Tuesday 11 November 2025
Waa 21-kii Oktoobar, maalintkii xuska Kacaankii Soomaaliya, marka la raaco haloosigii taliska, dhab ahaanna waa maalinta ay askartu u dabbaaldegi jirtay xukunkii Soomaalida ee ay boobeen 21-kii Oktoobar, 1969-kii. Waa maalin dabbaaldeg loogu talagalay laakiin, haddana, waa maalinta ugu cabsida badan askarta taliska ee loo dabbaaldegayo iyo dadweyneha sida qasabka ugu dabbaaldegayaba, marka la eego sida wayraxa u eeg ee dadka loo baadho loona bahdilo, si loo hubiyo badqabka hoggaanka taliska. Maalintaas, iyo waxa ay u taagan tahay oo dhan, ayaa uu Ibraahin-Hawd oo ah qoraa iyo fikiryahan Soomaaliyeed, ku soo koobayaa sheekadiisa gaaban, se macnaha ballaadhan, ee uu u bixiyay: Aroortii Cagajiid la Qafaashay.
Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay nin aad u dabci wanaagsan oo sirmaqabe ah, haddana aad u karti xun, sida Qaranka Soomaalida, oo lagu magacaabo Cali Wacays Looye kaas oo kartidarradiisa loogu naaneysay Cagajiid; waxa uu isku darsaday kartixumo, dhugmo la’aan iyo in aanu dhayalsi, haddana ma ahayn qof xun oo dabcigiisa, kaftankiisa iyo dheeldheelkiisa lagu qoslo ayaa lagu wada jeclaa intii uu ku jiray xerada carbiska ee ‘Gurmadka Qaranka’ ee rafaadka iyo bahdilka lagu joogo. Dhayalkaas uu ku noolaa Cagajiid, iyo maqaadiir kale oo aan sababteeda la garanayn, ayaa uu ugu dhacay gacantii ay fuleynimadu ka qaadday arxanka ee taliskii askarta Soomaaliya. Aroortii 21-ka Oktoobar oo ay baqa-faraxsanaayeen madaxda talisku, kumannaan dad ah oo qasbanna ay sida dhagaxa madow ee Kacbada u hor marayaan hoggaamiyaha taliska, ayaa ay Duubcastii ilaalada u ahayd aragtay qorigii Cagajiid oo uu tooratooruhu ku taagan yahay! Miyuu isku illaaway? Miyaa loo maleegay? Ma qaddar kale ayaa ka adeegtay? Horta baraad la’aantiisu kama madhnayn eedda, laakiin waxa hubaal ah, sida aanay filashadeeda ku kala baydheen Soomaalidii waagaas noolayd, in noloshii Cagajiid, maaddeedii iyo caajisnimadeediiba, ay burburtay ammintaas uu sida dagan ugu gacangalay mishiinkii ciqaabta iyo dulleynta aadane ee ‘Kacaanka’.
Waxa ay sheekadu ku idlaaneysaa in ay sawirto Cagajiid oo mar dambe ka soo baxay gacantii askarta oo ‘xoroobay’ laakiin sida ay shakhsiyaddiisii u doorsoontay iyo sida uu jidhkiisii u talaxgabayba la moodo Soomaaliyadii ka xorowday Taliska 1991-kii ee in xoroobiddeeda lagu farxo ay beddeshay in laga murugoodo sida ay ku dambeysay. Muddadii ay haysteen waa ay bahdileen oo ay jidhdileen oo ay nafsad-dileen ilaa uu noqday qalfoof qof ka hadhay oo uu jidhkiisu la kuurkuursanayo culeyska nafsad murugeysan.
Aroortii Cagajiid la Qafaashay waa sheeko uu curiyay Ibraahin-Hawd oo ku saabsan nin aad u dabci wacan, haddana aad u karti xun, oo kartidarradiisa lagu naaneysay Cagajiid. Dhugmo la’aantiisa, iyo maqaadiir kale, ayaa uu ugu dhacay gacantii ay fuleynimadu ka qaadday arxanka ee taliskii askarta oo qofnimadiisa doorisay – aroortaasi waa 21-kii Oktoobar
Sheekada Cagajiid waxa uu Ibraahin-Haw ku soo koobay dhacdadii 21-ka Oktoobar, oo dhab ahaan, siyaabo badan loo akhriyi karo. Shakhsiyadda Cagajiid ee ay sheekadu ku socotaa waa mid ka ballaadhan qof iyo dhacdadiis, xilli iyo waayihiis, iyo qoraal iyo fankiis. Mudane Cagajiid waxa uu metali karaa ‘Soomaaliya’ ama ummadda Soomaalida oo la qafaashay 21-kii Oktoobar, 1969-kii. Baraad la’aanta, caajisnimada iyo feejignaan-darrada uu ku sifoobay Cagajiid waxa uu ka keenay qaranka Soomaalida. Waa ummad u badan reerguuraa xoolodhaqato ah oo ku soo noolaaday nolol aad u rafaad badan oo ay kaga samatabaxeen fudeydsi iyo dahanbaab la’aan, umana ay baran nolosha dhegaraha badan ee ‘ilbaxnimada’ oo ay dawladnimadu ku abtirsato. Sidaas ayaa ay aroortii 21-ka Oktoobar, 1969-kii, ugu gacangaleen koox askar ah oo awoodda u hamuumsan kuwaas oo aroortaa xabsiga ku guray dhammaan dadkii metalayay shacabka. Waa dhab oo waa la saluugsanaa metalaaddooda iyo shaqadoodaba waana la durayay daacadnimadooda, waxa kale oo lagu hubay caajisnimadooda iyo dhayalsigooda xun, haddana waxa ay ahaayeen metalayaal sharci ah oo xeerarka iyo dastuurka aqoonsan kuna dhaqma illaa in heerkeeda lagu murmi karo. Ha se ahaato e, askartii uu hoggaaminayay S/Gaas. Maxamed Siyaad Barre waxa ay xidheen dhammaan wakiilladii qaranka, fulin iyo sharcidejinba, iyo mucaaradkii siyaasadeed ee macneha lahaa oo ay galiyeen qolal xabsiyo ah, dadweynihii Soomaalidana waxa ay galiyeen barxad xabsi weyn oo uu magaciisa noqday ‘Soomaaliya’ – dhab ahaan, aroortaas waxa ay askartu qafaalatay Qarankii ‘Cagajiid’.
Muddadii 21-ka sannadood ahayd ee soo bilaabantay 21-kii Oktoobar waxa ay Soomaalidu ku jirtay xaalad ugub ah oo aanay weligood noolaan. Iyaga oo ahaa reer baadiye magaaloobay oo ka dhigan in ay xorriyaddu ku maran tahay dhuuxa noloshooda, waxa ay markan noqdeen dad bahdii laga saaray oo ku jira jeelka damiirka ee dadnimada u daran. Cabsidii lagu noolaa muddadaas waxa soo koobaysa sheekadii caanka ahayd ee ninkii dadka ku maaweelin jiray in uu ku riyoodo taliska oo dhacay ama waxyeelloobay. Isaga iyo dadka ku xeeranba waxa naruuro u ahayd riyadaas, maaddaama oo aanay maalinta cad ku dhicin in ay naawilaan nuxurka riyadaas. Sida ay sheekadu leedahay, waxa ninkaas ku soo ururi jiray dadweyne badan oo maalinba weyddiin jiray waxii uu xalay ku riyooday ee u wanaagsan niyadda dadka, kolkaas oo uu laabtooda ku qaboojin jiray warar riyo ah oo uu kaga dayriyo mustaqbalka taliska. Ka dibna, maalin maalmaha ka mid ah, oo dadkii uu ku jalbeebin jiray waxyiga riyadu ay u soo fadhiisteen, ayaa uu arkay in basaasiintii taliskuna soo dhex fadhiisteen dadweyneha si ay u dhegeystaan sheekadiisa oo kollay gaadhay hoggaanka taliska. Warkii riyada ayaa uu soo dayn waayay maalintaas, ka dibna mid ka mid ah dadkii dawada rejada ka qaadan jiray ayaa weyddiiyay ‘Xalay maxaad ku riyootay?’ isna waxa uu ugu jawaabay ‘Ma riyootay, xalay ma seexatay ayaa ka horreysa.’
Sheekada Cagajiid waxa lagu tusaaleyn karaa qarankii Soomaalida ee kartidarrada iyo dhugmo la’aanta badan la noolaa, oo ay aroortaa 21-ka Oktoobar qafaasheen koox askar ah oo 21-ka sannadood ah ku hayay ‘nabar fuley’, ugu dambeynna sii daayay, 1991-kii, qaran doorsoomay oo aan indhaha la siin karayn, tabtii ay Cagajiid araggiisa uga maageen saaxiibbadii, kolkii la soo daayay
Sheekada ninkaa riyoon jiray, haddii ay dhab tahay iyo haddii ay metalaad tahayba, waxa ay ku fadhidaa xaqiiqooyinkii nololeed ee 21-kii sannadood ee qafaalnaanta oo uu taliskii askartu horumar weyn ka sameeyay cabbudhinta riyooyinka, ka dib markii uu meel ku hubsaday cabbudhinta aragtida iyo fekerka. Kala geddisnaanta laabta qofka Soomaaliga ah iyo badheedhihiisa duleed waxa, isaguna, maanso ku soo koobay abwaankii faylsafuufka ahaa, Maxamed Xaashi Dhamac – Gaarriye, oo sannadkii 1979-kii ku taariikheeyay shakhsiyadda ‘Beerwalihii Afgooye’ waayihii qofka Soomaaliga ah ee u qafaalnaa askartii xukunka boobtay. Gaarriye, waxa u daacadnimo warramay Beerwale oo ka sheekeeyay silica uu ku nool yahay, ee ay isaga iyo adowgiiba ku soo noolaadeen, iyo hagardaamada isugu jirta dhaca iyo hafarka ee uu ku qabo taliska askarta. Waxa uu ku dhabarjabaa beertiisa oo sidii uu gacanta u adeegsanayay ay ciddiyihii baxeen, cidna koombo biyo ah uga ma soo darto webiga duleedkiisa mara ee cirka ayaa uu rejo kaga waraabiyaa – sida ugxanta diinkaan, eegmada ku koriyaa. Marka ay beertii uu ku dhabarjabay soo go’do ayaa ay dawladdu ka boobtaa, iyada oo adeegsanaysa qiilkii ‘hantiwadaagga’ waxana uu talisku soo bandhigaa tacabkiisii oo cinwaan looga dhigay ‘Guulaha Kacaanka Soomaaliyeed iyo isku-filnaanshaha uu gaadhsiiyay qaranka Soomaaliyeed’ arrintaas oo, illaa maanta, Soomaali badan ka gadan. Markii uu in muddo ah u ciil-warramo Gaarriye ee uu uur-kutaallooyinkiisa uga faalloodu, waa iyada ay soo xuuraamayaan dhegihii Aabbaha Kacaanku, goortaas oo uu daarayo cajaladdii uu ku duubnaa haloosiga kacaanka ee qof kaste lagu waajibiyay in uu u guto si sabir addooneed leh. Waxa uu cutubkii hore ee sheekadiisa degdeg ugu soo xidhay farriimo kala-wareeg ah oo uu Gaarriye iyo basaasiinta taliska u kala diray oo uu midda hore cod dheer ku gaadhsiiyay wardoonka, midda xigta uu cod hoose kaga cudurdaartay Gaarriye;
Istaaqfurullee, waa been,
Askartii war-sheekadu
Yay inna afqaadine!
Si aanay war xun uga geyn, waxa uu ugu dhaartay in uu boqolka magac ee ‘Aabbaha Kacaanka’ qaybsanyahay, isaga oo midh u dheeraysiiyay sagaal iyo sagaashanka magac ee lagu baryo Eebbe si dambi-dhaaf looga tuugo;
Aabbaha Kacaankana,
Asmaa’diisa boqolka ah
Waan wada aqaannaa.
Baqihii ay Soomaalidu ku jirtay sannadihii ay Oktoobar oognayd, kuma koobnayn shacabka oo qudha. Dhab ahaan, kooxda xukunka haysata ayaa cid kaste ka baqe badnayd! Aroortii uu Cagajiid soo toosay una soo shaqo tagay fantasiyihii cabsida ma uu qabin baqe la mid ah midka ay qabeen kooxda talisku. Aroortaas, Cagajiid dhoohnaantiisu waxa ay illowsiisay in uu gawaanka kula soo kallaho waxii cabsiga ugu badan ku hayay Maxamed Siyaad Barre. Waa qori uu qarxiye ku taagan yahay. Sidaa awgeed, sina uma uu hoos mari karayn kooxta taliska tooratoore ku taagan qori gaboobay oo uu sito askari shaqo-qaran ah oo dhex socda kumannaan la soo xafidsiiyay magacyada boqolka ah ee ‘Guulwadeha’ lagu dawaafayo maalintan. Sida uu Ibraahin-Hawd ku tilmaamay sheekada, askarta talada boobtay “waa niman baqdinta ay dadkooda ka qabaan aanay soohdin lahayn. Sidaas darteed, waxa ay sameeyaan dadaal kaste oo ay kaga gaashaamanayaan in la laayo.” Dhab ahaan, ficilladooda arxanka darani waxa ay ka unkamayeen baqdinta daran ee laabtooda ku dhidban oo ay si wayrax u eeg kaga falcelinayeen wax kaste oo ay ‘halis’ u dareemaan, dhagarqabena, xitaa, dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa.
Taliska askartu waa ay bahdileen Soomaalida waxana ay dooriyeen shakhsiyaddii ‘Soomaaliga’ iyaga oo ka dhigay qof aanay laabtiisa iyo badheedhiisuna is lahayn. Baqdinta ayaa disha dabciga, laakiin ma ahayn cidda qudha ee baqeha la nool. Waxa dhab ahaan ka baqe badnaa kooxda taliska waana sababta aan gacantooda ugu sheegi karno ‘nabar fuley’
Kolkii indhaha sarbeebta lagu akhriyo sheekada Ibraahin-Hawd, waxa qarankii Soomaalida ee ‘Cagajiid’ la qafaashay aroortii 21-kii Oktoobar, 1969-kii, waxana la soo daayay 21 sannadood ka dib, isaga oo doorsoomay jidh ahaan iyo dhaqan ahaanba, heer ay dadkii ku soo ururi jiray (xilligii boholyowga Soomaaliweyn) ay ka weji qarsadaan in ay arkaan ama u soo hiloobaan. Sababtaa awgeed, qarankii Soomaalidu, dhaliil kaste iyo saluug walba oo uu hore u lahaa, ma noqon midkii niyad-samaanta lagaga sheekeyn jiray, waxii ka dambeeyay aroortii la qafaashay.