahay maalgelin ku filan oo joogto ah, laakiin lacagta la geliyo nidaamka keligeed ma dammaanad qaaddo natiijo wanaagsan. Waxa la mid ah muhiimadda halka khayraadka lagu bixiyo, adeegyada mudnaanta la siinayo iyo sida loo cabbirayo natiijada ka dhalata.

Bukaanka aan awoodin kharashka baadhista ama dawadu wuxuu dib u dhigi karaa daryeelka ilaa xaaladdiisu ka sii adkaato. Sidaas darteed, maalgelinta caafimaadku waxay taabanaysaa laba arrimood oo isku xidhan: awoodda nidaamku u leeyahay inuu bixiyo adeegga iyo awoodda bukaanku u leeyahay inuu helo.

Arrimahan ayaa ka mid ahaa mawduucyadii Somaliland National Health Financing Conference 2025, oo diiradda lagu saaray maalgelin waarta, yaraynta ku-tiirsanaanta deeqaha dibadda iyo kordhinta khayraadka gudaha. Caqabadda taagan sidaas darteed ma aha oo keliya in caafimaadka lacag badan la geliyo, balse waa in khayraadka jira lagu xidho baahiyaha mudnaanta leh iyo natiijooyin la cabbiri karo.

Qorshayn wax-ku-ool ahi waxay u baahan tahay xog lagu kalsoonaan karo. Somaliland Health and Demographic Survey 2020 wuxuu qayb ka yahay xogta lagu fahmi karo xaaladda caafimaadka bulshada laguna saleeyo qorshaynta adeegyada. Laakiin ururinta xogtu keligeed wax badan ma beddesho haddii aan loo adeegsan go’aan-qaadashada.

Xogta waa in la falanqeeyaa si loo ogaado meelaha baahidu ka badan tahay, adeegyada shaqaynaya iyo kuwa daldalooladu ka jiraan; natiijadaasna waa in loo beddelaa qorshe iyo tallaabo la cabbiri karo. Haddii xogtu ku ekaato warbixin ama kayd tirooyin ah, ma gudanayso shaqadii ugu muhiimsanayd ee ay nidaamka caafimaadka u qaban lahayd: inay hagto go’aanka oo ay muujiso in siyaasadaha la hirgeliyey wax ka beddeleen adeegga bukaanka.

Adeegga gaarka loo leeyahay iyo baahida aan gudaha laga helin

Adeegyada caafimaadka Somaliland kuma koobna xarumaha dawladda; xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa iyaguna qayb weyn ka qaata daryeelka bulshada. Taasi waxay ka dhigan tahay in tayada nidaamka caafimaadka aan lagu qiimayn karin qaybta dawladda oo keliya, balse loo baahan yahay in la eego sida labada dhinac uga wada shaqeeyaan adeegga bukaanka.

Doorka dawladduna kuma koobna inay iyadu bixiso adeeg kasta. Waxa muhiim ah inay dejiso oo ilaaliso heerarka tayada, badbaadada bukaanka, xirfadaha shaqaalaha, dawooyinka iyo adeegyada shaybaadhka. Marka adeegga gaarka ahi qayb weyn ka yahay nidaamka, awoodda lagu kormeero lagulana xisaabtamo ayaa la mid ah muhiimadda adeegga laftiisa.

Safarka caafimaad ee dibadda laftiisu ma caddaynayo fashilka nidaamka, maadaama adeegyada takhasuska qaarkood aan dal walba gudihiisa laga heli karin. Laakiin haddii adeegyo gaar ahi si joogto ah dibadda loogu raadsado, waxay mudan tahay in la ogaado waxa bukaannadu u baxayaan, inta baahidu le’eg tahay iyo in awooddaas gudaha lagu dhisi karo iyo in kale.

Xogtaas ayaa kala saari karta adeegyada ay macquulka tahay in gudaha lagu horumariyo iyo kuwa u baahan iskaashi dibadeed. Sidaas ayay qorshayntu uga gudbi kartaa jawaabo googo’an una noqon kartaa mid ku salaysan baahida dhabta ah ee bukaanka iyo awoodda dhaqaale ee nidaamka.

Mudnaanta dib-u-habaynta

Caqabadaha aan xaga sare ku soo bandhigay waxay tilmaamayaan in dib-u-habayntu aanay ku bilaabmi karin mashruucyo cusub oo kala go’an. Mudnaanta koowaad waa in la xoojiyo daryeelka aasaasiga ah iyo nidaamka gudbinta, si bukaanku adeegga uga bilaabo meesha ugu dhow, si habaysanna loogu gudbiyo heer sare marka loo baahdo.

Taas waxa barbar socda qorshaynta shaqaalaha iyo adeegyada baadhista iyadoo lagu salaynayo baahida iyo juqraafiyadda, halkii lagu eegi lahaa tirada guud oo keliya. Qalabka iyo takhasusyada cusubna waa inay la socdaan shaqaale tababaran, dayactir iyo sahay joogto ah.

Ugu dambayn, maalgelinta iyo xogtu waa inay noqdaan aaladaha lagu hago nidaamka. Khayraadka waa in lagu xidhaa adeegyada mudnaanta leh, halka xogtana loo adeegsanayo in lagu ogaado meelaha daldalooladu ka jiraan, laguna cabbiro in siyaasadaha iyo adeegyada la hirgeliyey ay dhab ahaan wax ka beddeleen daryeelka bukaanka.

Gabagabo

Dhibaatada adeeg-xumada caafimaadka Somaliland laguma soo koobi karo dhakhtar yari, dawo la’aan ama qalab aan ku filnayn. Dhammaantood waa caqabado jira, laakiin waxa ka muhiimsan sida qaybaha kala duwan ee adeegga caafimaadku isugu xidhan yihiin. Haddii shaqaale jiro balse aanu joogin meesha looga baahan yahay, qalab yaallo balse aanu shaqaynayn, ama bukaan u baahan daryeel heer sare ah aanu helin xarun si habaysan loogu gudbiyo, nidaamku weli si buuxda uma shaqaynayo.

Sidaas awgeed, qiimaynta caafimaadku waa inay ka bilaabataa waayo-aragnimada bukaanka. Marka qofku xanuunsado, ma heli karaa adeegga uu u baahan yahay? Ma awoodi karaa kharashkiisa? Haddii xaaladdiisu culus tahay, ma jiraa nidaam u fududaynaya inuu helo daryeel ka sarreeya kii hore? Su’aalahan ayaa si dhab ah u muujinaya halka nidaamku ka shaqaynayo iyo halka uu ka liito.

Ugu dambayn, caafimaadku waa mid ka mid ah meelaha muwaadinku si toos ah ugu arko tayada maamulka iyo awoodda hay’adaha dawladda. Dib-u-habayntu sidaas darteed ma aha oo keliya in la kordhiyo xarumaha ama qalabka jira, balse waa in la hagaajiyo sida adeegyadaasi isugu xidhan yihiin, loo maamulo, loona gaadhsiiyo bulshada. Halkaas ayay ka bilaabmaysaa nidaam caafimaad oo si dhab ah ugu shaqeeya bukaanka.

Qoraallada kale ee qoraaga