Waxaa jirta murti carbeed oo tiraahda “Ruuxii god u qoda walaalkiis, isaga ayaa ku dhaca /من حفر حفرة لأخيه وقع فيها”. Waa murti la macne ah midda soomaaliyeed ee tiraahda “God walaal ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana lama ogee.”
Dhacdooyinka tirobeelka ah ee ka markhaati kacaya runnimada murtidan, waxaa ka mid ah dhacdo sagaashanaadkii qarnigii tagay dhex martay labo aqoonyahan oo u dhashay dalka Masar, oo la kala oran jirey Dr. Nasar Xaamud Abuu Seyd iyo Dr. Cabdisabuur Shaahiin.
Abuu Seyd iyo Shaahiin labaduba iyaga oo aan da’da toban jirka gaarin bay Quraanka dusha ka qabteen. Labaduba iyaga oo aad u da’ yar bay bilaabeen in ay dadka wacdiyaan. Labaduba waxay xiisayn jireen afka carabiga iyo suugaantiisa. Labaduba barbaarnimadoodii waxay xubin ka noqdeen ururka Ikhwaanu Muslimiinka, gadaal danbana way ka baxeen. Labaduba nolosha akadeemiga waxay ka bilaabeen jaamacadda Qaahira.
Isu-ekaanta heerkaan ah waxaa laga qaadan karaa in labadaan nin ay wax badan wadaagaan, oo ay fududahay in ay isfahmaan. Hase yeeshee, waxaa dhex martay colaad ba’an, oo socotay ilaa ay ka dhinteen, meelo fogna gaartay, muddo badanna la hadalhayn doono.
Dr. Nasar Xaamud Abuu Seyd (1943-2010), waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo leh dhigaallo fara badan. Fikradaha uu qabayna waxaa ka mid ah in Quraanka Kariimku uu yahay nas taariikhi ah oo ku qotoma af, dhaqan iyo deegaan. Wuxuuna ku doodi jiray in Nebiga loo waxyooday macnaha quraanka, isaguna macnihii loo waxyooday uu erayo Carabi ah oo isagu uu leeyahay uu ku cabbiray- haddii si kale loo dhigo, macnaha quraanku waxa uu ka yimid xag Alle, erayadana waxaa iska leh Nebiga.
Quraanku xagga farriinta waa waxyi, laakiin xagga erayada waxa uu ku qoran yahay af aadane sameeyey, oo Quraanka ka hor iyo ka dibba uu isbeddel ku dhacayo. Afku waa wax nool oo si joogto ah ula falgala waqtiga iyo waaqica lagu sugan yahay, oo erayadiisa iyo macnayaasha loo adeegsadaaba ay isbeddelaan.
Abuu Seyd waxa kale oo uu ku dooday, in uumanka ay ka midka yihiin jinka, malaa’igta, iyo sheydaanku aysan khasab ahayn in ay yihiin makhluuqaad naga qarsoon balse jira; ee ay u badan tahay in ay qayb ka yihiin afkii, dhaqankii, iyo khuraafaadkii ay Carabtu rumaysnaayeen xilligii Quraanku uu soo degay. Quraankuna marka uu ka hadlayo makhluuqaadkaas waxa uu adeegsanayaa dhaqankii iyo mala’awaalkii ka jirey dhulkii Carabta ee uu ka curtay. Waayo Quraanku dadka uu la hadlayo waa in uu kula hadlo af iyo wax ay fahmi karaan, oo waatan la yiraahdo: “Dadka ula hadla inta garaadkoodu uu le’egyahay /خاطبوا الناس على قدر عقولهم”.
Quraanka Kariimku waxa uu xanbaarsan yahay astaamihii qarnigii toddobaad ee Miilaadiga, wuxuuna tilmaamayaa dhaqamadii Carabta ee qarnigaas iyo doorkii ay ku lahaayeen dunidii hore, wuxuuna soo bandhigayaa qayb ka mid ah xaaladdii ay dunidu ku sugnayd xilligii uu soo degay iyo ka hor. Murti caan ahina waxay tiraahdaa: “Dadka waxaa dhala sebankooda, in ka badan inta ay dhalaan waalidkood.”
Sidaas darteed, Quraanka waa in aan laga eegin dhanka sababaha keenay soo degidda aayadaha oo keliya, ee sidoo kale waa in xisaabta lagu daro duruufihii ku xeernaa Nebiga, iyo xiriirkii uu la lahaa bulshada iyo dhaqanka.
Marka Quraanka la fasirayo -ama la macnaynayo- waa in tixgelin la siiyo afkii waagaas deegaankii nebigu ku noolaa looga hadli jirey iyo duruufihii dhaqan-dhaqaale ee sebankaas deegaankaas iyo dunidaba ka jirey. Fahanka diinta Islaamku waxa uu ku xiran yahay in marka hore la fahmo xaaladihii dhaqan, juquraafi, iyo taariikh lahaa ee jirey waagii diintu ay timid.
Abuu Seyd waxa uu ku dooday in aragtida caynkaan ahi aysan ahayn mid uu isagu halabuurayo, balse ay tahay mid muddo dheer dunida Islaamka ka jirtey, oo ay qabeen qaar badan oo culumada Islaamka ka mid ahi, sida Muctasilada iyo Suufiyada. Wuxuuna ku baaqay in Quraanka dib-u-akhrin cusub lagu sameeyo iyada oo la raacayo manhajka loo yaqaan falsafadda ta’wiilka (=philosophical hermeneutics or ontological hermeneutics /الفلسفة التأويلية), ee xiriirka dhex dhigta akhistaha iyo waxa la akhrinayo.
Sababta oo ah, haddii Quraanku uu xag Alle ka yimid, waa dadka kuwa fasiraa. Quraanka iyo fahanka Quraanka laga qaataana waa laba walxaad oo kala duwan. Waxyigu waa mid ka mid ah ummuuraha badan ee diinta qaabeeya, mana aha arrinka ugu saamaynta badan. Waayo, nolosha dhabta ahi waxa ay leedahay qawaaniin u gaar ah, oo ka xoog badan aragtiyaha -kuwo diimeed iyo kuwo kaleba.
Waana la hubaa, in ay imaan doonto maalin dhaxalka Islaamku uu u qaybsami doono laba qaybood: qayb yar oo weligeed sii jiri doonta -taas oo metalaysa iimaanka qanciya baahida ruuxiga ah ee dadka maqanaha daneeya, ee jecel in ay ku mintidaan cibaadada Alle– iyo qayb weyn oo metalaysa caadooyinkii iyo dhaqamadii ummadihii hore, oo badda lagu dari doono, ka dib marka ay caddaato in ay ku fashilmeen haqabtirka fahanka iyo baahiyaha bulshooyinka cusub.
Tusaale ahaan, Shiikh Yuusuf al-Qardaawi ‘AUN’, waxa uu fatwooday in haddii haweenay aan Muslim ahayn ay qaadato diinta Islaamka, ay u bannaan tahay in ay sii wadato guurkii kala dhaxeeyey ninkeeda aan Muslimka ahayn. Waxa kale oo uu fatwooday in Muslimiinta ku dhaqan waddamada Galbeedka ay u bannaan tahay, oo weliba ay u wacan tahay, in ay gataan guryaha lagu qaato deynta laga amaahdo bangiyada taqliidiga ah ee dulsaarka ku shaqeeya.
Midda kale, Shiikh Maxamed Sayid Tantaawi -oo ahaa Shiikha Jaamacadda As’har- oo mar u jawaabay Mustafa Mash’huur oo ahaa madaxa Ururka Ikhwaanu Muslimiinka Masar oo soo jeediyey in Aqbaadda (muwaadiniinta dalka Masar ee diinta Kirishtaanka haysta) jisyo lagu waajibiyo. Tantaawi waxa uu ku dooday in jisyadu ay ahayd ‘dhaqan taariikhi ah,’ oo waa hore dunida ka dabargo’ay.
Aragtidaanna ma aha mid ku kooban Shiikh Tantaawi; ee wadaaddo badan baa waxay qabaan in jisyada, addoonsiga, iyo ummuuro kale oo badan oo Quraanka ku jiraa ay yihiin kuwo taariikhi ah oo waqtigii isticmaalkoodu uu dhammaaday. Waa aayado Quraan ah oo iyada oo aan lahayn aayado kale oo lagu nasakhay -ama lagu tirtiray- ay muslimiintu akhriyaan. Hase ahaatee, waxaa nasakhay, oo hawlgab ka dhigay, xaqiiqada lagu nool yahay ee dunida ka jirta. Aayadaha Quraanka ah ee addoonsiga ka hadlaa ma yihiin kuwo shaqayn kara? Mise waa taariikh laga soo gudbay, oo hadda cibro-qaadasho keliya u taagan?
Fatwooyinkaan iyo kumanyaal kale oo maalin walba wadaaddada Muslimiintu ay soo saaraan, ma aha kuwo ku dhisan nusuus diimeed oo la ilaalinayo; balse waa kuwo ka tarjumaya baahiyaha ka dhalanaya duruufaha nololeed ee isbeddelaya. Waxa isbeddelayaa ma aha fatwada wadaaddada oo keliya, laakiin sidoo kale waxaa isbeddelaya fahanka diinta qudheeda laga haysto. Fahanka hadda diinta laga haystaa, si weyn buu uga duwan yahay midkii boqol sano ama labo boqol oo sano ka hor jirey. Sababta dhabta ah ee ka danbaysa isbeddelka fatwada wadaaddaduna waa in laga gaashaanto in dadku ay diinta nacaan -ama, haddii si kale loo yiraahdo, waa in dadka diinta la jeclaysiiyo.
Wadaaddadu ha oggolaadeen ama ha is diidsiiyeen, laakiin wacyigooda hoose waa ka qirsan yihiin in Quraanka Kariimku uu yahay nas taariikhi ah, oo xilli go’an, deegaan gaar ah ku soo degay. Dib-u-eegidda diinta lagu samaynayaana ma aha mid ka imaanaysa dhanka wadaaddada iyo aqoonyahannada, laakiin waa mid bulshadu ay garwadeen ka tahay.
Ilaa iyo hadda, Muslimiintu Islaamka waxay u darsaan wacdi iyo iimaan ahaan, laakiin uma baaraan aqoon ahaan. Maanta, si weyn baa la isugu raacsan yahay baahida loo qabo in fikirka Islaamka dib-u-eegid lagu sameeyo, oo la cusboonaysiiyo, lagana gudbo marxaladda wacdiga iyo barakaysiga keliya, oo loo gudbo in aqoon ahaan loo baaro. Hayeeshee, waxaa dhab ah in ay jiraan bulsho, dhaqan, iyo hey’ado awood leh oo ay adagtahay in si sahlan looga gudbo.
Dib-u-eegidda diinta lagu samaynayaa ma aha arrin ka imaanaya dhanka wadaaddada iyo aqoonyahannada, balse waa mid bulshadu ay hormuud ka tahay, oo ay iyadu in la fuliyo sandulle ka dhigayso.
Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 1992, Dr. Nasar Xaamud Abuu Seyd oo xilligaas macallin ka ahaa kulliyadda suugaanta ee Jaamacadda Qaahira, ayaa jaamacadda waxa uu u gudbiyey codsi ku saabsanaa in la dallacsiiyo, oo la gaarsiiyo darajada ustaadiyada -ama barafisoornimo buuxda. Waxsoosaarkiisa cilmiga ah ee uu damacsanaa inuu ku muto darajadaasna waxaa ka mid ahaa buugga uu qoray ee cinwaankiisu yahay “Dhaliisha Doodda Diiniga Ah /نقد الخطاب الديني”.
Dabadeed, sida xeerka akadeemiga ah ee dalacsiinta macallimiinta jaamacaduhu uu farayo, jaamacaddu waxay qabatay guddi loo xilsaaray in ay qiimayn ku sameeyaan dhigaallada Abuu Seyd, kana soo bixiyaan talo ku aaddan in uu istaahilo in loo dallacsiiyo darajada ustaadiyada iyo in kale.
Guddigaasi waxa uu ka koobnaa saddex xubnood oo uu ka mid ahaa Dr. Cabdisabuur Shaahiin (1929-2010). Guddigaasi warbixintii uu diyaariyey waxa uu ku sheegay in qoraallada Abuu Seyd aysan u qalmin inuu ku muto dalacsiin, oo ay ka buuxaan waxyaabo diinta Islaamka ka hor imaanaya. Erayada ku qornaa warbixintaas waxaa ka mid ah in lagu yiri: Dhigaallada Abuu Seyd waa “kuwo ay ka muuqato cadaawad xad-dhaaf ah oo loo qabo Quraanka iyo Sunnada, ku baaqid in la diido, weerar ka dhan ah Saxaabada, dafiridda in Quraanku uu yahay mid xag Alle ka yimid, iyo in la difaaco Maarkisiyada, calmaaniyadda, iyo Salmaan Rushdi iyo sheekadiisa ‘Aayadaha Sheydaanka’”.
Waana muhiim in aan la dhayalsan khatarta ku jirta xiriirka la dhex dhigay Salmaan Rushi iyo Abuu Seyd. Waayo, waxaan ognahay in Salmaan Rushdi uu tan iyo siddeetanaadkii ku xukunnaa murtadnimo, uuna sugayey cid ku fulisa xadka riddada ee wadaaddadu ay sheegaan in uu dil yahay.
Sida la sheego, Shaahiin intaas kuma uu kaaftoomin, ee warbixintii loogu talagalay in ay jaamacadda gudaheeda ku koobnaato ayuu dibedda u saaray, oo saaxiibbadiis iyo dhammaan dadkii xiriirka lahaa ayuu waxa uu ku dhex faafiyey war sheegaya in Abuu Seyd uu yahay gaal murtad ah oo diinta ka baxay. Tusaale ahaan, khudbo jimce uu ka jeediyey masaajidka Camar bin Caas -oo uu imaam ka ahaa- ayuu si weyn ugu weeraray qoraallada Abuu Seyd, wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin kuwo gaalnimo ay afka ka hayso. Jimcadaas tii ku xigtayna, masaajid badan ayaa khudbadii Jimcada waxay ku soo qaateen Nasar Xaamud Abuu Seyd iyo qoraalladiisa.
Warkaasi kolkii uu faafay, ee uu warbaahinta gaaray, waxaa bari iyo bogox ula kala kacay wadaaddada xagjirka ah (=Salafiyiin iyo Ikhwaan looma kala harin), oo ku andacooday in Abuu Seyd uu yahay mulxid mudan in murtadnimo darteed loo dilo.
Wadaaddadu iyaga oo adeegsanaya minbarrada masaajidda, ayay waxay ku doodeen in Abuu Seyd uu ku xadgudbay kitaabka Alle; eedayntaas kaddibna, dadweynaha ayay si beerlaxawsi ku dhan yahay waxay u weydiiyeen su’aal oranaysa: “Ummadda maxaa u badbaadaya haddii ay ka tagto Kitaabka Rabbigeed iyo Sunnada Nebigeeda? /وماذا يبقى للأمة إذا تخلت عن كتاب ربها وسنة نبيها؟”.
Khudbadahaas dadweynaha lagu kicinayey ka dib, Masar meel walba waxaa isqabsatay duufaan baroor ah oo ka dhan ah Abuu Seyd iyo dhigaalladiisa. Waxaana la bilaabay qorshe lagu maxkamadaynayo, iyada oo lagu andacoonayo in maxkamadayntu ay tahay mid Islaamka lagu difaacayo, Eebbana ajar looga jirinayo.
Ugu danbayntiina, Abuu Seyd waxaa la saaray maxkamad ku xukuntay in uu yahay murtad diinta ka baxay, isla markaasna go’aamisay in xaaska laga furo. Waxaana la bilaabay in buugtiisa la mamnuuco, maktabadahana laga aruuriyo. Markii xukunkaasi dhacay, Abuu Seyd iyo xaaskiisa Dr. Ibtihaal Yuunis -oo qudheedu ahayd macallimad jaamacadeed- waxay ku khasbanaadeen in ay dalkooda ka baxsadaan, oo ay dalka Hoolan u hijroodaan. Halkaas oo uu macallin ka noqday jaamacadda Lieden oo ka mid ah jaamacadaha Yurub kuwa ugu magacadheer.
Ma ahayn markii koowaad ee dalka Masar aqoonyahan maxkamad lala tiigsado isaga oo lagu eedaynayo in uu diinta ku xadgudbay, oo horay waxaa loo dacweeyey aqoonyahanno badan oo ay ka mid ahaayeen Taha Xuseen, Mansuur Fahmi, Cali Cabdiraasiq, Faraj Fawda iyo tobannaan kale. Laakiin, kiiska Abuu Seyd ka hor, weligeed marna ma dhicin in maxkamadi ay soo saarto xukun ku aaddan in aqoonyahan xaaskiisa laga furo iyada oo sababta loo cuskaday ay tahay murtadnimo ama diin ka bax -waa in nin iyo xaaskiis la kala kaxeeyo iyaga oo isjecel, iyada oo lagu marmarsiyoonayo in afada saygeeda laga badbaadinayo, si loo ilaaliyo xaqa Eebbe.
Marka haweenay iyo saygeeda khasab lagu kala furo ma sharafta ninka ayaa wax loo dhimay mise midda ruuxa dumarka ah ee xorriyaddii ay xaqa u lahayd laga qaaday, dadnimadeedana la dafiray?!
Sida ay tiri Ibtihaal Yuunis, badiba dunida Islaamka dumarka waxaa loo arkaa walax ay raggu ku raaxaystaan. Kolka la doonayo in nin la ciqaabana waa in laga qaado walaxda uu ku ciyaaro ee muuqaalka aadane leh.
Kiiska Abuu Seyd inuu heerkaas gaaro, oo uu xaaladaha kale ka duwanaado, waxaa loo aaneeyaa saamayn ka dhalatay loollan adag oo xilligaas u dhexeeyey xukuumadda iyo ururrada Islaamka siyaasiga ah. Xukuumadda oo cabsi ka qabtay in wadaaddadu ay shacabka ka horkeenaan, arrinka Abuu Seyd waxay u aragtay mid ay ku dejin karto carada dadweynaha qiirada diiniga ah laga dhaamiyey. Abuu Seyd waxa uu dhibbane u noqday dagaalkii u dhexeeyey labadaas dhinac.
Sida ku cad cinwaan hoosaadka buugga “Fekeridda Sebenka Gaalaysiinta: Ka Dhan Ah Jahliga, Been-abuurka iyo Khuraafada /التفكير في زمن التكفير: ضد الجهل والزيف والخرافة”, Abuu Seyd waxa uu rumaysnaa in diinta loo adeegsan karo faafinta jahliga, beenta iyo khuraafaadka. Waana xaqiiqo lama dhaafaan ah in diinta loo adeegsan karo dano san iyo kuwo silloon labadaba.
Marka la soo koobo, Nasar Xaamud Abuu Seyd waxaa lagu qaaday maxkamad dad badan soo xusuusisay middii qarnigii shanaad ee miilaaddiga ka hor lagu qaaday feylasuufkii Giriigga ah ee Suqraad, kaddib kolkii lagu eedeeyey in uusan aamminsanayn ilaaha magaalada Atena, barbaartana uu caqiidada ka fitneeyo.
Maxkamadda Abuu Seyd la saaray ragga abaabulay -ee horboodayey- waxaa ugu caansanaa Cabdisabuur Shaahiin, Maxamed Sumeyda Cabdisamad, iyo Yuusuf al-Badri.
Waxaana xusid mudan, in dad badan oo xog-ogaal ahi ay qabaan in ay jirtay colaad hore oo u dhaxaysay Shaahiin iyo Abuu Seyd, taasoo kan hore ku bixisay in uu gaalaysiin iyo dallacsiin ka hor-istaagid uga aargoosto (=Waxaa la xusaa in guddiga labadiisii xubnood ee kale ay qoraallada Abuu Seyd ka bixiyeen talo togan oo ka duwan midda taban ee Shaahiin, laakiin markii danbe uu tiisa marsiiyey. Guddi kale, oo faylka dalacsiinta ay jaamacaddu ku wareejisayna, waxay isku raaceen in Abuu Seyd uu u qalmo darajada ustaadiya, waxaana la guddoonsiiyey sannadkii 1995).
Dadka aragtida aargoosiga qabaa, waxay rumaysan yihiin in colaadda u dhexaysay Shaahiin iyo Abuu Seyd ay ka horraysay warbixinta dalacsiinta, oo ay bilaabatay sannadihii siddeetanaadka. Dadkaani waxay sheegaan in Abuu Seyd buug uu qoray oo lagu magacaabo “Mafhuumka Naska: Baaritaan Ku Saabsan Culuumta Quraanka /مفهوم النص: دراسة فى علوم القرآن”, uu si weyn ugu dhaleeceeyey shirkado la magacbaxay “Shirkadaha Hantida ku Shaqeeya /شركات التوظيف الأموال”. Shirkadahaani waxay ahaayeen shirkado sannadihii siddeetanaadka ka shaqayn jirey dalka Masar, kuwaas oo dadweynaha ka codsan jirey in ay hantidooda ammaahiyaan, una ballanqaadi jirey in ay muddo gaaban macaash badan ugu soo celinayaan. Shirkadahaani waxay ku andacoon jireen in ay ku shaqeeyaan qaabab islaam ah oo ribo ka maran. Waxaana ugu caansanaa laba shirkadood oo la kala oran jirey ‘Rayaan’ iyo ‘Sacad’. Waxaana la taliye ahaan ugula shaqayn jirey Cabdisabuur Shaahiin.
Abuu Seyd shaqada shirkadahaan waxa uu ku tilmaamay in ay tahay mid lagu burburinayo dhaqaalaha dalka Masar, laguna dhacayo hantida dadka saboolka ah [Dhab ahaantii sidaas baa dhacday, oo dabayaaqadii siddeetanaadka, waxaa caddaatay in shirkadahaani ay ahaayeen maafiyo ku shaqaysta wax isdabamarin iyo lacag dhiqid).
Isla markaas Abuu Seyd buugga si dadban waxa uu ugu xusay Shiikh Cabdisabuur Shaahiin oo uu ku eedeeyey in shirkadahaasi magaca diinta ee uu xanbaarsan yahay ay ka dhigtaan lacaaf lagu soo xero geliyo macaamiisha la doonayo in la dhaco. Wadaadkuna dadka iyo diinta uusan midna u hiillin, laakiin uu u xishay shilimaadka sandareertada ah ee shirkadahaasi ay ku laaluushaan.
Abuu Seyd wadaadka -si toos ah iyo si dadban labadaba- waxa uu ugu eedeeyey in uu yahay nin diinta ka ganacsada. Waxaana la sheegaa in markii ay soo baxday fadeexaddii wax-is-daba-marinta ee shirkadahaani ay ku kaceen, uu Shaahin maalin masaajidka ka jeediyey wacdi uu ku yiri: “Waxaan riyo ku arkay Nebiga, oo ii sheegay in ninkaani uu yahay qof wanaagsan –[ninka uu tilmaamayaa waa ninka aasaasay Shirkadda Rayaan ee musuqmaasuga lagu eedaynayo]” (=Akhristow waxaa xusid mudan, in sannadihii 1980-aadku ay ahaayeen markii ugu horraysay ee waddamada Islaamka qarkood laga furay waxa loogu yeero ‘Bangiyada Islaamka ah’, warbaahinta kala duwanna ay bilowday ka hadalka waxa loo yaqaan ‘Dhaqaalaha Islaamka’. Sidoo kale, waddamada Sacuudiga, Bakistaan iyo Malaysiya waxaa laga furay kulliyado lagu dhigo dhaqaalahaas).
Cabdisabuur Shaahiin, isaga oo eed ka tirsanaya Abuu Seyd, ayaa waxaa madax looga dhigay guddiga loo xilsaaray qiimaynta qoraallada Abuu Seyd. Halkaasna waxa uu ka helay fursad uu uga aargudan karo. Dadka qaarkood baana waxay qabaan in qaladka ugu weyn ay jaamacaddu gashay, kaddib markay magacawday garsoore aan garta dhexdhexaad ka noqon karin. Waxaana la wariyaa, in Shaahiin markii uu maqlay in lagu daray guddi qiimaynaya qoraallada Abuu Seyd, uu bilowgii hore rumaysan waayey, oo uu u qaatay wax aan dhici karin. Goortii uu hubsaday in warku uu run yahayna, waxa uu u qoslay sida waraabihii la sheegay in wan uu cidla ciirsila ka helay uu ku yiri: “Waryaa wanow, feerahaan qoon ku leeyahaye, ha iga qoslin!”
Dhanka kalena, Shaahiin waxa uu ahaa nin rumaysan in Masar iyo guud ahaan dunida Islaamka uu ka jiro dagaal dhab ah oo u dhexeeya ‘baraarugga islaamka /الصحوة الإسلامية’ iyo Maarkisiyad sakaraad ah, dhawaanna ay guushu raaci doonto Muslimiinta, calmaaniyiintuna ay guuldarro iyo hoog ku danbayn doonaan. Goor danbe oo noloshiisa ahna waxa uu soo saaray buug uu cinwaan uga dhigay “Sheekada Abuu Seyd iyo Gabaabsiga Calmaaniyadda Jaamacadda Qaahira /قصة أبو زيد وانحسار العلمانية في جامعة القاهرة” (Ma aha buug caadi ah, balse waa ururinta maqaallo ay qoreen dad kala duwan oo ay midaysay colaadda Abuu Seyd).
Waa danbe, oo maxkamadaynta Abuu Seyd ay sannado ka soo wareegeen, Shaahiin waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in uusan doonayn dilka iyo gaalaysiinta Abuu Seyd, balse ujeeddadiisu ay ahayd in laga cayriyo jaamacadda oo keliya. Waayo, ardayda ayuu ku fasahaadin jirey allekoodnimada uu barayo. Hase ahaatee, dooddaasi run ma aha, oo waxaa la hayaa isaga oo erayo qeexan Abuu Seyd ku gaalaysiinaya.
Yeelkadeede, waxay waayuhu wareegaanba, waxaa la soo gaaray sannadkii 1998, xilligaas oo Dr. Cabdisabuur Shaahiin uu soo saaray buug uu sheegay in qoriddiisu ay ku qaadatay muddo rubuc qarni ka badan, oo uu cinwaan uga dhigay “Abbahay Aadan: Qisada Abuuritaanka oo u Dhaxaysa Sheekoxariir iyo Xaqiiqo Dhab Ah /أبي آدم... قصة الخليقة بين الأسطورة والحقيقة”, kaas oo dhaliyey buuq iyo muran baahsan oo ay ku kiciyeen dadka ku dheggan aragtida taqliidiga ah ee abuurista. Maxkamadaha ayaa dacwooyin badan loo gudbiyey, waxaana la codsaday in buugga la mamnuuco oo maktabadaha laga wada xaabiyo, qaar kalena waxay ku baaqeen in qoraaga murtadnimo lagu maxkamadeeyo, oo la kala doorransiiyo in uu toobadkeeno iyo in xukunka murtadka lagu fuliyo.
Shaahiin ma ahayn khabiir ku takhasusay cilmiyada baayoolajiga, hidde-sidaha, ama taariikhda aadamiga. Sidaas awgeed, marka mowduuca dhinacyadaan laga eego, durba si dhib yar waxaa lagu ogaanayaa in buuggu uusan ahayn mid aasaas cilmiyeed oo culus ku qotoma. Hase ahaatee, waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay afka carabiga iyo daraasaadka Islaamka. Waayo-aragnimadii uu u lahaa dib-u-fasiridda Quraanka iyo Sunnada nebiga ayuuna u adeegsaday diidmadiisa ka dhanka ah fahanka soo jireenka ah ee laga haysto qisada abuurista.
Waxa uu sheegay in danaynta iyo xiisaha uu mowduucaan u hayo ay ugu wacan tahay in uu doonayo in dhaxalka Islaamka laga nadiifiyo -ama laga ciribtiro- waxa loo yaqaan Israa’iiliyaatka [=wararka diinta Islaamka ka soo galay dhanka dhigaallada Yahuudda] iyo khuraafaadka, iyada oo laga duulayo dib-u-akhrin cusub oo lagu sameeyo ilaha diinta laftooda. Hordhaca daabacaadda 2-aad ee buugga, waxa uu ku leeyahay sidaan soo socota;
“Waxaan rabay in aan baduujiyo madaxa abeesada Yahuudda ee ku dhuumanaysa dhaqankii Islaamka ee hore, iyada oo ay metelaan waxa loo yaqaan israa’iiliyaatka, kuwaas oo aan ka badnayn in ay yihiin sheekoxariiro khuraafaad ah, oo ku soo dhex dhuuntay fekerka Islaamka iyo maanka ruuxa muslimka ah, oo ay soo xigteen imaamyadii diinta fasiray. Fasiraadahaas awgood, ayaa fikradahaani ugu xididdaysteen gunta hoose ee maskaxda qofka Muslimka ah, iyaga oo dhab ahaantii ah abeeso ay Israa’iilidu leeyihiin, balse ay soo xanbaarteen rag badan oo aan caqligooda u adeegsan in ay si hufan u falanqeeyaan nusuusta Quraanka... Abeesada ayaa cabburisay fahankooda, markii ay isku martay/duubtay luquntooda /لقد خنقت الأفعى أفهامهم حين طوقت أعناقهم”
Dulucda doodda Shaahiin waa mid aad u fudud, balse ay adag tahay in ay aqbalaan dadka ku mabay sheekooyinka ay wariyaan buugta diimuhu. Nuxurka doodda uu buuggu soo bandhigayo waxaa lagu soo koobi karaa: Nebi Aadan waa jirey, illowse kan la mooday ma aha!
Fikradda aadka u faaftay, ee muddada dheer ay bani’aadanku -siiba kuwa diimaha ku dheggeni- ay rumaysnaayeen waa midda sheegaysa in Aadan uu ahaa aadamigii ugu horreeyey ee ifka ku noolaada, lana uumay aabbe iyo hooyo la’aantood. Si taa ka geddisan, qoraagu waxa uu ku dooday in Aadanka diimuhu ka hadleen uusan ahayn kan dadka oo dhan ugu horreeyey ee ay jireen duulal isaga ka horreeyey.
Shaahiin waxa uu kala duway labo eray oo afka carabiga ku jira oo kala ah: ‘Bashar /بشر’ iyo ‘Insaan /إنسان’. Erayga ‘bashar’ waxa uu u dhigmaa erayga ‘dad’ ee Soomaaliga ah, halka erayga ‘insaan’ uu u dhigmo erayga ‘aadami’. Shaahiin waxa uu ku dooday in quraanka kariimku uu labadaas eray macnayaal kala duwan u adeegsaday. Basharku ama dadku- tobannaan malyan oo sano ayay adduunyada ku dhaqnaayeen, halka insaanka ama aadanuhu ay muddo gaaban ifka joogaan. Aadan iyo Xaawo waxay ahaayeen kuwii ugu danbeeyey basharka, uguna horreeyey insaanka (=bani aadamka).
Dadka basharka ahi kuwa bani’aadanka ah way u ekaayeen, lamase ay mid ahayn. Quraanka kariimkuna waxa uu inoo sheegay in malaggii Maryan xiloodiyey uu lahaa muuqaal bani’aadan, laakiinse dhab ahaantii uusan bani’aadan ahayn (=فتمثّل لها بشرًا سويًا).
Sidaas darteed, nebi Aadan dhoobo lagama uumin, ee waa ilmo ay dhaleen aabbe iyo hooyo ka mid ahaa basharkii ka horreeyey bani aadanka garaadka leh ee aan hadda naqaan. Isla jeerkaas, waa aabbaha bani aadanka insaanka ah ee la yaqaan.
Qoraagu dadkii Aadan ka horreeyey oo uu magaca bashar ugu yeerayo, waxa uu ku tilmaamay in ay ahaayeen dar malaayiin sano adduunka ku noolaa, asii ahaa xayawaan duurjoog ah, oo aan garaad lahayn, Eebbana uusan ruuxdiisa ku afuufin. Waana dadkaas kuwa malaa’igtu ay maanka ku hayeen markii ay doodda ka keeneen in ay Aadan u sujuudaan, ee ay Alle ku yiraahdeen: Ilaahow “[Dhulka] ma waxaad khaliif uga dhigaysaa duul fasahaadinaya oo dhiig ku daadinaya / أتجعل فيها من يفسد فيها ويسفك الدماء”.
Hase yeeshee, goor danbe ayaa Ilaah dadkaas cawaanta ah ee aan caqliga lahayn waxa uu ka doortay nebi Aadan, oo uu ruux iyo garaad ku galladay, waana macnaha ruux ku afuufidda Quraanku uu tilmaamayo. Dabadeedna Eebbe waxa uu halaagay dadkii basharka ahaa oo dhan, wuxuuna ka soo reebay Aadan oo keliya, oo isagana uu Eebbe dhalanrogay muuq iyo maanba (=الذى خلقك فسواك فعدلك). Wuu gaabtay, oo garaadsaday, oo gartay inuu Rabbigi caabudo, dhulkana uu ugaas ka noqdo. Waxa uu yeeshay af, xusuus, iyo taariikh (=وعلم آدم الأسماء كلها).
Nebi Aadan waxa uu ahaa bani aadankii ugu horreeyey ee Ilaah uu ka doortay dadkii hore ee dabciga dameerfarowga lahaa, wuxuuna ku mannaystay caqli iyo in uu ruuxdiisa ku afuufay, iyo in malaa’igtu u sujuuddo. Sidaas baana Aadan waxa uu ku qaaday ammaanada in dhulka la cammiro; intii kale ee nooca dadkuna ay ugu dabargo’een si la mid ah sidii diinsoorrada, maametka iyo duulal kaleba ay u dabargo’een.
Shiikh Shaahiin dooddiisa waxa uu u cuskanayaa ayaado badan oo quraanka ku jira sida; aayadda oranaysa “Markaasuu ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay /ثم سواه ونفخ فيه من روحه”, iyo midda kale ee oranysa “[Ilaaha] ah kii ku abuuray, ee ku ekeeyey, ee ku simay /الذي خلقك فسواك فعدلك”, iyo weliba midda kale ee oranaysa “[Dhulka] ma waxaad khaliif uga dhigaysaa cid fasahaadisa oo dhiig ku daadisa /أتجعل فيها من يفسد فيها ويسفك الدماء”, iyo qaar kale.
Intaa waxaa dheer, in Shaahiin uu sidoo kale daliishanayo baaritaannada cilmiga ah ee lagu sameeyey haraaga lafihii dadyowgii hore, uuna xusayo waxa loo yaqaan “Dadkii Jafa /Java man,” “Dadkii Bakiin /Peking Man,” iyo “Dadkii Niyaandertalka /Neanderthal”.
Dadku muddo aad u dheer bay ifka saarnaayeen, laakiin waxay ahaayeen xayawaan aan duunyada kale waxba uga duwanayn, dabadeedna Eebbe ayaa dadkii Aadan ka doortay oo ruuxdiisa ku afuufay, oo ka dhigay qof af iyo caqli leh, oo awooda inuu waxbarto, oo uu ilbaxnimo abuuro. Aadanna waxaa ka farcantay durriyad ballaaran oo ah bani’aadamka la yaqaan (=Sidoo kale, Shaahiin waxa uu diiday in Xaawo laga uumay feercalaanta Aadan, iyo in nebi Ciise cirka loo qaaday. Wuxuuna ku adkaystay in ruuxda Ciise oo keliya sare loo qaaday, balse jirkiisu uu qabri ku abaaday).
Shaahiin buuggiisa waxa uu ku bilaabay erayadaan:
“Waa hore, oo hore, ka hor intii aan semenka la uumin, waxaa jirey Eebbe oo aan walaxina wehelin.
Dabadeed Ilaah waxa uu doonay inuu abuuro uunka ama koonka, wuxuuna yiri: ‘Ahow /كن’, waxaana abuurmay wixii Alle uu damacsanaa oo leh semenka iyo meesha… cirarka iyo dhulalka, falagga, xiddigaha, meereeyayaasha, noolayaasha iyo noocyo kale oo jiraalka ka mid ah -oo aynaan aqoon- kuwaas oo dhammaantood ku yimid awoodda Alle ee ku jirta amarka ‘Ahow.’
Intaas kaddib, Ilaah waxa uu doonay in uu abuuro makhluuq caqli leh oo awood u leh in uu wax garto oo aqoon yeesho. Sidaas darteed, waxa uu abuuray ‘insaan ama bani’aadan’.
Waxaana laga yaabaa in tani ay tahay macnaha xadiisul-qudsiga aan dhallaannimadii ku xifdinnay ee Eebbe isaga oo iska warramaya uu ku yiri: ‘Waxaan ahaa kansi qarsoon, waxaanna damcay in la i ogaado, sidaas awgeed ayaan u abuuray abuurka, naftooda ayayna igu barteen.’”
Sida dhabta ah, Imaam Maxamed Cabdo (1849-1905) ayaa lagu tiriyaa in uu yahay wadaadkii ugu horreeyey ee ku dooda in sheekooyinka quraanka ku soo arooray, marka lagu daro qisada Aadan iyo ka soo bixiddiisii jannadu, aysan ka tarjumin xaqiiqo taariikhi ah, laakiinse ay yihiin metalaad loogu talagalay in duruus lagala baxo oo keliya. Waxaana la rumaysan yahay in Shaahin uu fikraddaan ku saamoobay, qoraalkiisana aasaas uga dhigay.
Marka la soo koobo, buugga Shaahiin waxa uu qayb ka yahay doodda ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya diinta iyo cilmiga, gaar ahaan midda ku saabsan aragtida isbeddelka iyo aragtida abuurka tooska ah ee badiba fekerka diiniga ahi uu taageero. Qoraaguna waxa uu isku dayey in uu usha meel dhexe ka qabsado, oo isaga oo nusuusta diinta qudheeda adeegsanayo uu isku mar deedifeeyo aragtida abuurka tooska ah ee Aadan dhoobada laga abuuray iyo midda cilmiga ee sheegaysa in aadanuhu ay ka abuurmeen isbeddel muddo malaayiin sano ah noolayaal ka horreeyey si tartiib-tartiib ah ugu dhacayey.
Siday doontaba ha ahaatee, Cabdisabuur Shaahiin isaga oo kalsooni badan qaba, oo xaskaba aan halaq ka filan, ayuu soo bandhigay buuggiisa. Waxa uu ahaa akadeemi muddo dheer jaamacad macallin ka ahaa iyo wadaad imaam ka ah masjidka Camar bin Caas oo ah masaajid caan ah oo lagu tiriyo inuu yahay kan ugu faca weyn masaajidda dalkaas, isla jeerkaasna xarun u ahaa wadaaddada islaamka siyaasiga ah. Taa aawadeed, marna ma uu filayn in buuggiisu uu dagaal la kulmayo.
La mood noqonse weyday, oo Shaahiin waxaa duullaan ku qaaday qaar ka mid ah asxaabtii ay horay isugu bahaysteen weerarkii lagu qaaday Nasar Xaamud Abuu Seyd. Wargeysyada Masarna waxay qoreen inuu dhadhamiyey isla suntii uu u siiyey saaxiibkiis Abuu Seyd, ama in sixirkii uu sixirroolaha ku noqday, sida kuwo kale ay qoreen. Isla raggii ay shalay bahwadaagta ahaayeen -oo ka ganacsanaya dareenka diiniga ah ee dadweynaha- ayaa ku shimbiro-waaqleeyey.
Sannadkii 2000, Shiikh Yuusuf al-Badri waxa uu isku dayey inuu maxkamadda u gudbiyo dacwo ka dhan ah Shaahiin, oo uu ku eedeeyey in buuggiisa “Aabbahay Aadan” ay ku jiraan fikrado diinta looga baxayo, ayna waajib tahay in xaaska laga furo. Hase ahaatee, maxkamaddu dacwadaas ma ay aqbalin, sababtuna waxay ahayd in meesha laga saaray qodobkii xisbada ee horay Abuu Seyd loogu adeegsaday.
Muddadii muranka buugga Shaahiin uu aadka u kacsanaa, ayaa nin wariye ahaa Nasar Xaamud Abuu Seyd wax ka weydiiyey buuggaan. Abuu Seydana waxa uu ku jawaabay in uu buugga akhriyey, wax cusub oo qiimo lehna uusan ku arag. Wuxuuna sii raaciyey: Qoraagu waxa uu isku taxalujiyey in uu isu muujiyo in uu yahay mufakir libiraali ah, kolkaas ayuu waxa uu ku dhacay qaladaad fara badan, oo ay tahay xitaa arday bilow ahi in uusan gelin.
Dabadeed, wariyuhu waxa weydiiyey sida uu u arko qaylada ka taagan buugga iyo maxkamadaynta qoraaga?
Abuu Seydna waxa uu yiri: “Haba yaraatee kuma faraxsani waxa socda. Waxa noo muuqdaa waa dab qabsaday aqalkayaga, dhaqankayaga, suuragal ma ah in nin loo dilo buug doqon ah darti.”
Mar kale, wariyuhu waxa uu weydiiyey: Ma garab istaagaysaa Shaahiin?
Isna waxa uu ku jawaabay: “Dabcan, waxaana difaacayaa xaqa uu u leeyahay in uu qoro waxa uu aamminsan yahay… Marka aan difaacayno Islaamiyiinta khilaafku nagala dhexeeyo, dhab ahaantii waxaa aan difaacaynaa nafteenna… Suuragal ma aha in la difaaco mabaadida xorriyadda isla jeerkaasna laga reebo Islaamiyiinta. Waxaa dhici karta, in dadka qaarkood ay yiraahdaan Islaamiyiintu marka ay codsanayaan xorriyadda, waxa ay ka hadlayaan waa xorriyaddooda oo keliya -taasi waa dhab- laakiin looma baahna in aan gefkooda oo kale samayno.”
Abuu Seyd waxa uu sheegay in ay jirto hal godob ah oo uusan marna u cafinayn Cabdisabuur Shaahin. Godobtaasi waa in markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda ee farayey in Abuu Seyd xaaska laga furo, uu Shaahin oorida Abuu Seyd ku yiri: “Waxaan diyaar u ahay in aan kuu keeno nin ku guursada, kharashka arooskana aniga ayaa bixinaya. Waa eray meelkadhac ku ah sharafta Ibtihaal, Ibtihaal darteed baana u awoodi karin in aan cafiyo (=Ibtihaal Yuunis waa magaca marwodii uu dhaxdey Abuu Seyd).”
Guud ahaan, dhibka gaaray Shaahiin aad buu uga yaraa midkii gaaray Abuu Seyd. Taana waxaa ugu wacnaa in Shaahiin uu helay labo arrimood oo ka badbaadiyey in maxkamad lala tiigsado. Labadaas arrimood waxay kala yihiin;
Kow: Qawaaniin ay dowladdu soo saartay dhacdadii Abuu Seyd kaddib, markii lagu baraarugay dhibaatooyinka bulsho ee ka dhalan kara dhaqanka gaalaysiinta. Qawaaniinta soo baxayna waxaa ka mid ah mid dhigaya in cidda keliya ee xaqa u leh in ay cid ku soo oogto dacwad ku saabsan diin ka bax uu yahay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka. Waxaan si weyn loo xaddiday adeegsiga waxa loo yaqaan ‘Xisbada /الحسبة’, oo wadaaddadu ay si xun ugu tagrifaleen, kana dhigteen hub ay kula dagaallamaan dadka ka fekerka duwan (Xisbadu asal ahaan waa in arrin Alle darti loo sameeyo. Waa in la diido arrin diinta ama dadka wax u dhimay, ama la dhiirrigeliyo wax diinta ama dadka faa’iido u leh. Samaynta xisbadana waxaa xaq u leh qof kasta oo Muslim ah oo awood u leh. Hase ahaatee, dadka qaarkood baa waxay u isticmaalaan dano gaar ah iyo in ay dad kale ku dulmiyaan, sida uu muujinayo falalkii gurracnaa ee lagula kacay Abuu Seyd, Faraj Fooda iyo kumanyaal kale).
Labo: Qodobka labaad ee Shaahiin u hiilliyey waxa uu ahaa warbixin ay jaamacadda As’har ka diyaarisay buuggaan muranka dhaliyey. Jaamacaddu warbixinteeda waxay ku sheegtay in doodda Shaahiin aysan sax ahayn, nebi Aadanna laga uumay dhoobo, uuna yahay aabbaha basharka iyo insaanka. Laakiin, dhanka kale, jaamacaddu qoraaga waxay ka beri yeeshay eedayntii loo haystay ee ilxaadka iyo diin ka baxa, waxayna caddaysay in buugga aysan ku jirin wax keeni kara in qoraaga la gaalaysiiyo ama la maxkamadeeyo. Haddii si kale loo yiraahdo, aragtida buuggu uu xanbaarsan yahay way qaldan tahay, mase aha qalad keenaya in qoraaga la gaalaysiiyo.
Labadaas arrimood oo isbiirsaday waxay keeneen in Shaahiin uu qayb ahaan ka badbaado dhibkii Abuu Seyd qabsaday sida; in buugga la mamnuuco, ama isaga shaqada laga cayriyo, ama xaaska laga furo, ama uu dalkiisa cabsi darteed uga qaxo.
Xisaab iyo fiisigyahanka Ingiriiska ah Roger Penrose buuggiisa “Maskaxda Cusub Ee Boqorka /The Emperor’s New Mind,” waxa uu ku dooday in aragtiyaha sayniska loo qaybin karo saddex nooc oo kala ah: aragti ‘Bilow ah /Tentative’, mid ‘Faa’iido leh/Useful’ iyo mid cajiib ah oo kulligood ugu ‘Sidata /Superb’. Aragtida Daarwin ee isbeddelkana waxa uu ku tilmaamay in ay tahay aragti waxtar leh, kuna dhaw in ay noqoto kuwa ugu sita.
Taas oo jirta, haddana ilaa iyo maantada la joogo, dunida Islaamka -oo Soomaaliya kow ka tahay- aragtidaan waa la colaadiyaa, oo in dugsiyada lagu dhigo waa la diidaa. Taa beddelkeedana waxaa la faafiyaa sheekoxariirradii Tabari iyo wadaaddada kale ay ka soo minguuriye buugtii Yahuudda. Sheekoxariiraha abuurka ka hadla ee muslimiinta carruurnimada loogu laqimaa ma aha kuwo ku soo arooray Quraanka Kariimka iyo Axaadiista la sheego in ay nebiga ka sugnaadeen, balse waxaa laga dhaxlay buug kun sano ka hor ay qoreen wadaaddo soo xigtay wararkii wadaaddada Yahuudda.
Sheekooyinka Imaam Maxamed al-Tabari iyo rag kaleba ay qoreen waxaa ka mid ah in nebi Aadan markii uu cirka ka soo degay, uu ku soo degay meel ka mid ah dhulka Turkiga, oo tan iyo haddeer raadka cagtiisii ay ka muuqato. Waxa uu ahaa cimlaaq aad u dheer, oo marka uu qummaati u istaago madaxiisu samada ayuu gaari jirey. Marka uu istaago, dhegehiisu waxay maqli jireen warka malaa’igtu ay ku sheekaysanayaan, wuxuuna daawan jirey muuqaalladooda. Malaa’igta oo ka khajili jirtey daawashada Aadan iyo xan dhegaysigiisuna, waxay u dacwoodeen Eebbe oo ay ka codsadeen inuu Aadan gaabiyo, si ay is-asturidda badan xoogaa uga nefisaan, oo ay xorriyad u dareemaan. Eebbana codsigoodii waa ka aqbalay, oo Aadan aad baa loo gaabiyey, ilaa dhererkiisu uu ka gaaray midka durriyaddiisa lagu yaqaan. Ragga bidaarta weyn ee aad had iyo goor aragtaanna, cudurka waxay ka hiddoraaceen aabbahood Aadan, oo isagu bidaarta ka qaaday madaxii uu sida joogtada ah cirka ugu xoqanayey, dhererkiisa darteed.
Dabadeed, Aadan lug uu ka bilaabay Turkiga ayuu waxa uu ku tagay Maka, halkaas oo uu kula kulmay Xaawo. Bartii ay ku kulmeen Xaawo iyo Aadanna waxaa loo bixiyey magaca ‘Carafa’, oo macnaheedu yahay goobtii la isku aqoonsaday. Intaa ka dib, Aadan iyo Xaawo waxay galeen socod tamashle ah iyaga oo wadaagaya haasaawe macaan, jeer ay ka gaareen goob uu Aadan ugu dhawaaday Xaawo, oo loo bixiyey ‘Musdalifa’ oo macnaheedu yahay dhawaan iyo kulmid.
Si kastaba ha ahaatee, waa in aan marna laga ilduufin in diinta iyo cilmigu ay laba dabeecadood oo kala duwan leeyihiin. Haddii cilmiga iyo diinta la isku dhuftana, waxaa hubaal ah in diintu ay tahay midda khasaaraysa. Maxaa yeelay, diintu waa iimaan iyo isdhiibid, halka cilmigu uu ka yahay dadaal iyo iskuday ku darara tijaabooyin sax iyo khalad leh oo si joogto isu beddela. Doodaha iyo khilaafku diinta waa nuxur tiraan, halka cilmigu uu ku bullaalo, oo uu ku barakoobo.
Isku soo xooriyoo, Cabdisabuur Shaahiin waxa uu ku dhacay dabinkii uu u dhigay Abuu Seyd. Waxa uu ku sigtay in la marsiiyo jirrab iyo mardabo u dhigma kuwii uu sababtooda lahaa ee ku dhacay wadeygiis Abuu Seyd. Waxa uu qarka u fuulay in la gaalaysiiyo, shaqada laga cayriyo, afada laga furo, markaa ka dibna la dilo ama uu dalka isaga baxsado. Ragga damacsanaa in ay sidaas u galaanna waa isla jaallayaashii ay ka wada shaqeeyeen maxkamadaynta Abuu Seyd oo ay ugu horreeyeen Shiikh Yuusuf al-Badri iyo Maxamed Sumeyda Cabdisamad.
Maxkamad la tiigsiga fikradaha ujeeddada laga leeyahay ma aha in cidda la maxkamadaynayaa ay fekerkeeda beddesho, laakiin waa in laga hortago oo la joojiyo faafidda fikradahaas. Maxaa yeelay, dadku si kasta oo loo ciqaabo marna ma beddelaan fekerka ay ku qanacsan yihiin ee laabtooda iyo maankooda ka guuxaya. Danta laga leeyahay maxkamadaynta fekerku waa in la foolxumeeyo dadka ku baaqaya, si dadweynaha loogu diro oo ay uga cararaan. Hase ahaatee, fikraduhu kuma shiiqaan colaadda iyo maxkamadaynta ee way ku tarmaan, oo ku waaraan.