Sunday 17 May 2026
Wiil dhallinyaro ah oo Soomaali-Ameerikaan ah, laguna magacaabo Cammaar Cabdixamiid Cabdirraxmaan, oo 17 jir ah, ayaa geeriyooday kaddib markii jidhil ba’an loogu gaystay xarunta Cilaajka al-Fajri, oo ku taalla magaalada Qardho ee dawlad-deegaanka Puntland. Cammaar oo ku dhashay gobolka Minisoota ee dalka Maraykanka, sheekadiisu waxa ay kasoo bilaabmaysaa kolkii labadiisa waalid go’aansadeen in loo diro Soomaaliya, si uu qaraabada iyo dhaqanka u barto. Waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo furfuran, kana dhego adayga awaamirta, waana sababta ka xanaajisay shaqaalaha xarunta, oo doorbiday in ay garaacaan, oo ah hab ka mid ah hababka ay wax ku furdaamiyaan.
Hooyada wiilkan, Shukri Xirsi, oo la hadashay Fox 9, ayaa sheegtay in: “Wiilkeedu la kulmay jidhdil, ilaa uu ugu dambayn dhintay, oo ay garaaceen shan qof oo uu maamulaha xaruntu ku jiro, iyagoo ku doodaya in wiilku si aan habboonayn ugu dhex dhaqmay xarunta. Sababtan ayaa ay u jidhdileen ilaa ay ugu dambayn nafta dhaafiyeen, jidhkiisana waxa ku sawiran raadadka xawdhkii ay sida arxandarrada ah ula dhaceen”.
Beryahan dambe waxa faafay in xarumaha cilaajyada la isku dabiibo, tufna loo doonto, waana dhaqan si xawli ah usii badanaya. Arrinkani waxa uu dood ka dhex dhaliyaa dadka taageersan iyo kuwa kasoo horjeeda; oo waxa jira dad cilaajyada u arka hab ruuxi ah oo la si wacan la isugu dawayn karo, kuwo kalena waxa ay u arkaan marinhabaabin iyo dhaqan silloon oo dadka taagta daran lagaga faa’idaysto, iyada oo qofaf sheeganaya in ay wax dawaynayaan dadka lacagta ka furanayaan.
Waa dhaqan sii kordhaya, inkasta oo uu magaalooyinka ku kala badanyahay. Tirokoobka Qaramada Midoobay waxa uu sheegayaa in saddexdii qof ee Soomaali ahba, midi la tacaalayo xaalad nafsadeed, oo khalkhal bulsheed sababaya. Waa heer aad u halis badan, oo u baahan dawayn, si heerka xaaladaha nafsadeed loo dhimo.
Nolol la ciirciiraysa cadaadisyo, duruufo adag iyo dagaallo, isku dabiibka cilaajyada iyo tufka waxa magansaday dad badan, si ay uga takhallusaan werwerka iyo walbahaarka xaaladaha adag ee noloshu sababeen, waxaana sii kordhaya qulubka iyo xaaladaha nafsadeed. Marka laga yimaaddo in cudurrada, saboolnimada, shaqo la’aanta iyo duruufaha adagi sii badinayaan xanuunnada dhimirka, haddana waxa aad dalka ugu yar dhakhaatiirta takhasuska u leh la tacaalidda xanuunnada nafeed, waana sababta cilaajyada iyo tufku u noqdeen jidka dad badani magansadaan, si xanuunkooda loola tacaalo, siiba dumarka oo goobahan u badan. Dadka cilaajyada iyo tufku ku shaqaystaa waxa ay ku doodaan in ay awood u leeyihiin saarista isha, sixirka iyo xasadka, sida uu Geeska u sheegay Diktoor Maxamed Daahir Cabdikariim, oo wax ka dhiga Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Qoraa Faarax Biniin Boos waxa uu ku doodayaa in tufka iyo isku dabiibka Quraansaarku uu yahay hababkii ugu horreeyey is dawaynta, oo soo ifbixiisu la socday imaatinkii Islaamka, walow ay hababku markasta kala duwanaayeen. Qofka tufka sameeyaa waxa uu kaalin weyn ugu jiray bulshada, waxaana loo tixgalinayey in uu Quraanka xifdisanyahay, oo uu xanuunnada daweeyo, laguna xoolo siiyo, oo loo yaqaannay “af ku tufle”. Waxa uu bukaanka ku akhrin jiray Quraanka, waanu u ducayn jiray. Mararka qaar waxa uu sheegi jiray xanuunka qofka haya, waxaanu siin jiray talooyin uu ku dawoobo.
Faarax waxa kale oo uu xusayaa in deggenaansho la’aanta siyaasadeed iyo amnidarrada dalka ka jirta waxii sagaashankii ka dambeeyey, ay sababeen xanuunnada dhimirka ee badanaya, waxa aan kaalintoodu yarayn sidoo kale qaadka iyo daroogooyinka kale ee la adeegsado, waana waxa sababay in dad badani magansadaan xarumaha cilaajyada, si ay furdaamin ugu helaan xanuunnadooda.
Soomaalidu waa bulsh lagu tilmaamo bulsho soojireenka weyneysa oo dhaqanka ku ad’adag, waana sababta cilaajyada iyo tufku awood ugu leeyihiin dhexdooda, oo dadka ayaa weligoodba aaminsanaa in goobahani xanuunnadooda oo dhan dabiibi karaan. Tufka cilaajyadu sameeyaan oo xidhiidh la leh diinta ayaa ka mid ah jidadka la aaminsanyahay ee dabiibka, dad badanina waxa ay aamineen in habkani sharci yahay oo xanuunnada lagaga bogsado.
Diktoor Maxamed Daahir Cabdikariin waxa uu qirayaa in faafidda cilaajyadu xidhiidh la leedahay aaminaadda bulshada, oo ma jiro cid dafiraysa in Quraanku hanuun iyo dawo yahay, hase ahaatee, hawlwadeennada cilaajyada ayaa si khaldan uga faa’idaysta aaminaadda bulshada, iyagoo dadka kusoo xerogeliya aaminaaddooda, se qaabab khaldan kaga shaqaysta, aaminaadda bukaannadana dhexmarsada dhir ay walaaqeen oo ay ka dhaadhiciyaan in ay dawo tahay.
Dadka cilaajyada haysta iyo kuwa tufka sameeyaa waxa ay sameeyaan dhaqanno arxandaran oo gaadhsiisan jidhdilka bukaanka, ceejin, koronto lagu qabto iyo in sameecado waaweyn dhegaha loo saaro, mararna biyo badan lagu rusheeyo. Qaarkoodbaa baahiya sawiro ay bukaannada ka qaadeen, oo aanay wax oggolaansho ah u haysan, dad arxan daran oo aan badqabka bukaanka ka fikirin ayaana ku kaca falalkan sida taban usii saamaynaya bukaanka.
Sababaha dadku weli ugu heellanyahay cilaajyada iyo goobaha tufka lagu sameeyo waxa ka mid ah xaaladda nololeed ee dadka oo iska hoosaysa, isbeddellada bulsho iyo dhaqan ee jira iyo in dadku rabaan wax ay ku beddelaan dawo dhaqameedkii. Waa sababaha keenay in xarumo cilaaj iyo tuf furmaan, oo weliba noqdaan goobaha ugu badan ee lagu dabiibo xanuunada nafeed. Dadka ka hawlgala xarumahaasina waa kuwo dhiigmiirta bulshada tabaalaysan, oo ka maroorsada adduun badan.
Faadumo Maxamed Xoosh, oo ku takhasustay cilminafsiga barbaarintu waxa ay xoojinaysaa in sababaha dadku u jecelyihiin isku dawaynta cilaajyada iyo goobaha Quraansaarka ay ka mid yihiin: soojireennimada qaabkan isdabiibka ah, oo inta badan bukaannadu, ka hor intaanay cisbitaal tegin waxa ay tijaabiyaan in ay cilaaj maraan. Waxa intaa dheer in dadku aanay ka didin falalka gurracan ee dadkan tufka sameeyaa ku kacaan, dhinaca kalena waxa aan dalka ka jirin siyaasado cad oo lagu xadaynayo shaqada xarumahan.
Fikradda samaysashada baro bulsho waa hab si dhab ah ugu adeegaya suuqgaynta xarumahaas iyo gaadhidda dad badan. Hawlwadeennada xarumaha cilaajyadu waxa ay samaystaan baro bulsho oo ay ku faafiyaan sawiro iyo muuqaallo, mararna waxa ay si toos ah ugu baahiyaan bukaan la dabiibayo, iyagoo muuqaallada sidaas ahna lagu dhawrin xogta qofka bukaanka ah u gaarka ah, se iyagu waxa ay uga dan leeyihiin uun suuqgayn iyo soo bandhigista awooddooda dabiib. Waxa ay barahaas bulsheed kusoo bandhigaan xogta wadaadka wax dabiibaya, lambarradiisa iyo xilliga lasoo bookhan karo.
Diktoor Maxamed Cabdikariin waxa uu xusay in xarumahani meel laga macaasho u noqdeen cid kasta oo isku dayda, tufkuna waxa uu xirfad u noqday cidda aan xirfad kale lahayn, oo xitaa dadka tufka iyo Quraansaarka wax ku daweeya qaarkood ma laha wax aqoon shareecada ah, dadkana waxa uu ku baadhanayaa Quraankaas, si uu xoolo uga dhacsado, halka berigii hore qofka tufka sameeyaa ahaa qof deggan oo qiyam diineed iyo anshaxba lahaa.
Rooda Maxamed Cilmi, oo ka mid ah dhibbanayaasha xarumahaas, ayaa werinaysa tijaabadeedii ay kala kulantay goobahaas, oo tidhi: “Marka qofi guur ii soo bandhigaba, arrinkaasi ma hirgali jirin sabab la’aan. Guurkii baa iga dib dhacay, oo markasta oo aan guur ku dhawaadaba, waxaan baadhi jiray cudurdaar aan arrinka ku baajiyo, oo markaa anigaaba dhibta qayb ka ahaa. Qoyskaygu aad bay ula yaabeen arrinkan, sidaas darteed qof qaraabada ka mid ah ayaa igula taliyey in aan u tago cilaaj iyo wadaaddada quraansaarka sameeya. Kamaan labalabayn, ee waan u tagay, ballan ayaanan qabsaday. Wadaadku waxa uu bilaabay in uu xanuunkayga baadho, ina dhegaysto, ka dibna waxa uu yidhi: calaamadahani waxa ay muujinayaan in xasad iyo jin ku hayo”. Rooda waxa ay xusaysaa in la dhex fadhiisiyey koox dad badan ka kooban oo daaradda xarunta la fadhiisiyey, wadaadka tufka samaynayaana sameecado waaweyn ku jeediyey oo uu Quraan ku akhrinayo, biyo Quraan lagu akhriyeyna lagu saydhayo, sidoo kalena wadaadku uu haysto ul uu ku garaacayo cidda ka dhego adaygta.
Rooda waxa ay tebinaysaa in la garaacay, koronto lagu qabtay, farta laga xidhay, oo la ceejiyey intii cilaajku socday. Waxa ay sheegtay in ay baroorta iyo baryada bukaannada kale maqlaysay intaasba, mana jirto qaab aad uga baxsan kartid ilaa muddada laguu asteeyey dhammaato mooyee, sababtoo ah ilaaliyayaal baa albaabka taagan, sidaas darteed oohinta iyo baryootanka uun baa ah habka kaliyee aad iskaga dhimi kartid xanuunka garaaca lagugu wado, ee lagu sababaynayo in jinka lagu saarayo ama sixirka lagu furdaaminayo. Dadkaas cilaajyada ka hawlgalaa waxa ay ku jidbaxsadaan in falalkaas arxanka daran jinka lagu saarayo, oo hab kastaa u bannaanyahay, qaylada iyo baroortuna tii jinka tahay ee aanay qofkii ka imanayn. Roodi waxa ay sheegtay in bil iyo badh ay tagaysay aanay wax isbeddel ah ku arag, oo ay walbahaar kale uun kasii qaadday, xoolo badanna lagaga furtay, oo siday sheegtay adduun gaadhaya 1500 doollar ka khasaartay, oo isugu jira lacagta qofka tufka sameeyey qaatay, dhir laga iibiyey iyo gaadiidka ay ku tagaysay.
Tebinta dadka dhibbanayaasha u noqday goobahaasi ma kala foga, oo waa sheekooyin aad isugu dhow, oo ku saabsan saamaynaha taban ee ay ka dhaxleen. Sida uu Cabdiraxmaan Cabdillaahi u sheegay Geeska, “waxa uu qaatay dhir uu u qoray wadaadka Sheekh Rusheeye Yare, oo Muqdisho ka hawlgala, dhirtaasina waxa ay ku sababtay in dhiigkar degdeg ahi kusoo boodo, muddo saddex bilood ahna uu madaxu xanuunayey, cisbitaalladuna hoy uu ku laalaabto u noqdeen. Ugu dambayn waxa qallalay lugaha, oo ma awoodi karo socod, wax afar sanno ku dhawna ma awoodo in uu si iskii ah u kaajo, in uu tuumbada adeegsada mooyee”. Dhibaatadan waxa uu u aanaynayaa adeegsiga dhirtii wadaadkaasi siiyey, oo caafimaadkiisii ka qaadday, socod iyo kaadina u diidday.
Isaga oo weli ka sheekaynaya dhibaatada uu la kulmay ayaa uu yidhi: “Markii aan imi xaruntan, waxa aan ku socday cagahayga, xanuunkana waxaan ka dareemayey uun dhabarka, se nasiibdarro, xaaladdaydii caafimaad hoos bay u dhacday markii aan dawooyinka dhirta ah ee la isku walaaqay aan cunay, ma aqaan wax aan sameeyo. Marka xaaladdaydu gaadhay heerkan aan waxba laga qaban karin, ayaan go’aansaday in uu sheekadayda dadka la wadaago, oo aan baraha bulshada keeno, laga yaabee in aan helo cid kaalmo ii fidisa. Markii sheekadaydu baahday, oo warbaahintu qaadatay, waxa aan hanjabaad kala kulmay wadaadkii iyo kooxdiisa oo iga codsaday in aanan dib wax uga sheegin, se waan ka diida, ilaa haddana hanjabaaddu waa ay igu socotaa, xaafadaha magaalada ayaanan kolba mid ku dhuuntaa.