Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Sheeko

Aas Gobanimo leh

29 October, 2025
Image
Aas Gobanimo leh
Share

Darxumo badan ayaa foolkaaga ka muuqata. Macaluul baa ku daashatay, xanuun iyo xumad baana kuu dheer. Dhawrkii beri ee la soo dhafay oomato la sheego maad helin, haddii aad heshayna nafsad uma aad hayn. Ileen gaajo waa cudur. Weligaaba waad dhuubnayd oo dheerayd, waxa se aad ahayd wayd caafimaad qabta. Jirro ma aad qabin. Cudurku waxa uu kuu bilawday subaxdii aad ciidanka is qortay; Ciidanka Xoogga. Xiiso aad u haysay iyo camal la'aan baa kugu riixday ficilkaas. Filashadaadu waxa ay ahayd in aad hesho awooddii aad weligaaba u oomanayd ee aad hamuunta u qabtay. Imisa jeer baad ku seexatay oo ku soo toostay iyada oo garbahaaga xidigo qariyeen? Tiro iyo cadad ma leh. Dookhu ma sahlana, qofkuna waxa uu janto waa in uu ka jibbo keeno, sidaas baa noloshu macna ku leedahay. Riyadaadu sidaas bay ahayd.

Lix sanadood ka hor, subax Jimce ah waatii ay kuu hirgashay himiladii ku gubaysay. Barqo kulul oo qorraxdu awooddeeda heerkul tijaabinayso ayay ahayd. Adeerkaa Cilmi oo qaybta saadka ee ciidanka haystay ayaa gaadhigiisa kugu qaaday. Qabawga baabuurkiisa iyo waxii alaab dhex yaallay waadigii la tacajabay ee u maleeyay in aad qoys aroos ah soo booqatay. Dadku sicirbarar iyo gaajo ayay ka cabanayeen, se gaadhigan oo qudha waxa saaran ayaa reero dhan quudin lahaa. Gaadhigiisa gaarka ah buu ahaa oo kaligii baa lahaa waxa dhex daadsan. Macaluul baa shacabka haysay, jananada iyo madaxda sarena dherag baa bay la naaxnaaxeen, adigu se waxa aad saaka u socotaa in aad kala ilaaliso bulshada iyo madaxda. Haa, waxa aad waardiye ka noqon doontaa nin dheregsan, adiga oo kabaha la dulmari doona miskiin baahan. Dardaaran uu adiga, hooyadaa iyo adeerkaaga kale uga tegay ayuu, ugu danbayn, ka adkaysan waayay oo fulinayay adeerkaa Cilmi. Inanka yar ee agoonka ah gacan qabo oo ciidanka uu rabo qor ayaa lagu canaantay. Aabahaa waligii laba maalmood oo isku xiga shaqo ma helin. Busaaradda dhulka ka jirta iyo nolol xumada isaga oo diiddan ayaa ay heddu u timi oo uu xijaabtay. Cabsi aad ka qabtay in aad sidii aabahaa u dhimato ayaa kugu lahayd shaqo tag.

Cadceedda oo sii kululaatay ayaad soo gasheen xerada tababarrada ee Ciidanka Xoogga. Askar wada tin xun, dhuudhuuban oo dhafoorradu goteen ayaa agagaarka oo dhan tubnaa. Digtooni ka dib, waxa ay salaan siiyeen Cilmi. Dadka salaanta siinayay jananka waxa ku jiray kuwo la derajo ah. Laakiin, salaantaasi inta ay xushmad ahayd waxa ka badnayd inta ay iska dhaadhicin ahayd. Waayo, Cilmin waa madaxa saadka ee ciidamada oo lacag baa looga dhawaanayay. Marar badan, xurmaynta qof kale loo hayo ayaa wax kaa soo gaadhi karaan, sidaas baana adiga qudhaada laguu soo dhaweeyay, iyada oo jananka la qaddarinayo. Habraaca isqorista ciidanka qudheeda waa laguu fududeeyay. Sharcigu waxa uu qabtaa cidii aan la garanayn.

Subaxdaa laga bilaabo waxa aad ahayd askari qaran. Waad firfircoonayd oo carcar hor leh ayaa kugu jirtay, ciidankana waad u jeellanayd oo waxaad ahayd nin raba in uu derajooyin hanto. Adeerkaa wuxu kugula taliyay dedaal iyo amarqaadasho. 'Waryaa Cismaan, nabadeey! Waa adiga iyo sida aad isu soo saarto.' Ayuu kugu macasalaameeyay, isaga oo gudanaya waajibkiisa sarkaalnimo oo aan wax jixinjix ah laga arkayn. Cadho aad ka qabtay sida adag ee uu mar walba kuula hadlo ayaa ku haysay subaxdaa iyo ka horba, laakiin adigaba waxa kuu qorshe ah muujinta dabcigaaga xun, kaligaana ma aha ee askarta dalkaagu sidaas bay u badan yihiin. Ciidanku waxa uu noqday fagaaraha lagu soo bandhigo dabci xumada. Yeelko e, tartanka loogu jiro in qof kastaaba xumaantiisa soo bandhigo kama warwarsanid in aad kaalmaha hore ka gali doontid. Waad is taqaanaa.

Bilawgii, tababarka ayaad gashay; timaha oo lagaa xiiray, nasashada iyo hurdada oo kugu yaraa iyo waydnimadaadii hore ayaa is biirsaday. Waxa aad noqotay qof awoodda qudha ee uu isku hubaa ay dirayska tahay. Judhiiba waa halka ay kaa raacday naanaysta Cismaan-dhuub ee magacaagii lagu ladhay. Sidaas ayaad ku noqotay askari la tirsado. Waxa aad noqotay jilaa wanaagsan oo ku fiican sida taliyaha la isaga iibiyo, waxba se kama aad dheefin. Kuma aad guulaysan in aad kalsoonida taliyahaaga hanato. Marka aad bulshada dhex marayso, waxa aad u muuqataa askari daacad ah oo dedaal ugu jira ilaalintooda. Hase ahaato e, waxa aad ku hawllan tahay waxyaabo kale; hanti samaysi iyo derajo xidhasho ayaa hadaf kuu ah. Mar kasta oo aad fikirkaaga gurracan ka biyadiiddo oo damiirku ku qabto waxa aad nacdashaa siyaasiga kugu kallifay khiyaanada iyo in aad dalkaaga daacad u noqon waydo. Siyaasiga danaystaha ah ee guryaha badan iyo ganacsiyada leh, adigana aan maalin kuu hadlin ama aan ku tala jirin in uu kuu hadlo. Inkaar baad u miistaa. Qofku nolol qurux badan waa uu u qalmaa; nasasho, hoy wanaagsan iyo xasilooni. Haddii se jidka lagu helayaa adkaado sidii aad ku kasban lahaydba furan. Sidaas baad ku dooddaa.

Saddex sanadood ayaad imika askari tahay. Filashadaadii wax baa iska bedalay oo qof kale ayaad noqotay mudadii aad ka soo dhex kacaysay xerada muuqa xun ee ku taalla tuulada Warxun. Marka laga reebo hal xiddig oo adeerkaa Cilmi kula dhameeyay, wax derajo ah ma aad helin. Quus baad ka joogtaa waxii aad rabtay ee aad u heellanayd. Dagaallo badan baad gashay. Cadaw dhulkaaga ku socday baad ka horjoogsatay oo dhirbaaxo xun qabadsiisay. Mushaharkaagu waa intii laguugu bilaabay iyo xoogaa yar oo xiddigta la socday. Taliyahaagu se dhulal fara badan, ganacsiyo iyo baabuur buu leeyahay. Waxa uu marar badan idiinku khudbeeyay in uu kaadidiisa u soo cabbay halkan uu joogo ee aanu qunyar iska iman. Dhabtu se waxa weeye in aad idinku kaadidiinna u cabteen oo dagaal iyo weerarba u gasheen. Amar ku taaglayn, dulmi iyo ku tacaddi baad ka tirsanaysaa taliyahaaga. Bilaha qaarkood, mushaharkaaga isagaa leexsada, isaga oo danbi aanad galin kugu qaadaya. Madaxweynuhu wax danayn ah idiin ma muujiyo, marka la rabo in mudaharaad laga hortago ayuu idin la hadlaa oo idin soo hadal qaadaa. Ujeedkiisu inta uu ahaa in aad dalka difaacdaan in ka badan waxa uu ahaa in aad kursiga ku haysaan. Waa fekerka kalitaliska.

Dhawrkii cisho ee la soo dhaafay waxa aad ku jirteen dagaal idiin dhexeeyay jabhad xukuumadda mucaaradaysa. Waxii taliska ka soo hor jeesta dhiigoodu waa xalaal waana in la xanuunjiyo si loogu waano qaato. Amarka qudha ee aad qabteen waxa uu ahaa toogasho. In kasta oo ciidanku kula qabeen werwerka iyo diidmada laga qabo ficillada gurracan ee madaxweynaha loogu danaynayo, haddana adiga wax baa kuu dheeraa. Wax baa ku gubayay. Waxa aad ogayd in jabhadda idin ka soo horjeedda uu ku jiro walaalkaa oo kaa yari. Sida uu kugula dooday marar badan oo aad ku tidhi iskaga hadh maleeshiyada, waxa uu qabay in reerkooda loo diiddan yahay kursiga oo ay raganimadu ku waajibinayso in uu la dagaallamo dawladda. Adiga qudhaada ayuu kugu canaantay in aad bilaa ficil tahay, heer aad ku sigatay in aad rumaysato. Adiga oo fikirkaas ku maqan, taladana rogrogaya ayaad gogosha tagtay. Waxa dhabta ah ee aad maalmahan u dagaallamaysay ayaad si hoose oo baqdin leh uga fekeraysay. Waad daallanayd. Ma xusuusatid goor aad gataatidhacday ee waxa aad ku kacday buuqa, rasaasta iyo jibaadka is dhex socda ee xeradii u beddelay goob dagaal. Naxdin baad weheshatay. Xeradan Jeneraal Gaarrane, oo loogu magac daray nin halgamaa ah oo xusuusta bulshada ku waaray, waxa ay ahayd mid jabhadda u calaamadsan. Markii aad boodday ee aad qoriga badhka qabsatay waxa aad rasaas u farraqday halkii afka qoriga ku beegnayd. Waxa aad hubtaa in ay dad ku dhacday, waxa se aad jeclaan lahayd in uu taliyehaagu dadkaas ku jiri lahaa. Cabbaar bay rasaastu socotay. Qaylo iyo sawaxan baa arliga qabsaday. Urta baaruudda iyo qiiquna waxa ay muuqaal kale u yeeleen jawiga. Cabsidu waxa ay cuslaysay hawada. Sanqadhii mar qudha ayay degtay, sidii oo roob mahiigaan ahi qaaday, waxana dhulka oo dhan is fidiyay aamusni xooggan iyo jabaq la'aan. Maxaa dhacay? Qofna ma uu ogayn. Dhaawac badan oo goobta yaallay ayaa dib u bilaabay in ay dareenkooda cabbiraan oo xanuunka haya qaylo kaga dhuuntaan. Jabhadda iyo ciidanka dawladdaba waa ay isugu jireen. Habeenkaas waxii ugu xumaa ee aad aragtay waxa uu ahaa dhaawaca walaalkaa oo aanad ka filaynin meesha. Waxa kuugu war danbaysay adiga oo magaciisa ku celcelinaya. Cumar. Cumar Cumar.

Subaxnimadii habeenkaa waxa aad cisbitaalka gaysay dhaawacii Cumar iyo rag uu ku jiro. Dhaawac halis ah ayaa soo gaadhay oo lug baa go'nayd. Shaqaalaha caafimaadku wax xurmo ah kumay tusin, kama aad se kasbanba oo waxa aad tihiin col wada yaalla. Dharaartaa ilmadii hooyadaa ka dareertay waxa ay wali kugu tahay xusuus xun oo aad qadhaadhkeeda tufto mar kasta. Diifta ka muuqatay iyo werwerka ka hayay xaaladda Cumar waxa u dheeraa sida ay uga xumayd askarinimadaada. Iyada oo quusta hooyadaa ka muuqataa ku muuq-beddeshay ayaa amar kugu soo dhacay. Xerada ayaad iska xaadirisay oo amar waa qaadasho. Waa weedh ciidanka caan ka dhex ah oo qabka iyo qofnimada hoos loogu dhigo. Waxa aad ka tagtay hooyadaa iyo dhaawaca walaalkaa oo aan cidi wehelin. Waxa wehelinayay wax qudha; rejada. Maalinkaas waxa aad hubtaa in cimrigaaga ay dhawr gu' ku korodhay, miisaankaagana dhawr kiilo ka dhacay. Markii aad xerada ku noqotay waxa dib kuugu bilawday darxumadii askarinimada iyo walaaca aad ka qabto waxii dhacay. Taliyehaagu indho arxan daran ayuu kugu eegayay isaga oo u muuqda in uu kugu ciqaabayo danbiga uu walaalkaa Cumar galay.

Siddeed sanadood ayaa ka soo wareegay intii aad askariga ahayd. Subaxdii aad khaldantay waxa aad qaadday jid xun, sida aad qabto. Wax kasta oo dhacayba, galabta waxa aad dib u milicsanaysaa waxii aad ku shuqlanayd sanadahaa la soo dhaafay oo dhan. Waa xusuus mur iyo waabay ka qadhaadh. Xusuusta qudheeda in aad lumiso ayaad marar badan rejaysay. Waxa ku hor yimi wax kasta oo xun oo aad fashay. Gabadh uur leh oo aad laad ku kicisay iyada oo biya la'aan ka mudaharaadaysa ayaad hortaada ka daalacatay. Amar baad qabtay ayaad isugu laab qaboojisay. Qof aad dhibraaxday, mid kale oo wax uu lahaa aad xoog kaga qaadday; tagto wada foolxun baa maankaaga is cidhbisay.

Afar bilood ka hor ayaad ku dhaawacantay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga iyo isla jabhaddii uu Cumar ka tirsanaa. Dhaawacaagii ka dib, ma jirto wax daryeel ah oo aad heshay. Dhakhtarkaaga, dawadaada iyo noloshaadaba waxa la daalaa dhaca qoyskaaga. Mushaharkaagii oo raaga ayaa ku soo gaadha, marmarna waad waydaa. Eedda waxa leh taliyehaaga macangagga ah. Cumar, isagu, lug buu ku waayay macnadarro qabiil. Markii uu xoogga iyo ficilka hayay waxa uu ahaa halyey u tirsan reer tolkii, imika se lama tebin. Adiga miyaa? Waxa aad tahay askari cidda qudha ee uu tixgalinta ka helaa tahay bulshadii uu mararka badan dhibaateeyay. Dadka ku soo booqanayay maalmahan ee is hor iyo daba marayaa waxa ay bixinayeen ifafaale ah in xaaladaadu culus tahay. Casar liiq gaaban ayay ahayd goortii aad ku war heshay adiga oo cusbitaalka yaalla, dad badana ku ag tuban yihiin. Madawga qorraxda sii dhacaysa iyo gudcurka ayaa ogaysiis bixinayay. Xumadda ku haysay ayaa jawiga oo dhan kulayl u bedashay. Waxa aad ahayd qof aakhiro u socda. Waa lagu gunaanaday. Waxa aad dhimatay adiga oo askari hore ah.

Geeridaadu waxa ay damaqday qoyskaaga. Hooyadaa bay xanuunjisay.Waxa ay wayday wiilkeedii oo ay nolol la rabtay. Waxa ay ka xumayd sida dawladdaadu kuu dayacday. Ilmo gaaxsanayd ayaa dhabanada dareeraysay. Cidhiidhi bay dareemaysay. Waxa u sawirnaa wehel la'aan soo fool leh. Labadeedii wiil ee ay dad ka lahayd baa mid laxaadka qayb beelay. Adiguna waxa aad u baxday safarkii abadiga ahaa. Saacad ka dib, waxa cusbitaalka is qabsaday ciidan iyo askar derajooyin sita. Xidigihii aad jeclayd. Waxa ku jiray taliyehaagii oo qiiraysan. Waxa uu ciidanka amray, hooyadaana ugu laab qaboojiyay, in si gobanimo leh laguu aaso.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Sooraan: Jilaa iyo Naaqid Bulsheed

Buug

Kalahaadkii Muqdisho

Dhaqan

Xusuusqor Reerguuraa

Aragti

Colaadda Sokeeye Waa Maandooriye