Sunday 14 December 2025
Sheeko igu soo gaadhay maqal, balse aanan u hayn wax tixraac ah, ayaa waxa ay odhanaysaa: Oday reer Burco ah ayaa la gu yidhi, waayadii dugsiyadu bilawga ahaayen; “Waar inankaaga dugsi gayso, wax ha kuu barto e.” Odaygii jawaab waxa uu ugu celiyey in uu raggii budheeyo, waxanu ku andacoday; “Waar ma waxa aad doonaysaan in inankayga la iga gaalaysiiyo!” Sannado ka dib, markii ay waxbarashadu dhulka ka hanaqaadday oo ay arday badani ka aflaxday, ayaa uu odaygii soo laabtay, isaga oo wada wiilkiisii uu waxbarashada ka maanacay, isaga oo hadda leh: “Wiilkayga waxbarasho ha la ii geliyo,” dabadeed, hawl-wadeennadii dugsiga qorayay ardayda ayaa ugu jawaabay odaygii: “Wiilkaagu da’dii dugsiga lagu qori lahaa waa uu dhaafay, ee iskala noqo.” Odaygii oo cadhaysan ayaa haddana budhkii jawaab ahaan u miciinsaday, mar kale.
Sannadii 1891-kii, waxa ay dawladdu hirgalisay dugsigii ugu horreeyey dhulka Somaliland oo ku yaallay magaalada Berbera. Bilawgii qarnigii 20aad, oo ku beegnayd 1905-kii, waxa dugsiyo Qur’aan laga hirgaliyey magaalo xeebeedyada sida: Saylac iyo Bullaxaar, halkaas oo ay dawladdu ku xoog badnayd. Waxa lagu qiyaasa ardaydii dugsiyadaa dhiganaysay 150 arday, halka ay dawladduna ku bixin jirtay dugsiyadaa taageero lagu qiyaaso 100 Boonka Ingiriiska ah (Pound). Intaa ka dib, ardayda ugu badan ee dugsiyadaa wax ka baran jirtay waxa ay ka soo jeedeen , badankoodu, qoysas Carab ah iyo Hindi, kuwaas oo deggenaa xeebaha dalka.
Maqaalkan waxa aynu ku hufidoonnaa Su’aalo dhawr ah sida: Waa maxay bilawga ubucda fekerka gaaleysiinta ee ay dadku waagaa ka haysteen hirgalinta waxbarashada? Maxaa uu ahaa ujeedka guud ee hirgalinta tacliinta ee u isticmaarku rabay? Maxaa uu ahaa ujeedkii ugu weynaa ee uu u rabay isticmaarku in afka Soomaaliga ah lagu qoro far laati in? Haddaba, weyddiimahan ibofurka ah ayaa aan isku dayayaa in aan jawaabo ka bixiyo.
Intii u dhaxaysay sanadihii 1891-1894-kii, diin fidiyeyaal Masiixiyiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Kaatoliyiinta Faransiiska, ayaa waxa ay ka heleen aqbalaad dawladdii Ingiriiska ee dhulka Somaliland ka talinaysay; aqbalaaddaas oo ah in ay furaan dugsi wax loogu taro carruurta darbijiifta ah, carruurta la dayacay, iyo in dadka kaalmo bini-aadantinimo wax loogu taro. Intaa ka dib, warkani waxa uu soo gaadhay dadkii deegaanka, waxaana abuurmay kacdoonno ay hoggaaminayaan wadaaddo; kacdoonkaas oo lagaga soo horjeedo furitaanka dugsiga Masiixiga ah ee Berbera laga furay.
Ilaa laga soo gaadhayey 1910-kii, labaatan sanno oo dirir iyo kacdoon ah ba, waxaa lagu guulaystay in albaabada loo laabo dugisigii Masiixiyiinta, taas oo dhalisay in dawladdii isticmaarku u baqday amnigii gudaha Maxmiyadda.
“Caqabadaha jira awgood; xaaladdu iima oggolaanayso in aan iskacaabbinta iska xejinno [gadoodka shacabka ee ka dhanka ah dugsiyada Masiixiyinta]”
Sannadku markii uu ahaa 1934-kii, Waxaa farriimo soo diray hoggaamiye diimeedyadii ka arriminaayey kiniisadaha dalalka Masar iyo Suudan, oo ka codsanaya gumeysigii Ingiriiska in uu ka qaado xannibaadaha saaran dugsiga Masiixiyiinta. Haddaba, Sir Arthur Lawrence, oo ahaa badhasaabkii Maxmiyadda, ayaa waxa uu ugu jawaabay: “Caqabadaha jira awgood; xaaladdu iima oggolaanayso in aan iskacaabbinta iska xejinno [gadoodka shacabka ee ka dhanka ah dugsiyada Masiixiyinta]”
Markii la soo afjaray dadaalladii iskacaabbinta lagu la jiray hoggaankii daraawiishta, Sayid Maxamed cabdulle Xasan, bishii feeberwari, sanaddii 1920-kii. Waxa ay Dawladdii Ingiriisku bilawday isku ballaadhinta gudaha Somaliland, halkaas oo uu maamulku wada gaadhay bariga fog iyo koonfurta bari ee Maxmiyadda. Sidoo kale, waxa la bilaabay in laga hirgaliyo nidaam cashuur ururin ah deegaanadaas markii ugu horreysay. Isla sannadkaas, waxaa Maxmiyadda soo gaadhay lacag dhan 100,000 oo Boon oo caawimo ah, taas oo sannad walba loo qoondeeyey. Maaliyaddaas waxa loogu talogalay adeegyada ka la ah: waxbarashada, caafimaadka iyo waddooyinka.
In la helo shaqaale fahansan nimaad hab-shaqayneedka guud ee dawladnimada isticmaarka, iyo
In dadku iskood waxbarashada ugu adeegaan nafahooda.
Isla sannadkaas 1920, tirakoobka laga qaaday goobaha waxbarashada waxa lagu qiyaasaa in xaddi badan oo dugsiyo Qur’aan ahi ku filiqsanaayeen guud ahaan dalka, halka ay dawladdu kab gaadhsiiso dugsiyada xeebaha ku yaalla oo kala ah: Berbera oo 72 arday dhigato, Bullaxaar oo 16 ah iyo Saylac oo 37 arday ah waa sida lagu xusay warbixinta Somaliland Blue book ee 1918-19.
Badhasaabkii Maxmiyadda, Geoffrey Archer, ayaa bilaabay qorshe uu ku hirgalinayo, markii ugu horreysay, dugsi sare gudaha Somaliland, isaga oo ku doodaya “Waxa la gaadhay xilligii dadka gudaha loo diyaarin lahaa adeegyo waxbarasho, isla markaana aan la iska dhego tirin ... Waxaan ku rejo weynahay, xaqiiqdii, in dugsiyadaasi shaqada u galin doono karraaniyiintayda iyo in qaybo-hoosaadyo loo sameeyo dugsigaas, taas oo faa’ido u noqon doonta dadka u dhashay Maxmiyadda, iyo in ay dardar galiso dhaqaalaha.”
Dabayaaqadi sannadkii 1921-kii, Archer oo ahaa badhasaabka Maxmiyaddu waxa uu soo casuumay E.R.J. Hussey, Madaxii Hubinta Dugsiyda Dalka Suudaan, oo soo booqday Somaliland, si uu markaa xog ururin ugu sameeyo, iyo in uu dhiso qorshe hordhac u ah hirgelinta tacliinta.
Qorshahii Hussey waa uu dhammaystirmay, balse qiyaasta maaliyadeed oo badnayd awgeed waxa dhacday in la ansixin waayo. Xafiiskii isticmaarka Landhan ayaa soo diray farriin odhanaysa; “Ugu yaraan, hala sameeyo ilo kala duwan oo dakhli, taas oo la soo dhexmarinayo cashuurta tooska ah”
Ilaa la soo gaadhayay 1928-kii, waxaa la sheegaa in arday ka soo qalinjabisay dugsigii caanka ahaa ee “Gordon College” ee Suudaan ku yaallay, kuwaas oo ahaa ardaydii ugu horraysay ee reer Somaliland, in ay abaabuleen olole ballaadhan oo loogu olalaynayey in dadka la fahansiiyo tacliinta casriga ah iyo faa’iidadeeda. Sannadkii 1928-kii, Kittermaster, oo ahaa badhasaabkii Maxmiyaddu, waxa uu iskudubariday qorshe uu ugu magacdaray “Dibuhabaynta Dugsiyada” oo uu u soo jeedinayo guddiga u qaabilsan Xafiiska Isticmaarka ee Arrimaha La talinta Tacliinta Kulaalayaasha Afrika. Kittermaster, waxa ifafaaladiisa ka mid ahayd: “Aragtidayda marka aan cabbiro, mashruuca dibuhabaynta dugsiyadu waxa uu noqon karaa horumarka ugu wanaagsan.Ugu horrayn, aynu Hargeysa ka bilawno dugsiga ugu horreeya, kaas oo lagu bixin doono culuumta beeraha iyo tacliinta farsamada. Sidoo kale, Xaddi karraaniyiin ahina dugsiyadaasi waa ay aadi doonaan… waxaa suuragal ah in wiilal badani ay dugsiyadaas soo xaadiran mustaqbalka.”
Aragtidayda marka aan cabbiro, mashruuca dibuhabaynta dugsiyadu waxa uu noqon karaa horumarka ugu wanaagsan
Hadaba, Kittermaster qorshahiisa maaliyadeed waxa lagu qiyaasayey xaddi dhan 54 Boon, sannadkiiba, taas oo ku xidhan tirada arday ee dugsi waliba qaado; inta u dhaxaysa 20 ilaa 30 arday waxa ay kab u helayaan 9 Boon, halka 31 ilaa 40 ay ahayd 18 Boon, iyo 41 iyo waxii ka badan oo helaya 27 Boon oo ah kab maaliyadeed.
Xafiiskii Isticmaarka ee u qaabilsanaa La talinta Tacliinta Kulaalayaasha Afrika, waxa ay jawaab ugu celiyeen badhasaabkii Maxmiyada, Kittermaster; “Qorshaha ku saabsan hordhaca ‘dibuhabeynta dugsiyadu’ waa qorshe xun [isla markaana, dadku aanay ku habboonayn hirgalinta qorshahaa], taas oo laga fulinaayo gudaha soomaaliland.” Laakin, shardiga uuku xidhay xafiisku, “Hadii ay dadku doonayaan in la hirgaliyo qorshaha Dibuhabaynta Dugsiyadu, waa in ay lashaqeeyaan dawladda [oo aanay ka horyiman cashuurta iyo arimaha kale ee uu fulinaayo isticmaarku], ka dibna, markaas, la hirgaliyo dugsiyo horumarsan oo leh dhismayaal cusub iyo hawlwadeenno.”
Sawir: R.E. Ellison (bidixda fog) iyo saaxibadi, Gwoza, Nigeria, Christmas 1933. Bodleian Library, University of Oxford. MSS.Afr.s.1957/2
Bishii Abriil ee sannadkii 1938-kii, waxa uu Xafiiska Maamulka Isticmaarku soo magacaabay Mr. Randall Ellison, oo loo magacaabay agaasimaha tacliinta, oo hoos imanayey Xafiiska Xoghayaha Guud ee Maxmiyadda. Ellison, qorshihiisa hirgalinta waxbarashada Somaliland, waxaa udub-dhexaad u ahaa saddex qodob oo kala ah:
In kor loo qaado xarumaha waxbarasho ee Maxmiyadda.
In la diyaariyo habkii dib loogu habayn lahaa dugsiyada Qur’aanka ee ku filiqasan dhulka Somaliland.
In bulshada lagu fidiyo tacliinta qaybaheeda kala duwan, iyada oo loo marayo horumarinta dugsiyada jiray iyo hirgalinta dugsiyo cusub.
Isla bilawgii, waxa uu Ellison diiradda saaray in afka Soomaaliga lagu qoro farta Laatiinka, isaga oo markaa ku andacoonaya: “In la helo far qorani waxa ay saamaxaysaa in wada-xidhiidhka dadweynaha iyo dawladdu uu fududaato.” Balse markii uu Ellison soo bandhigay qorshahaas, inyar ka dib, waxa uu wajahay diidmooyin qayaxan oo ka imanayay dadweynihii Berbera deggenaa, markii danbena isku badashay dacwad gaadhay Badhasaabkii dawladda isticmaarka. Sidoo kale, waxa ay dadku, berigaa, diideen in uu magaalada Berbera ka hirgaliyeyo dugsi, waxaanay cambaar uga dhigeen “In aanu Carabiga dhigi karayn” iyo “In aanu Ingiriisi noo dhigayn.” (Ellison to his mother, 19 oct 1938)
“In la helo far qorani waxa ay saamaxaysaa in wada-xidhiidhka dadweynaha iyo dawladdu uu fududaato.”
Isla bishii Oktoobar ee sannadkii 1938-kii, waxa uu Xafiiskii Landhan ee Isticmaarku soo diray farriin ku aaddan Ellison oo odhanaysa; “Waxa aad illawdaa buuqa ka dhashay qorintaanka farta Soomaaliga ah, oo bilaw qorshaha furitaanka dugsiga magaalada berbera” intaa ka dib, 1-dii Diisenber, 1938-kii, waxa la furay dugisii dawladeed ee ugu horreeyay ee dawladda isticmaarka si toos ah u hoostaga. Ilaa 37 arday ayaa la diiwaangaliyey isbuucyadii ugu horreeyay, ka dibna tiradu kor ayaa ay u kacday oo gaadhay 45 arday oo la diiwaangaliyey. Waxaa dugsigaa looga dhigay Maamule Maxamuud X. Axmed Cali, oo ahaa karraani hore oo u shaqeyn jiray dawlada isticmaarka, sidoo kalena ka soo qalinjabiyey, isaga oo ka mid ahaa ardaydii ugu horreysay ee dugsigii caanka ahaa ee Gordan College, Suudaan. (Somaliland Protectorate, Education Department, Annual Report for 1938)
Inta badan, dadkii ku dhaqnaa Somaliland waxa ay u arkaayeen Ellsion in uu ahaa “Baadari” ilaa markii danbe looga dhigay hal-hays uu ku caan yahay.
Maalin Arbaca ah oo ku beegan 17-kii Meey, 1938-kii, waxaa magaalada Burco soo gaadhay wefti ka soo kicitimay magaalada Berbera oo ay hoggaaminayeen Ellison iyo Maxamuud X. Axmed. Ujeedka safarkoodu waxa uu ahaa in ay soo kormeeraan dugsiyada Qu’aanka ee Magaalada Burco, iyo in ay diiwaangaliyaan arday. Ka dib imaatinkoodii, iyaga oo aan weli fulin shaqadii ay u yimaaddeen, ayaa waxa, sidoo kale, soo gaadhay Burco Sheekh Cismaan Nuur oo guubaabinaya waalidkii deggenaa magaalada Burco kuna leh: “Waalidka waxaan uga digayaa in ay inamadooda geeyaan dugsiga inta lagu guda jiro kormeerka.”
Subax Sabti ah oo loo ballansanaa in ay shaqadii ay ku soo talagaleen fuliyaan, ayaa waxa isqabsaday sawaxan iyo buuq ay kicinayaan dadkii deggenaa Burco oo uu hadalkii wadaadku ku mudan yahay. Mudddo ka dib, waxaa bilawday dhagaxtuur waxaanu sababay in ay dhaawcmaan hawl-wadeennadi la socday Ellison iyo Ellison laftiisa oo uu dhaawac ka soo gaadhay qadaadka, taas oouu dhagaxutuurku gaadhsiiyey. Dhanka kale, waxaa la burburiyay daaqadaha gaadhigii ay wateen. Wakiilkii Degmeda Burco, Smith, ayaa u yeedhay Ciidankii Awrta (Rakuubleyda) ee Maxmiyadda Somaliland (Somaliland Camel Corps) si loo damiyo rabshadaha iyo mudaharaadka. Haddana, mudaharaadkii waa uu ka sii daray oo waxa ku naf-waayay labo qof oo rag ah, qof saddexaadna waxa ka soo gaadhay dhaawac ba’an oo uu u geeriyooday. Sidoo kale, waxa amar lagu bixiyay in la soo xidho Sheekh Cismaan Nuur iyo Xaaji Farax Oomaar.
Intaa ka dib, Ellison waa uu ka hulleelay carriga Somaliland, isaga oo u kicitimay Ingiriiska si uu, markaa, fasiraad uga bixiyo rabshaddii ka dhacday magaalada Burco ee uu khasaaruhu ka dhashay. Ka dib tagitaankiisaa, waxa, sidoo kale, xidhmay dugsigii Berbera, taas oo ay sababtay maamulkii oo carrada ka dhoofay.
Ka dib, sanadii, 24-kii Diisanber, 1939-kii. Ellison, dib ayaa uu ugu soo laabtay Somaliland, isaga oo ujeedkiisu ahaa in uu korjoogteyn ku sameeyo sida ay tacliintu u socoto. Qorshaha waxa ku jiray in uu dugsigii labaad ka hirgaliyo magaalada Boorama, ilaa la soo gaadhayay bishii Ogos, 1940-kii oo uu Cadan uga gudbay. Sannadkii 1940-kii, waxa uu Ingiriisku, sidoo kale, ka shiraaqday dhulka Somaliland, ka dib duullaankii uu Talyaagu ku qabsaday Somaliland, intii lagu jiray Dagaal-Weynihii Labaad ee Dunida.
Maxamuud Axmed Cali waxa uu dib-u-furay dugsigii Berbera, 1-dii Jeenaweri, 1940-kii, halkaas oo lagu xidhay fasixii bishii Meey ee sannadkii ka horreeyay, intii aanay rabshadihii Burco dhicin. Sidoo kale, waxa ku soo biiray macallin cusub, oo isaguna ka soo baxay dugsigii Gordon College ee Suudaan, magiciisuna yahay Yuusuf Xaaji Aadan Qabille. Yuusuf, Bilawgii uu ku cusbaa tacliinta Somaliland, waxa uu qudhiisu wajahay dhacdo weerar ah oo uu kala kulmay dadkii diiddanaa tacliinta uu Isticmaarku waday. Maxamuud iyo Yuusuf, maalin jimce ah oo ay ku aaddanaayen masjidka, ayaa ay ka horyimaaddeen dad fallaadho wato oo ugu hanjabay: “Haddii aad carruurtaada u geyso iyaga [dusiga], waxa aad gelaysaa cadaabta”. Ka dib dhagax ayaa ay ku bilaabeen, dabadeedna Yuusuf ayaa uu soo gaadhay dhaawac weyni.
“Haddii aad carruurtaada u geyso iyaga [dusiga], waxa aad gelaysaa cadaabta”.
Isla mudoo yar ka dib, Dugsigii Berbera waa uu xidhmay, waxaana sabab u ahaa qabsashadii iyo duullaankii uu Talyaanigu ku soo qaaday dhulkii , sidoo kalena uu isticmaarkii Ingirsku, isla markiiba ka shiraaqday Berbera oo uu Cadan u guuray. Dhanka kale, Ellison, keligii kama uu baqoolin Soomalilaan ee Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa, iyaguna, u guuray Cadan, ilaa la soo gaadhaayay bishii Maarj 1941-kii, oo uu Ingiriisku dib ugu soo laabtay dhulka .
Sannad ka dib, waxa ay Maxamuud Iyo Yuusuf, markan, bilaabeen in ay dugsi hoose (elementary) ka furaan magaalada Hargeysa, fasalkii ugu horreeyay ee dugsigaana waxa la qoray jiilkii ugu horreeyay ee xornimada hantay, sannadkii 1960-kii.
Ardaygii ugu horreeyay ee magaciisa la diiwaangaliyo, oo ahaa Dr. Cali Sh. Ibraahim Sh. Cumar Sh. Madar (Dr. Cali Qaaddi), mar uu waraysi siiyay warbaahinta HCTV, bishii Oktoobar, 2015-kii, waxa uu yidhi: “Iskuulka waxa la iga qoray Xafiiska Degmada (District Commission), aabbahay ayaa igeeyay [na] … dad meesha joogay, ayaa yidhi; xaggeed geenaysaa? Iskuulka ayaa aan qorayaa! Allaa! waa la gaalaysiinayaa! Aakhirkii sannadii 1943-kii ayaa nala qoray, aniguna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay, Maxamed Xaashi iyo Naylna, waa ay igu xigeen. Waxaan isku fasal ahayn labo madaxwayne oo dalka soo maray; Abdiraxmaan-Tuur iyo Cigaal … sannad Ka dib, 1944-kii waxa na la geeyey dugsigii Sheekh, halkaa oo aannu waxbarashadii ka sii wadnay … qiyaas ahaanti, waxaanu ahayn 16-18 arday oo iskuulka na la wada qoray … Dugsigii na la qorayna waxa uu ahaa Fisher school [Sh.Bashiir maanta loo yaqaan].”
Bishii Oktoobar 1942-kii, dawladdii Ingiirsku waxa ay dardar galisay furitaanka dugsiyada hoose, waxaanay ka hirgalisay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Tirada ardaydii sannadkaa la qaadanayay waxa ay dhammayd 20 arday oo keliya.
Ku Dhiirashadii Furitaanka Dugsiyo Hablaha u Gaar ah;
Waxa, markan, uu Xafiiskii Isticmaarku u soo magacaabay waxbarashda Agaasime J.B. Whitehead. Haddaba, sannadkii 1947-kii, waxaa, iyaduna, ku dhiirratay in ay dugsigii ugu horeeyey furto Mrs. Bell oo ahayd xaaska Agaasimihii Tacliinta , J.B. Whitehead. Waxa uu dugsigaasi ahaa gurigeedii ay degganyd markaa, waxanu ahaa mid aan la shaacin, sidoo kalena aan lacag lagu xidhin ardayda. Haddaba, dugsigii ugu horreeyay ee ay dawladdu hagto waxa laga furay Burco, sannadkii 1953-kii.
Bilowga jihadii cusbayd ee ay tacliinta qaadday 1950neeyadii iyo dabayshii Xornimada, 1960-kii;
Sannadkii 1950-kii, waxa uu Kommishankii Tacliinta ee dhammaan degmooyinka soomaaliland dhaqan galiyay sharci cusub oo tibaaxaya in dhammaan xarumaha waxbarasho laga diiwaangaliyo waaxda waxbarashada ee Maxmiyadda , iyo in ay macallimiintu qaataan laysamo bilawga shaqada ka hor.
Saddex sano oo ku siman 1957-1960, waxa la diyaariyay qorshihii ugu danbeeyey ee uu isticmaarku ka fuliyo gudaha . Waxa qorshahan hoggaaminaayay, Sir Chirstopher Cox oo ah Lataliyaha dhinaca tacliinta ee Xafiiska Maxmiyadda. Qorshahan waxa loo qoondeeyey lacag dhan 619,707 Boon, oo ah xaddigii misaaniyadeed ee ugu badnayd ee uu isticmaarku galiyo waxbarashada, lacagtaas oo ka timid sanduuqa isticmaarka ee horumarinta iyo daryeelka.
In kor loo qaado waxbarashada ardayda wiilasha ah, lana hirgaliyo dugsiyo badan oo hoose.
In la aasaaso nidaam dugsiyeed ka kooban mid hoose iyo mid dhexe oo hablaha loogu talagalay kuna yaalla degmooyinka.
In kor loo qaado waxbarashada dadka waaweyn ee deggan magaalooyinka, iyo ballaadhinta nidaamka macallinimada lagu noqon karo.
In la xoojiyo nidaamyada hab-maamuul iyo kormeereed ee laanta tacliinta.
Sannadkii 1955-kii, waxa ardayda dhiganaysay dugsiyada dawliga ah lagu qiyaasay 1.3% marka loo eego bulshada ku dhaqnayd, halka 1957-kii, ay tiradu gaadhay 1.8%, iyada oo ay wadarta guud ahayd 2,253 arday. (Ibid., p.21)
Yuusuf Xaaji Aadan waxa uu sii waday hirgalinta tacliinta ilaa sannadii 1960-kii, ka dib, ayaa uu siyaasadda uga baydhay, uuna noqday Safiirkii Jamhuurayadii Soomaalida u fadhiyay dalka Masar.
Sidoo kale, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa markii danbe, iyaduna, dadaalkii aabbaheed sii. Wadday waxana ay sannadkii 2000 ka qaybqaadatay aasaaskii Jaamacadda Hargeysa oo ahayd jaamacaddii labaad ee dalka laga hirgaliyey, ka dib, Jaamacadda Camuud ee Boorama.
Doonistii uu isticmaarku ku doonaayey in uu afka Soomaaliga ku qaro far Laatin waa ay u hirgali wayday, isaga oo iskacaabbin ba’an kala kulmay dadweynihii, oo markana, ay hooggaaminayeen xer diimeedyada Qaadiriyada iyo Saalixiyada. Isbarbardhig marka lagu sameeyo dhulalkii kale ee uu isticmaarka Ingiriisku ku sugnaa, sida Ugaandha, Galbeedka Afrika iyo Suudan; waxa uu ka lahaa arrimo dhawr ah oo kala ah daneyn dhaqaale, mid diin-fidineed iyo arrimo ganacsi, halka uu, keliya, ka lahaa dano istiraatiijiyadeed. Dhinac kale inaga oo ka istaagayna, dadkii ku dhaqnaa carriga waxa la gudboonayd in ay si dheellitiran u hufaan adeegga waxbarsho ee uu isticmaarku waday, oo ay eegaan waxa ay dantu ugu jirto, sidoo kalena ay indho naqdiyeed ku odorosaan sida ugu haboon ee loo fulin karayo mashruucaa; iyada oo aan iskacaabbin laga la hor iman bilawgaba.
Bilowgii kontomeeyadii, dadku waa ay aqbaleen waxbarashad, taas oo saamayno ay ku lahaayeen arrimo dhawr ah. Ugu horreyn, ilbaxnimadii dadka reer Cadmeed oo waxbarashda dardargaliyey, iyo midda labaad oo ah in dadkii ugu qaddarinta sareeyay dhulka waagaas ay ku dhiirradeen in ay carruurtooda geeyaan waxbarasho. Ugu dambeyn, waxa uu odaygii budhka ku dagaallamay, isaga oo diiddan, dib ka garwaaqsaday muhiimadda waxbarashda, ilaa uu mar kale budh ku dagaallamay isaga oo doonaya waxbarasho.