Tuesday 11 November 2025
Bishii Sibteember oo 27 ah ayaan bartayda Faysbuug soo dhigay sahan (survey) kooban oo aan ugu talagalay in lagu qiimeeyo heerka akhriska (buugagga) ee dadweynaha aannu boggayga ka wada soconno. Su’aalo aad u urursan balse ujeeddadoodu ahayd in lagu baadho sida ay dadkeennu akhriska (buugagga) ku yihiin ayuu qofka ka qaybgelayaa ka jawaabayay. Muddo 24 saacadood ah ayay su’aaluhu yaalleen, maaddaama aanu ahayn sahan ballaadhan oo haayad ama wasaaradi samaynayso. Waxa soo ajiibay 352 qof oo 9.7% ay dheddig yihiin, aqlabiyadda kalana lab—taas oo ah masalo sideeda ugu qalanta in la isu dul taago, balse aynaan maanta u soconin. (Fiiri jaantuska 1aad).
Guud ahaan, dunida marka la qiimeeyo, waxa sannadihii u danbeeyay aad looga dayrinayay hoosudhac ku yimi heerka farbarashada iyo akhriska ee dadweynaha dunida. Tusaale ahaan, sannaddii 2023 ayuu Bangiga Adduunku ku dhawaaqay in dhab ahaan xirfaddii akhriska ee dadka caalamku ay gashay hoobad aad u weyn, iyada oo xoogga la saarayay ubadka maraya da’dii ay ahayd in ay bilaabaan wax-akhrinta iyo hawlqabadyada la xidhiidha. Waa xilli laga soo kabanayay sadhadii Koofidhka oo habsamidii nolosha maalinlaha ahi ay khalkhashay, taas oo wax laga saari karo natiijada sahankan.
Mid ka mid ah curisyadii ugu argagaxa badnaa ee aan sannaddii dhammaatay ee 2024 akhristo oo ay Roows Harrowij ku faafisay majaladda Atlaantik, wuxuu muujiyay in ardayda dhigata dugsiyada iyo jaamacadaha la majeerto ee baarka sare kaga jira Maraykanku aanay, inta badan, waxba akhriyin. Barofeesar dhiga suugaanta oo ka mid ah dadka ay maqaalka ku waraysatay ayaa u sheegay farqiga uu isaga oo keli ah u soo joogay. Haddii labaatan sannadood ka hor ay isaga iyo ardaydiisu toddobaad kasta falanqayn jireen buug u weyn sida sheekada Crime and Punishment ama Pride and Prejudice, haatan fasalkiisu wuxuu xilli horaba ku wargeliyaa in aanu ka filanin akhris badan, isla markaana aanu ka mashquulin mashquulka ay ku jiraan. Fiirada iyo samirka badan ee uu buuggu uga baahan yahay ayay u arkaan wax aanay iska heli karin, ayuu macallinku yidhi.
Maraykanka iyo Ingiriiska oo dadkoodu ay ka mid yihiin kuwa dunida ugu akhriska badan (marka ay noqoto tirada buugagga), waxa ka oogan dhiillo u marag furaysa maqaalka Roos. Qiimaynta Horumarka Tacliineed ee Qaranka Maraykanka waxa lagu ogaaday in ay aad hoos ugu dhacday tirada ardayda 13-jirrada ah ee waqtigeeda firaaqada akhrida buug aanay ku qasbanayn. Haddii sannaddii 2012 ay tiradaasi ahayd 27%, sannaddii 2023 oo qiimaynta la sameeyay waxay maraysay 14%. Dhanka kale, deraasad ay taabbagelisay Wakaaladda Akhriska ee Ingiriiska ayaa daaha ka faydday in kalabadh dadka qaangaadhka ah ee reer Ingiriis aanay, si ka duwan sidii ay beri ahaan jirtay, haatan waqtigooda firaaqada ah buug akhrisanin.
Sidaas oo kale, waxa hoobad aan caadi ahayn laga soo weriyay bulshaweynta Carabta oo deraasad uu sameeyay Sanduuqa Fekerka Carbeed uu ku tilmaamay in celcelis ahaan qofka Carbeed uu sannadda dhan akhriyo lix bog!
Dhanka kale, haddii ruuxa Afrikaanka ah lagu dacaayadayn jiray “alaabta aad rabto in aanu Afrikaan kaa xadin, buug ku dhex xasayso,” waxa aad mooddaa in waaqiceenna laga soo helayo qodobbo u marag kaca. Cilmibaadhis iyo sahan lagu sameeayay dalka Nayjeeriya oo ka mid ah kuwa ay dadkiisu ugu sarreeyaan dhanka heerka farbarashada (literacy rate), ayaa lagu ogaaday in, taas oo jirta, haddana akhrisku uu digada yahay.
Haddaba, haddii dunidii kale xogta laga hayaa ay sidaas tahay, oo laga dayrinayo, tolow innaga dhankeenna sidee buu xaalku yahay? Taas baa ahayd sababta ugu weyn ee dhalisay sahankeenna aadka u kooban.
Sida lagu ogaaday deraasado laga sameeyay qaybo badan oo dunida ah, waxa uu hoos u dhac laxaad lehi ku socdaa dhaqankii akhriska buugaagta waxana soo koraya facyow diiddan in uu buuggu ka mashquuliyo wax ay ku mashquulsan yihiin! Waa dayro dunida oo dhan ka taagan, innagana, tolow, waa sidee xaalku?
Su’aasha kowaadi waxay daarranayd in aynu ogaanno xilligii ugu danbeeyay ee kaqaybgalayaashu ay buug akhriskiisa bilaabeen. Muhiimaddu ma ahayn in buuggaas ay wada akhriyeen iyo in ay qabyo kaga tageen. Tiradii guud ee ka jawaabtay, inta u badani waxay sheegtay in ay toddobaadkan lagu jiro dhexdiisa buug soo qaateen oo bilaabeen (44.3%), waxana ku xigay intooda ay ugu danbaysay wax bil ka badani (25.6%). Inta soo hadhay waxay u qaybsanaayeen koox aan muddo wiig ilaa labo toddobaad ah kala furin wax buug ah (18.2%) iyo qaybta kale oo aan ugu yaraan sannadba ka ag dhowaanin (11.9%). (Fiiri jaantuska 2aad).
Su’aasheenna labaadi waxay dabo socotay taa hore, oo waxa aynu eegaynay goortii kaqaybgalaha ugu danbaysay in uu buug akhriskiisa dhammeeyo. Haddii markii hore tirada ugu badani ay wiiggii dhowaa buug bilawday, iminka kaqaybgalayaasha badankoodu (41.5%) wax buug ah ma ay dhammaysanin muddo ka badan bil. Intooda maalin ilaa lix maalmood ka hor buug ka faraxashayna waxay ka yihiin inta ugu yar (13.4%). Tiro aad u badan oo rubuc ku dhow (24.4%) ayaan muddo sannad ka badan wax buug sheegta dabo ilaa dacal akhrisanin. Intooda buuggeedii u danbeeyay akhriday muddo bil ka yar wiigna ka badani waa meel dhexe oo 20.7% ah. Fiiri jaantuska hoose.
Intaa ka dib, waxa kaqaybgalayaasha la wayddiiyay in uu jiro buug hadda u furan oo ay akhriyayaan (xilliga ay doonaan ha soo bilaabeen e). Akhristayaasha waqti-xaadirkan wada buug ay akhriyayaan ayaa farqi yar ku hoggaaminaya (54%), halka in ka badan shan meeloodow labo ka mid ahi (46%) aanay wax buug ah akhriyayn xilligan ay su’aalaha ka jawaabayaan. Fiiri jaantuska hoose.
Ugu danbayn, si loo eego heerka akhriska ee xilligan dhow, waxa akhristayaasha la su’aalay inta buug ee u dhammaaday sannaddan 2025. Aqlabiyadda ugu weyni (77.2%) ugu yaraan hal buug ayay akhriday tan iyo Jannaayo 2025. Laakiin waxa sahankeenna ka soo baxay in 22% ka mid ah dadka ka qaybgalay oo muunaddoodu sarraysay aanay sagaalkaa bilood akhriyin wax buug ah (Xasuuso: 24.4% dadka ka mid ah ayaa sheegay in buug ay dhammeeyaan ay ugu danbaysay sannad iyo wax ka badan, marka aynu ku laabanno su’aashii labaad).
Haddaba, akhristayaasha ugu badani waxay sannaddan akhriyeen wax ka yar 10 buug, taas oo ka dhigan celcelis ahaan hal buug bishiiba. Tiro aad u yar (2%) baa muujisay wacdaro ah in sannaddaas aan weli dhammaan ay laasteen akhriska buugag ka badan 31. Inta kale waxa laga arki karaa shaxda iyo jaantuska hoos ka muuqda.
| Tirada Buugagga | Tirada Kaqaybgalayaasha | Boqolley |
| 0 |
78 |
22.20% |
| 1– 10 |
216 |
61.30% |
| 11– 20 |
31 |
8.80% |
| 21– 30 |
9 |
2.60% |
| 31+ |
7 |
2% |
| Ma garanayo (balse ka badan eber) |
11 |
3.10% |
|
Wadar |
352 |
100.00% |
Muunaddan yar (352 qof) waxa ka soo dhex baxday natiijo u dhow tan dunida inteeda kale laga soo sheegayay: akhriskeennu aad buu u hooseeyaa. Si loo ballaadhiyo baaxadda sahanka, waxa dabcan loo baahan doonaa dad iyo su’aalo intan ka badan. Haddii se aynu inteennan ku sii meelgaadhno, kuna xidhiidhinno waaya’aragnimada qof ahaaneed iyo sababaynta dadweynaha dunidu wadaago, waxa aan filayaa in xog’ururintani ay inoo noqon karto bar ambaqaad.
Ugu horrayn, waxa aynu og nahay in tirada wax akhriyi/qori karta ee dadkeennu ay aad u hoosayso. Tusaale ahaan, Soomaalilaan heerka farbarashada ee dadka qaangaadhka ahi waa 58%, taas oo ka dhigan in wax kalabadh ku dhow dadweynuhu aanay wax qoran kicin karin waxna qori karin. Taasi iyada oo sideeda dhiillo ummadeed u ah, gaar ahaan marka lagu xisaabtamo in 44% dadka reer Soomaalilaan ay qaangaadh yihiin, haddana waxa ay ina siinaysaa fursad aynu wax isku wayddiinno.
Maxaa keenaya in 24% dadka ka mid ahi aanay wax buug ah iskood u akhriyin muddo ugu yaraan sannad ah, iyada oo maanta jaaniska waxbarashada iyo helidda buugagguba ay aad uga sarreeyaan sidii ay beri ahaan jirtay? Sideeda bannaanba maxaa keena in dadka qaar uu akhrisku dhaqankooda ka mid noqdo oo uu u fududaado, halka qayb kalana aan loogu taag helin?
Sahan kooban oo aan sameynnay kana qaybgashay muunad koobani, waxa innoo soo baxday in heerka akhriska buugaagtu uu aad u hooseeyo, xilli ay helitaanka buugaagta iyo fursadaha akhrisku ay aad u sarreeyaan. Waxa middaas innoo dheer in heerka farbarasho ee Soomaalida dhexdeedu uu aad u hooseeyo (58%), taas oo iyana ah dhiillo iskeed u taagan
Qodobbada la dersay ee la caddeeyay in ay saameeyaan heerka uu qofku noloshiisa u jajabnaanayo buugga iyo akhrisku waa qoyska soo koriyay iyo degaankaasi sida uu ahaa. Dhanka kale, xilliga interneedka iyo baraha bulshadu sida daadkii Xaabaale inoo dhex xuleen, waxa ismageydo ah in fursad iyo caqabadba ay la yimaaddeen. Dabcan, heerkii akhriska (gaar ahaan da’yarta) aad iyo aad bay dunidan dhijitaalka noqotay u wiiqday, haddana waxaynu ogsoon nahay in teknaloojiyaddan casriga ahi ay kordhisay jaaniska aynu ku heli karro buugag iyo agabyo aqoonteenna kordhiyo oo aan jiilashii hore suuragal u ahayn oo la odhan karaba kacaanka interneedku aad buu aqoontii u dimquraaddiyadeeyay oo wuxuu jebiyay derbigii iyo xaqdarradii dunida ka taagnaa ee dadka in yar ka dhigi jiray murtigoosato cilmiga iyo tixraacyadiisa kootaysata. Waxa ii saddexeeya qodob aan u malaynayo in uu yahay mid shakhsi ah oo ku xidhan qofka iyo sida ay uga go’an tahay in duruufuhu aanay go’aamin masiirkiisa oo dhan. Caanuhu haddii ay daateen, sidii ay ahaan jirtay, in dabadooda la qabto ayaynu qodobkan ugu doodaynaa.
Haddii aynu ku horrayno kaalinta barbaarinta, sida uu ku dooday kasmanafeedyahanka Daaniyel Willingham, oo masaladan iyo kuwo la xidhiidha ka qoray buugga Raising Kids Who Read: What Parents and Teachers Can Do, caadaysiga akhrisku waa in uu noqdo hidde ay xilli horaba waalidka iyo barayaashu ku beeraan ilmaha, waana in, sida uu qorayo, ubadka gaar loo baro sidii ay u noqon lahaayeen ciidan u tababaran in ay erayada iyo xarafyada dhigan furfuraan oo ku arooriyaan macnaha looga dan lahaa, sidaasna ay maskaxdoodu ugu horumarto marxaladdii korriinka ee uu caalinkii nafsadeed ee weynaa, Jiin Biyasheey, ku magacaabay “marxaladda hawlgalka hanaqaadsan,” ee ku tilmaaman in ay tahay xilli ay carruurta koraysaa yeelato awood ay ku dhugato isla markaana ku fahanto farriimaha iyo xogaha cillan (abstract information) ee aan caadyaalka (concrete) ahayn.
Waxa intaa soo raaca xaqiiqada ah in ubadku ay wax ku bartaan canjilaad iyo in ay ku daydaan ama maskaxda ku duubtaan hadhowna la soo baxaan gedda lagu ag samaynayo. Haddii waalidku uu ilmaha telefoon ama kaambayuutar ku ag isticmaalo, iyo haddii uu buug ku hor akhristo; haddii guriga ay yaallaan telefishanno iyo moobillo iyo dabeeyayaal iyo qaybisooyin badan oo hadh iyo habeen isku jira laguna mashquulsan yahay, iyo haddii waxa u badan ee uu ilmuhu ku indhadillaacsanayaa ay yihiin buugag meelahaa daadsan ama khaanado muuqda ku rasaysan—waxa la ogsoon yahay in mar kasta aanay labadaa xaaladood isku si u saamaynayn murtida uu ubadku halkaa ka soo dhiraandhirinayo. Waxa la caddeeyay in carruurta lagu soo koriyo degaan ay buugaggu balli-balli yihiin iyo hoy akhrisku madaddaalo u yahay ay noqdaan akhristayaal aanay dabayluhu liicinin. Waalidku waxyaabaha uu firaaqadiisa ku buuxiyaa waa cashar uu dhallaanku gawsdanbeedka (xataa haddii aanu weli gaws u soo bixin) ku qabsan doono!
Iyada oo lagu jiro xilli la sheegi karo in teknoolajiyaddu furtay irridihii fursadaha akhriska, haddana waxyaabo badan ayaa loo aaneyn karaa dhaqanka buug akhriska. Waxa ugu muhiimsan korriinka ubadka iyo degaanka ay ku barbaaraan; ilmihii ku barbaarey degaan guri oo ay buugaagtu tahay waxa u badan ee muuqda iyo ilmaha ku indho dillaacsaday wax kale uma sinnaan doonaan akhriska
Dhanka kale, waxa hubaal ah oo cilmibaadhisyo badanina u marag fureen, in waqtigan ay calanwallaynayaan baraha bulshada iyo dhaqanka “kiligtu” lala xidhiidhin karo hoosudhaca akhriska. Waxa aynu naqaan in saacadaha lagu qaato dhanbaallada gaagaaban ee faraha badan ee Faysbuugga iyo muuqaallada aadka u kooban una boodboodka badan ee meelaha uu Tiktok ka mid yahay, iyo sawirrada noocba nooca yihiin ee aadka isu bedbeddelaya ee qofku maalin kasta uu si joogto ah ula kulmayo una rogrogayo, iyo ogaysiisyada sida isdabajoogga ah qofka moobilkiisa ugu soo dhacaya haddii uu ka yar jeestaaba, ay si weyn u dhantaalaan awoodda fiirada qofka. Haddii fiiradii iyo samirkii dhaliilmana, waxii la sugaaba waa akhriska dheer oo la karahsado, dabadeed is dhima.
Ugu danbaysta, waxa aan xusi karraa qodob aad u shakhsi ah. In kasta oo ababinta, hiddasidaha, iyo bii’adduba ay qorqori karaan habdhaqankeenna, habfekerkeenna, iyo, guud ahaan, shakhsiyaddeennaba, waxa hubaal ah in kolka aynu korno ee—sida la dhaho—kaalingallo, aynu yeelanayno doorasho aynu ku qaabaynno wax badan oo asawgeenna iyo ahaanshaheenna ka mid ah oo aynu go’aan ku yeelan karro shakhsiyaddeenna hadhow.
Tan waxa aan ka wadaa, marka aynu ka faashanno natiijada sahankii koobnaa ee aynu samaynnay, waxa inoo furan in aynu niyadjabno oo qoriga tiirinno, isna dhiibno, innaga oo qaadayna heestii “haddii uu waqti keenay / nin waxsaar leh miyaan ahay!” Hasayeeshee, waxa jira albaab weyn oo kale oo inoo furan: waa in ay inoo noqoto baraarug iyo qayladhaan “ka-kacaaaaaay!” ina leh oo inagu riixda in aynu is wayddiinno: horta anigu saw waqti u ma samayn waayin in aan wax akhriyo; miyaanan taa beddelkeeda samayn karin?
Haddii aynu dhinno waqtiga aynu baraha bulshada ku qaadanayno, oo aynu aadna uga taxaddarno daawashada muuqaallada fiiradeenna la tegaya ee aynu “riilka” u naqaan, oo aynu jedwalkeenna basrinno dabadeed xilli go’an u soocno akhriska macnaha leh, waxa aan hubaa in aynu ka adkaan karro sababaha dibadeed ee aynu xusnay.
Dhanka kale, casriga baraha bulshada oo ku suntan degdeg iyo muuqaallo bilig ah oo uu qofku ku qaato waqti badan ayaa ka mid ah waxyaabaha yareeya awoodda fiirada iyo samirka ee qofka, taas oo barabixisay kanshadii akhristka xidhiidhsan iyo fiiradii akhristeha. Sidaa oo ay tahay, dhaqanka akhrisku waa mid la is bari karo, qofkuna waxa uu awoodi karaa in uu wax-ka-beddel ku sameeyo raadkii korriinkiisa iyo duruufta ku xeeran.
Waynu is og nahay oo badankeennu uma aynaan helin nasiib in ay ina soo koriyaan waalid ay buugag badani aqalka u rasaysan yihiin, isla markaana ma aynaan helin dugsi inagu beera jacaylka iyo dhaqanka akhriska, balse ma aha in tagtadaasi ina wada qeexdo. Qaacido kooban baan halkan ku soo xidhayaa, oo noqon karta isku-day shakhsi ah oo uu qofku ku yeelan karo caadada akhriska.
Waxaan qiyaasay inta bog ee aad saacaddii kasta ee xidhiidh ah akhrisan kartid, adiga oo aan degdegayn oo dhuuxaya isla markaana aan luudayn. Waxa ii soo baxday 20 bog saacaddiiba. Waa kolka aynu celcelis hoose ku dhufanno. Waxay ka dhigan tahay buugga 300 oo bog ah in aad ku dhammaynayso 15 saacadood.
Haddaba isku ma sii dayn kartid, ee imisa maalmood baad u kala qaadi kartaa? Maalinta dhan haddii aad 2 saacadood u qoondayso akhris (isku xigsii ama kala fogfogee), macnuhu waxa weeye toddobaadkii kasta waxa aad akhrisan kartaa buug 300 oo bog ah. Haddii aad saacad iyo badh ugu talagashana, 10 cisho ayaad ku idlaynaysaa. (Maalintu waa dharaar iyo habeenba; waa 24 saacadood).
Haddaba, wuxu ma adka ee waxa muhiim ah in hiddahaasi kuu qaabaysmo oo kuu xasilo kuguna xasilo. Ayaamaha hore ayuu laylisku kugu cuslaanayaa, sida shaqo kasta oo la bilaabo lagu yaqaan, balse haddii aad joogtayso, waxa aad is arkaysaa adiga oo tebaya, tabta cuntadana ugu gaajoonaya haddii aad ka raagto.
Dabcan buugga nuxurkiisa iyo ujeeddada aad u akhriyaysaaba way saamaynayaan muddada, waxa se aynu ku koobnaanaynaa buugga aad akhris guud dartii u soo qaadatay isla markaana aan ahayn mid takhasus ama cilmibaadhis aad u gashay.
Sida oo kale, kolka aad buug akhriso haddii aad qoraal(lo) ka samaysato (haddii aad doonto haba faafin e) ama aad qof kala sheekaysato, isla markaana aad ku xigsiiso buug la mawduuc ama la qoraa ah, maqaallo ka agdhowna aad daalacatid, waxay u badan tahay in xiisuhu kuu sii kordhayo, dhaqankii akhriskuna kuu saldhiganayo—tani waa waaya’aragnimo qof ahaaneed.
Si fiirada (attention) aynu u xoojinno, oo aanay inooga guurin xusuusta buuggaas ama curiskaas aynu akhrisannay, waxa aan soo jeedinayaa in aad buug kasta magaciisa iyo qoraagiisa, iyo amminta aad akhriday, iyo waxii macluumaad ah ee kale ee la xidhiidha, aad diiwaangashatid. Waxa aad samaysan kartaa liis aad moobilkaaga laftiisa ku qorato, ama buugyare iyo qalin baad u adeegsan kartaa. Dhaqankan waxa aan is baray dhawrkii sannadood ee u danbeeyay, oo waxa aan diiwaangashadaa buug kasta, curis walba, iyo sheeko gaaban oo kasta oo aan akhriyay (iyo filin ama dokumentari kasta oo aan daawaday) oo aan u bogay. Dabadeed, marka sannaddaasi dhammaato ayaan dib u jalleecaa aniga oo go’aansanaya ka aan dib ugu celinayo. Sida oo kale, waxa aan is baray in aanan buug kale bilaabin aniga oo aan ka hore ka jibbakeenin (ku ma jirto haddii buugga hore kugu xumaado; ma aha in aad isku qasabtid cunno aan jidiinmar ahayn).
Moobilka laftiisu waa agab kuu sahli kara in aad wax ku akhridid, balse lagugu lama talinayo maaddaama barnaamishyo kale oo dadka jeediyaa ay kaaga buuxaan, lagana yaabo in ogaysiisyadu kaa jiidhaan (waa haddii aanad go’aansan in aad kala basriso oo aad, bilmetel, muddadaa akhriska ku xidhato “Ha Iga Jiidhin – Do Not Disturb).
Haddii aad ka mid tahay dadka dareemaya in akhriskoodu hooseeyo, waxa aan kaaga tegayaa weedh si weyn ii taabatay oo uu ii soo qoray mid ka mid ah kaqaybgalayaasha dhaaddan in akhriskoodu uu hooseeyo. Kolkii qofkaasi uu ka soo jawaabay su’aalaha ayuu ii soo diray: “Waan isa soo fashiliyay, bal in ay shidaal ii noqoto!”
Waan ku kalsoonahay haddii uu akhriskeenna iyo heerkii aynu la rabney uu is dhaafo, xaqiiqadaasi yaanay ina quwadjebin ee ha inoo noqoto shidaal aynu fadhiga kaga kacno.
“Waaya-aragnimo shakhsi waxa aan ku bixin karaa in aad labo saacadood oo aad maalin kaste u qoondeyso akhris ay ku dhaxalsiin karto in aad toddobaad kaste akhrido buug 300 oo bog ah. Waxa aad se u baahan tahay in aad dhaqameysato oo joogteyso. Si ay taasi oo dhacdana, buug kaste oo aad akhrido waa in aad xusuus ka reebato, cid kala sheekeysato, xilliga akhriskana aad yareysato wax kaste oo baraadka jiita sida telefoonka”
Dabcan, sahankani waxa uu ahaa dedaal qof ahaaneed oo aan, haba yaraato e, buuxin karin fakaagga cilmibaadhiseed ee heerkeenna akhriska ka jira. Qoraalkani waxa uu haayadaha iyo laamaha dawladda ee Soomaalida ee ku tacalluqa waxbarashada iyo farbarashada, ee samayn kara sahanno iyo deraasado waaweyn, u soo jeedinayaa in ay sidaa yeelaan oo caalamka akhrisku uu ka mid noqdo aagagga aynu wax iska wayddiinno, ka doodno, isla markaana isku wacyigelinno. Haddii sahan ballaadhan la diro, waxa ka soo bixi kara ogaal wax weyn ka geysta halka wax laga bilaabi karo, kolka la goosto in wax laga qabto hoobadka dhaqankii akhriska.