Skip to main content

Monday 23 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

10 Go’aanada Sannadka Cusub ah oo aad Falaasifada ka Ergisan karto

4 January, 2025
Image
Nietzsche
Taalada Nietzsche ee Jarmalka ku taagan.
Share
1: Maalin kasta soco

“Wax kasta oo kale oo jiraba, ha waayin awooddaada rabitaan ee socodka. Maalin kasta horaan uga socdaa xanuunnada iyo wax kastoo i dhibaya. Waxa aan u socdaa gaadhitaanka fikradahayga ugu wanaagsan, mana garanayo wax ka dhib badan in qofku waxyaabaha qaar hore uga socdo, se dhaqdhaqaaq la’aantu waxa ay kuu sii dhawaynaysaa xanuunka, haddii se qofku hore u socdo, wax kastaaba sidii la rabay ayay noqonayaan”. Soren Kierkegaad

Kierkegaad oo nolosha wax badan ka werweri jiray, waxa uu joojinta werwerkiisa kaga gabbaday socodka. Haddii socodku u suurogali waayana, waxa uu isku deyi jiray in uu dhibtiisa ku faahfaahiyo qoraalladiisa.

2: Aamin in aad deegaankaaga ka tirsantahay oo aad kaalin ku leedahay

“Waxa aan ku dedaalay in aanan ka maadsan dhaqannada iyo falalka dadka, ee aan taas beddelkeeda fahmo. Ujeedkan awgii ayaan u kuurgalay dareennada, sida jacaylka, nacaybka, cadhada, hanka, damqashada iyo dareennada kale. Kama eegin dhinaca xun, se waxa aan ka eegay in ay yihiin tilmaamo is dhammaystira waxna dabada ku haya. Dhaqanka qof sameeyo, ama waxa uu dareemaa waa kuwo leh sabab oo ay tahay in ay deegaanka ku fahanno”. Spinoza

Spinoza waxa uu aaminsanyahay in ficil kasta oo aadamuhu sameeyaa leeyahay sabab toos ah oo la arki karo ama la baadhi karo. Haddaba, marka aad heshid sababta qofkaas ku kalliftay ficilkaas, sida cadho, gacan ka hadal, werwer ama murugo, waxa fududaanaysa in aad fahantid dhaqankiisa waxa ka danbeeya, waxaana suuragalaysa in aad u dulqaadatid gefafka dadka ka dhaca oo aad fahantid.

3: Isku day in aad u noolaatid sida biyaha

“Dadka waxa ugu wanaagsan kuwa sida biyaha ah, dadka kale waxbay taraan, tartanna ma galaan. Waxa ay degi karaan meelo dadka kale ka khashaafayaan. Waxa ay sameeyaan nafhur oo dadkay iska horraysiiyaan. Isdhul dhig ayay ku tilmaamanyihiin iyo dareenno qotodheer, waxa ay jecelyihiin dhibirsanaanta iyo nabadda, waxaanay jecelyihiin hadalka runta ah. Jidka toosan bay rabaan, wakhtiga habboona waxbay sameeyaan. Dadkaasi kol haddii aanay cidna tartan kula jirin, cidhiidhiga iyo buuqa dadka kale ma dhibo”. Laozi

Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa biyaha sida fudud jidkooda ku mara ee saafiga ah, markastana cusboonaada.

4: Noloshaada iyo aaminaadahaaga u hubi si joogto ah

“Nolol aan hubin iyo baadhid lagu samayn uma qalanto in la noolaado”. Socrates

Socrates waxa uu ku talin jiray in aaminaad kasta, xitaa haddii dadku ka simanyihiin, la iska hubiyo, qofkuna go’aamiyo wixii sax ah iyo wixii khaldan. Mararka qaar dadka waxa uu ka codsan jiray in ay u qeexaan dhaqan wanaagsan, sida geesinnimada, si uu u ogaado in dadka dhaqankaas aaminsan wanaaggiisu aanay fikradba ka haysan waxaas ay ammaanayaan. Dhinaca kale, nolosheenna ma toosin karno haddii aynaan hubin joogto ah samayn.

5: Bil kasta buug cusub akhri

“Baraahimadu ma laha xoolo, dahab iyo hanti kale, waxbarashada ayaa hanti u ah” Buudha.

Baraahimadu waxa ay ahaayeen barayaasha Hindidii hore iyo rag ay weyneeyaan, ilaa haddana waa koox jirta. Waxa ay ahaayeen dabaqadda ugu sarraysa bulshada. Halkii ay xoogga saari lahaayeen lacagta iyo arrimaha dunida, waxa ay maalgashadeen waxbarashada iyo aqoonta, waana sababta Buudha u sheegayo in ay waxbarashada ku badhaadheen, oo dhaqankaas lagaga daydo.

6: Wakhti badan la qaado saaxiibbadaa

“Saaxiibka ugu wanaagsani waa ka danta uu qofka la rabo aan ujeeddo kale ka yeelan”. Aristotle

Aristotle waxa uu aaminsanyahay in saaxiibtinnimadu lagamamaarmaan u tahay nolol wanaagsan, hase ahaatee, saaxiibbada oo dhammi ujeedkan ma oofiyaan. Aristotle waxa uu dejiyey hannaan saddex geesood ah si loo fahmo saaxiibtinnimada, saaxiibtinnimada ugu heerka sarraysa, dadkuna wada rabaan, waa ta labada qof si badhaxtiran u dhexmarta, ee aanay dano gaar ah isku gaadhayn.

7: Dedaal ha ku bixin noqoshada qofka dadku filayaan, ku dedaal se qofka aad rabtid in aad adigu noqotid.

“Noqo qofka aad adigu tahay”. Nietzsche

Nietzsche oo lahaa fikrado kale oo aad u soo jiidasho leh, waxa uu aaminsanyahay in wax ka xumi aannu jirin in qofku noqdo “dameeri dhaan raacday” aan jiho gaar ah lahayn. Waxa uu ku talinayaa in qofku go’aannada noloshiisa lahaado oo uu ka dhabeeyo.

8: Maalin kasta horumarka ku dedaal

“Heerka aynnu hadda joognaa waa natiijada wax aynnu si joogto ah u samaynnay. Kolkaas, horumarku fal la sameeyo maaha ee waa dhaqan”. Aristotle

Wanaagga la gaadho waxa uu Aristotle u arkaa xirfad la joogteeyo inta la noolyahay. Heer aad higsanaysid in aad gaadhid waxa ay ka dhigantahay in wax cayiman joogtaysay samayntiisa, sidaas darteed, mar ama laba heerka aad rabtid ku gaadhi maysid, ee waa in aad dhaqan ka dhigatid samaynta horumarkaas.

9: Aqbal isbeddelka

“Suurogal maaha in aad laba jeer ka tallawdid isla biyihii webiga marayey”. Heraclitus

Heraclitus waxa uu ahaa faylasuuf Giriig ah oo Socrates ka horreeyey, waxaanu ku dooday in wax kastaa si joogto ah isu beddelaan. Keliya isma beddelayaan biyaha soconaya ee webiga aad markii hore ka tallawday, ee waxa kale oo isbeddelaya adiga. Haddaba, halkii aynnu xoogga saari lahayn ka werwerka waxyaabo aan negaanayn, waxa roon in aynnu aqbalno in wax kastaa mar uun meesha ka bixi doono.

10: hoggaanka noloshaada adigaa leh

“Noloshaada maanta beddel, mustaqbalkana ha ku xidhin. Joogtada falka ku dhaqaaq, dibna ha u dhigin”. Simon de Beauvoir

Falsafadda Wujuudigu waxa ay dhigaysaa in aynnu dhammaan ka masuulnahay waxa aynnu hadda ku sugannahay iyo waxa aynnu noqon doonno mustaqbalkaba. In isbeddelka wakhti dambe la sugtaa waa go’aan aad qaadan kartid, se waa go’aan kaa hor istaagi fursado aad hadda haysatid.

 

Maqaalkan waxaa laga soo turjumay Big Think.