Sunday 7 June 2026
Bandhigga Filinnada Istanbuul oo socday intii u dhexaysay 9-kii illaa 19-kii Abriil 2026, waxa tartankiisa rasmiga ahi ka koobnaa shan iyo toban filin oo hodan ku ahaa kala duwanaanshiyahooda, ha ahaato dhinaca qaababka muuqaaleed iyo dhinaca nuxurkaba. Waxaa ka mid ahaa hal-abuurkan yaabka badan: “Qiyaamaha” (Resurrection, 2025), filinka agaasimaha Shiinaha ah ee Bi Gan oo ku guulaystay Abaal-marinta Gaarka ah ee Guddida Garsoorka. Waxa kale oo jiray (Rose of Nevada, 2025) ee agaasimaha Biritish-ka ah Mark Jenkin, kaas oo sooc ah marka uu sawirayo duni ay dihashatay saamaynta barakaca, murugada, ilowshiyaha iyo welwel wadareedka bulsheed, isna waxa uu ku guulaystay Abaal-marinta FIPRESCI.
Sidoo kale “Xusuustii Amiirad Mumbi” (Memory of Princess Mumbi, 2025) ee Damian Hauser oo Siwis-Kiiniyaan ah, kaas oo isku daraya sheeko jacayl iyo halgan ku saabsan filinno falkinaya duni timaaddo ah. Waxa uu ku guulaystay Abaal-marinta Filinka ugu Fiican. Waxa kale oo jiray filinno bulsheed oo dhab-abbaar ah, iyagoo leh dareen qeexaya nolol maalmeed ay ku laaqmeen jinsiyado iyo qowmiyado kala duwan sida filinka Liitiwaaniga ah ee “Dib-u-Dhiska” (Renovation, 2025) kaas oo ay agaasintay Gabriele Urbonaite, ama duni takoor ku huursan oo sheeko jacayl daaha ka faydayso sida filinka Lubnaaniga ah ee “Waa Ciddii ku Dhacda Uun” (Only Rebels Win, 2026) ee Danielle Arbid. Waxa kale oo jiray filinno kale oo mudan ammaan kuwaas oo ka kala yimid Faransiiska, Jarmalka, Pakistan, Giriigga, iyo, dabcan, Turkiga.
Wareeggii 45-aad ee bandhigga, shan filin oo Turki ah ayaa kula tartamay filinnada caalamiga ah ee kor ku xusan. Filimadaasi waxay muujiyeen qaabab shineemo oo kala duwan iyo mowduucyo ka hadlaya arrimo casri ah oo si toos ah u taabanaya bulshada Turkiga, kuwaas oo mudan in si weyn looga daawado shaashadaha dunida oo idil. Midkii ugu saamaynta badnaa waxa laga yaabaa in uu ahaa dokumenteriga “Dusha Dhagaxa Qallalan” (On the Dry Rock, 2026) ee ay agaasintay Yeşim Ustaoğlu, kaas oo ka warramaya dad deggan tog qurux badan oo hore loogu yiqiin guryihiisa dhagaxa ah iyo dabeecaddiisa, kuwaas oo u halgamaya sidii ay u ilaalin lahaayeen xusuustooda, haybtooda iyo karaamadooda kadib markii biyaha ka soo fatahay biyo-xidheenku liqeen aqalladoodii iyo xusuusahoodii, laguna qasbay inay ka guuraan tuuladooda dhacda waqooyi-bari-ga Turkiga. Maanta waxay ku nool yihiin adduun shub laga macmalay, guryo isku eg oo si liidata loo dhisay, iyo nolol ku dhisan isticmaal oo aan lahayn wax-soosaar kadib markii laga beddelay beeraley loona doorriyey macaamiil.
Kamaraddu waxay dhex mushaaxaysaa dadkaas oo si qoto dheer uga soo qabanaysaa dadkaas sheekooyinka waayahoodii tagay ee ay ku noolaayeen xorriyadda iyo farxadda. Maanta ma jiro ceel waraab hagaagsan laga helo, balse waxa jira caagado balaastig ah oo lacag lagu iibsado, shaqo ma jirto; waxa jirta shaqo la’aan, madhnaan iyo niyad-jab. Agaasimaddu waxay si cad ula safan tahay dadkaas, iyadoo si dhugasho leh u duubaysa maragyo dareen-taabad leh: beeroolaha habeenkii qarwa isaga oo leh “Gurigaygii kani ma aha”; ama haweeneyda maalin kasta u daawasho tagta tuulada biyuhu qariyeen iyadoo dugey la ilmeynaysa… kamaraddu way ka daba gaatamaysaa, waxayna silicaas ku gudbinaysaa qaab-dhac tartiib ah, balse aad ugu adeegaya in dareen u muuqday mid meel gaar ah ku xidhan uu isu beddelo dareen bini’aadannimo oo meel kasta laga fahmi karo.
Filinku kuma koobna oo keliya dareenka niyad-jabka iyo is-dhiibidda dadka, sidii inay arrintu tahay qaddar aan laga hor iman Karin. Waxa uu sidoo kale diiradda saarayaa isbeddelka goobta ka dhacay kahor iyo kadib markii tuulada la qarqiyay, isagoo muujinaya cidlada iyo hoogga ka dhasha burburka meelihi la dayacay.
Filinka “Eeyaha Dhintay Waxba Ma Qaniinaan” (Dead Dogs Don’t Bite, 2026) ee Nuri Cihan Özdoğan ayaa isna qaab kalaasig ah ku soo bandhigaya arrin ugub ah, halkaas oo uskagga ka dhasha ganacsiga sharci-darrada ah ee qashinku uu kharribo ciidda iyo ruuxda aadanaha labadaba. Qashin si sharci-darro ah loo soo dhoofiyay oo aan dib loo warshadayn karin ayaa lagu daadiyaa deegaanka dabiiciga ah. Kooxo hubaysan ayaa ku dagaallamaya dagaallo birta la iska aslayo oo aan la isku aaba yeelayn si ay qashinkaas ugu iibgeeyaan in ay tahay alaab caydhiin ah, waa cidda lacagta badan bixisa un e, iyagoo askaxa u qaadaya qof kasta oo is-hor-taag ku sameeya si ay u maamulaan goobahaas una qaybsadaan dheefta.
Filinku wuxuu bixinayaa falanqayn qoto dheer oo dhiirran taas oo ku saabsan sida nolosha casriga ahi wax u yeedhiso. Waxa uu arrintaas ka soo gelaayaa xidhiidhka laba saaxiib oo dhallinyaro ah oo ka shaqeeya qashinka, kuwaas oo naawilaya in ay kor ugu biibaan jaranjarta bulshada. Filinku wuxuu isku xidh ku samaynaya buuraha qashinka iyo nadaafadda ruuxda, musuqmaasuqa iyo awoodda lagu dhawrayo ballamaha; halkaas oo Ismaaciil — oo uu jilitaankiisa ku guulaystay Kamal Burak Alper, Abaal-marinta Jilaaga — waa nin daacad u ah saaxiibkii, balse ogaanaya in musuqmaasuqa ka socda nidaamka ay u adeegayaan uu mar horeba ku dhex milmay saaxiibtinimadooda iyo naftiisaba.
Waa dad ka socda dunida hoose, kuwaas oo aanay u lahayn wax farqi ah sida ay ula dhaqmaan bani’aadamka iyo qashinka, iyo dagaallo kooxeedyo shineemadu marar badan soo bandhigtay, hase yeeshee filinku si xeel dheer ayuu uga dhiganayaa arrintaas albaab lagu muujiyo sida nidaam musuqmaasuq ahi ugu dhex milmi karo xidhiidhada bani’aadamka xitaa kuwa ugu adag, isagoo muujinaya in saameynta qashinka aan dib loo warshadayn karin aanay ku koobnaan doonin oo keliya dabeecadda la kharribayo, balse ay u gudbi doonto dadka iyo goobahaba. Filinku wuxuu adeegsanayaa luuqad muuqaal ah oo mararka qaar xoogga saaraysa isbarbardhigga u dhexeeya quruxda dabiiciga ah ee xeebta iyo dhaawaca uu aadanuhu u geysanayo.
Filinka “Kuwa Foodhya Marka Gabbalku Dumo” (Those Who Whistle After Dark, 2025) ee Pınar Yorgancıoğlu wuxuu ka hadlayaa rooxaanta riyooyinka, jaanisyada la dayacay iyo nolosha madhnaanta qalafsan ku dhex leh Turkiga casriga ah. Waxaa jirta gabadh qoraa ah oo shaqo la’aan ah — Inci Sefa Cingozs, oo ku guulaysatay Abaal-marinta Jilitaanka — taas oo isku dayaysa qolkeeda isku go’doomiso, ciyaaraha fiidyowgana isku mashquuliso, si ay uga baxsato mustaqbal aan caddayn iyo culayska xaqiijinta riyooyinka hooyadeed oo kalkaaliso caafimaad ah. Waxaa kale oo jira aabbeheed, oo la tacaalaya nolosha kadib marka uu ka fadhiistay shaqadiisii ahayd matxafka taariikhda dabiiciga ah.
Filinku, isaga oo isku dayaya inuu ka baxo qaabka dhaqameed ee sheeko-tebinta, wuxuu ku darayaa curiye ka baxsan dabeecadda oo u taagan astaan duur-xul ah, waa rooxaan daba socota nolosha iyo mashaariicda dadka. Hase yeeshee, curiyahaasi si riwaayadeed looma sababayn. In kasta oo agaasimaddu keentay jilayaal si fudud loola falgeli karo iyo bandhig shineemo oo si fiican u dhisan, haddana filinku waxa uu u janjeedhay ku-tiirsanaanta wada-sheekaysiga, halkii uu mararka qaar ka adeegsan lahaa aamuska oo mararka qaar noqda habka ugu saameynta badan ee wax lagu muujiyo.
Filinka “Sida Nolosha” (Bir Arada Yalniz, 2025) ee Ali Vatansever ayaa isku daraya dhowr arrimood, laga bilaabo cudur halis, doodaha ku saabsan dhimashada naxariista ah, doorka aaminaadda dadweynaha, diinta iyo saamaynta baraha bulshada ee nolol maalmeedka qoys dabaqadda dhexe ah. Wiilka buka iyo hooyadii waxay ku milmeen dunida baraha bulshada halkaas oo ay ku cabbiraan welwelkooda. Wiilku waxa uu ka cararaya xanuunkiisa, halka hooyadu tahay qof caan ka ah baraha bulshada oo loo yaqaan “Hooyada La Dagaallanta Kansarka.” Si joogto ah bay uga sheekaysa xanuunka wiilkeeda iyo dadaalkooda ay kula jiraan, taas oo muujinaysa sida gebi ahaanba baraha bulshadu bannaanka u soo dhigtay wax kasta oo qof u qarsoonaa maanta.
Aabbuhu, dhankiisa, baska dugsiga ee uu ku shaqeeyo ayuu u beddelayaa qol muuqaal ahaan bilicsan, wuxuuna wiilkiisa ula baxayaa safarkoodii ugu dambeeyay, isagoo ugu dambayntii wakhti qiimo leh la qaadanaya wiilkiisa, waxa ayna is arkayaan in ay yeesheen xidhiidh wanaagsan. Marar, filinku waxa uu ku hallaabay sheeko-tebin kala daadsan, taas oo hakad ka gelisay isku xidhnaanta guud. Tusaale ahaan farriimaha faraha badan ee ay hooyadu sida joogtada ah ugu faafiso baraha bulshada, iyo xidhiidhada ay la leedahay deriska, waxay dhalinayaan jahawareer dhinaca sheeko-tebinta ah. Kadibna, si lama filaan ah ayuu dhammaadku isugu beddelayaa filin safar waddo ah, inkasta oo qaybtaasi lafteedu noqotay qaybta ugu wanaagsan filinka.
Filinka “Iftiinka Qorraxda” (Heard the Yellow, 2026) — oo ciwaankiisa Ingiriisigu noqon karo “Dhageyso Midabka Huruudda” — ee Banu Sıvacı, wuxuu ka dhacayaa tuulo qayb ka mid ah la faaruqiyey, sababo la xidhiidha jilicsanaanta ciiddeeda iyo khatarta ah in ay burburto. Tagtadii ayaa dib u soo laabanaysa isla marka ay ku soo noqoto Suna tuulada; waa fannaanad magac ku yeelatay magaalada, balse u timid inay dib u furto xisaabtan kala dhexeeyey qoyskeeda iyo dadka deegaanka.
Suna weli kamaysan xoroobin xusuustii hore, maadaama ay aaminsan tahay in walaasheed ku maqantahay gacanta ninkii qabay, halka dadka idil ahaantood rabaan in arrintaas la aaso oo la illoobo. Rabitaankeeda ah in ay mar kale soo nooleyso arrintaasi ayaa dhalinaysa dhibaatooyin kale oo dheeraad ah. Dabeecadda Suna iyo nolosheeda magaaladu waxay ahayd mid qarsoodigu hadheeyey, halka sheeko-tebintu diiradda saartay socdaalladeeda ay ku wareegayso tuulada, sidii oo ay rabto in ay marlabaad dib u barato dadka iyo goobaha.
Waxay waqti badan ku bixisay raadinta bisaddeedii luntay, iyada oo aan wax natiijo ah ka gaadhin. Inkastoo filinku muuqaallo badan u huray arrintan oo mararka qaar u muuqata wakhti lumis, haddana sawiridda jawiga tuulada — oo ay ku huursan khilaafaad iyo taariikh madow oo qof walba doonayo inuu qariyo — iyo guusha atariishadda koobaad ee matalaadda qof ku soo laabtay ciideedii balse isku dhex arkaysa gudaha dalkeeda iyo deegaankeedaba sidii qof qalaad, ayaa dhimay guuldarrooyin badan oo filinka ku jiray.
Waxa laga soo turjumay halkan