Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Masrax

Aabbe Kelitaliye ah iyo Inamadiisii

18 January, 2025
Image
filin
The Iron Claw (2023)
Share

Markii ugu horraysay ee aan boostarka filinkan, The Iron Claw (2023),  arkay danayn sidaas ah ma siin oo durtadiiba waan iska dhaafay, laba sababoodba awgood: in inanta Soomaaliyeed ee boggeeda Tiwiitarka soo dhigtay boostarka filinkan ay ku soo dul qortay eray kooban oo aan af Soomaali ugu turjumi karo, “haddaan daawanayaa” iyo qofafka sawirka boostarka filinka ka muuqday oo iila ekaa niman ciyaaraha Musaaracada dheela. Waqti aan ku qiyaasayo 2007 ilaa 2009 Musaaracadu waxa ay ahayd nooca ciyaar ee qudha ee aan daawado isla markaana xiiseeyo, oo badi ragga ciyaara magacyadooda iyo suumanka la kala qaado sida ay u kala saamayn badan yihiin ee u kala sarreeyaan wax baa iiga yar baxsanaa, oo aad baan ugu tashan jiray habeenada Jimacaha iyo Khamiista ee ay ciyaarayaan ragga kala ah Randy Orton, Triple H, The Undertaker, Joon Siina (sidii aan ugu dhawaaqijiray waagaa magaca John Cena), iyo qaar kale. Waagii aan ciyaaraha Musaaracada daawan jiray, weligay isma waydiin raggan bahasha ciyaara noloshooda ka baxasan ciyaartaas iyo waayaha ay ku jiraan, si la mid ah sida aanan isu waydiin jirin fannaaniita aan daawado ee heesahooda jeclahay, jilayaasha filimada iyo dad badan oo kale oo aan taageero u ahaa. Qushiye, haddaba, in aan caawa filinkan aan faallaynayo daawado waxa sababay isla inantii Soomaaliyeed ee aan kor ku soo xusay oo kolkii ay soo daawatay filinkaas dib tweet-keedi hore retweet u dhahday oo ku soo dul qortay, odhaah aan af Soomaali ugu  turjumi karo “Aad baan u ooyay oo hiqdaasaa iga dhammaatay. Falcelinta uu retweet-keedani helay, oo ka badnayd kii uu helay tweet-keedu, baan arkay oo iga yaabisay. 170 kun oo qof baa like saaray halka ay arkeen 11 milyan oo qof. Kolkaas ayaan go’aansaday in aan soo eego waxa ka oohiyay—wax iga oohiya waan iska rabay, gabadhaasna isku dookh in aanu nahay baan dhawr jeer oo hore arkay.  Hadda oo aan filinkan magaciisu kor ka muuqdo soo daawaday, waxa aan ogaaday wax yar oo ka mid ah caalamka ka baxsan ragga Musaaracada ciyaara oo aan ka faalloon karo. 

Siinka koowaad ee filinku ku bilaabmayaa waa Von Erich oo u diyaargaroobaya in uu oradkii jarmaadada ee caadad u ahaa sameeyo, oo ay kamaradda daba socota ina tusayso wax badan. Wax innagaga filan in aynnu wax ka sii oddorosi karno qaybaha soo socda ee filinka oo ay ka mid tahay sawir wadareedka qoyska ee fareemka weyn ku jira ee gidaarka soo sudhan, baaskooladaha aad mooddo in meesha lagu sharraxay, kubadaha trophies-ka ee hoos yaalla iyo macatabka Ciise-Masiix ee kor soo laalaada, oo ah hummaagyo inoo sheegaya wax badan oo aynnu uga baahnayn in ay ka ogaano sheekada qoyskan ee cunfiga, khuraafaadka, mucaanaatka, hantigoosi iyo silacba ku dhisan. Waa filin laga qabtay sheeko dhab ah oo ku saabsan nin la dhaho Von Erich iyo qoyskiisa. Waa qoys ka kooban hooyo, aabbe iyo afar ka mid ah wiilashiisa oo raggu guulo door ah ka soo hoynayaan Ciyaarihii Olonbikada Caalamiga ah ee Musaaracada ee sannadihii 1980naadkii. Fritz Von Erich (Holt McCallany), oo ah aabbaha shan wiil, waa ciyaartoy hore oo Musaaracada dheeli jiray magac iyo maalna ka sameeyey oo intaa ka dib hawlgab galaya, bilaabayana in uu wiilashiisa oo dhan soo mariyo waddadii qodxaha badan lahayd ee uu soo maray mid la mid ah,  se, nasiibwanaag iyo nasiibxumo mid ay u tahayba,  mid mooyi ee inta kale oo dhami yaraan ku laqdamayaan. Saddex ka mid ah wiilashu waa ay isqudhgoynayaa, midina sheekada ayuu inoo soo tebinayaa, halka curadkiisii oo yaraan ku dhintayna, Jackie Von Erich (Romeo Newcomer), aanay sheekadu xusayn sababat dhabta ah ee uu u dhintay, taas oo kugu ridaysa—kolka aad habdhaqanka mannaxaannimada ah ee aabbaha ogaato—shaki la mid ah kii uu Digfeer ka heesayay ee lahaa:

“Nina gabankii uu dhalay

Gacantiisa kuma dilee,

Ma markaad gaajootaad

Garaba maalin dubataa?”

Fritz waxa uu afartiisa wiil ee aan yaraan kaga dhiman ku barbaarinayaa falsafad aan sama u jiidayn, oo waxa uu sanka kaga tolayaa oo cadaadis, cabudhis iyo cagajuglaynba ugu carbinayaa in ay noqdaan rag ciyaara Musaaracada, taas wax aan ahayna aan liibaan if iyo mid aakhiro toonna ku helayn. Waxa uu halhays iyo dhaadka noloshaba uga dhigayaa weedha ah, “Xoogwaynidaada iyo ad’adkaantaada ayaa kaa ilaaninaysa xanuunka.” Mar kasta oo uu arko wiilashiisa oo kaar la damqanaya, mid jidheed iyo mid nafsadeedba, waxa uu tuf uga dhigi jiray weedha ah, “Haddiiba aad kaar dareemayso, weli waxba kaama dhawa.”

Von Erich oo ka warramaa waxa uu odhanayaa:

“Tan iyo intii aan cunugga yar ahaa, waxa aan dadka ka maqli jiray iyaga oo qoyskayaga ku leh waa ay nacdalan yihiin. Hooyaday waxa ay nagu xijaabi jirtay bisink, aabbahayna waxa uu nagu ilaalin jiray Musaaracada. Waaxa uu nagu odhan jiray: Haddii aad noqotaan kuwa ugu adag, ugu xoogga badan ee ugu guulaha badan, wax idin dhibayaa ma jiraan.”

 Aad bay u rumaysteen hadalkaas oo noloshiiba waxa ay halbeeg uga dhigteen odhaahdiisaas, waxa ayna moodeen in aad jidhkaaga dhisto, nin adag noqoto, suuman badan oo dahab ah ka soo hoyso ciyaaraha Musaaracada, in wax ku dhibaa aanay jireen. Mike oo xataa Giitaarka iyo heesidda jeclaa oo tamar, karti, iyo hibaba u lahaa waa uu ka hadhayaa in uu sii horumariyo hayaankaas oo guulo ka keeno. Waayo, aabbihii ayaan raali ka ahayn hawshaa uu wado, oo waxa ay la ahaatay in uu isaga addeeco oo aqbalaaddiisa iyo ansixintiisaba haysto. Laakiin, tarbiyadda iyo maanhagga uu aabbuhu wiilashiisa ku dhaqayay ma noqon mid lagu xasuusto wanaag, oo si kasta oo ay guulo u soo hoyeen, hanti iyo magacba u heleen, waxa ay noqdeen qaar lagu sunto in ay yihiin qoys nacdalan oo alhuumo haleeshay. Aaminaaddan in reerka la nacdalay waa mid uu Fritz ka hiddaysanayo qoyskii aabbihii, isla jeerkaana uu ubadkiisa ku tallaalay kolkii uu ka dhintay curadkiisii, kaas oo aan la xusin sababtii dhimashadiisa. Kelitalisnimo, anaaniyad iyo macangagnimo ayuu ku dhaqay aabbahaasi ubadkiisa iyo islaantiisaba Doris Von Erich (Maura Therney), oo markii danbe gayaysiisay laba ka mid ah wiilashiisa in ay isqudhgooyaan, cabsi ay ka qabaan in ay fashilmaan oo noqon waayaan qofafka uu aabbahood la rabo, halka uu ka kalena daroogooyin uu qaatay si uu u xaqiijiyo guulaha aabbihii ka rabo awgeed oo kamadanbaysta u dhimanayo. Noocaa barbaarineed waxa ay kuu la eekaanaysaa tii uu Lionel Dahmer ku dhaqay wiilashiisii Erick iyo Jeffrey taxanihii Monsters (2023) ee aakhirkii cunfigu gaadhsiiyay in ay qatalaan waalidkood. Dhanka kale, dhimashada Mike Von Erich (Stanley Simons) iyo dhanbaalka uu ka tegayaa waa mid wax badan innaga baraya jewigaa uu ku soo barbaaray. Haa, in uu wiilku jaxiima ku noolaa oo meel dhaanta go’aansaday in uu guuray—janno in ay tahay u badi. Barbaarinta noocan ah waa ta aan qoyskan ku koobnayn iyo aabbahan ee si kale shaacsane u ah oo leh xididada qooqaannimada laboodka, iyo ismahadinta waalidka ee indha-la’aanta ah. Waa mid waalidku u arkayo ubadkiisa sidii halo ay tahay in uu aad iyo aad ugu tabco oo hadhaw caano badan ka maalo. Taas waxa caddayn u ah kolka aabbahan hangooosadka ahi uu afka u dhigto dhammaan guulaha lacageed ee Kevin soo hoyo, ka dibna uu waydiisto qarash uu u diidayo oo ku canaanayo in aanu lacag u gaar ah haysan. Siinkaa kolkii aan daaawanayay iyo wadasheekaysigaa qalbitaabadka leh, waxa maankayga ku soo dhacay tusaale kan si ugu eeg oo aynnu deegaannada Soomaalida ka soo helayno. Waa kan Cabdicasiis Guudcadde oo tusaalahaa inoo marinaya:

“Cabdi-Gahayr Warsame isagoo ay isu qaban la'dahay waayaha la soo gudboonaaday iyo sida malaha wiilkiisu aanu diyaarka ugu ahayn in uu sii wado caqliyaddii miyiga, wuxuu ku tallamay:

“Tunka caanahaan ugu sidiyo tacabkii-beeneeye

Mar baan idhi tabaalaha adduun toogo inankaaga!”

Muddo ka dib, inankiisii, Guhaad Cabdi-Gahayr—oo lagaba yaabo in uu ahaa kan uu meerisyada kore ku wadey—ayaa markiisa xilligiisa ka fekeray waayaha adduun ee haysta, dabadeed wax ka saaray sidii aabbihii ugu taliyay iyo qaacidadii geela geel ku sugta ahayd oo uu u arko waxa waqtiga ka lumiyay ee halkaa dhigay. Kolkaas buu aabbihii eedda wax weyn ka saaray:

“Geelii Gadhweyn iyo intuu dhacayay Guuyoobe

Hadduu guul-darraystoow iskuul gaalo igu tuuro 

Ama gole arday leedihiyo macallin ii geeyo 

Gaajadan miyaan qabi lahaa gorodda lay saaray!”

Waxa uu tooshka ku ifinayaa filinkani (ama sheekadani) mawaadiic door ah oo ay ka mid tahay dabeecaddii dhaqandhaqaale ee waagaa dabaqadda sare ee Maraykanku ku sugnayd, foolxumooyinka Hantigoosadka wax ka mid ah, dhaqanka u rahman walaxawga, xaaladaha nasfadeed ee laga qaado cadaadiska iyo tacadiga uu waalidku ku la kaco ubadkiisa iyo duruufaha iyo go’aanada ay dhaxalsiiso haddii aanay ka kaban oo dhamo nafeed helin, saamaynta xun ee ay leedahay burburka qoysku iyo sida ay tahay in loo fahmo daynaamikiska ku ladhan, musuqmaasuqa iyo qaar kale. Waxa uu agaasimaha filinkani, Sean Durkin, isku dayadaa in uu masiibadan/tragedy u beddelo Melodaraama dadka dareemahoodu aadka u dhiifoon yihiin u saamaxaysa in ay daawan karaan, taas oo ay ku ladhan tahay Sinimatograafi aad u heersarreeya iyo  dhawaqyo dhegta u wacan oo muusig Jazz ahi dhextaal u yahay si uu mawaadiic badan oo xasaasi ah naqdigooda si doqonimagarato ah u taxo. Waa si la mid ah baan filayaa  sida Trevor Noah uu noloshiisii musiibada miidhan ahayd inoogu tusay buuggiisa Born A Crime hannaan maad ah oo aadan raxanraadka ka buuxa waayihiisa ku hafanayn ee adiga oo qoslaya aad haddana arkayso sanamyada uu burburinayo ee takoor iyo aaminaadaha huuhaada ah leh.

Siinka ugu danbeeya ee filinku ku soo xidhmayaana waa mid kale oo daymo aad ah mudan, runtii. Waa Von Erich oo daawanaya labadiisii wiil oo wada ciyaaraya, dabadeed oohin jabsanaya heer ay ubadka ku soo jeediso oo iyaga oo dhiillaysan ku soo ordayaan oo ku boobaan waydiinta ah, “Aabbe, ma fiican tahay?” Waa waydiin ay adag tahay in lagaga jawaabo, kolka xaaladdii uu ku sugnaa la eego, “Waan fiicanay.” Waayo, jawaabtan baaba aad iyo aad uga sii adag. Waxa marag u ah qormada uu Abdirahman Jama ka qoray labadaa eray ee danbe ee ah “Waan fiicanahay.” Oo uu odhanayo, haddaan isku dayo in aan af Soomaali u turjumo “Waa laba eray oo carrabka u fudud, qoraalkana ku sahlan, se marxaladda ka horraysa kaga jawaabista waydiinta ah “Ma fiican tahay?” ee kaga imanaysa qof dareenkaagu muhiim u yahay ay aad iyo aad ugu culus tahay. Dooddaas Cabdiraxmaan waxa marag u ah wejiga aabbahan, Von Erich, oo laga akhrisanyo waayaha aad iyo aadka u qadhaadh ee filinkani soo tebinayo. Carruurtu se waa abriyaa oo waa in ay helaan jawaab aad u daacad ah saw ma ah? Aabbuhu kolka ay ka dayn waayaan in ay xaalkiisa ogaadaan wiilashiisu, waxa uu hadal uga bilaabayo, “Waxa aan islahaa waxa aad noqon walaal, se iminka ma sii ahaan doono walaal.” Intaa kolka uu odhanayo aad buu u sii ooyayaa, taas oo aad is-odhanayso waxa sii carisay rayidnimada waydiimaha ubadka iyo xog la’aanta ka haysa xanuunka uu soo maray; marna qoomamada iyo ladhka ku soo kacaya isaga ee uu danbiga ku dareemayo in aanu walaalihiisii ka yaryaraa uu hagraday oo aabbe dadqal ah ku halleeyay oo uu si uun geerida uga baajin karay, tabtii uu u murugaysnaa sawirqaadihii ku jiray noofalka Open Water ee Caleb Azumah Nelson kolkii uu inantii uu calmaday uga warramayay walaalkiisii ka yaraa isaga oo sawirkiisa gacanta ku haya iyo sidii uu uga shallaynayay in uu hagraday kol uu u baahnaa.

Ugu danbayntii, waxa aan odhan lahaa uun waa  filin daawasho mudan oo aan ku la talinayo cid kasta oo mawaadiicdaa aan dulmaray xiisaysa.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Maseyrka

Dhaqan

Baroordiiqdii Ibraahin Jaamac

Buug

Soogalooti