Sunday 7 June 2026
Dadka daneeya arrimaha Soomaaliya, waxa u muuqda hir isku mid ah: waa humaag iyo hubanti la’aan sooyaalka siyaasadeed ee dalka lagu bartay. Ilaa hadda lama hubo doorashooyinka dhici doona dhawaan. Raysalwasaaraha xukuumadda hadda joogtaa waxa uu sheegay in ay sannad sii joogi doonaan. Waa run in aanay ahayn markii koowaad ee doorashooyinka Soomaaliya dib u dhacaan. Dib-u-dhac doorasho waxa hore loo soo arkay 2016, mar kalena waa tii la arkay 2021. Se kolkan, xaaladdu waxa ay u muuqataa mid ka madmadow badan sidii loo bartay. Laga soo bilaabo markii la bilaabay hannaanka Federaalka, 25 sanno ka hor, waa markii koowaad ee Soomaalida u kala qaybsan beelo ahaan iyo maamul ahaanba, ay ku kala dhaqmayaan laba distuur iyo laba nidaam siyaasadeed oo gebi ahaan kala duwan. Waxa cad inay waayeen kalsoonidii ay isku qancin lahaayeen iyaga oo wadahadlaya.
Ka sokow in ismaandhaafku la xidhiidho hawlaha doorasho, sidii uu awalba ahaan jiray, markan waxa dheer qodob cusub oo xaaladda sii adkeeyey. Waxa wax-ka-beddel lagu sameeyey distuurkii ku meelgaadhka ahaa, waxaana lagu tiirsanyahay imika distuur cusub. Baarlamaanka Federaalku waa uu ansixiyey distuurka cusub, Madaxweynuhuna waa uu saxeexay, waana mid sidaas dhaqangal ku ah. Waa tallaabo dhalisay in dalku cagaha la galo dhibaato distuur, khalkhalkaasina waa waxa dhaliyey inuu dumo mabda’ii dhinacyada danaha ilaashanayey, oo isku dheellitirayey maamul-goboleedyada iyo Xukuumadda Federaalka, sidoo kalena, xoojinayey kalsoonida ay isku qabaan beelaha dalku.
Muddo dheer ayaa ay xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyaduba ku dedaalayeen in midiba ka kale ku sandulleeyo taladiisa iyo go’aankiisa, se laba qodob baa hor istaagay hirgalidda ujeeddooyinkaas. Ka koowaad ayaa ah hannaanka dastuuriga ah ee saamiqaybsiga maamul ku salaynaya beelaha, hannaankan oo abuuray nidaam dabagal iyo isdheellitirka dhinacyada siyaasadda ku jira. Tusaale ahaan, hannaankani, waxa uu madaxweynaha iyo raysalwasaaraha siiyey awoodo sinnaan ku dhow, arrinkan oo badanka sababa ismaandhaaf siyaasadeedna, uma cuntamo madaxweynayaasha. Saluugga ay qabaan ka sokow, haddana ma jirin madaxweyne ku guulaystay inuu iska furdaamiyo dabarrada haysta, ilaa ugu dambayn Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, uu helay jid uu uga baxo. Waxa uu soo xushay Raysalwasaare u dhibriya, raysalwasaaruhuna waxa uu unkay xukuumad xubnaheedu u badan yihiin xubno baarlamaan.
Madaxweynuhu waxa uu ku guulaystay inuu ka badbaado isku dhaca isaga iyo Raysalwasaarihiisa, Raysalwasaaruhuna waxa uu ka badbaaday laxisaabtan. Dhinac kalena, tallaabadani waxa ay baarlamaanka iyo waaxda fulinta ee dawladda ka dhigtay hal waax, halkii ay noqon lahaayeen laba waaxood oo kala soocan, isna dheellitira. Waxa kale oo ay midaysay danihii Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, arrinkan oo sababay in Raysalwasaaruhu uu lumiyo kalsoonida beeshii uu metelayey, ilaa uu ugu dambayn madaxweynaha ka hadhay.
Madaxweynaha hadda joogaa waxa uu raacay jidkaas, welibana kuma koobsan inuu soo xulo Raysalwasaare taageersan, ee waxa kale oo uu cuskaday distuur cusub oo nidaam siyaasadeedkii dalka ka beddelay nidaam baarlamaan, una beddelay mid madaxweyne. Walow uu Madaxweynuhu ka laabtay wax-ka-beddellada qaar, haddana xilkii raysalwasaarannimadu waxa uu noqday mid aan awood talo lahayn. Waa qodobka dhaliyey in beelaha uu metelo Raysalwasaaruhu ay waayaan awooddii ay xukuumadda ku lahaayeen, kalsoonidoodiina la laabtaan. Waxa intan dheer, Raysalwasaarihii ay u suurogalka ahayd inuu kaalin tiirdhexaad ah ku lahaado xallinta khilaafyada hadda taagani, inaanu bookhan karin maamul-goboleedkiisii.
Waxa intan kasii muhiimsan, in raacidda distuurka cusubi uu khalkhal geliyey nidaamkii federaal, oo Buntilaan iyo Jubbalaanba waxa ay shaaciyeen inay ka baxeen ku midaysnaantii federaalka, iyagoo ka falcelinaya wax-ka-beddelka la sameeyey. Waa arrin ka dhigan in mabda’ii danwadaagnimo gebi ahaan soo dhammaaday, kol haddiiba heerarkiisii kala ahaa kuwo beeleed iyo kuwo qaranba dumeen.
Marka mabda’ii danwadaagnimo meesha ka baxay, waxa keliya ee inoo soo hadhay, ee inta badanna lagu yaqaannay in lagu xakameeyo damaca siyaasiyiinta, jidad cusubna jeexi jiray kolka Soomaalidu ismaandhaaf ah sidan ah gasho, waa beesha caalamka.
Labaatankii sanno ee u dambeeyey, kaalinta beesha caalamku ka qaadato siyaasadda Soomaaliya waxa ay ahayd laba dhinac oo muhiim ah. Marka koowaad, waxa ay ku jireen kaalinta cidda go’aan kamadambays ah soo saarta markasta oo ay waddadu kusoo xidhanto dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyagoo dhexdhexaadin jiray go’aannadooda, mararka lagamamaarmaanka loo arkana soo saari jiray go’aanno, sida in madax laga xayuubiyo xilka, sidii dhacday Heshiiskii Kambaala. Se kaalintani waa ay daciiftay laga soo bilaabo kolkii xukuumaddu ka baxday ku meelgaadhnimada sannadkii 2012. Sidaas oo ay tahay, beesha caalamku weli waxa ay haystaan sharciyad caalami ah, oo la adeegsaday afar sanno ka hor kolkii dalku dhibaato sidan ah galay.
Marka labaad, beesha caalamku waxa ay ku jireen kaalinta dhinac dammaanad ah, iyagoo xaddida saamiga dhinac kaste oo siyaasadeed iyo ciqaabta uu la kulmayo haddii uu saamigiisa ka badsado. Iskuxidhadani waxa ay halmar wada ahaayeen mashaariic horumarineed iyo jid loo maro sharciyadda caalamiga ah. Tusaale ahaan, beesha caalamku waxa ay qirayeen sharcinimada maamul-goboleedyada, xitaa iyada oo sidani Xukuumadda Federaalka kasoo horjeedda, waxaanay kaalmada ka goosanayeen, ama ku hanjabayeen inay ka goynayaan, dhinaca aan dhegaysan soojeedintooda. Xidhiidhadan caalamiga ahi waa kuwa ilaaliya isku haynta dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya, xitaa iyada oo danaha dhinacyadu ay ku jirto in dalka loo kala qaybiyo deegaanno iyo gobollo lagu kala awood bato, sidii dagaal oogayaashii ka horreeyey.
Nasiibdarro se, beesha caalamku hadda ma sii aha dhinaca keliya ee dammaanadda haya. Waxa yimi awoodo gobol, sida Imaaraadka Carabta, Qadar iyo Turkiga, oo dhinacyada siyaasadda ku lugta leh la garab jooga maalgelin iyo hub, iyo xitaa lacago caddaan ah. Kolka la eego saamaynaha ballaadhan ee dhinacyadan iyo aqoonsigii ay Israa’iil dhawaan siisay Somaliland, Soomaaliya hadda waa mid si kasii daraysa ula xidhan siyaasadaha Bariga Dhexe, in ka badan intay ku xidhantahay siyaasadaha Geeska Afrika. Natiijadu waxa ay noqotay in dhinacyadani ku dedaalaan dhabaynta danahooda is hirdiyaya, arrinkan oo dhaliyey in yoolkii beesha caalamku uu wiiqmo, ee ahaa in dib loo dhiso Soomaaliya oo dal midaysan ah.
Hoos-u-dhaca awooddii beesha caalamka waxa kale oo saameeyey arrimo gudeed. Xilli caqabado badan oo maaliyadeed ay ku gedaaman yihiin, horumarka mashruuca dawlad dhiskuna yahay mid gaabis ah, dalalkii deeq bixiyayaashu waxa ay quus ka taagan yihiin jidka siyaasadeed ee dalku qaaday. Waxa kale oo hubaal ah in siyaasadda Trump ee arrimaha dibadda ee ku salaysan “mudnaan siinta gudaha Maraykan”, soona guda galayso joojinta taageeradii Soomaaliya, ay ahayd dharbaaxadii soo afjartay awoodda beesha caalamka.
Kol haddii mabda’ii danwadaagnimo ee ka dhexeeyay dhinacyada siyaasaddu uu dumay, awooddii beesha caalamkuna hoos u dhacday, maxaa loo badinayaa inuu dhaco 15-ka May ka dib?
Waxa jira afar saadaalood oo suurogal ah, hal saadaal oo keliya uun baana rejo wanaagsani ku jirtaa. Sadaasha loo badinayo, rejada wanaagsanina ay ku jirto, waa iyadoo midnimadii dhinacyada dib loo soo celiyo, laguna laabto distuurkii la isku waafaqsanaa, dhidibbadana loo taago doorasho la isla oggol yahay. Se, cidda keliya ee arrinkan ka dhabayn kartaa waa beesha caalamka. Waa run inay beesha caalamku sidii hore ka awood darraysay, haddana, weli waa dhinac leh awood maaliyadeed iyo mid sharci, si ay dhinacyada u cadaadiyaan, siiba madaxweynaha.
Saadaasha labaad, waa iyadoo la iska garab dhiso laba xukuumadood. Qaar ka mid ah murashixiinta mucaaradku waxa ay soo bandhigeen inay rabaan inay qabsadaan doorashooyin beddel u ah kuwii xukuumaddu qaban lahayd. Se go’aankani waxa uu wajahayaa laba caqabadood oo waaweyn: marka koowaad waa maalgelinta doorashadaas, caqabadda labaad ee sii halista badanina, waa heerka dhinacyada mucaaradku ku heshiin karaan doorashadaas. Tusaale ahaan, ma cadda dheefta Buntilaan iyo Jubbalaan ay ka helayaan doorashadaas beddelka ah.
Saadaashan labaad waa ta innagu hoggaaminaysa saadaasha saddexaad, oo aan ku magacaabi karo u kuurgal iyo dhawrid. Xilli murashixiinta mucaaradka ah ee Muqdisho ay dhawaan carin doonaan maamulka talada haya, madaxda Buntilaan iyo Jubbalaan waxa ay dooran karaan jid ah dhawrid iyo ka war sugid, waana qaab u eg sidii ay sameeyeen haldoorkii gobollada waqooyi-bari, kolkii Cali Mahdi iyo Caydiid ay ku kulmeen Muqdisho, ka hor intaanay go’aansan inay maamul-goboleed u gaar ah samaystaan, oo ah Buntilaan, kaas oo ay yagleeleen siddeed sanno ka dib kulankaas.
Hannaankan ka war sugidda iyo u kuurgalka ah laftiisu waxa uu dhali karaa laba saadaalood oo suurogal ah: ta koowaad, waa iyadoo haldoorka Muqdisho ay heshiis gaadhaan, Buntilaan iyo Jubbalaanna la waafaqsanyihiin. Suurogalnimada labaadna, waa iyadoo xaaladda Muqdisho ka taagani keento dagaal sokeeye oo dheer oo Muqdisho ka dhaca, arrinkan oo sababaya in Buntilaan iyo Jubbalaan ay madaxbannaani doortaan.
Waa arrinkan igu hagaya saadaasha u dambaysa, oo aan ku magacaabo “dhibaatadii 1991-kii”. Kolkii dawladdu duntay 1991-kii, laba arrin baa dhacay. Marka koowaad, dagaallo hubaysan oo u dhexeeyey jabhadihii ku dirirayey maamulka iyo sharciyadda oo Muqdisho ka socday. Arrinka labaadna, waa in Jamhuuriyadda Somaliland ay shaacisay inay midnimadii ka baxday. Labada arrinna waa kuwo suurogal ah oo aan la fogaysan karin 15-ka May ka dib. Marka koowaad, Muqdisho waxa ka buuxa hub gacmaha shacabka ku jira, sida mucaaradku mar walba xuso. Marka kalena, nidaamka Muqdisho ka jiraa waa mid ka dhashay taageerada shacabku u hayo maamul sharci ah, in ka badan inta nidaamkani jiritaanka ku samaystay awood ciidan.
Arrinka labaadna, in Jubbalaan iyo Buntilaan ay ka goostaan Soomaaliya waa habka ugu fudud ee ay kula gorgortami karaan Muqdisho, kol haddiiba nidaamkii federaal dumay, indhaha beesha caalamkana kusoo jeedin karaan. Goosashadooda aqoonsi caalami ahi kuma xigayo, se haddana waa xaalad jaadgoonni ka dhigaysa oo dunidu sidan kula dhaqmayso, siiba xilli dalka inta kale dagaal sokeeye uu cagaha la galay. Waxa intan dheer, in labada maamul-goboleed, ay cudurdaar ka dhigtaan in Muqdisho ku horrayso ka bixitaanka midnimadii kolkii ay dastuurkii beddeshay, dooddan oo taageero bulsho u keenaysa. Xaaladan iyo xisaabahan marka la isku geeyo, soo laabashada sinnaariyadii 91-kii oo weliba kasii kakan, waa mid ka suurogalnimo badan sida dad badani moodayaan.
Wax kasta oo dhaca 15-ka May ka dib, Soomaaliya sidan hadda ma ahaanayso. Maamulka hadda dhammaadka ku dhow, muddo-xileeddiisan iyo tiisii ka horraysayba, waxa uu xaqiijiyey dhabnimada cabsida laga qabo cabudhin, boob iyo dil magac dawladeed lagu gaysto. Xukuumadda Muqdisho waxa ay doorbidday inay qalalaase iyo gacan ka hadal kula dhaqanto dawlad-goboleedyada, sidii ka dhacday Jubbalaan, dhawaanna ka dhacday Koonfur-Galbeed. Cunfigu waa waxa soo dedijyey isku soo dhawaanshaha Israa’iil iyo Somaliland. Dhinaca kale, maamullo kale, sida Buntilaan, waxa ay dareemayaan in xaaladdii Siyaad Barre oo kale soo laabato. Arrinkani waxa uu ku riixayaa maamul-goboleedyada inay tanaasul awoodeed ka helaan Federaalka, ka hor intaanay awood jujuubta ku noqon.