Monday 7 September 2026
Jimma ayay ahayd halkii aan toddoba sanno ka hor, 2019, ku akhriyay sheekada Aanadii Nageeye. Waxa aan xilli casar ah dhawr maalmood tagi jiray meherad yar oo jaamacadayda ku dhextaal, halkaas oo aan ku akhrin jiray buugga, aniga oo kabanaya faanto ama bun. Toddoba sanno kaddib waxa aan dib u holladay akhrinta isla sheekadii, bilowgiiba waxa aan mooday in aanan horeyba u akhriyin, markii aanse dhex galay ayay maskaxdaydu soo celisay in ay dhacdooyinka muhiimka ah xasuusato. Badi sheekooyinka Ibraahin-Hawd waxa ay iska shabahaan in akhriskooda lagu celcelin karo, iyada oo aanu xiisihii iyo macaanidii sheekadu marnaba lumayn ama suulayn.
Aanadii Negeeye waa sheeko laga matalayay xaalka Soomaalida, gaar ahaanna xilligii dawladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre. Nuqulka aan akhriyay waa daabacaaddii saddexaad oo ka kooban 404 bog iyo 12 cutub. Waxa uu qoraagu sawirayaa nolol miyi illaa magaalo taxan, waxa uuna ka sheekaynayaa dhacdooyin si toos ah iyo si dadban isugu xidhan oo ka tallaabaya xoolo raacato, una tallaabaya qori raacato. Waxa uu qoraagu furfurayaa su’aalo aan la iswaydiin laakiin bulshada ka dhextaagan, waxa uuna carinayaa maskaxda akhristaha, isaga oo dhacdooyinka ku dul dhisaya su’aalo uu qof walba dhankiisa ula kici karo si uu ugu raadiyo jawaab u qalanta. Waxa uu durayaa boogo badan oo ay bulshada Soomaaliyeed leedahay, balse ay huursato, waxa uuna astaan su’aaleed saarayaa arrimo badan oo sidii midho daray duuduub lagu liqi jiray. Waxa uu qoraagu jilaa u samaystay wixii hoog dhacay intii ay xukunka Soomaaliya hayeen ciidamadu, waxa uu isla jilaagaa, oo Negeeye ah, ku metelayay hoogga bulsheed ee iska aanaysiga oo miyi iyo magaaloba caadada ka noqday.
Waxa ay sheekadu leedahay jilaayo aad u badan. Mid walba waxa uu matalayaa door muhiim ah, isaga iyo doorka uu qaabilsan yahayna wax badan laga qori karo. Waxaase udub dhexaad u ah sheekada ninka lagu magacaabo Negeeye. Waxa uu dhashay habeen ay geeddi yihiin qoyskiisu, dhalashadiisa ayaana loo negaaday, sidaas ayuuna magaca kula baxay. Isla habeenkaas ayaa aabbihii la dilayaa, khilaaf ka dhashay negaashiyaha awgii, waxa uuna ku korayaa agoonnimo. Tuulo la dhoho Damalweyn ayuu noloshiisa hoose ku qaadanayaa, halkaas ayuuna ayeeyadii kula noolaanayaa. Duruufo kala duwan ayuu Negeeye nolosha ka marayaa. Waxa uuna la kacaamayaa xanuunka agoonnimo iyo dareenka ninkii aabbihii dilay oo tuulo kala nool, taas oo gayaysiinaysa in uu ka aarsado ninkii aabbihii dilay. Aanaysigaa kaddib waxa uu firxadkiisa ku galayaa Xamar oo uu iyada nolol noocyo kala duwan kala kulmayo, isaga oo aakhirkii u dambaynaya ciidannimo. Sida uu qoraagu sawirayo, Negeeye waxa uu qayb ka noqonayaa hawlgallo argagixin iyo cabudhin ah oo ay dawladdu ka gaysanayso Mudug iyo Togdheer, taas oo uu dhaqaale badan ka samaynayo, uuna ku baranayo tumasho iyo dhaqamo silloon.
Negeeye intii uu joogay Damalweyn, waxa uu guriga ayeeyadii kula kulmayaa gabadh la dhoho Amran oo iyaduna sooyaal kale oo dheer ku dhex leh sheekada, waxa ayna Negeeye wadaagayaan kulan furaasheed dhawr ah, balse waxa ay Amran u jajabnayd oo u furfurnayd rag kale oo dhawr ah. Kolkii uu Negeeye askariga noqday ayay wiil la dhoho Kaliil dhalaysaa, waxa ayna u tiirinaysaa in Negeeye dhalay, dhab ahaanse nin kale oo reer Damalweyne ah ayay u dhashay. Kolka uu Kaliil waynaadona waxa uu eersanayaa magaca iyo abtirsiinta Negeeye oo aan dhalin, waxaana loo dilayaa aanaysiga dilkii uu aabbihiisa aan dhalin uu gaystay.
Intaasi waa taayirada sheekada iyo sida uu magaca Aanadii Negeeye ku yimi, waxaase ka sal ballaadhan casharada, fariimaha iyo afkaaraha kala geddisan ee buuggu gudbinayo. Waxa aanna qoraalkan isku dayayaa in aan ku xuso dhawr aragtiyood oo uu qoraagu ku gudbinayo sheekadan iyo sida ay u muuqdaan, iyo sidoo kale, farshaxannimada qaayaha leh ee uu qoraagu u adeegsaday.
Bilowga buugga, kolka laga waramayo kacaannimada Negeeye waxa uu qoraagu sawirayaa awoodda ay wadaaddadu ku dhex leeyihiin Soomaalida iyo sida qaar badan oo ka mid ah ay awooddaas ugu isticmaalaan danahooda u khaaska ah. Sheekada waxaa ku jira nin la dhoho Aw Faarax oo ah macalin dugsi Qur’aan iyo qof qabta badi wixii diin looga baahdo. Waxa uu leeyahay awood sarraysa maadaama uu isagu ka falceliyo wixii diinta looga baahdo. Aaminaadda badan ee uu helay iyo aqoonta lagu tuhmayo ee diinta oo aanay cidna su’aal ka keenayn, taas oo ay xoojinayso in wixii afkiisaba ka soo baxaba loo qaadanayo diin ahaan ayuu ku takrifalayaa, waxa uu u adeegsanayaa danahiisa gaarka ah, waxa uuna ku colaadinayaa oo uu ku takoorayaa cidda arrimihiisa soo faragashata. Inkasta oo uu sannadahan danbe fahanka bulshadu kobcayo, haddana waxa ay ahayd aafo jirta in qof bini’aadan ah oo qaldami kara laga aamino in aanu wax xun iyo danbiba ka dhicin, si shuruud la’aan ahna gacanta loogu galiyo ammaano aanu qaadi karin ama aanu aqoonteedaba lahayn.
Kolka wadaadkaas laga yimaado, waxa uu sharaxaad ka bixinayaa Wahaabiyada, waxa uu ka sheekaynayaa habka aasaaskooda, waxa uuna sawir ka bixinayaa waxa ay u taagan yihiin iyo sida ay isu qotomiyeen meel ka soo horjeedda halka ay bulshadu joogto. Waxa uu qoraagu bidhaaminayaa sida Soomaalidu isugu dhiibtay wadaaddada, iyaga oo ka urinaya wanaagga iyo quruxda diinta, kolkii ay wayday dawladnimadoodii. Waxa uu tibaaxayaa in wax walba ay suuleen, kolkaasna uu qof walba ku heesay “aakhirooy, xaggee baad naga xigtaa.” Aaminaaddaas ay bulshadu kula soo dhacday wadaaddadana ay noqotay mid lagu takrifalay oo sidii dhawr qofood u danaynaysay loo adeegsaday. Waxa uu sawirayaa sida caadifadda iyo laab-la-kaca leh ee ay ragga Carabta wax ku soo bartay dadka u horkeceen, waxa uuna si waadaxa u tusaalaynayaa dagaalka ay ku qaadeen hiddihii ummadda oo uu u horreeyo fanku, fankii qoraalka, midkii codka iyo wax walba oo la bah ahaa. Sidaas ayuu u sawiray, wax wanaag ah oo la sheegi karona kama uusan sheegin oo waxa ay u muuqataa in qoraagu xil iska saaray kharibaaddooda.
Buugga Aanadii Negeeye, waxyaabaha uu aadka u dhiirigalinayo ee qofka akhrista uu kaga tagayo waa quruxda akhriska. Waxaa sheekada qayb ka ah, qoys dhan, guriga Rooble, oo uu akhrisku astaan u yahay, su’aal-dhalinta iyo falkinta aqoontuna ay caado u tahay. Waxa uu qoraagu qoyskaa ku dhex iibinayaa ahmiyadda uu qofku u leeyahay akhrisku iyo sida ay qayb uga noqon karto hab nololeedka qofka, waxa uuna xoojinayaa sida qiyamka qofku ku ilaashami karo uu akhrisku qayb ka yahay. Intaa kaliya ma’aha e, waxa ay sheekadu sawiraysaa habka waxbarashada iskuulladeenna iyo sida ay ugu baahan tahay in dib u eegis weyn lagu sameeyo. Waxa uu dhaliilayaa, mudanna in la dhaliilo, habka loo yaqaan bangiyaynta ee ah in macallinku waxa uu doono yidhaahdo, ardayguna uu sidiisa u qaato, iyada oo aan wax su’aal dhalin ah iyo maskax ka shaqaysiin ah la galin. Waxa kale oo uu fahan iyo arag buuxa ka bixinayaa sida aanay qiime u lahayn in ardayda loo dhigo wax aan khusayn, taas oo uu tusaale u soo qaadanayo maadada taariikhda. Arday aan aqoon taariikhdiisa iyo noloshiisa ayaa lagu harqinayaa tu ummado kale oo aanu fahmi karinba, taas oo aakhirka dhalaysa in uu waxbarashadana naco, haddii aanu nicinna aanu wax qumman kororsan. Si guud, waxa uu buuggu tusinayaa ahmiyadda ay waxbarashadu bulshada u leedahay iyo sida ay muhiim u tahay in laga fekero manhajka iyo hab-barista ardayda.
Kuraynimadu waa marxalad ka mid ah marxaladaha ay dhalinyaradu maraan, duniduna ay ku baraarugtay in daraasayn fiican lagu sameeyo marxaladdan si loo jiheeyo nolosha kurayga. Kuraynimadu waa xaaladda uu qofku ka baxayo carruurnimada uuna galayo qaangaadhnimada. Waxaa la sheegaa in wiilku marka uu qaangaadho in ay ku dhalato faduulin iyo tijaabin qayral xad ah, in uu tijaabiyo raganimadiisa, awooddiisa, garashadiisa iyo wax walba oo uu la kulmo. Waa xaalad uu isu arkayo in uu awood ka sarraysa dadka leeyahay oo aan lagu dhici karin, waana waqti uu hayo tamar aad u badan oo meeshii lagu jiheeyo si wacan uga soo dhalaalaysa. Sheekada waxaa ku jira wiil la dhoho Raage oo meteleya marxaladdaas kuraynimo. Kolkii uu shan iyo toban jir noqday ayay wax walba is bedeleen, kolkaas ayuu u dhaqaaqay daba orodka dumarka iyo galista magaalowga, kolkaas ayuu haddana noqday wadaad iyo xiisoole diinta u adeega. Marba jiho ayuu u kacay, waxaase sal adag u noqotay akhriskii badnaa ee uu caadada u lahaa qaangaadhkiisa ka hor, taas oo ay u raacday talooyin badan oo uu ka helayay adeerkii Rooble, kuwaas oo ay ka mid ahayd, “Aqoon aad akhriday iyo mid aad dhaxashay toonna yaanay ku hodin, hana u arkin wax sugan iyo xaqiiqo lagama gudbaan ah. Wax walba caqliga ku miisaan, meelo kala duwan ka eeg, wax lid ku ahna ku eeg.”. Waxa uuna su’aal galiyay wax walba oo uu la kulmo, taas oo ka saacidday in dawakhiisa hore uu aakhirka dawo u helo.
Raage waxa uu waxbarasho dibadeed ka helayaa Ingiriiska. Indhaha dunida ayaana halkaa ugu furmaya. Kolka uu tago waxa uu dhex maquurayaa mawjadaha akhris iyo aragtiyo ee dhex yaalla London. Waxa uu wax ka baranayaa Afrikaanka oo darbi dhex yaalay kolkuu dalka joogay, waxa uuna su'aalo ka keenayaa waxa Afrika sida ay u taallo ka dhigay, Yurubna sida uu arkay ka dhigay. Waxa uu akhrinayaa taariikhda madowga oo uu ka mid yahay buugga Alex Halley ee Roots: The Saga of an American Family, waxa uuna la yaabayaa sababta ay u xoogaysatay Hantigoosigu dhulkana uu u galay Hantiwadaagu, haddana waxa uu su'aalo ka keenayaa hantiwadaaga laftigiisa iyo kan magac u yaalka ah ee kacaanku qaatay oo uu durayo. Waxa uu waqtigaa noqonayaa nin firfircoon oo ka dhex muuqda golayaasha Afrikaanka. Intan marka uu qoraagu kawaramayo waxa uu sawir guud ka bixinayaa meesha ay kala joogaan Soomaalida iyo Afrikaanka kale, iyada oo aanay dunida u kala soocnayn Afrikaanku, waxa uuna sawirayaa jariimooyinka ay dalalkaasi gaysteen. Dhanka kale, waxa uu fahan aan qotadheerayn ka bixinayaa aragtiyaha hantigoosiga iyo midda hantiwadaagga, isaga oo si khaas ah u tibaaxaya waxa ay dawladdii kacaanku qaadatay aanu ahayn hantiwadaagii asalka ahayd ee uu yahay magaca oo qudha. Waxa uuna qoraagu qaybtan ku xoojinayaa ahmiyadda uu akhrisku u leeyahay fahanka dunida iyo wacyidhiska. Waxaana si guud looga dheehanayaa kuraynimada Raage iyo sida uu ugu hammuun qabay ogaanshiyaha wax walba oo uu la kulmo, waxaana muuqanaysa in waxbarashada iyo hagidda uu Raage ka helay Rooble ay saaciday.
Sida shaacsanaha ah, saxaafaddu waa awoodda afraad ee siyaasadda ama quruumaha. Waa awood lagu sawiri karo guusha iyo guuldarrada, laguna samaynayo dad fuliya waxa ay rabaan cidda adeegsanaysa saxaafadda. Saxaafaddaasi waa midda dunida ka gadday in gaajada iyo afrikaanku noqdaan laba wax oo mid haddii la xuso tan kale lagu xasuusto, dad badanna ka dhaadhicisay in qofka cad ka sarreeyo kan madow, iyada oo ay jiraan saamayno kale oo sii xoojinaya. Sheekadu, waxa ay sawir ka bixinaysaa doodaha jira ee ku aadan habka ay u shaqeeyaan warbaahinta reer galbeedku. Raage ayaa la kulmaya weriye reer Maraykan ah oo u shaqeeya warfidiyeen Ingiriis ah, waxaana dhex maraya wada hadal ku aadan shaqada ay warbaahinta reer galbeedku ka hayso dalalka Afrika. Waxa uu Raage matalayaa dalalkaas, isaga oo u sheegaya in ay xumoraadis yihiin oo sawir foolxun mooyee aanay mid qurux badan raadin. Doodda dhex maraysa labadooda, waxaa Raage u sahlaya waa in uu hore yalaalugo uga qabay dabeecadda ay saxaafadda reer galbeedku ku wajahaan Afrika. Waxa uuna ka dharagsan yahay in saxaafaddaasi xoogga saarto sidii ay ku heli lahaayeen sawir argagax leh iyo xaalad amakaag ah oo uga gadmaya dalalka reer galbeedka. Qoraagu waxa uu sheekada ku dhex dhisayaa fahan bilow ah oo uu qofku ka qaadan karo sida ay warbaahinta reer galbeedku u shaqeeyaan ama ugu yaraan in uu fahmo doodaha taagan ee khuseeya arrinkan.
Marar badan kolka wax laga qorayo arrimaha Soomaalida, waxaa lama huraan ah in si uun loo xuso qabiilka iyo qabyaaladda. Waa khasab in laga waramo oday koofiyad sita iyo qabqable u ban baxay ka shaqaynta arrimaha reeraha iyo ilaalinta sharafka reerka. Sharafku ma’aha kii qummanaa ee waa mid ku saabsan wax walba oo ku dhisan sarraynsiinta reerka iyo liididda reerkan reerka ka soo horjeeda. Waxaa marar badan dhacda in dadka waxbartay ay hal mar dafiraan qabiilka iyo wax walba oo ku aroora, iyaga oo ka cararaya xanuunka ka dhasha ee qabyaaladda. Waxa ayna jaraan wax walba oo lugta la galaya qabiilka oo qaaraanka, xidhiidhinta iyo wadatashigu qaybta ka yahay. Rooble iyo Raage ayaa sheekada ku metelaya labada qof ee banka ka istaagay arrimaha qabiilka iyo u jajabnaantooda, waxaase Raage mar danbe cidla ka helaysa waaqaca qabiilku leeyahay oo ah in uu mus danbeed u yahay waxyaabo badan oo noloshu ku tiirsan tahay. Albaabka koowaad ee baahida qabiilka ku abuuraysa ayaa noqonaysa guurka, nimaan tol lahayn gabadh lama siiyo ayaa xannibaysa oo ku khasbaysa in uu sandulle ku noqdo.
Kolkii ay dawladda dhexe jirtay waxyaabo badan oo uu qofku reerkiisa kaga maarmo ayaa jiray, iyada oo aanay meesha ka maqnayn qabyaaladda iyo eexaysiguba, haddana waxa ay wax ka sii noolaayeen in qofku wax baran karo, shaqayna karo. Markiise ay dawladdii burburtay, qabiilku waxa uu noqday tiirka uu qof walba ku tiirsan yahay, Raagena waxa uu goobjoog u noqday xaaladdaas, isaga oo u taagnaa xilli magaca reer la dhawrayay loona dagaalamayay, dadkana loo dilayay magac qabiil, qaar kalena ku nabad galayeen isla magac qabiil. Sheekadu waxa ay si qotodheer u sawiraysaa foolxumooyinka ay qabyaaladdu leedahay iyo sida ay u jiraan dad u danseegay sidii ay u adeegsan lahaayeen kaadhka qabiilka. Waxa ay sheekadu si waafi ah akhristaha u baraysaa halaaga iyo xumaanta ay Soomaalida gayaysiisay qabyaaladdu iyo kaabayaasha horbooda arrimahan, iyaga oo xumaan oo dhan huriya, taas oo ay u horrayso colaadaha sokeeye. Si guudna waxa uu qofku sawir ka qaadanayaa falka iska aanaysiga ee foosha xun, kaas oo sal u ah sheekada, kana muuqata cinwaanka sheekada ee Aanadii Negeeye, waxaana foolxumada arrinkan laga arkayaa sida wiil yar oo aan waxba gaysan loogu dilay dhacdo uu gaystay nin kale. Waxaa iyana yaabka ah Kaliil oo loo dilay Negeeye dilka uu gaystay aanu Negeeye dhalin, magacaa sida qaldan ku raacay aawadiina uu naftiisa ku waayay, taasoo sawir u ah in Soomaalida dhexdeeda laguu dili karo qabiilkaaga oo kaliya.
Doorka Indheergaradka iyo Siyaasiga
Aanadii Negeeye waxa kale oo ay tabinaysaa doorka indheergaradka iyo siyaasigu ay bulshada ku kala leeyihiin. Waxa uu qoraagu si toos ah u leeyahay, “Sideedaba xilka koowaad ee siyaasigu ma’aha in uu bulsho dhiso, ee waa in uu hoggaamiyo kaddib marka ay iyagu isaga dhisto. Taasi waxa ay lid ku tahay indheergaradka oo ay tahay in uu isagu bulshada dhiso.” Waxa uu intaa ku darayaa, “Halkaas waxaa ka muuqata isa saamayn ka dhaxaysa saddex qolo; bulshada, siyaasiga iyo indheergaradka. Marka indheergaradku ku guulaysto diyaarinta bulshada ayay bulshadu ku guulaysan kartaa barbaarinta iyo xulashada hoggaamiye siyaasadeed oo hagaagsan.” Waxa uu qoraagu si xoog leh fariin ugu dirayaa indheergaradka bulshada, waxa uuna caddaynayaa in waajibkoodu bannaan yahay, dhaliilaha ay hoggaamiyayaasha iyo bulshada u jeediyaanna ay kaga dhuumanayaan waajibkii saarnaa iyaga.
Mar kale waxa uu qoraagu sawir ka bixinayaa ragga ku gadaalamay Soomaaliya ee ay dawlad la’aantu ka dhex dhalatay, waxa uuna sawirayaa hab fekerkooda iyo sida ay ugu jirto danayn la’aanta dalku oo ay uga buuxdo arrimo hoose oo aanay qof qof soo dhaafayn. Waxa uu qoraagu leeyahay. “Sideedaba Soomaaliya waxa ay eedday maangaab aan lahayn riyo fog, han sare iyo ilaalinta jiritaanka isirkiisa. Waxay eedday nin ay aqoontiisa ka maqan tahay siyaasaddu in aanay ahayn hadaf la gaadho ee ay tahay qalab loo adeegsado in hadaf lagu gaadho; in bulshada lagu hoggaamiyo waddo loo arko in ay tahay tii khayrka, loona hayaamiyo dooxo cagaaran oo loo sahamiyay.”
Abuurista Waydiimaha iyo Godlinta Maanka
Sheekada Aanadii Negeeye waxa aad u qurxinaya tabaha uu qoraagu u adeegsanayo gudbinta fariimaha ay sheekadu siddo. Waxa uu abuurayaa su'aalo, waxa uuna godlinayaa maanka akhristaha. Wuxuu jaanis siinayaa akhristaha si uu u fekero, waxna isaga waydiiyo dhacdooyinka uu akhrinayo, si maskaxdiisu wax u dhaliso, raadna ugu yeelato fariimaha uu qoraagu rabo in uu bulshada gaadhsiiyo, haddii ay la qummanaatona uu fikir wacan ka qaato, haddii ay la xumaatona uu naqdin karo oo dhaliili karo. Waxa uuna fariintiisa u gudbinayaa hab waydiin ah, qofku marka uu dul istaago waydiimahaas, qaarkoodna uu jawaabo u helo ayuu qoraagu qaataa doorkiisa oo uu kaga jawaabaa su’aalaha sidii ula qummanayd. Habkani waa hab lagu carrinayo maskaxda akhristaha, waxa ayna la jaanqaadaysaa fikraddii uu sheekada ku dhisayay ee ahayd in waxbarista ardayda laga dhigo mid ardaygu fekerayo, wax soo saarna leeyahay ee aanu noqon bangi wax uun lagu shubayo.
Gunaanadkii, sheekada Aanadii Negeeye waa sheeko aad u xiiso badan oo qofka bilaaba muddo kooban ku qaadanayso in uu dhammeeyo. Sidoo kale, waa sheeko hal mar ka badan qofku akhrin karo isaga oo aan lumin xiisihii uu buuggu lahaa. Waxaana bogaadin mudan qoraaga buugga Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed oo maktabadda Soomaalida ku darsaday wax soo saar qiima badan. Ibraahin waa mid ka mid ah xubnaha ugu foolaadsan marka laga hadlayo qoraalka sheeko-faneedyada, waxa uuna leeyahay sheekooyin gaagaaban oo aad u badan, kuwaas oo dhammaantood xiise gaar ah leh. Waxa uuna hore u qoray buug kala duwan oo ay ka mid yihiin: Gorfaynta Silsiladdii Deelley iyo Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil. Waxa aan ku talinayaa in la akhriyo buuggan, lalana akhriyo xaaladda dalka.