Sunday 15 February 2026
Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, ayaa subaxnimadii Axadda gaadhay magaalada Jabuuti, isaga oo ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu sheegay in looga gol lahaa wadahadallo ‘heer sare ah’ oo uu la yeelashay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kuwaas oo diiradda lagu saaray isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee gobolka, arrimaha nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee rasmiga ah, Madaxweynaha Jabuuti ayaa qaabilay Raysal Wasaare Abiye Itoobiya, ka dibna labada dhinac waxay yeesheen kulan wada-xaajood ah oo lagaga hadlay arrimaha gobolka iyo iskaashiga laba-geesoodka ah. Isla ishaas ayaa soo xigatay hadal uu Abiye Axmed ku sheegay in xoogga la saaray ‘xoojinta iskaashiga’, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, loojistikada, iyo horumarka, iyada oo lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda ‘xasilloonida, isdhexgalka dhaqaale, iyo barwaaqo-wadaagga ah’.
In kasta oo luuqadda diblumaasiyadeed ay guud ahaan saameeshay bayaanka, haddana in ganacsiga iyo loojistikada loo doorto qodobka ugu muhiimsan ee wada-xaajoodka waxa ay muujinaysaa xasaasiyadda xidhiidhka labada dal, maadaama uu yahay xidhiidh ku dhisan ‘baahi istiraatiiji ah’ kana badan iskaashi laba-geesood oo caadi ah. Itoobiya, oo ah dalka ugu dadka badan Bariga Afrika, waxa ay, ilaa heer, gebi ahaanba ku tiirsan tahay jidka Addis Ababa–Jabuuti iyo dekedaha Jabuuti, si ay u gaadho suuqyada caalamka. Bangiga Adduunka ayaa tilmaamaya in in ka badan 95% ganacsiga soo-dejinta iyo dhoofinta ee Itoobiya uu maro jidkaas oo isku xidha dalkaas badaha ka oodan iyo Dekedda Jabuuti.
Booqashada Abiye Axmed ee Jabuuti waxa ay ku soo beegantay xilli uu dalka Itoobiya galay xilliga doorashooyinka guud, ka dib markii ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE) shaacisay in doorashadii guud ee toddobaad la qaban doono 1-da Juun ee sannadkan, 2026. Sidaas awgeed, socdaallada Raysal Wasaaraha iyo dhaqdhaqaaqyadiisa gobolka, oo ay weheliyaan hadalladiisa soo noqnoqda ee ku saabsan ‘isdhexgalka dhaqaale’ iyo yareynta caqabadaha ganacsi ee loojistikadu waxa ay u muuqdaan in ay qayb ka yihiin isku-day uu ku soo bandhigayo sawirka ‘dawlad awood leh’ oo maamuli karta arrimaha waaweyn: amniga, dhaqaalaha, iyo kaabayaasha, kuwaas oo inta badan loo adeegsado dhisidda hannaan lagu kasbado sharciyadda siyaasadeed ka hor doorashooyinka, yaanba si cad loo sheegin e.
Aragtidan ayaa sii xoogaysatay maalmahan, ka dib markii la bilaabay mashruuca Garoonka Diyaaradaha ee ‘Bishoftu’ ee caalamiga ah, kaas oo ay dawladdu sheegtay in uu noqon doono, marka uu dhammaado, midka ugu weyn Afrika, iyada oo lagu qiyaasay in uu ku kacayo lacag dhan 12.5 bilyan oo doollar, waxana uu qaadi doonaa 110 milyan oo rakaab ah, sannadkii. Mashruucan waxaa si rasmi ah loogu soo bandhigay tilmaan muujinaysa in Itoobiya isu beddelayso xarun goboleed oo dhanka isu socodka iyo adeegyo la xidhiidha ah, balse dhinaca siyaasadda waxa uu, sidoo kale, u adeegayaa in bandhig guulo ah la sameeyo xilligan la filayo tartanka siyaasadeed oo gudaha ah.
Dhanka Jabuuti, Itoobiya waa laf-dhabarta dhaqaalaha Jabuuti ee ku dhisan adeegyada dekedaha iyo loojistikada, Jabuutina waxa ay u taagan tahay ‘halbowlaha keliya’ ee ay adag tahay in laga maarmo. Hase ahaato e, waa halbowle ay ku lammaan yihiin khataro ku saabsan ku tiirsanaanta ‘hal marin oo qudha’, gaar ahaan marka ay jiraan xiisado goboleed ama cadaadis ku yimaadda kharashaadka gaadiidka iyo adeegyada.
Sababahaas awgood, booqashada Abiye Axmed waa in lagu akhriyo indho si guud u eegaya dadaallada ay Itoobiya samaynaysay sannadihii u dambeeyay si ay u badiso marinnada ay badda u marto badda. Siyaasaddan ayaa hore u dhalisay xiisado goboleed, horraantii 2024, markii Addis Ababa ay la saxeexday Hargeysa heshiis is-afgarad (MoU) oo fursad u siinayay habab ay ku heli karto marinno badeed oo dheeri, arrintaas oo dhalisay diidmo adag oo ka timid dawladaha Jabuuti iyo Soomaaliya oo u aragtay xadgudub ka dhan ah ‘madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya’ iyo dabcan danaha dhaqaale ee Jabuuti. Socdaalkan haddanu waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay kacsan tahay xaaladda gobolku, ka dib aqoonsigii dhexmaray Somaliland iyo Israa’iil oo ay Jabuuti xoog uga hortimid, Itoobiyana u muuqato in ay ka muquuratay.